Kooxda Mbegathi & Kadeedka Ummadda
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa sebenkii
Daraawiishta ku gabyey
-
“Mar haddaan
waayey calan la ii nashiro tan iyo Nairobi”
-
“Ma waxaan
waayey Nuurkii Alliyo Nabiga jaahiisa”.
-
Cabdullaahi Yuusuf
oo gabaygii Sayidka soo xigtay ayaa yiri:
-
“Mar haddaan
waayey Soomaali mideysanoo ii mashxaradeysa”
-
“Ma waxaan
waayey Madfacii Meyle iyo maato la xasuuqo”
-
“Mar haddaan waayey Muslimintii
Somaali iyo mahurtadii Carabta”
-
“Ma waxaan
waayey Gaal macatab leh iyo manaxe ii muraad qumiya”
-
“Mar haddaan
waayey Madaxweyne Soomaali iyo Maamul hanaqaaday”
-
“Ma waxaan
waayey Maleeshiyada reer tolkey iyo Maamul Goboleedkii”
Taarikhda waxaa laga
bartaa taxanaha isdaba jooga ee dunidu soo martay. Taarikhdu waxay kala
huftaa: halyeeyga iyo habacsanaha, geesiga iyo fuleyga, deeqsiga iyo
buqaylka, waddaniga iyo qaa'inka iyo sifaalaha kalee soo raaca.
Taarikhda Islaamka waxaa ku xusan geesiyaal naftooda u huray hirgelinta
diinta Islaamka iyo rag qeyb libaax ka qaatay fidintaanka diinta. Afarta
iimaan ee mad-habaha ka sokow, waxaa ka mid ah: Bukhaari, Nawawi, Daariq
bin Siyaad iyo culumo kaloo aan halkan lagu soo koobi karin. Sidoo kale
waddamada reer Yurub waxaa ka soo dhexbaxay geesiyaal taallooyin loo
dhisay iyo aqoonyahanno lagu abaalmariyey billadda Noble. Ayaandaaro
taarikhda Somaaliya waa mid liddi ku ah nidaamka dadka lagu qiimeeyo ee
adduunweynaha ka jirta.
Halyeeyga iyo
habacsanaha, geesiga iyo fuleyga, deeqsiga iyo buqaylka, waddaniga iyo
qaa'inka, waxa qura ee lagu kala saaro waa nin reer hebel ah. Halyeeygii
horumarka dalka hirgeliyey iyo habacsanihii gumeysiga u hindiwaasay,
nin kasta waxa uu bulshada ka mudan yahay laguma abaalmariyo, xataa
manaahiijta dugsiyada laguma qoro oo ardayda lama baro hoggaamiye kasta
taarikhdiisa iskudhafan, ammaan iyo dhaliilba. Tusaale: Sheekh Shariif
Sheekh Axmed oo ah geesi gumeysidiid ah iyo Maxamed Dheere oo meel
fagaare ah ka yiri “Ciidanka Xabashida ee shacabka xasuuqaya biyaha iyo
caanaha ayaan ka dabaqaadeynaa, dhaawacoodana waan baanineynaa”. Sida
dhaqanka Somaalidu yahay, Sheekh Shariif iyo Maxamed Dheere markay tolka
dhex joogaan waa laba nin oo Harti Abgaal ah, oo waxba isma dheera
Hoggaamiyaasha daafaha
dunida ku baahsan, intooda badan ilaa xad waxay ku dadaalaan, si ay ku
hantaan kalsoonida shacabka ay madaxda u yihiin inay hormariyaan:
kaabayaasha dhaqaalaha, adeegga bulshada, waxbarashada, caafimaadka,
nabadgelyada iyo wixii soo raaca. Taasi beddelkeeda hoggaamiyaashii
majaraha u qabtay maamulka Somaaliya intood badan waxay ku dadaaleen oo
ay meelmariyeen: dil-dhaca-kufsi iyo gaboodfal kastoo liddi ku ah
xuquuqda shacabka. Waxa laga faano ayaa nin ku faanaa, mas'uul
madaxweyne sheeganaya ayaa had jeer ku faana xasuuqa shacabka
tabaaleysan.
Jeneraal Maxamed Siyaad
Barre waxaa halhays u ahaan jirtay (Maxaa wacay iyo Kacaanka
libineed) wasiirkii aan halhays ka dhigan labadaas eray, wuxuu waayi
jiray xilkiisa oo waxaa lagu sunti jiray Kacaan-diid. Kornayl
Cabdullaahi Yuusuf waxaa halhays u ah (dadka anigaa ugu hub badan iyo
dagaallada sokeeye anigaa billaabay iyo waxaan xariif ku ahay sida
dadka loo laayo). Wasiirada Cabdullaahi Yuusuf ninkii aan halhays
ka dhigan erayada ku wajahan xasuuqa shacabka, xilkiisu qilqiil buu ku
jiraa, taasina waxay keentay in wasiir kasta ku hadaaqo waa in shacabka
argagaxisada ah la xasuuqaa. Bal isweydii sidee baa shacab dhan
argagaxiso ku wada noqday? “Xasuuqa shacabku waa xisaab qoran”
Bal u fiirso erayada ka soo burqanaya: (Sheekh Aadan Madoobe, Cali
Maxamed Geeddi, Maxamed Gacmadheere, Salaad Cali Jeelle, Qanyare &
Qeybdiid iyo Cawil Dhiigsokeeye oo ah Taliyaha ilaalada Cabdullaahi
Yuusuf iyo rag kaloo ka mid ah haykalka dowladda Mbegathi).. Fircoon
ayaa sixiroleyaashiisii ku yiri "haddii aad nabi Muuse ka guuleysataan,
waxaad ahaanaysaan kuwo aad iigu dhow". Sidaas oo kale Kornayl
Cabdullaahi Yuusuf wuxuu kooxdiisa ku yiri "ninka dadka ugu layn og ayaa
gacanteyda midig noqonaya" Baaqaas si firfircoon ayaa loo hirgeliyey oo
waxaa loo tartamey xasuuqa shacabka.. Wadaad werdi raatib ah uruurinaya
oo markii la yabooho CASHARA-10-, inta tusbaxa roga yiraah Megen Alle oo
kale ayaa xarunta Madaxtooyada maanta ka jirta oo Cawil Dhiigsokeeye oo
ah taliyaha Koofiyadcasta iyo Xuseen Idamaal oo ah afhayeenka
Cabdullaahi Yuusuf ayaa tiriya dadka maalin kasta la laayo oo sida
wadaadkii oo kale tusbaxa u roga. Hadallada Cabdullaahi Yuusuf malaha
waxay ka turjumayaan gabay abwaan xigmaawi ah tiriyey oo leh “Ma
ogtahay degmayada cudurrada dilaagaa waa lagu ducaystaa.. Ma ogtahay
degmayada dibida iyo weylaha dameerahaa inoo dhala”
Kooxda Mebaghaati yaa
abuuray? Somaalise ma yihiin? Maxaadse ka taqaan taarikh nololeedkooda?
