SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


 Todoba iyo Toban sano kadib iyo Xaaladda Soomaaliya.

joojeCabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com


Marka hore mahad idilkeed waxa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenei ayey korkiisa ahaatay.

Anigoo marka hore fursadan ka faa’ideysanaya ayaan waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dadki Soomaaliyeed, ee ku dhintyay dagaalada bilaa ujeedada ah, ee korkooda lagu dagaalamayey, sidoo kaloo Allaah ayaan waxaan u weydiinayaa inuu caafimaad siiyo kuwi ku dhaawacmay.

Maanta Soomaaliya waxey m,areysaa xaalad uu qof kasta oo damiir islaamnimo leh uu ka naxo, waxaanu mareynaa heer aynu islaheen waalaga gudbay, nasiib darro xaalkeeni wuxuu noqday mid gadaal gadaal ugu soo noqda heerki aynu joognay sagaashanadii. Waxa wax laga naxo ah in rag aqoonyahano sheeganaya inay ummaddi ugu yeerayaan dacwo qabiil, oo odey dhaqameedyadi ay isticmaalaan hadalo aad looga naxo, oo ku dhisan qaab qabiil.

Waa wax caddaan ah qaabka arxan darada ah, ay dowladii u dhaqmeyso. Sidoo kale waa wax loo jeedo xadgudubka ay Itoobiya ku sameysay waddankeeni, laakiin marna ma fileyn in qaabkaa looga hor tagayo. Marna kama fileyn wax garadkeeni inay qabiil qabiil isugu habar wacdaan, oo dadki la rabay inay garabsadaan ay qabiil ku fogeeyaan. Sidoo kale danti uu cadowgu kaa lahaa ayaad si dadban u fulinaysaa, oo walaalkaa aad isku diinta tihiin, dhaqanka, afka ayuu kaa fogeynayaa, oo siyaasadii lagula damacsanaa ayaad fulinaysaa. Runti waa nasiib darro u baahan in la saxo.

Soomaaliyeey anigu ma oranayo Dowladdan waa tii mudneyd in ay dalka ka taliso, laakiin waxa la yiri haddii aad weydo sidi aad rabtay, sida aad ka badin weydo ayaa la yeelaa, ee dan nooguma jirto in maalin walba waqti iyo dhaqaale fara baddan inta lagu lumiyo soo dhisidda dowlad, haddana la yiraahdo maya, ee mar kale halasoo dhiso mid kale. Soomaaliyeey wax nagu dhex jira kuwo aanan marna dooneyn in ay Qaranimadi Soomaaliyeed soo noqoto ee kuwaa aynu iska qabano. Waa kuwo ku naaxay dhiigi dadka, gacanta ay ugu jirto dhaqaalihii shicibka lahaa, kasoo horjeeda inay soo noqoto sharciga iyo kala danbeynti.

Soomaaliyeey caddowgerena waxaan ka adkaan karnaa bal marka hore inaynu innaga isa saxno, oo is cafino, oo iska qabano Daneystaha, Qabiiliistaha, Qaran Dumiyaha iyo wixi la mid ahba. Soomaaliyeey dowlad xun dowlad la’aan bey dhaantaa, ee bal aynu soo celino qaranki bur buray innagoo mid ah, kadibna aynu gaarno xilligii la xisaabtami lahaa.

Soomaaliyeey Itoobiya innagaa siinay fursaday nagu soo gashay, ee bal marka hore aynu ka shaqeyno midnimadii iyo Soomaalinimadii. Ogow reer hebel adigoo ah, oo fogeynaya walaalkaa marna lagama yaabo inaad gaarto hadafkaaga. Soomaaliyeey qabiil waa kan halkaa ina dhigay, waa kan labada milyan qaxootiga ka dhigay, waa kan dadkeeni ay badaha ugu dhamaadeen, waa kan caruurteeni uu madfaca aan loo aabo yeeleyn ku habsanayo. Qabiil Soomaaliyeey wuxuu nooga darnaaday kansar iyo daacuun. Qabiil wuxuu Soomaaliya gaarsiiyay heer ay dadka qaar diin ka dhigtaan. Soomaaliyeey aynu isdaba qabano, sedan xal maahee.

Dowladda Kumeelgaarka ah waxaan oran lahaa war sidan dowladnimo qaabkeedi maaha, ee waxa la’anaya, waxa baab’aya waa dadkii masaakiinta, ee dadka aad raadsaneysaan qaabab kaloo baddan oo loo raadsado ayaa jira, ee si shuruud la’aan ah u joojiya xabadda, oo isku daya inaad ummaddi kasbataan, oo dadka aad ka qancisaan inaanay qaab qabiil ku socon, ee kaarkan cusub ee hadda la gadayo inuusan aheyn wax jira.

Dhammaan Qoraayada Soomaaliyeed ee wax ku qora boggaga Soomaalida, waxaan oran lahaa war Allaah ka baqa oo dadka wax wanaagsan ugu yeera. Boggaga Soomaalida waxaan iyagana leeyahay war Allaah ka baqa oo maqaalada dadka kala geynaya hasoo deynina, oo jansuuro ( Hubin ) soo mariya.

Waxaan hadlkeyga kusoo afjarayaa Soomaaliyeey maanta waa maalinti aynu ku midoobi laheyn danta guud ee Soomaaliyeed, ee maaha maalin naloogu beer laxowsado yaa reer hebel ah. Soomaaliyeey aynu kawada shaqeyno sidi loo soo celin lahaa Qaran Soomaaliyeed oo ay dan ugu jirto qof kastoo muwaadin Soomaaliyeed ah.

Soomaaliyeey { Dugsi malaha Qabyaaladi, waxey dumiso mooyaanee } waa maansadii Timocadde Allaha u naxariistee.


By:- Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser.
saicentadv@yahoo.com
 

Sidee wax looga qaban karaa Maxaabiista had iyo Jeer lagala Baxo Xabsiyada PL.. Akhri... 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 26, 2007


"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya iyo batroolka... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com