GABAY::: Garanwaayey
Waxaa qoray:m.m.farah.
fbulay101@hotmail.com
Gabaygan kooban wuxuu qoraagu tiriyey xiligan
qalafsan ee ay ku jirto ummada soomaaliyeed.wuxuuna isugu jiraa guubbaabo iyo
duco ay ku dheehantahay cabsho uu qoraagu Rabi ku weydiisanayo in uu u gargaaro
dalka iyo dadka soomaaliyeedba kana qabto qof kasta oo aan u soo wadin wanaag
mid aduun iyo mid aakhiro toona.wuxuuna yiri:
- Geediga la raray iyo ragaa guudka sare
fuulay.
- Waxay goobayeen waa inay horumar
gaadhaane.
- Geedkey soo dhiseen waa kan gaamuraye.
- Ganbuu u soo baxshoo gooste mirihiisa.
- Gaajay soo mareer iyo guluf colaadeede.
- Golxob iyo waxay xiranjireen gabanti
heyleede.
- Garabkeysa saareen iyo iney gole
fadhiistaane.
- Samadey u guureen oo hadey gala
baxaayaane.
- Guni waa intii gaabisoo geedba aan korine.
- Oon taladaba gorfeyn goor iyo aleyle.
- waa intii samaha geesmartiyo guurti loo
xulaye.
- Waa intii cadawgeeda aan garanin oo gacal
san moodeysa.
- Garanwaayey xaajadan guracan ee sidatan
loo gooyey.
- Guulow Allahayow adaan cid ku gaadheyne.
- Gacmahaanu taagnaye ka gaar geyiga
soomaali.
- Afartaa gantaal aan ridiyo garashadeydii
dheh.
- Afar kalana aan guudka maro saad u
garataane.
- Gabalkaa u dumay ganbada loo xidhiyo
gebiba soomaali
- Gunimada loo gartiyo goofka lagu jiidey.
- Gebagebada laga yeelayiyo gama’a loo
diiday.
- Gumaadkiyo xasuuqiyo waxaa uunki wada
gaadhay.
- Godadka lagu gurayo iyo waxaa badaha
gawriirsan.
- Waxaa meyd gabrane haadu guraneyso.
- Gurmad li’ida loo gartiyo gumuc loo
daadshey.
- Gantaalaha lala dhacaya iyo gaajiyo
haraadba.
- Gacmaha lagula jiro iyo waxaa guuto urur
joogta.
- Gumeysiga lala damciyo gefafka loo
quudhay.
- Golihii amaankuna talay sidan ku gaareene.
- Afrikana hurdadey gashaan laga geyooneyne.
- Lagawaa gadood iyo iney guux isgeliyaane.
- Gobolada carbeediyo kuwii gogoshu noo
keenay.
- Garabkeen ka baxe iyo in ay talo ka
geystaane.
- waxay galabsadeen lama hayoo laga
gudaayaaye.
- Garanwaayey xaajada guracan ee sidatan loo
gooyey.
- Guulw Allahayow adaan cidi ku gaadheyne.
- Gacmahaanu taagnaye ka gaar geyiga
soomaali.
- Afartaa gantaal aan ridiyo garashadeydii
dheh.
- Afar kalana aan guudka maro saad u
garataane.
- Gabanadaad dhashiyo hadaad hooyo gacan
saarto.
- Gaaridii kuu dhaxdana haddaad gogosha
dhaafsiiso.
- Gurigaad dhistana haduu hoos ka gubanaayo.
- Gurgurshaagi reerkana haddaad gawrac ugu
jiido.
- Oo good iyo abees gurada kuu jiifo.
- Gambbaa kuu habboon iyo inaad gegi ka
ooydaaye.
- Goblan iyo waxaad dooneysaa goroftii
ceebeede.
- Gacmahaaga waad eediyo ragaad gudub u
leyneyso.
- Garabkaa baneysaye walee waa lagaa
gudiye.
- Godkii aakhiriyo waxa ku sugi guulihii
jiraye.