Su'aallahaan jawaabtoodu waa mid Somaali oo dhan u furan, balse dhowr ka
mid ah aan maqaalkan si kooban ugu xuso:
Kornayl
Cabdullaahi Yuusuf:
Xilligii dagaalkii
qaboobaa, hay'adihii sirdoonka (CIA iyo KGB) waxaa ka dhex socotay
basaasnimo iyo isqaarijin xad-dhaaf ah. KGB waxay ku guuleysatay inay si
hoose u disho (assisination) sarkaal CIA, kun beddesho nin muuqaal ahaan
aad ugu eg oo KGB ah. Sidaas oo kale CIA iyaduna waxay ku guuleysatay
inay disho sarkaal KGB ah, kuna beddesho nin muuqaal ahaan aad ugu eg oo
CIA ah. Xabashidu waa dowlad facweyn oo xadaarad fog leh, waxaana
suurtagal ah inay isticmaashay nidaamka KGB & CIA. Waxaa muuqata
Sirdoonka Xabashidu inuu 1960-yadii diley sarkaalkii la oran jiray
Cabdullaahi Yuusuf kadibna lagu beddeley sarkaal muuqaal ahaan u eg oo
laga keenay gobolka Shawo, sababtoo ah nin dhiig Somaaliyeed ku jiro uma
dhaqmeen habka ninka lagu magacaabo Cabdullaahi Yuusuf oo aan is
leeyahay waa (copy) u dhaqmo. 1980-yadii ayaa shacabka reer Iiraan waxay
aad ula yaabeen naxariisdarrada Ayatullaahi Khowmeyne, kadibana saxafi
reer Iiraan ah ayaa wargeys ku qoray, ninkii Khowmeyni la oran jiray waa
hore ayuu dhintay ee Khowmeyniga maanta na laynaya waa nin KGB ay ka
keentay gobolka Tashkanti oo loo ekeysiiyey Khowmeynigii reer Iiraan.
Hubaal Cabdullaahi Yuusufka maanta waa Amxaar loo ekeysiiyey Cabdullaahi
Yuusufkii Somaaliga ahaa.
Sheekh
Aadan Madoobe:
Marka laga reebo
Ambiyadii Alle doortay, laga soo billaabo Nabruud iyo Fircoon, madaxda
waddamada adduunweynaha, inta badan 90% waxay ku tiirsan yihiin Kuhaan
iyo Sixir. Boqor Xayle Salaalse wuxuu safka hore uga jiray madaxdii
xukunka ku raagtay oo 41 sano ayuu ahaa boqor aan laga daba hadlin.
Qadarta Eebbe ka sokow, sababtii Xayle Salaase xukunka ugu raagay waxaa
loo aaneeyaa kuhaankii iyo ducadii Sheekh Cumar Azhari (Somaali) la
garab istaagay saaxiibki boqor Xayle Salaase.
1991kii markii kooxda
Tigree ay la wareegeen xukunka Itoobiya, Meles Zanawi wuxuu ku hamiyey
inuu xukunka haysto ilaa geeridiisa. Si riyadiisu ku hirgasho
Sixirooleyaasha Itoobiya wuxuu ka doondoonay nin ku xeeldheer hawlaha
kuhaanada (faalka iyo fellega). Itoobiyaankii aqoonta
durugsan u lahaa sixirka, waxay Meles Zenawi u sheegeen Sheekh Cumar
Azhari inuu suurtageliyey xukun ku waaristii boqor Xayle Salaase. Sidaas
awgeed waxay kula taliyeen inuu guud ahaan sinjiga Somaalida, gaar
ahaan faracii Sheekh Cumar Azhari ka raadiyo nin ku xeeldheer
hawlaha kuhaannada.
Meles Zenawi oo
fulinaya taladii sixiroleyaasha Itoobiya, wuxuu u yeeray Kornayl
Cabdullaahi Yuusuf oo ah horjoogaha kooxda Tabcane Tigree, wuxuuna u
sharraxay taladii kuhaannada, kadibna wuxuu ka codsaday inuu degdeg ugu
keeno carruurtii Sheekh Cumar Azhari wiilkii bartay sixirka ee dhaxlay
kutubtii Asaraarta. Kornayl Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ugu
jawaabay carruurtii Sheekh Cumar Azhari, Dr Yuusuf Cumar Azhari kaliya
ayaa ka bartay cilmiga sixirka oo dhaxlay kutubtii kuhaannada, isaguna
aniga ayuu la-taliye ii yahay oo waa gacanteyda midig, asaraarta Dr
Yuusuf la’aanteedna ma shaqeyn karo, balse dadka ku nool dhulka
Koofur-Galbeed ka xiga Afgooye ayaa aad u yaqaan cilmiga sixirka,
halkaas ayaan kaga raadinayaa nin ku xeeldheer cilmiga sixirka.
Kornayl Cabdullaahi
Yuuusf wuxuu si fudud ku helay Sheekh Aadan Madoobe oo ah xeeldheere ku
taqasusay cilmiga sixirka. Sheekh Aadan Madoobe yaraantisii waxaa lagu
magacaabi jiray Aadan Faaldhaw, markuu weynaaday oo lala
yaabay indhasarcaadkiisa waxaa lagu magacaabay Shaydaan Madoobe.
