-
Argagixiso yaa
ahoo…..Ameerika u aqoonsadeen.
-
Axkaamu-Diin intii
ogolaa…..Ameerika u aqoonsadeen.
-
Ma arkin Axad gaal
ahoo…..Argagixiso loo yaqaan.
-
Argagixiso yaa
ahoo.....Allaah ka doortay Reer Ibliis.
-
Waxay ameerika
eryataa…..argagixiso loo arkaa.
-
Adeecidda
Ameerikaan ….. ma ogola Alle iyo Rasuul.
-
Alle iyo Rasuul
Awaamiirtood ….. Ameerikaan ma Aqbalaan.
-
Asleynkiyo
Ijmaaciyaa ….. Argagixiso loo arkaa.
-
Ma intii Islaam
Sheegataa ….. ku eedoobay Alle iyo Rasuul.
-
Ma aha wa u dhow
yihiin ….. Waa intii aaminsan Jihaad.
-
Ma Aayaddaa la
inkiraa ….. Ma Wey Acdaa Islaam aheyn.
-
Ama inkir ama
ogolow ….. Argagixiso waa Islaam.
-
Oda-Salaad ma
aqbalaa ….. Irhaabi waa Ameerikaan.
-
Erey bixin
Ameerkiaan ….. Oda-Salaad ka aalimaa.
-
Oda-Salaad
Ameerikaan ….. Inuu u jiibiyaan Arkaa.
-
Hal Axad Gaala yaa
arkoo ….. Argagixiso loo yaqaan.
-
Erey-bixin
Amaarikoo ….. Islaam gumaad ahaa arkaan.
-
Azhariyo
Oda-Salaad ….. Ahal Qabta ma loo arkaa.
-
Unuku waaba
ahbinoo ….. Ayaamow naga aamusnaa.
-
La arkimaa ahal
qabtee ….. ku ashtakeeya Eebaheey.
-
Erey Islaam gumaad
ahoo ….. Oda-Salaad uu jiibihaa.
-
Anaa’u leyl intow
kacdiin ….. Ancaamiyo maa ku akhrisiin.
-
Akhwaanku asma wow
yaqaan ….. Oda-Salaad ha aadiyaan.
-
Azhariyo Adooga
weyn ….. Ayagu ma dhal owliyaa?.
-
Iyagu aarsiyey
rabaan ….. Oda-Salaadse waa adeeg.
-
Ma ogoshahay
owliyoo ….. Aw-Saalax ma aadinaa.
-
Allaah adoon la
tuugi maa ….. Ahlu qabuurna aadimaa.
-
Hadaad inkirtay
Aw-fulaan ….. Adaaba argagixisaa.
-
Ana ALLAAH igu ogaaw ….. Adna ahlu qubuurka
aad.