SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Muqaawama ma Hawiyaa?

A,H,Daad. Daad115@hotmail.com

Waxaan salaamayaan dhamaan umada Somaaliyeed waxaana ilaah inoo ka baryayaa inuu inoo hagaajiyo dalkeena.

Hadaan u gudbo ujeedada qoraalkayga waxaan mudo ku wareersanaa in aan ogaado dhaqdhaqaa xamar ka socda cida wada iyo waxa ka masuulkaa fakar dheer ka dib waa ii fududaan wayday inaan ogaado sababtoo ah dhowr kooxood oo kala duwan oo aan midna la aqoon cida hogaamisa ayaa xamar ka sheeganayey in ay howlo ka wadaan kooxahaas oo sheegan jiray in ay la dirirayaan Gaalo ku soo duushay dhulkeena ama sheegan jiray in ay xoraynayaan wadanka kana xoraynayaan shisheeye.Xaalku si kastaba ha ahaadee waaxaa wiigagii ugu danbeeyey soo if baxay odayaal sheegtay inay matalaan Beesha Hawiye kuwaasoo saxaafada siiyey waraysiyo badan oo ay ku eedaynayaan qabiilo somaaliyeed oo ay sheegeen in ay ku soo duuleen isla markaasna ay yihiin kooxaha xamar ka wada weerarada dad u diriraya xoraynta beeshooda .dad badan oo soomaaliyeed ayaa arinkaas mar kaliya ku soo baraarugay ayagoo u arkay kooxaha howlgalada ka sameeya xamar in ay yihiin dad Somaliyeed oo ku diriraya jid ilaahay . hadaba waxay u muuqataa hada in ay san ahayn arintu sidaas ee dadka xamar ka wada dagaalka ay yihiin qolyaha odayaashu sheegeen oo ay mesha ka baxday dadkii sheegan jiray inay ku dirirayaan jidka ilaah, waxyaalaha cadaynaaya in kooxahaasi yihiin kuwa odayaashu sheegteen in ay difaacayaan beeshooda lagu soo duulay waxaa ka mida.

1,Dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Xamar 21,march oo maydkoodii lagubay madaxana dhagax lagala dhacay dadkaasoo ahaa dad somaliyeed ayadoo diinta Islamku aysan qabin in la gubo mayd oo dhan iskadaa mid muslim ahe waxaa kaloo soo bandhigay sawiradaas foosha xun shabakad ay dadka somaaliyeed u arkeen in wadaado qoraan Internetka ka daawo sawiradaas foosha xun.

2,waxaan ka maqalnay warbaahinta in odayaasha beesha hawiye ay heshiis la galeen saraakiisha ciidamada Ethopia heshiiskaasoo dhigayey in xabad joojin la sameeyo kaasoo dad badan is waydiinayeen odayaashu masuul ma ka yihiin kooxahaas taasoo cadaatay inay masuul ka yihiin kadib markii uu dhaqan galay heshiiskaas marka su,aashu waxaa weeye Muqaawama ma hawiyaa? waxaan jawaabteeda ka sugaynaa shacabka soomaaliyeed.

Gabagabo waxaan umada soomaaliyeed u sheegayaa inaan ka hortagno cidkasta oo ka shaqaynaysa in an ku noqo dhiigbixii faraha badnaa oo bilaa micna ahaa walaalayaal waxa dhimanaya waa caruurteena xaasaskeena hooyooyinkeen. waa inaan ku dadaalnaa wax walba oo baajin kara dhiig baxaas. wabilaahi towfiiq

A,H,Daad. Daad115@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 26, 2007


"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya iyo batroolka... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com