Sheekh Aadan Madoobe markii loo geeyey Meles Zenawi oo la imtixaamay
waxaa lala yaabay burhaantiisa, wuxuuna noqday ninka ugu dhow
sixiroleyaasha ku meersan Meles Zanawi. Sheekh Aadan Madoobe wuxuu Meles
Zanawi u sheegay madaxtinimadiisu inay ku egtahay maalinta dowlad ay ka
dhalato Somaaliya, wuxuuna ka dhaadhiciyey maalinta dowlad Somaaliyeed
oo xor ka ah Itoobiya ay hanaqaado inuu godkiisa qoto oo karfantiisa
tosho. Meles Zanawi subax kasta inta uusan quraacan wuxuu telefoon u soo
diraa Sheekh Aadan Madoobe, wuxuuna weydiiyaa wixii uu yeeli lahaa
maalintaas. Sida qaalibka ah Sheekh Aadan Madoobe wuxuu saaxiibki Meles
Zanawi kula taliyaa maalin kasta inuu dhiig Somaaliyeed daadiyo, sidaas
inay dowladda Tigree ku badbaadi karto, talada Shaydaan Madoobena
sida ay tahay ayaa loo fuliyaa.
Prof Cali Maxamed
Geeddi:
Jabhadii xoreynta
Eretereya si ay ugu guuleysato dagaalkii ay kula jirtay gumeystaha
Xabashida, waxay abuurtay jabhaddii xoreynta Tigree. Afewarke oo halgan
dheer u soo galay madaxweynaha Eretereya ayaa Somaaliya keenay Meles
Zenawi kana wasteeyey oo isku xiray isaga iyo madaxdii Somaaliya.
Dowladdii Somaaliya hub ay ka soo iibsatay Shiinaha oo dekadda Berbera
ka soo degay ayaa la siiyey jabhadii (TPLF) ee Meles Zenawi guddoomiyaha
ka ahaan jiray. Xubnihii TPLF ee Somaaliya joogay dhaqdhaqaaqooda waxaa
lagu jaaday koox NSS ah oo madax looga dhigay Kornayl Maxamed Geeddi.
Mariidka ama waabayda waxaa ugu khatarsan timo la tag ama seddax
saamoodley. Qofka lagu dhufto mariidka halista ah seddax tallaabo kadib
waa dhintaa timuhuna waa ka bidaan. Kornayl Maxamed Geeddi oo ka mid
ahaa raggii ku marqaati furay Salaad Gabeyre Kadiye, wuxuu ahaa nin ku
xeeldheer basaasnimada, qof uu qaniinayna seddax maalmood ka badan ma
noolaan..
Maadaama Maxamed Geeddi
ahaa xiriiriyaha jabhadda TPLF iyo taliyaha NSSta, waxaa isbartay Meles
Zenawi iyo Cali Maxamed Geeddi oo noqday saaxiib far iyo faraati ah.
Cali Maxamed Geeddi oo isaga laftiisa loo qoray adeege dahsoon (NSS) oo
ka soo warbixiya ardayda jaamacadda, waxaa loo xilsaaray inuu soo
ballamiyo guryaha raaxda ee Meles Zenawi u tumasho tago. Burburkii
Somaaliya kadib reer Maxamed Geeddi waxay u guureen Adis Ababa,
saaxiibkood Meles Zenawi ma noqon abaallaawe ku wacadfuray abaalkii
reer Maxamed Geeddi u galeen sanadihii jabhadda TPLF ay Xamar joogtay.
Si fiican ayuu u soo dhoweeyey, reer Maxamed Geeddina wuxuu dejiyey guri
qasri weyn ah oo Adis Ababa ka tilmaaman. Prof Cali Maxamed Geeddi
magaca Itoobiya wuxuu hay'adaha calamiga ah uga helay jago sare oo
qaabilsan xoolaha Geeska Afrika, kadibna si loo cuuryaamiyo dhaqaalaha
Somaaliya oo xoolaha nool ay lafdhabar u yihiin, Cali wuxuu qoray
warbixin uu ku qeexay in xoolaha Somaaliya ay qabaan cudurro halis ah oo
Xumadda Rift Valey ay ka mid tahay. Warbixin Prof Cali qoray
waxay keentay in cunaqabateyn lagu soo rogo ganacsiga xoolaha Somaaliya.
Warbixinta Cali qoray waxaa kaloo loogu dowgalay xoolaha Somaalida in
lagu dhoofiyo magaca Itoobiya.
Prof Cali oo
qaamuuskiisa aysan ku jirin MAYA iyo dullinimadaas Somaaliya ma
qaadan karto, Meles Zenawi aad buu ugu bogay dhego fudaydka Prof
Cali wuxuuna u dallacsiiyey Barasaab ku-xigeenka Somaaliya oo loo
qorsheeyey inay noqoto Kilinka 6aad ee Itoobiya. Prof Cali wuxuu noqday
nin jilicsan oo aad u karti yar, baxaadegga siyaasaddana aan beydna ka
aqoon, wuxuuna ku guuldarreystay hawlahii Meles Zenawi u xilsaaray oo
ahaa in Somaaliya ay noqoto gobol 6aad ee Itoobiya. Xan hoose oo ilo
xog-ogaal ah laga helay waxay tibaaxaysaa, Meles Zenawi inuu dibinta
qaniinsan yahay oo ku calaacalayo bal maxaa doqonkaan micida dheer i
baray.
