HARDANKA HALYEY GUMAYSI
DIID AH IYO DABA-DHILIF HEERYO GUMAYSI DOON AH
Hasha aan Amxaarada dufta leh duhurki
eedsiinney, Kuubana hub darandoorri dhaca kula damaashaadshey, Hasha Ruush
dabbaabaadka culus Dirir-Dhabe u keeney, haddaan dunida qaarkeed na dhihin dib
uga soo laabta, dirqaa looga gaaree baqey dabada taageene, inaan mawdku daynayn
rag ogi dulun ma qaataane!.
Erayadaas waxaa yiri C/lle Raage Taraawiil oo ay isku beel ka soo jeedaan nin ku
qudbeeyey ‘Caanaha iyo biyaha ayaan ka daba qaadaynaa Itoobiyaanka’ marka ay
dagaalka gumaadka ah kula jiraan dadka Soomaaliyeed. Way adag tahay in la
rumaysto in hadalladaas uu yiri nin isu haysta inuu yahay Soomaali weliba
hoggaamiye xil qaran sida. Maxase loola yaabayaa miyuusan dallacaad ku
mutaysan?.
Itoobiyaan, Amxaaro ama Xabashi middaad doonto dheh miyaan ahayn cadawga keliya
ee weligeen naloo sheegi jirey ee Soomaali taqaanney ayna lahayd. Dagaallada
Muslim iyo gaalo ee soo jireenka ah, markii dunida Muslim iyo gaalo loo dirirey
boqollaal sano ka hor, Amxaaro miyaan nalaku soo aaddin? Axmed Gurey yuu la
dirirey? Sayid Maxamed yuu la dirirey? Labadii dawladood ee Soomaaliya yeelatey
intey calan lahayd qaranna ahayd miyeysan Itoobiya la diririn? Miyuusan ahayn
Menelik ninkii Shirkii Baarlin kala boobkii iyo qaybsashadii dhulka Soomaaliyeed
kala qaybgaley dalalka Galbeedka welina haysta dhulkaas? Goormaa nin
Soomaaliyeed oo hoggaamiye sheeganaya uu Amxaaro dalkeenna ku soo duushey oo
dadkeenna laynaysa uu biyo ka daba qaadaa?. Daba-dhilif heeryo gumaysi doonaya
iga dheh!.
‘Reero guurey ninba haayad hay, kala fogaa fool iyo lulmo!!’ Ayaa laga soo
weriyey inuu yiri Sayid Maxamed C/lle Xasan Allaha qabrigiisa raxmad haku
siiyee, Geesigii Gaalada iyo Gumaystaha caddaan iyo madowba leh cududdiisa iyo
carrabkiisaba kula dirirey.
Waxa la yiri Sayidka ayaa intii aanu halganka billaabin maalin soo marey koox
Soomaali ah oo geed hoostii loogu garnaqayo, waxaana socotey dood kulul oo
garnaqsi iyo rag iska-celin isugu jirtay oo rag is hayey ay tolkood u
garnaqayeen. Markii uu cabbaar dhegeystey dooddii ayna yara qabowdey oo dadkii
miyirsadeen ayuu la hadley raggii meesha fadhiyey, oo wacdiyey kana sheekeeyey
waxa cadawga dalka soo galay uu wado, isaga oo ku tir-tirsiiyey in lama huraan
ay tahay in Jihaad guluf ah laga billaabo geyiga Soomaaliyeed si gumaystaha iyo
gaaladaba loo eryo. Markii uu hadalka dhamaystey ayaa nin odayaashii ka mid ah
oo hadal yaqaan ahi la hadlay Sayidka oo markaas aan sidaa loo aqoon. Wuxuuna
yiri “Horta hadalladaadu ma xuma oo runbaad sheegtey, waxaanse ku weydiiyey,
Ciidanna nin baa kaala socda, hubna ul baad ka sidataa, ee maxaad kala
hortegeysaa ood kula dagaalamaysaa dawladdaas Ingiriiska. War wadaad yahow, waa
dhaqannahaye hanna rogin? Ayuu odaygii oon garan xannuunka heeryada gumaysi oo
caqligiisa hadlaya kula taliyey Sayid Maxamed. Taladaas uma guuxin, Mana aysan
niyad jebinin, waxaase Sayidka uu ka sii qaadey qiiro gumaysi nacayb ah. Isaga
oo cabiraya sida ay u kala fog yihiin hadallada odayga talada siinaya Sayidka
iyo hammiga weyn ee ku jira ee uu doonayo inuu cadaawaha kala hortago ayuu
Sayidku yiri “‘Reero guurey ninba haayad hay, kala fogaa fool iyo lulmo!!, War
ciidanna dhulkaagii baad joogtaa oo ciidda ayaa kuu dagaalami, hubna isagaan ka
furanaynaa oo kula dagaalamaynaa’. Halyey heeryo gumaysi diid ah iga dheh!.
