SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


 Aawey Dadnimadeenii iyo Dareenkeenii Wanaagsanaa?!!!!!

Naasir Maxamed Muse
E-Mail : naasirsom@gmail.com

Laga soo bilaabo 1977 markii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay ka adkaadeen ciidamada Itoobiya ayna ku dhowaadeen magaalada Addis Ababa ayaa waxaa dhacday Itoobiya in ay u qeyli dhaansadeen kuffaarta ku nool dunida daafaheed.

Dagaalkaas ka dib dadka waxay aaminsanaayeen in uu dhamaaday dagaalkii u dhexeeyey labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya; balse arrintu saas ma noqon. Itoobiya ayaa dagaalkeedii militariga oo looga awood roonaaday waxay u badashay mid siyaasadeed taas oo ay ku dumisay qarankii Soomaaliya oo jabka weyn u geystay. Itoobiya ayaa fursad u heshay in ay ka sameystaan dalka Soomaaliya waxa ay doonaan. Itoobiya waxay adeegsaneysaa qaabka ay gumeystayaashu ay adeegsadaan taas oo ah “Qeybi oo Xukun”.

Markii uu burburay qarankii Soomaaliya Itoobiya waxay bilowday in ay qeybiyaan shacabka soomaaliya ayagoo adeegsanaayo hubka loo yaqaano Qabiil; waayo waxaa la ogaaday in qabiil uu yahay hubka kaliya loo adeegsan karo shacabka Soomaaliya.oo burburiyey qarannimadooda.

Itoobiya waxay gacan weyn ku laheyd dhamaan dagaalada ka dhacay dalka Soomaaliya ayadoo marba dhinac la safaneysay. Nasiib darro dadku ma fahmayaan; Itoobiya waxay gaartay daraja ah in ay ku lahaato dad u shaqeeya dalka Itoobiya oo amarna ka qaatay kuwaas oo la magac baxay Hogaamiye Kooxood.

Waxyaabaha Itoobiya ay ku guuleysatay waxaa ka mid ah : in ay ka sameystaan maamulo goboleedyo oo hoostaga dowlada Itoobiya. Sida Puntland iyo Somaliland waxayne ku fashilmeen in ay dhisaan maamulo goboleedyo kale. Sida Jubbaland oo loo rabay in uu madaxweyne ka noqdo Shaatigaduud. Arrintaas oo dhan waxaa ka daran markii ay sameeyeen dowlada Federaalka ku meel gaar ah. Taas oo madax looga soo dhigay dadkii oo ay ku laheed gudaha Soomaaliya. Waxaana madax loo doortay qofka ugu sharta badnaa; Dowladan waxay matali doontaa dhamaan maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya.

Xaalka markii uu marayo halkaas ayaa waxaa soo baxay dad u damqaday shacabka dhibaateysan oo la magac baxay Midowga Maxkamadaha Islaamiga shacabkana wax badan u qabtay kuwaas oo nabdeeyey magaalada ugu qaska badanaa ee Muqdisho iyo dhamaan gobolladda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. MMI inta gacanta ay ku haayeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxay gargaar gaarsiiyeen gobolladii abaaraha ay ku hoobsatay sidoo kale waxay gargaar u fidiyeen gobolladii fatahaadaha ay ka dhaceen.

Intaas waxaa u dulqaadan waayey dowlada Itoobiya taas oo sheegtay in ay MMI xalis ay ku yihiin danaheeda. Isla dubadiiba waxaa isku raacay kuffaarta ku nool dunida waxayna iclaamiyeen dagaal in lagu qaado dadka shacabka Soomaaliyeed wax u qabanayo ayagoo ka eegayo caqiido ahaan iyo danahooda gaar ah ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya.

Isku soo waduub, duulaankii waa lasoo qaaday dalkii Soomaaliya waa la heystaa. Shacabka Soomaaliya maxaa xal u ah ? aawey dadnimadeenii iyo dareenkeenii wanaagsanaa? Waa su’aal furan shacabka soomaaliya aan ugu tala galay.

Naasir Maxamed Muse
E-Mail : naasirsom@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 26, 2007


"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya iyo batroolka... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com