Nin ugaarsade ah ayaa
dabino dhigtay, maalin waxaa ugu dhici jiray sagaar, maalinna cowl,
maalinna waxba kuma dhici jirin oo waa ku hungoobi jiray. Maalintii
dambe dabinkii waxaa ugu dhacay xayawaan uusan weligi arkin, waa
xayawaan aad u yar balse qurxoon. Ugaarsadihii wuxuu go'aansaday inuu
magaalada u iib geeyo xayawaankaan qurxoon. Afarta lugood ayuu ka xiray
wuxuuna u qaaday dhanka magaalada, intii uu sii socday qofkii ka
horyimaadba wuxuu weydiiyaa magaca xayawaankan. Qof baa ka horyimid oo
wuxuu ku yiri, waxaa la yiraah mukulaal, qof kale ayaa ku yiri
waxaa la yiraah bisad, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah
yaanyuur, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah dinad, qof
kale ayaa ku yiri basho, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah
curre, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah shaambi, qof
kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah durmad, ilaa magacyo toban
gaarey ayaa loogu sheegay. Ugaarsadihii aad buu u farxay wuxuu is yiri
maanta waxaad heshay xayawaankii adduunka ugu qaalsana oo toban magac
leh, maanta ayaad faqri baxday oo gorofta cayrta tuurtay. Markii uu
tegay suuuqii magaalada waa lagu qoslay oo waxaa lagu yiri xayawaanka
aad sidataa lama iibiyo waayo harag iyo hilib toona maleh ee miyaad
waallan tahay maxaad mukulaal beec ah suuqa u keentay. Ugaarsadihii oo
aad u niyadxun ayaa mukulaashii meel ku tuuray wuxuuna yiri magacyo
badanaa oo manaafacaad la'aa. Markii hore Meles Zenawi saaxiibtinimada
Cali Geeddi waa ku farxay, oo wuxuu niyadda gashtay, waxaad heshay Prof
Cali oo Hawiye ah oo ka sii ah Abgaal oo u badan deegaanka Banaadir,
maanta ayey ku toostay oo qorshahii aad Somaaliya ka lahayd ku
meelmaray, balse sida ugaarsadaha oo kale Meles Zenawi wuxuu ku
calaacalay Prof fanax leh barako yaraa, belaayo qabahaan waan ku sirmay,
magac qurxoon oo muunad yaraa.
Maxamed
Gacmadheere:
Anigu waxaan deganahay
xaafadda Huriwaa waxaan u soo shaqo tagaa goob ganacsi oo aan ku
leeyahay suuqa Bakaaraha. Intaan jidka ku soo socdo, dad tiro badan ayaa
wax iga weydiiyaan Maxamed Gacmadheere. Su'aallahooda waxaa u badan, nin
reer Xaaji Suleymaan inuu sidaas u hadlo oo noqdo daciif kaba qaad ah
taarikhda laguma aqoon ee sidee bey ku dhacday? Ma waallan yahay ninku?
Maxaa ka qaldan? Gacmadheer miyaanuu reer Xaaji Suleymaan ahayn? Jawaab
kooban, Maxamed Gacmadheere farac iyo tagoog midna kuma nasab sheegto,
umana dhalan reer Xaaji Suleymaan. Qiyaastii 1950kii, sanad gobollada
dhexe caan ka ah oo loo yiqiin Gugii Roobkii Gabalqariye,
xeebta Hobyo waxaa ku jabtay doon ay wateen dad reer Sirilaanka ah.
Wixii qaraqmay mooyee, dad iyo duunyo wixii ka badbaaday waxaa
bililiqeystay oo qeybsaday reer Hobyo. Somaalidu geela iyo ragga aad bey
u jeceshahay, waxayna ku maahmaahdaa "rag xalaala iyo geel xalaala
midna xero lagama buuxiyo".. Sheekh Maxamuud Guuleed Gacmadheere oo
ahaa Qaadigii Hobyo oo waagaas wiilashu ku yaraayeen ayaa qeyb uga helay
dadkii doonta ka samatabaxay wiil kuray ah oo dadiisu ahayd 10 sano jir.
Sheekh Maxamuud wiilkii Sirilaanka ahaa wuxuu ugu waqlalay Maxamed, si
fiican ayuu u koriyey waxna u baray wuxuuna ka mid noqday carruurtiisa.
Wiilkii doonta laga helay yaraantiisii waxaa lagu magacaabi jiray
Maxamed Sirilaanka, balse Sheekh Maxamuud intii uusan xijaaban wuxuu ka
dardaarmay in laga daayo naaneysta Sirilaanka, sidaas ayuu ugu milmay
reer Xaaji Suleymaan.
Murti baa waxay
leedahay "Soo seexis waa sinji dhaan".. “Soo seexis sixirow ka daran”
"Ninba inta hilibkiisu ku jiro ayaa hiilkiisu ku jiraa"… "Sidig
seedo ma leefto"... Maxamed Sirilaanka beeshii uu magaceeda
mansabka ku helay inuu yiraah waa argagaxiso ee hala xasuuqo waa mucjiso
maanka fayow diidan yahay. Xabaddu dadka ma wada haleesho oo waxbaa ka
fakada, laakiin gaajadu hambo ma reebto. Madaafiicdii Madaxtooyada laga
riday firxadkii ka fakaday oo silica iyo darxum geedaha la jiifa,
Maxamed Sirilaanka inuu isbaaro u dhigto macaawinadii loo weday waa
xaasidnimo ka baxsan aadaminimada waxayna caddeynaysaa bal iska daa reer
Xaaji Suleymaan ee inuusan u dhalan sinjiga Somaaliyeed. Maxamed
Sirilaanka wuxuu ku andacooday in hay'aduhu keeneen raashin dhacay ee
arrintaas maxaa ka jira?
Sideedaba raashinku
hadduu dhaco sun ma noqdo ee waxaa yaraata nafaqada ku jirta.
Taarikhiyan Somaalidu waxay weligeed cuni jirtay badar bakaar ku raagay,
caano dhowr bilood la dhiteeyey oo dhanaan noqday, wax cudur ahna lagama
qaadi jirin. 16kii sano ee dowlad la'aanta (Ganacsatada & Hay'aduhuba)
waxay dalka keenayeen raashin iyo daawo dhacday, qof ku sumoomey oo ku
dhinteyna ma jiro haba yaraatee. Ka rog oo laba saar ! Yaa cilmi u leh
oo caddeeyey in raashinku dhacay? Raashinka dhacay cilmiga lagu baaro
waxaa loo yaqaan (Toxicology). Jaamiciga Somaaliyeed ee cilmiga
(Toxicology) soo bartay waa kuma? Su'aashaan jawaabteeda waxaa
laga rabaa Maxamed Sirilaanka.
