Fal
Gurracan iyo Dhacdo Fool-xun
Waxaa Qoray Bashiir M. Xersi
Waxay ahayd maalin murugu badan, oo dib noo soo xasuusisay
dhacdadii la jaadka ahayd ee dhacday dhamaadkii sanadkii
93-dii, gaar ahaan bilowgii bishii Octoobar, oo dagaal ay
isaga hor yimaadeen taageerayaasha qabqable Maxamed faarax
Caydiid iyo ciidankii UNISOM ee uu hor kacayey Mareykanku,
dagaalkan oo ay ku dhinteen askar Maraykan ah uuna ka mid
ahaa askari meydkiisa lagu jiidey waddooyinka Magaalada
Muqdisho oo aad ugu careysiisey Maraykanka iyo xulafadiisa,
keynteyna fashinlka faragelinta la magac baxdey {Rajjo Soo
Celinta} kuna dhamaatey in Maraykanku ciidankiisa kala baxo
Soomaaliya.
Waxey aheyd Maalinimadii Arbacadii oo ku beegneyd 20/03/07,
markii ay isaga hor yimaadeen dagaal qaraar ciidanka
Xabashida iyo maleeshiyada Dowladda Empagathi oo dhinac ah
iyo maleeshiyaad ku kacsan joogitaanka ciidanka Xabashida,
kana gadoodsan qaabka ay wax u waddo Dowladda una
maarayneyso Dalka, dagaalkaa oo ka dhacey goobo badan oo ka
mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho, dagaalkan oo keeney
dhimasho iyo dhaawac soo gaarey labadii garab ee uu dagaalku
dhax marey iyo rayidka ayna u sii dheertahay bara-kac
balaaran oo ay kaga qaxeen Guryahooda.
Dagaalkan oo uu wehliyey fal guracan oo ay ku kaceen dad wax
ma garato ah, xambaar sanaana dhacdo aad u fool xun, falkan
wuxuu ahaa mayd lagu jiidey waddooyinka Magaalada Muqdisho,
waxaad moodaa iney taariikhdu dib isu soo celineyso, waa
markii labaad oo mayd dhintay lagu jiido Magaalada Muqdisho,
waxaa wax aad looga xumaado ah falkaa waxash nimada ah ee
dunida aan ku nool nahay eysan kadhicin mayd la jiido, dad
il bax ah iyo kuwaan ilbax aheyn labadaba, cawaanta
qaaqaawan ee ku nool kaymaha iyo duurka iyo dadyowga ku nool
Tuulooyinka iyo Magaalooyinka,meyd dhulka lagu jiido waxaa
uun laga hayaa soomaali, waaba yaabee ma maydkaa xanuun
sanaya? Ama dareemaya xanuun?, Soomaali weligeed Qabiil
Qabiil iyo Beel Beel wey u dagaalami jireen, sidoo kalena ay
isaga hor imaan jireen daaqsi iyo deegaan, dad wey iska dili
jireen balse horey uma dhicin in mayd dhulka lagu jiido.
Waa la dagaali jirey, waa la is dili jirey, waa la is leyn
jirey, waa la is gumaadi jirey, hadba sidii la isaga gacan
sareeyo ama la isaga itaal roon yahay, dagaalo hadday
dhacaana waxaa ka dhasho Dhimasho, Maydad, Naf-waay, Geeri,
oo ah khasaaraha ugu weyn ee ka dhasha dagaalada, maxaa
yeeley Hanti waa la tacban karaa, Xoolona waa la sameynsan
karaa, Maalna waa la heli karaa, balse waxaa hubaal ah inaan
naf la soo iibsan Karin ama qof dhintey aan dib loo soo
noolayn karin, hadaba hadii ay sidaa wax u dhici jireen
maxey tahay dhac dadaan soo cusboonaatey oo ah Mayd-jiidis,
taasi waxaa ka sii daran Meyd wajiga Cag laga saaro waliba
Cag ay ku jirto Dacas Sagaal iyo Bar ah, war dadkani
miyeysan laheyn damiir Insaaninimo?, Diineed?, iyo
Soomaalinimo? Miyey laheyn dareen jiir naxa? Sidee isu
siiyeen iney mayd jiidaan? Meyd la jiido, Cag iyo Kab Wajiga
laga saaro, waxaa laga hayaa Soomaali.