Sidaas oo kale ayaa dood micno ahaan taas u dhow waxa guri ku yaalla magaalada
Nayroobi ee dalka Kenya ay ku dhex martey koox rag ah oo isku beel ka soo jeeda
balse laba qaddiyadood kala aamisan. Dhowr nin ayaa ninba markiisa hadlay iyaga
oo isku dayaya inay u caqli celiyaan Xaaji Abuukar Cumar Caddaan waxayna ugu
yeereen inuu iyaga [Imbaghatii] la shaqeeyo, waxa uu doonayana uu heli doono oo
la siinayo haddii uu soo raaco. Ballanqaadka ugu weyn ee ay siin karaan kama
weyna xoogaa lacaga ama qandaraasyo, mana oga waxa ay gadanayaan inay tahay
qarannimadii dalkooda iyo Diintii ummaddooda. Mana dareensana heeryada gumaysi
ee ay doonayaan. Xaajiguse isaga oo og cadawtinnimada Itoobiya ay Diinta u hayso
iyo heeryada ay nala doonayso ayuu ku gacan seyrey. Markii dooddii sii
kululaatey oo is mari waa gaarteyna waxaa la isugu goodiyey ‘Itoobiya haddii
aysan dalka ka bixin xoog ayaa looga saarayaa? iyo Itoobiya miyaad iska dhicin
kartaan, maxaadse kula dirireysaan? Iyo Itoobiya Taangiyada ayaan ka furanaynaa.
Isla ninkii yiri Itoobiyaanka biyaha ayaan ka daba qaadeynaa ayaa mar dambe si
jees-jees ah hadalkii Xaajiga ugu jawaabey ‘Haddii Taangiyaal Itooboiyaan la
qabsanaayo waa loo joogaa’.
Hadalladaas la is dhaafsadey waxay astaan iyo tilmaan cad u yihiin mawqifyada ay
kala istaageen dadka Soomaaliyeed oo u kala qaybsamey kuwo maalin kasta la
hantaacaya ‘Itoobiya waa dal aan walaalo nahay’ iyo ciidamada soo duuley oo lagu
sheego ciidamada aan saaxiibka nahay iyo dadka caadifad beeleed darteed kula
saftey oo difaacaya shaqasiyaadkaas damiirlaawaaysaasha ah. Waxaa kuwaas ka hor
jeeda oo hareer socda kuwa qaddiyada diintooda iyo qaranimadooda inay cadawga ka
difaacaan aan marna ka waabanayn oo hub kasta oo ay heli karaan iyo wax kasta oo
ay haaban karaanba kala hor tegey cadawga. Labadaas kooxood waxa kala hoggaamiya
HALYEY GUMAYSI DIID AH IYO DABA-DHILIF HEERYO GUMAYSI DOON AH.
Waxaa Qorey
C/qaadir Gutaale
guutaale99@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2007


|