Bal aan dib u jaleecno
taarikhda waxbarashada Somaaliya. Gobollada woqooyi ardaygii ugu
horreeyey ee waxbarasho jaamacadeed loo diro wuxuu ahaa Cabdiraxmaan
Tuur. Gobollada Koofurna ardaygii ugu horreeyey ee waxbarasho
jaamacadeed loo diro wuxuu ahaa Cilmi Axmed Ducaale oo hadda ah wakiilka
kooxda Mbegathi u jooga Qaramada Midoobay. Arday Somaaliyeed oo hadda ka
hor soo bartay cilimiga (Toxicology) ma jirin, sababtoo ah wax
baahi dalku uma qabin, taas waxaa daliil u ah, dowladdii Jeneraal
Maxamed Siyaad, baarista tayada raashinka & daawada waxay u xilsaartay
oo qandaraas kula gashay shirkad Switzerland ah.
Nin telefoon iiga soo
diray Yurub wuxuu ii sheegay koox aqoonyahanno ah oo ka damqatay
darxumadii dalka ka dhacday, gaar ahaan xasuuqii Xamar, inay
Gal-dacwadeed ka fureen Maxkamadda Heyg ee qaabilsan dembiyada dagaalka.
Dacwadu waxay liddi ku tahay guud ahaan kooxda Mbegathi, gaar ahaan
shaqsiyaadka haysta Basaboorada Ajnebiga, dadka la dacweeyey waxaa ugu
horreeya:
1..Maxamed Gacmadheere
(Wasiirka Gudaha) oo haysta UK Passport
2..Cabdullaahi Cali Cumar (Taliyaha XDS) oo haysta UK Passport
3. Maxamed Darwiish (Taliyaha NSSta) oo haysta UK Passport
4. Xuseen Idamaal Maxamuud (Afhayeenka) oo haysta UK Passport
5.. Rag kaloo tiro badan, kuwaasoo dembiyo culus dalka ka galay.
Haddaba Wasiirka Gudaha
ee kooxda Mbegathi Maxamed Sirilanka waxaa looga baahan yahay inuu
Maxkamada Heyg (Holland) horkeeno (Toxicolgist) sun-yaqaanka
caddeeyey inaan raashinka la cuni karin, haddii kale waxaa caddaan
doonta dhiigiisa inaan dhibac Somaalinimo ku jirin. Mar kale aan daliil
cad oo la cuskan karo u keeno Maxamed Sirilaanka inuusan dhalasho
ahaan Somaali ahayn. 1978 Heshiiskii (Camp David) ee lagu iibiyey
qaddiyadda xoreynta reer Falastiin, dhanka Carabta waxaa u saxiixay
Anwar Al-Sadaad. Heshiiskaasi walaac iyo niyadxumo ayuu ka abuuray guud
ahaan Muslimiinta, gaar ahaan Carabta waddaniyiinta ah. Sheekh Kishki
ayaa la weydiiyey xukunka lagu qaadi karo Anwar Sadaad. Sheekh Kishki
wuxuu yiri, Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo aqoonta diintu ku yar tahay
ayaa fahmey inaan haba yaraatee wax xiriir ah lala yeelan karin Yuhuudda
Alle nacladay ee sidee baa Anwar Sadaad oo ka soo jeeday Faraaciintii
7da qarni ee ilbaxnimada ah lahayd u aaminay Yuhuud oo heshiis u la soo
saxiixday. Sheekh Kishki wuxuu yiri Anwar Sadaad waa malcuun ka caqli
yar Maxamed Siyaad ee hala dilo, dilkaasna waa lagu fuliyey. Xuseen
Caydiid oo ka mid ah kooxda Mebaghati ayaa adduunweynaha u caddeeyey in
Cabdullaahi Yuusuf si foolxun u gumaaday shacabka reer Banaadir..
Haddaba waa xil dhallaan gartaye, Maxamed Sirilaanka ma Xuseen Caydiid
ayuu garasho liitaa? Xuseen Caydiid malaha wuxuu hidde raacay
halyeeygii dhalay Jeneraal Maxamed Faarx Caydiid. "Xuseen cirriqiisu
meeshuu ka yimid caynadeed noqoy". Farqiga u dhexeeya hadallada
Xuseen Caydiid iyo Maxamed Gacmadheere, waxaa weeye: Xuseen waa dhashay,
Maxamedna waa dhaqmay. Murti baa leh: "Hal aan xerada ku dhalan
haddii koorta lagu xiro geelu waa lumaa".....
Seben hore, nin burcad
oo geel dhacista lagu yaqaan oo lagu magacaabi jiray Cali Barre ayaa
geel ka dhacay culumo meel degan. Nin ka mid ahaa culumada ayaa gabay
kuhaan tiriyey, wuxuuna yiri: "Dad wax iriye waxaan Cali Barrow,
kugu dambeysiiyey".. "Meelaan dab iyo sarrin lahayn doogi kaa qabatay"..
"See waxaad qabtaa culumo deynkeede".. Habarkii wadaadka Alle waa
aqbalay, Cali Barrena waxaa asiibay cudur aan daawo lahayn. Sidaas kale
waxaan leeyahay, Maxamed Sirilaanka beeshii aad xoolaheeda ku soo
kortay, magaceedana aad mansabka ku heshay, haddii aad u ololeynayso in
la gumaado, waa hubaal inay ku asiibi doonto ibtelo dhacarsata faracaga
abid ka abid.
Salaad Cali
Jeelle:
Yaraanteydii gobollada
dhexe waxaan ka maqli jiray sheeko la yiraah Maxamed Baadi oo dhacday
sebenkii gumeysiga Talyaaniga. Sida la ii sheegay 1900kii gobollada
dhexe waxaa ku noolaa nin lagu magacaabi jiray Maxamed Baadi, sida
xoolaha ayaa loo soo hoyn jiray, caqli iyo garasho ma jirin. Maxamed waa
lumay,waxaana la waayey raq iyo ruux meel uu jaan iyo cirib dhigay.