- Gashi iyo guul laguma helo gawrac
inankaaga.
- Guna kuma siyaadiyo in aad gaar u
lulataaye.
- Godobay horseedaa iyo gocasho dheeraad
ah.
- Aduun bays go’doon shoo is dhigay garab
la’aaneede.
- Gurmad kuuma soo diro ninkaad guluf wadaag
taane.
- Gabbaad kuuma noqonkaro go’aad gaar u
sidataaye.
- Gaashaan ma noqon karo ninkii tiisi
gaasiraye.
- Garanwaayey xaajadan guracan ee sidatan
loo gooyey.
- Guulow Allahayow adaan cidi ku gaadheyne.
- Gacmahaanu taagnaye ka gaar geyiga
soomaali.
- Afartaa gantaal aan ridiyo garashadeydii
dheh.
- Afar kalana aan guud ka maro saad u
garataane.
- Guushaan heliyo geydhoy hasheenii gebiga
loo fuulay.
- Geesi iyo halyey yaba wixiin haadu kala
goysey.
- Gudcur dumay aleylkii wixii galawgu uu
yeedhay.
- Gaawihii markii loo soo culee nirigti loo
geeyey.
- Godlankii horeetaba Markii gabano ay
deeqday.
- Garaad xumi Ragii gaagixiyey ee dooxay.
- Ee harageedii gubee meelwalbaba geeyey.
- Gudin laba afliyo waxay nagu noqdeen gaade
iyo boobe.
- in ay goolka dhalin waa xaajo aanan
garaneyne.
- Garanwaayey xaajadan guracan ee sidatan
loo gooyey.
- Guulow Allahayow adaan cidi ku gaadheyne.
- Gacmahaanu taagnaye ka gaar geyiga
soomaali..
- Afartaa gantaal aan ridiyo garashadeydii
dheh.
- Afar kalana aan guudka maro saad u
garataane.
- Axmed gurey gool kuu hantiyey Ragaa gaalo
qudhun siiyey.
- Guushii halgameyaasha Ragaa geba gebo ka
soo qaaday.
- Dabkuu shiday darwiishkii Ragaa damiyey ee
aasay.
- Duqadiyo wax garadkii Ragaan cidiba
dooneynin.
- Dalkeeniyo dad keenii Ragaan doolar yare
siistay.
- Doorroneyaashiyo Ragaan diricyo naafeeyey.
- Duunyadeenoo dibjira Ragaan dibada
meeraaya.
- Dumarkiyo caruurtii Ragaan dirirti
gaarsiiyey.
- Dawdar iyo denbiilaba Ragaan darajo
siinaaya.
- Ginigii ay soo helaan Ragaan gaar u
furanaaya.
- Baydhaba Ragaan gabrane guudka fidhanaaya.
- Kitaabkana gacantood geshee gees isaga
leexshey.
- Iyageys gardaadshee cid kale uma
gargaaraane.
- Garanwaayey xaajadan guracan ee sidatan
loo gooyey.
- Guulow Alahayow adaan cidi ku gaadheyne.
- Gacmahaanu taagnaye ka gaar geyiga
soomaali.
Waxaa qoray:m.m.farah.
fbulay101@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2007
Sawiro laga qaaday dadka Dhaawaca ah ee ku jira
cisbitaalka keysaney ee Muqdisho...
Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
SIPJ
oo Reer Minnesota oo ugu Baaqay in si Nabad isu Hortaagaan Xafiiska Sen.
Coleman...
English Version: Read
Here....
SIPJ (Somali Institute for Peace and
Justice Minneapolis, MN) waxay reer Minnesota ugu baaqayaan in ay u
istaagaan nabad iyo caddaalad dhammaan, si taas loo muujiyona waxay
dadweynaha ugu yeerayaan in ay yimaadaan xafiiska Sen. Coleman hortiisa oo
ay si nabad ah isu hortaagaan xafiiska si ay u muujiyaan dareenkooda....
goorma: May 4, 2007. Waqtiga: @ 2:00pm... XEGGEE... EEG HALKAN...


|