SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


 Maxay isu-diriraan Soomaalida Qaxootiga ahi..?!!

WQ/ Muxyaddiin M.Kaalmoy | kalmoi@hotmail.com

Dadka Aadamiga ahi wuu qaxaa, oo Qaxooti waa noqdaan. Dadku dalkooda hooyo iyo deegaannadooda wey ka bara-kacaan, marka ay la soo deristo xaalad adag iyo musiibo ka mid ah kuwa laga fogaado, laga dheeraado, lagana cawdu-billaysto, sida; dagaallada sokeeye.

Naflayda kale ayaa iyaguna deegaannadooda ka qaxa ama ka haajira, marka ay mashaqo culus soo wajahdo,sida; daadadka, gumaadka, dhul-gariirka iyo musiibooyin kale oo dabiici ah ama Aadamigu sababo. Naflaydaas oo ay Duur-joogtu ugu tun-weyn tahay, Quraanyaduna(Quraansho) ugu tun iyo taag yar tahay, kulligood wey qaxaan. Shimbiraha qaarkood, waxay u kala haajiraan qaarad ilaa qaarad kale. Nafley ay Eeyada iyo Doolliyadu ka mid yihiinna dareen xoog leh baa Eebbe ugu deeqay, kaas oo ay wax ku sii ogaadaan, walwal iyo walaahowna ka sii muujiyaan.

Haddii ay khatari timaado, dad iyo duunyaba in ay qaxaan, waa arrin caadi ah, waa arrin uu nooluhu ku kaco, lana garawsan karo, waayo wixii ku kallifay barakac ayaa meesha yaalla..."Dheriga waxaa karka ka keena kulaylka,,".

Marka uu ruuxu dal shisheeye qaxooti ku noqdo; waa inuu cagaha dhulka dhigaa, dhegaha furaa, dhug yeeshaa, oo uusan sida dhaadhaanka u dhaqmin...."Dal aan dalkaaga ahayn, dareen ku joog waaye..". Dadka Soomaaliyeed ee dibadaha u qaxay, waxay isugu jiraan; dad wanaagsan oo tusaale noqon kara, sida; Culamaa'u-ddiin, Odayaal, Aqoon-yahanno, Siyaasiyiin iyo Aqyaar kale. Dad aan wanaagsanayn baa iyaguna dibadaha u qaxay, sida; Tuugo, Gacan-ku-dhiiglayaal, Hablaha dhaqanka-xun(Caasi) iwm. taasina waxay keentay; in dadyowgii xaggooda loo qaxay, lala degay ee lala dhaqmay, ay fikrado kala geddisan ka kala qaateen dadka Soomaaliyeed.

Ruuxii shisheeyaha ahaa ee arkay, lana dhaqmay qoys Soomaaliyeed oo Aqyaar ah, fikrad fiican buu ka qaatay dadka Soomaaliyeed, hase yeeshee, ruuxii uu la dersay Soomaali "Allow-sahal ah" ama ay ag-degtay "Caasi ciddiyo dhaadheer ah" fikrad aan fiicnayn buu kaasi ka qaatay Soomaali idil-ahaanteed. Soomaalida Qaxootiga ku ah dalalka Carabta qaarkood iyo kuwa kale ee Islaamka ahi, waxaa in badan farta lagu fiiqaa; hablaha keligood saqda dhexe habeenkii socda, kuwa uusan maalin-jooggoodu waqti iyo xad lahayn, kuwa tahriibka keligood u baqoola iwm. Oday Soomaaliyeed oo Sanca(Yaman) ku nool, baa marka uu arko hablaha noocaas ah, yiraahda;"..Ha lala hadlo hablahan habaaran..!!" hees baa iyaduna miraheedu ka mid ahaayeen.."Naa bi'isay dhaqankii, sharcigii ka baydhoo(leexatoo), diintii burburisee, hablow maad is-bar-qabataan..?!!"

Dalalka Yurub, Austaralia, Waqooyiga Ameerika, Afrikada qaarkood iyo Jasiirooyinka ay Soomaalidu joogto oo Qaxootiga ku tahay, dhallinyaro badan(wiilal iyo gabdho) oo qaxootiyadaas ka mid ah, isbaddalka xagga diinta, dhaqanka, iyo akhlaaqda ee ku dhacay, waa mid haddii la sheeg-sheego ay aqyaar badani ciil iyo caro u dhimanayaan, " Ceeb Allaha asturo" iyo "Allow sahal amuuraha" uun baan hadalkooda kaga baxayaa.

Arrimahaas, waa kuwa guud oo la garan karo, dadyow kala-jinsiyado ah oo kale, ayaa iyaguna nagula jira, waxaase yaabka-yaabkii ah, oo laga soo sheegayaa dal kastoo ay Soomaalidu qaxooti ku yihiin ; Is-maan-dhaaf iyaga dhexdooda ah(Soomaalida Qaxootiga ah), gacan-ka-hadal bir iyo budh(garruun) la isla dhacayo, taas oo dhaawacyo culus iyo dhimasho joogta ah gaysata. Laba ruux baa isku bilaabaya kaftan qabyaalad ku dhisan oo "kaftan-dhable ah", af-lagaaddo ayuu u dallacayaa kaftankii, gacan-ka-hadal ayuu u sii korayaa, ka-dibna mid kasta waxaa mar-mar la soo safanaya oo u soo hiillinaya koox qaxootiga ka mid ah oo ay isku-hayb yihiin.