Wiilka ka maqan darti hooyadi ayaa waalli ku dhowaatay, waxayna Axmed oo
ahaa da'dii ku xigtay Maxamed fartay inuusan guriga ku soo laaban ilaa
uu war cad ka keeno xaaladda Maxamed. Axmed siduu u baadigoobaayey
walaalki Maxamed, ugu dambeystii wuxuu magaalada Beledweyne ugu yimid
Maxamed oo loo qoray askartii Baandada oo albaabka ka taagan Barasaabkii
gobollada dhexe oo xilligaas fadhigiisu ahaa Beledweyne. Maxamed walow
uusan caqli barti lahayn, waxaa Eebbe ku manaystay filsami joog iyo
jamaal gole-joosgsi wacan u dheer yahay, muuqaalkii haybadda lahaa ee
Maxamed Baadi wuxuu soo jiitay Barasaabkii Talyaaniga oo sida eeyaha u
tababray kana dhaadhiciyey inuu albaabka xafiiska ka furo, markuu soo
galona salaan qac ka siiyo. Axmed ayaa reerihii ku laabtay, wuxuuna u
sheegay inuu Beledweyne ku soo arkay Maxamed oo loo qoray askeri Baando.
Habeenkii ayaa dhalinyaradii cawska isugu timid ciyaar tunteen, gabadh
ayaa ciyaartii ka booday, waxayna ku maansootay "Markii Baadi Baando
loo qoray, Alla maxaa Baando baahi loo qabay". Sidaas kale waxaan
leeyahay kooxda wasiir iyo afhayeen ka dhigatay Salaad Cali
Jeelle, baahida ay wasiir u qabaan tiro badanaa. Taarikhdii Salaad Cali
Jeelle oo kooban.
Salaad wuxuu ku dhashay
miyiga Jowhar, wuxuuna ka dhashay qoys lo'ley ah. Waayihii uu soo
barbaaray wuxuu xanaaneyn jiray (ilaalin iyo waraabinba) lo'da qoyska.
Sida Maxamed Baadi oo kale caqliga iyo garashada oo ku yar darteed,
yaaraantisii waxaa lagu tirin jiray xoolaha oo waxaa lagu naaneysi jiray
Salaad Dibi.. 1989kii Salaad Dibi oo lo' caanoteel ah ku haya
meel Jowhar u dhow ayaa magaalada u iib keenay dhiil caano ka buuxaan.
Salaad Dibi oo xilligaas jiray 35 sano weligi naag qaawan ma arkin
sababtoo ah gabdhihii geyaankiisa ahaa oo dhan waa diideen oo mid kasta
waxay tiri DIBI guursan maayo. Salaad Dibi oo xasaasiyadda dareenka
ragganimadu ku badnaayeen darteed, hadba gees ayuu dhugtay oo wuxuu ku
indha daraandaray naagihii suuqa joogay, kadibna wuxuu iskudayey inuu
kufsado naag jidka mareysay. Ayaandarro naagtii uu iskudayey inuu
faraxumeeyo waxay ahayd afadii Barasaabka gobolka shabellaha dhexe, isla
markiiba Boliiskii saldhigga ayaa xiray, waxaana lagu soo oogay dacwad
ciqaabteedu tahay 10 sano oo xarig ah. Odayaashii beesha Salaad Dibi ka
dhashay ayaa Barasaabkii baryey, codsigii odayaasha Barasaabka waa
yeelay wuxuuse shardi ka dhigay Salaad Dibi inuu iskaga baxo gobolka,
kadibna Salaad Dibi wuxuu u huleelay xeryihii USC ay ku lahayd gudaha
Itoobiya. Salaad Dibi oo aan dhanna ku fiicnayn waxaa lagu jaaday inuu
jabhadda cuntada u kariyo, dharkana u dhaqo, sidaas ayuu uga mid noqday
jabhaddii USC ee Itoobiya ka soo duushay.
Qeybta Qudaarta ee
Suuqa Bakaaraha waxaa jooga dibi weyn oo madow, wuxuu aad ugu eg yahay
Salaad, malaha waa kii lagu samiyey. Suuqleyda ayaa qad cad feeraha
dibiga kaga qortay Salaad Cali Jeelle. Dibigu waa muhdi dadka ka cuna
qudaarta, si aan ku hubiyo dibigii Salaad lagu samiyey inuu ka badbaaday
xabbihii wiiftada ahaa iyo in kale, shalay ayaan suuqa qudaarta soo
maray, waxaan ku soo arkay dibigii oo weli qolofta mooska cunaya. Marka
la qiimeeyo hadalladii Cabdullaahi Yuusuf soo faray Salaad ee uu dhowaan
kaga hadaaqay goob tolkiis ku shirsanaa, salaad waa dibi aan bari iyo
koofur kala aqoon, wuxuuna la mid yahay Acraabigii isku qalday saca iyo
maroodiga.
Carab reer miyi ah oo
aad u yaqaan luuqada Carabiga balse aan waxba ka aqoon Qur'aan ayaa
magaalo yimid. Masjid ayuu galay, salaad cishe ayuu jameeco ku xirtay,
iimankii ayaa aqriyey Suuratul Baqara, istaagga ayaa ku dheeraaday,
wuxuu ku sigtay inuu salaadda ka baxo, waase dulqaatay. Habeen kale ayuu
masjidkii salaad cishe u yimid, iimaankii wuxuu aqriyey Suuratul Fiil,
ninkii reer miyiga ahaa markuu maqlay (Bi asxaabil fiil)
isagoo fahamsan in maroodi sac ka weyn yahay, wuxuu is yiri, suuradii
saca haddii saqdhexe lagu gaarey, suuradda maroodiga waxay dhammaan
doontaa waaberiga ee meesha isaga tag. Ninkii reer miyiga ahaa oo
Suuratul Fiil oo shan (5) aayadood ah u fahmey inay ka badan tahay
Suuratul Baqara oo 286 aayadood ah ayaa jaahilnimo darteed salaaddii
isakaga baxay.. Salaad Dibi oo fahamka siyaasadda kala mid ah reer
miyigii salaadda uga baxay maroodi sac ka weyn, xantii Cabdullaahi
Yuusuf ku qarsaday ayuu fahmi waayey si loo xafdiyo, wuxuuna uga
hunqaacay meel fagaare ah.