Soomaali wax badan ayey ku faaneen Dhaqan suuban iyo Diin
toosan inay leeyihiin, balse waxaa is weyn diin mudan
dhaqankii suubanaa maxaa wuxuu isugu biyo shibtey iney
Maydka jiid jiidaan? Dhaqankii wanaagsanaa maa wuxuu u xuub
siibtey in Maydka Wajiga Cag laga saaro ama la Kabeeyo? Guud
ahaan Bulshooyinka Caalamka waxey isla gar waaqsadeen
xurmeynta maydka iyo maamuusidda asturka Maydka waxeyna isla
wada ogolaadeen in la wada dhowro lana wada xurmeeyo Maydka,
waxaa kalee ay isku raaceen in la wada ilaalsho tixgelinta
Maydka, balse qodobadaas oo dhan Soomaali wey garab martey
iyadoo ka door bidey iney qiimo tirto Maydka.
Soomaalidu ixtiraam la’aanta Meydka kuma ekeysan ee waxey u
sii gudubtey iney Meydka gubaan, waxaase laga yaabaa in dad
badani ay ku andacoodaan in Maydka la jiidey uu Meyd gaal
ahaa sidaana uusan wax xurmad ah ku laheyn, balse waxaan
wada ogsoonahay in Maydka la jiid jiidey ay isugu jireen
Xabashi iyo Soomaali, hadaba hadii loo qiil sameeyey dhul ku
jiidka Maydka Xabashida iyadoo loo fiirinayo iney gaala
yihiin la iskana indha tirey karaamada insaanka, sidee loogu
helayaa mar marsiiyo Soomaalida dhulka lagu jiidey amaba la
gubay, sida aan soo sheegney wax yar ka hor Mayd la jiido
Soomaali loogama horeyn, sidaa si la mid ahna Mayd la gubo
Dunida lagama yaqaano, marka laga reebo Dad Diin iyo Caqiido
ahaan ugu maamuusa Maydka iney gubaan dabadeedna dambaskiisa
lagu daadsho Webiga barakeysan, Dadkaan sidaa aaminsan waxay
ku nool Dalka Hindiya.
Waxaa laga yaabaa in u jeedada laga leeyahay Maydka la
jiijiiday ay tahay in dareen jiir xumo ah la tuso iyo in loo
muujiyo inaan wax naxriis ah loo galeyn dadkaas xitaa Mayd
kooda ah ahaatee!, balse waxey tahay arintu Afrikaan dhintey
muxuu ka dhiganyahay markii uu noolaaba qiimo wanaagsan ma
laheyn?, tan kale miyey habboon tahay in falalka waxash
nimadaa lala beegsado dadka Soomaalida ah? Wallee waa Yaab,
oo waa Amakaak.
Dhacdadaa foosha xun oo ilaa hada cidna ka hadlin qaabkuu
rabo masuul ha u ahaadee sida: Siyaasiyiinta,
Odey-Dhaqameedyada ,Wadaadada, Urarada Bulshada iyo
Dhaqdhaqaaqyada xuquuqul insaanka, waxey muujineysaa
aamusnaantan in dadka damiir koodii dhintey, waxeyna taas
keeneysaa in falalkaan ay soo noq noqdaan si is daba jog
ahna ay u dhacaan, taasna ay u sii xuub siiban kartaa in la
caadaysto ama laga dhigto dhaqan.
Codsi ku wajahan wax garadka:
Waxaan fariin xanbaarsan digniin u dirayaa qof kasta oo wax
ka qaban kara ama hor is taagi kara dhicidda falalkan
guracan iyo joojinta dhacdooyinka foosha-xun ee laga yaabo
iney ka mid noqoto qaab nololeedka bulshada, iyadoo codsigan
uu ku wajahan yahay: ODAYAASHA DHAQANKA, WADAADADA, URURADA
BULSHADA, SIYAASIYIINTA, IYO URURADA U DHAQ DHAQAAQA
XUQUUQDA INSAANKA.
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Libya
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Mar 26, 2007
"Ciidamada Afrikaanka ee
Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska
ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya
iyo batroolka...
Akhri..


|