WARARKA: MAY 3, 2007
- Qoysaskii ku noolaa dhismayaashii
Dowladdii Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay dib danbe u degaan....
- Magaalada Kismaanyo Oo Daruuro
Colaadeed Dul Hoganayaan
- Dhaqdhaqaaqyada suuqyada magaalada
muqdisho oo dib u bilaabmay
Sawiro laga qaaday dadka Dhaawaca ah ee ku jira
cisbitaalka keysaney ee Muqdisho...
Qoysaskii ku noolaa dhismayaashii Dowladdii
Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay dib danbe u degaan....
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Qoysaskii ku noolaa xarumihii dowlada ee ka
barakacay ka dib dagaaladii ayaa markii ay ku soo laabteen magaalada loo diiday
in ay degaan markale dhismayashii dowlada waxaana lagu war gelinayey in ay
magaalada degaano ka radsadaan .
Arintaan ayaa ka danbeysay ka dib markii ay gacan ku heynta deegaanadaas ay
dowladu la waregtey Wxaana ka mid ah meelaha sida weyn loo hadal haayo rugtii
saraakiisa ama xeradii shiirkole ofishaale waxaana degay oo deegaanno ka
sameystey in badan o shacab ah mudooyinkii ay socdeen dagaalada sokeeye ee dala
ka dhacay,

"Waxay igu amreen inaan ka baxo gurigii aan deggenaa oo ahaa jiingad aan
shiirkole ka dhex dhistay, waxayna ii sheegeen inaan alaabtayda ka rarto, iyagoo
igu yiri, waan burburinaynaa jiingada, waxaana ay ii sheegeen inaanay cidna
halkaan ku soo laabanayn" ayuu yiri C/qaadir Maxamed oo ahaa ruuxaan u warramay
saxaafada .