Arrinta Salaad Dibi
waxaan ku soo afjarayaa beyd ka mid ah gabay uu tiryey saaxiibkey Abshir
Bacadle: "Buubaa dilmahayiyo Xuseen waa ka daba tuure" "Dalka
Geedi baa iibsaday Duq iyo Neeflow'e".. Neeflowgu waa Salaad Dibi oo
markuu hadlayo hinraaga... Hinraagii Jeelle habar tukatay dheh...
Hugunkii beesha hayb nacayb tol dheh...
Qanyare &
Qeybdiid:
Sida muuqata Maxamed
Gacmadheere wuxuu si rasmi ah ugu fashilmay xilkii wasaaradda gudaha,
sababtoo ah beesha reer Xaaji Suleymaan 100% waxay si kalsooni leh u
taageertay kacdoonka looga soo horjeedo Tigreega dalka qabsaday.
Haddaba ilo lagu kalsoon yahay xog laga soo xigtay waxay tibaaxaysaa
madaxda Kooxda Mbegathi inay go’aan ku gaartay in xilka wasaaradda
gudaha loo magacaabo Maxamed Qanyare. 1991 kadib sanadihii burburka,
dadka qofba wax buu caashaqay oo jeclaystay, Somaali inteeda badan saar
baa ku dhacay. Sida dhaqanku yahay qofka saarku asiibo waa laga tumaa,
waxaana loo yeeraa madaxda Jinka sida Yoose iyo Maame, Reyfe iyo
Rigaaxe.
Somaalidii saarku ku
dhacay lagama tumin oo weli waa waallan tahay. Qofkii jeclaa inuu beer
fasho wuxuu aaday Dhooboy oo dhul buu bililiqeystay, qofkii jeclaa inuu
naag cad guursado wuxuu aaday Baraawe oo gabar cad ayuu soo kaxaystay,
qofkii jeclaa inuu noqdo sarkaal wuxuu qaatay derajada G/Sare oo suuqa
ayuu gaardiyaa, qofkii jeclaa inuu noqdo Madaxweyne dadka ayuu laayey
wuxuuna ku faanay xasuuqay shacabka, qofkii jeclaa inuu noqdo wasiir
si fudud ayuu ku helay oo dowaladihii ay dhiseen (Cali Mahdi, C/maan
Tuur, Cigaal, Caydiid, C/qaasim, Cabdullaahi Yuusuf, Daahir Riyaale &
Cadde Muuse) waxay wasiir u magacaabeen dad kor u dhaafay 3000 seddax
kun oo qof. Laashin ka shirbay arrinta wasiirada xad-dhaafka ah wuxuu
yiri “dadkaan wareeray waayadaan wasiir ku wacaa wuxuushnimaa”.
Mudane Maxamed Qanyare
wuxuu si miyir la’aan ah u caashaqay jagada wasiirka arrimaha gudaha,
weli maskaxda ayey uga qunfulan tahay oo saarkaas lagama tumin. Maxamed
Qanyare wuxuu caan ku yahay laba sifo oo kala daran oo aan siyaasadda ku
fiicnayn, waa qabyaalad aan joogsi lahayn iyo gebedhaclayn siyaasadeed.
Qabyaaladda madaxmartay Maxamed Qanyare waxay ka soo billaabataa Hawiye
iyo Daarood, waxayna ku dhammaataa labadiisa bahood. Xaaskiisa weyn waa
reer Qardho, xaaskiisa yarna waa reer Ceelbuur, haddii carruurtiisu
diriraan dabcan wuxuu la saftaa carruurta bah Ceelbuur.
1991kii dowladdii Cali
Mahdi dhisay wuxuu ka noqday wasiirka arrimaha gudaha, markii USC
dirirtay wuxuu si xoog leh ula saftay garabkii Cali Mahdi, wuxuu
idaacadda ka yiri, Janankii waallaa (Caydiid) iyo mooryaantiisii waa
laga adkaaday oo waxaa la sii ceyrinayaa Afgooye. Maxamed Faarax
Caydiid ayaa meertadiisa u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha, xishood
la’aan wuxuu yiri, Kooxdii Maxmiyadley (Garabkii Cali Mahdi) waa laga
adkaaday oo waxaa la sii ceyrinayaa Keysaney. C/qaasim waa ilduufay oo
wuxuu u magacaabay wasiirka Kallumeysiga, taasina waxay dhalisay inuu si
ba’an ula diriro maamulkii C/qaasim. Cabdullaahi Yuusuf ayaa isna u
magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka oo malaha u dhigatan wasiirka
arrimaha gudaha. Maxamed Qanyare madaxweyne kasta oo uu siyaasad kula
shirkoobo, wuxuu kula gorgortamaa maaliyad, waana inuu helaa lacag
xad-dhaaf ah, waa nin damac badan oo aan jeebkiisu marnaba buuxsamin.
Maxamed Qanyare wuxuu ku xeeldheer yahay siyaasadda gebedhacleysa ee
danaysiga ku dhisan (Political Scandalism), weligi 30 maalmood meel kuma
negaan oo hadba dhan ayuu u naqraacaa. Damaca xad-dhaafka ah ee Maxamed
Qanyare waa caqabadda hortaagan israac beelaha USC ku midoobaan oo ay
maamul ku dhistaan. Laashin cabbiray hab-dhaqanka Maxamed Qanyare ayaa
ku shirbay “Hawiye waxaa dhibaa, hal dhunxaayoon dhergeyn” . Mudane
Maxamed Qanyare oo ah aas-aasihii allifey Ururukii Islaam la dirirka
balse lagu magacaabay Argagaxiso la dirirka, waagii uu socday dagaalkii
u dhexeeyey Islaamka iyo Gaalada, wuxuu yiri Maxaakiimtu waxay doonayaan
inay nagu xukumaan Shareecada, anaguna waan diidnay Shareecada oo
waxaan dooranay dastuurka Cilmaaniyadda ku salaysan. Sidaas awgeed marka
la qiimeeyo afkaartiisa ee Islaam ka horjeedka ah, Maxamed Qanyare waa
mudan yahay jagada Wasiirka Gudaha oo la rejeynayo in dhowaan loo
caleemosaaro. Beryahaan hadalhaynta reer Muqdisho waxay u badan tahay
“Naqraaca Qanyare iyo Nololdiidka Qeybdiid, natiijadu maxay noqon?”
