SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Somalia:Ma taqaan wajiyada ku cusub masraxa siyaasadda?!!

Abdi Aziz Ahmed Gurbiye,
Commentator, B.A. in Mass Media,Cairo.Egypt.
Email: gurbiye@hotmail.com

      Dhamaan warbaahinta gudaha iyo dibadda ee maqal,muuqaal iyo qoraal-ba aad ayey ugu mashquuleen maalmahan waxyaabihii Somaliya ka dhacay bilihii lasoo dhaafay sida Maxaakiimta iyo H/kooxeedkii,Maxaakiimta iyo T.N.G-da ,Muqaawamada reer Muqdishu iyo Ethiopia......waxaa la hadal-hayaa dagaal iyo nabad,muxaafid iyo mucaarid,gar iyo gar-darro,guul iyo guul-darro......anigase akhristoow dhinac kale ayaan wax ka arkay ee ii ogoloow inaad ila aragto,waxaan arkay Wajiyo ku cusub masraxa siyaasadda dalka oo ah natiijo ka dhalatay loolankii dhacay bilihii ugu dambeeyay, kuwaasoo raad weyn ku yeelan-doona mustaqbalka dalka iyo dadka,waayo si mustaqblka wax uga ogaato waa inaad akhrisaa waxa taagan iyo wixii tagay. 

   Wajiyadaas waxaan kusoo koobay ilaa Lix:

  1. Siyaasadda Is badal-doonka: Somalia mudadii 16-ka sanoo ee tagay H/kooxeed ayuu dalku u af-duubnaa,dadkuna waa is dhiibeen oo xitaa dulmiga ayey in badan indhaha ka qabsadeen...lakiin maanta waxaa la  tijaabiyay in wax la badali karo,in umadda wax qabsan karto,in xumaanta lagu gadoodi karo,arintan dhacday waxay aqristoow wax ka badali-doontaa Mustaqbalka dalka iyo dadka sanadaha soo socda.
  2. Siyaasadda In laka adkaado: mudadii 16-ka sano ee tagay,dagaalo joogta ah ayaa dalka ka  socday,naf iyo maal ayaa lagu  waayey,arinta la yaab leh dagaaladaas cidna kuma adkaan  jirin oo sheekada waxay ahayd"jug jug meeshaada joog",hadase marxalad cusub ayaa la galay oo ah in ciddii rayso reerka u harto,arintan waxay wax ka badali-doontaa mustaqbalka dadla iyo dadka.
  3. Siyaasadda Xulufo isu daacad ah: mudadii 16-ka sano ee tagay,waxaan usoo joognay xulufo ama is-bahaysiyo ku midoobay oo kaliya"Cadowgaada Cadaogiisa waa Sxb-kaa",isku ujeedo ma ahayn,dhabarka ayey iska toogan jireen,si fudud ayey u bur-buri jireen,lakin waxaa haatan soo baxay xulufo is dhaarsatay,isu dhimanaayo,waxaa tusaale kuugu filan Maxaakiimtii iyo xitaa xulufada haatan maamulka la wareegay....,arintan waxay wax ka badali-doontaa mustaqblka dalka iyo dadka.
  4. Siyaasadda wax qabadka: horay waxaa u jirtay lug-gooyo iyo in cidii meel qabsato ay dumiso inta taagan,shirqoon iyo dib usocod ka talin,haatanse waxaa soo if-baxay in kooxdii maamulka la wareegta wax dhisaan oo amniga soo celiyaan,ilaha dhaqaale furaan.....arinta waxay saameen ku yeelan-doontaa mustaqbalka dalka iyo dadka.
  5. Qabyaaladii oo laga adkaaday: sanadihii tagay aqristoow hadii fikir midkuu ha ahado sida diin aman Calmaani..marba haddii Qabyaalad iyo Fakir isku dhacaan waxaa guulaysan jiay qabiil ama qabyaalad,waxaase haatan soo if-baxay in qabyaaladda laga adkaan-karo ama qaab diin ama qaab kale,arintan oo wax ka badali-doonta mustaqbalka masraxa siyaasadda dalka.
  6. Shacab Maskax furan(Flexibility):waxaa arin cusub ah in shacabka si fudud ula qabsado isbadal walba oo dhaca,arintann waa mid kale oo saameyn ku yeelan-doonta mustaqbalka dadlka iyo dadka.

  Abdi Aziz Ahmed Gurbiye,
 Commentator, B.A. in Mass Media,Cairo.Egypt.
Email: gurbiye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2007


Sawiro laga qaaday dadka Dhaawaca ah ee ku jira cisbitaalka keysaney ee Muqdisho...

Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com


SIPJ oo Reer Minnesota oo ugu Baaqay in si Nabad isu Hortaagaan Xafiiska Sen. Coleman...

English Version: Read Here....

SIPJ (Somali Institute for Peace and Justice Minneapolis, MN) waxay reer Minnesota ugu baaqayaan in ay u istaagaan nabad iyo caddaalad dhammaan, si taas loo muujiyona waxay dadweynaha ugu yeerayaan in ay yimaadaan xafiiska Sen. Coleman hortiisa oo ay si nabad ah isu hortaagaan xafiiska si ay u muujiyaan dareenkooda.... goorma: May 4, 2007. Waqtiga: @ 2:00pm... XEGGEE... EEG HALKAN...
 

 
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com