dhanka kale deegaano kale sida If iyo Aakhiro ayaa la qaba xaafada shirkole
amarka diidmada ah ee lagu so rogey asaxaabtii bilaashka ku deganeyd
dhismayaasha dowlada waxaana dhamaan lagu amray in aysan cagaha soo dhigin
goobaha dowlada dadkaan ayaa siweyn uga cowday arrintaan la soo deristay
mulkiilayaasha ku meel garka ahaa ee dhismayaasha dowlada horey u deganaa ,balse
qaar kood ayaa sheegay in ay dowlada ka codsan doonaan deegaano ay degaan in ay
u qorsheyso ,
"Waxaanu ahayn weligeen dad nabad jecel oo waxwalba ka hormariya nabada ,
waxaanu horay u hilmaanay dhibaatooyinkii dooxada jubba" Odayaasha J/Hoose
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa saan saan colaadeed kaddib markii
madaxdii dowlada Federaalka ee ku sugnaa magaalada Kismaayo ay ku adkaatay inay
soo af-jaraan dhibaatooyinkii magaalada ka dhacay 23-kii Bishii april.
Madaxa Gobolka iyo kan degnmada Kismaayo ee magaalada banaanka uga maqan ayaa la
sheegayaa inay ku adkaysteen inaysan kismaayo ku soo laaban karin , inta ay
magaalada ku sugan yihiin Maleshiyeedyo beeleedyo ay ku sheegeen inay in
qilaabeen maamulkii gobolka ee ay ka talinayeen.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Magaalada Kismaanyo Oo Daruuro Colaadeed Dul
Hoganayaan
Yaasiin maxamed cali (faytin)
Tan iyo intii ay xaalada magaalada kismaanyo ka baxday faraha guutada koowaad ee
dowlada KMG ah ee uu taliyaha ka yahay c/risaaq af-guduud islamrkaana ay gacanta
u gashay milayshiyo beeleed ayaa xiisada kismaanyo marba heer ahayd .
Dadaalo nabadeed oo ay wadeen wasiirka arimaha gudaha dowlada KMG ah maxamud
maxamed guuleed (gacmo dheere ) iyo wafdigiisa oo isugu jiray saraakiil
Ethiopian ah , xildhibaano iyo xubno kale ayaa miro dhal noqon waayey kadib
markii ay milayshiyada hada gacanta ku haysa magaaladaasi ay diideen in
maamulkii col,c/rsiaaq af-guduud dib loogu soo celiyo taasna ay dhinac u arkeen
inay dowladu u xaglinayso .
Milayshiyada gacanta ku haysa magaalada kismaanyo ayaa codsatay in masuuliyada
gobolka lagu wareejiyo xabin kamida beesha sadde islamrkaana aysan sida ay
sheegeen ku heshiin doonin iyaga iyo guutada koowaad ee uu hogaaminayo
col,c/risaaq af-guduud.
Axmed sandheere oo kamida masuuliyiinta milishiyada hada gacanta ku haysa
kismaanyo ayaa sheegay inaysan macquul ahayn in dib loo abaabulo colaad waayo
ayuu yiri hadii anaga iyo afguduud meel laysugu kaayo keeno waa isdilaynaa
colaadana hurimayso marka waxaan dowlada KMG ah ka codsanaynaa inaysan indhaha
ka qarsan arintaan ee ay dib u abuurto nabad .
Sidoo kale ciidamada dowlada KMG ah ee guutada koowaad ee magaalada si xooga ah
looga saaray ayaa dibad meer ku ah deegaanada jubada dhexe iyo meelo kale
,taasoo keeni karta xiisada colaadeed oo ka abuuranta duur ku jirista
col,af-guudud .
Si kastaba ha ahaatee wafdigii dowlada KMG ee uu hogaaminayey wasiirka arimaha
gudaha (gacmo dheere) ayaan weli kasoo ambabaxin gobolka jubada hoose ay sida
laga helayo warar xog ogaal ahina laf cad toobin ku haya.
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Dhaqdhaqaaqyada suuqyada magaalada muqdisho oo
dib u bilaabmay
Dhaqdhaqaayada suuquada xaafadihii ay dagaaladu saameeyeen isla mar ahaataana ku
xirmay ka dib markii ay qaarkood hoy u noqdeen madaafic cuculus ayaa dib u
howlgalay
Inta badan goobihii ay ku ganacsan jireen ganacsatada yar yar ayaa noqday wax
gubtey iyo wax ay la tageenmadaafiicdii la isweydaarsanayey hase yeeshee hada
ayey bilaabeen in ay dib u habeyn cusub ku sameeyaan goobihii ganacsigoodu ku
shaqeyn jirey
Suuqa labaad ee Suuq Bacaad oo ah ee ugu weyn Muqdisho ayaa hada howshiisu si
lixaad leh u socotaa iyada oo waxyeelo aad u balaaran ay ka so gaartey
dagaaladii ugu danbeeyey ee waxaana sib a.an loogu garaacay gantaalo
,hoobiyeyaal ,Bm iyo kuwo kale oo aan muslin ku habooneyn in lagu garaco
Inta badan guryaha suuqaas iyo deegaanada ku teedsan ayaa waxaa laga dareemayaa
sida ay u waxyeeleysay madaafiicdu waxaana Ciidammada Ethiopia, waxaana halkaas
gabbaad ka dhigtay kooxihii ka soo horjeeday Ethiopian-ka ciidammadooda iyo kuwa
Soomaalida.
Sidoo kale waxaa halkiisii ka sii wata howshiisi caadiga aheyd suuqa weyn ee
bakaaraha oo isagu inta badan ka nabad galay masiibadii ku habsatey suuqa ka
da.da yare e suuq bacaad oo isagu in badan oo madaafiic ah lala helay burbur
xoogane uu ka soo gaaray suuqyada ay madafiicdu wax yeelaysay waxaa ka mid ah
suuqa xararyaale ,suuqa tawfiiq ,suuqa xamar jadiid kuwaas o dhamaantood hada ay
ka socoto dib u habeyn aan cidi gacan ku siin kuwaas oo dagaaladii ku wax
yeeloobey
Qaar ka mid ah ganacsatada suuqyadaas ayaa walaac xoogan ka muujiyey sida ay
tahay xaaladooda bini aadan nimo iyo howsha baaxada leh ee sugeysohalka
dadweynuhuna ay ka cabanayaan in aanay heysan xiligaan gobo ay ka adeegtaan oo
musaasib ah soo laabashadoodii ka dib .


Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 / 002521653623
SIPJ
oo Reer Minnesota oo ugu Baaqay in si Nabad isu Hortaagaan Xafiiska Sen.
Coleman...
English Version: Read
Here....
SIPJ (Somali Institute for Peace and
Justice Minneapolis, MN) waxay reer Minnesota ugu baaqayaan in ay u
istaagaan nabad iyo caddaalad dhammaan, si taas loo muujiyona waxay
dadweynaha ugu yeerayaan in ay yimaadaan xafiiska Sen. Coleman hortiisa oo
ay si nabad ah isu hortaagaan xafiiska si ay u muujiyaan dareenkooda....
goorma: May 4, 2007. Waqtiga: @ 2:00pm... XEGGEE... EEG HALKAN...
Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2007


|