Kornayl Cabdi Qeybdiid
wuxuu safka hore uga jiray saraakiishii halganka USC ka soo bilaawday
gobollada dhexe (Saldhiggii Dhuumoodle) ilaa 1989kii xabbad ayuu ku dhex
jiray. Goobihii rag ku faltamay midna guul kama keenin, dhacdooyinka
dagaalladii la soo maray marka dib loo jaleeco, waxaa la xaqiijiyey inuu
yahay hoodelaawe mar kasta ku guuldareysta dagaalka fool-ka-foolka ah
(front line), balse wuxuu ku hoodo leeyahay oo aad u yaqaan dhabar ka
wareenka iyo dilka siyaasadeed (Political assisination). Waa nimaan
xishoon, waa nimaan cabsan, waa nimaan naxin, waa nimaan naxariisan, waa
nin ku shaqeeya ujeeddo gurracan, wuxuu ka mid yahay koox hadafkeedu
yahay Somaaliya inay weligeed ku jirto qas iyo jahawareer, si aan loogu
maxkamadeyn dunuubtii ay galeen.
Kooxda Mbegathi waxay
taagan tahay marxalad qalafsan, waxay maree meeshii C/qaasim ratigu uga
dheelliyey. Wasiiro laysku shaandheeyo, xubno Baarlamaan oo lagu beddelo
suuq joog xaafadaha laga soo uruuriyo iyo Cabdi Qeybdiid oo loo
magacaabo taliyaha Boliiska waa aafooyinkii araxda jebiyey dowladdii
C/qaasim. Horaa loo yiri “Islaan dhaliweyday aleelo ku waalatay”
Kooxda Mbegathi waxay ku riyootay haddii la hawlgeliyo (Qanyare &
Qeybdiid) in si fudud loo burburin doono xoogga kacdoonka shacabka lagu
suntay argagaxisada.. Madaxweynaha Kooxda Mbegathi muxuu ka macaashi
doonaa magacaabista Cabdi Qeybdiid? Muuxse Cabdi Qeybiiid ka macaashi
doonaa xilka loo dhiibay? Sanadkii 2000 ka hor, dilalkii Xamar ka
dhici jiray waxay lahaayeen laba magac kaliya, waxayna kala ahaayeen:
Hebel waxaa loo diley hanti laga dhacayey darteed iyo hebel waxaa loo
diley aargoosi haybtiisa qabiil darteed. Laakiin 10/10/2004 maalintii
Meles Zenawi Cabdullaahi Yuusuf ka dhigay Barasaabka Maxmiyadda
Somaaliya, wixii ka dambeeyey waxaa aad u batay dilalka qorshaysan ee
qofka loo qaarijiyo siyaasad darteed. Haddaba Cabdullaahi Yuusuf
magacaabista Cabdi Qeybdiid wuxuu ka macaashi doonaa inuu sii kordhiyo
dilalka siyaasadda (Political Assisinations), Cabdi Qeybdiidna xilka loo
dhaariyey wuxuu ka macaashi doonaa inuu dib ula soo noqdo Isbaarada
Siinka Dheere (bartamaha Xamar & Afgooye) oo uu maalintii ka heli
jiray boqol malyan oo shilin intii aan Maxaakiimtu ka faramaroojin. Mar
haddii Cabdi Qeybdiid hawlgeliyey waa hubaal in la arki doono meydad
tiro badan oo aan la aqoon macnaha loo diley.
Biyodhaca
Qoraalka:
Xasuuqa Somaaliya ka
socdaa wuxuu ka dhashay seddax ujeeddo oo is huwan. Madaxweyne Bush oo
doonaya inuu Muslimiinta ciribtiro ka sokow, wuxuu si miyir la’aan ah u
doonayaa inuu ka aarsado dagaalkii 1993 dhexmaray Rangers iyo USC. RW
Meles Zenawi oo doonaya inuu Somaaliya gumeysto ka sokow, wuxuu si miyir
la’aan ah u doonayaa inuu ka aarsado dagaalkii 1977 dhexmaray Somaaliya
iyo Xabashida. Cabdullaahi Yuusuf oo doonaya inuu noqdo Barasaabka
Maxmiyadda Somaaliya ka sokow, wuxuu si miyir la’aan u doonayaa inuu ka
aarsado dagaalkii 1991kii dhexmaray Hawiye iyo Daarood. Haddaba
mashruuca ujeeddo badan ee loo qorsheeyey in Somaaliya lagu gumaado,
seddaxda nin (Bush-Zenawi-Yuusuf) keebaa guulaystay oo hadafkiisii
gaarey? Keebaa mudan in halyeey loogu yeero “Who is who”?..
Seddaxda hoggaamiye mid kasta ilaa xad waa ku guuleystay hadafkii
dagaalka, laakiin aragtideyda Cabdullaahi Yuusuf ayaa billadda
horyaalka hantay oo riyadiisii meelmariyey, sababtoo ah aargoosigu
haybad iyo sharaf ayuu ku yahay dhaqanka Somaalida. Ninku markuu
faraxsan yahay ama careysan yahay labada goorba hal-abuurka suugaantu
waa u sahlan tahay. Cabdullaahi Yuusuf oo dareenkiisu isku Milan yahay
(mixed feelling) ayaa tiriyey dhowr gabay, sida la sheegay wuxuu
yiri:
-
“ Mar haddii
haruubkii dowladnimo layga halakeeyey”
-
“Sow guri Hawiye
huf iyo haakuf kama yeelin”
-
“ Mar haddaan
halyeey waddani iyo haybad qaran waayey”
-
“ Hugunkiyo
rasaastii hoygii Xamar sow haar-cad kama yeelin”
Sh. Ibraahim C/qaadir
Calinuur (Abu Xaniifa)
Xaniifa77@yahoo.com