Arrintu waxay u sii daran tahay, dhibaatadeeduna sii culus tahay, nabarradeeduna sii halis yihiin; marka ay labada dhinac ee dagaallamayaa ka soo kala jeedaan qabaa'il hore ugu dagaallamay ama hadda ay colaadi uga dhaxayso gudaha Soomaaliya. Dalal badan oo ay Soomaalidu qaxooti ku tahay bay ka dhacday, waxayna markii ugu dambaysay iga soo gaartay, dalalka; Koonfur Afrika, Kenya, USA iyo meelo kaleba. Xataa Soomaalida gobollada dalka gudihiis ku kala qaxay bay dirirtan oo kale dhex-martaa "qof-qof/koox-koox".

Wiilal hore dhiig-dadaad ugu soo fara-xashay iyo kuwo ay weli afafkooda ka soo jeedaan lugaha dadkii ay liqeen, kuwaas baa ka mid ah Qaxootiga dalalka qaarkood jooga, inay dadka mindiyeeyaanna waxba uguma fadhido. Hablo iyaguna khibraddooda dagaal aanay yarayn, markay dalkii Soomaaliya joogeenna, dhexdu u xirnayd, timuhuna u dabnaan jireen, kuwaas baa markay ugu yar tahay dibadaha ciddiyadooda dhaadheer wejiyada uga baddala(Siday yiraahdaan), haweenka kale ee deriskood ah, xataa qaar baa garruuman gaagaaban guntiyada ku soo qarsada, oo la dhaca ruuxii ay is-af-dhaafaanba, haddii meeshu Boolis ka fog yahay, ama aan arrimaha Soomaalida sidaas looga danayn.

Qaababka dagaal ee Soomaalida qaxootiga ah, badanaa dool bay ku yihiin dalalka la deegaamaystay, waayo, fajac iyo ammakaak bay ka muujiyeen dadyowgii shisheeyaha ahaa ee lala degganaa. Shisheeyuhu waxay la sii yaabeen sababta ay u dirirayaan laba "qof ama koox" oo isku af, diin, dhaqan, midab iyo muuqaal wada ah, dal kaliya ka wada yimid, meel kaliyana qaxooti ku wada ah, sheeganaya inay ka soo wada carareen dagaal, xad-gudub iyo dil...!!!

Kooxo-colaadeed oo gudaha dalka jooga, kuwa Kenya, Ethiopia, Muqdisho, Jawhar, Baydhaba, Kismaayo, Hargaysa iyo meelo kale ku kala sugan bay dadkii Qaxootiga ahaa ee Soomaaliyeed la kala safan yihiin, u kala hiillinayaan, ku murmayaan, la xiiqayaan ka-bacdina isu-dirirayaan dartood...taas waa sabab ka mid ah dagaalka qaxootiga Soomaaliyeed. Waxaa is-weydiin leh; Ruuxa qaxootiga hadda dibadaha ku ahi, hadduu dagaal iyo qola-qolayn tabar u hayo, muxuu uga soo tagay oo uga soo qaxay halkii lagu hayay(dagaalkaas) ?!!! Muxuu kuwa qaxootinimadoodu dhab tahay fitnada ula dhex-fadhiyaa ?!!! Muxuu Dhiigya-cabkii iyo kii isbaaradu u tiil(gobol kasta) uga soo daba-qaxay kuwii uu soo qaxiyay ?!!!

Doonyaha Bariga Soomaaliya ka soo qaada Qaxootiga ee Yaman ku socda, kuwa xeebaha Liibya ka goosha ee xeebaha Taliyaaniga ku socda, kuwa tareennada tahriibku ku dhex-dhuuntaan ee dalalka Yurub u kala tallaaba, intaba waxaa la wada socda, isku meelna tagaya oo dalal kale isu dhiibaya kuwo soo qaxay iyo kuwii soo qixiyay...kuwii wax laga dilay iyo kuwii wax dilay...kuwii la boobay iyo kuwii wax boobay...haweenkii la kufsaday iyo raggii kufsaday...arrimahaas waa sabab kaloo iyaduna ka mid ah sababaha ay isu diriraan Soomaalida Qaxootiga ahi.

Haddaba, waxay u muuqataa, is-diriridda Soomaalida qaxootiga ahi ka dhex-dhacda inay la xiriirto, lugna ku leedahay dagaallada iyo dhibaatada gudaha Soomaaliya ka taagan, ayna tani dhammaanayn ilaa ay taasi dhammaato. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in aynu u wada tafa-xaydanno soo -af-jaridda dhibaatada Soomaaliya.

WQ/ Muxyaddiin M.Kaalmoy | kalmoi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 26, 2007


"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya iyo batroolka... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com