SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


LABA SALAAD: Salaad Gabeyre iyo Salaad Cali xaggee iska shabbahaan?

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Email: Ingiriis@yahoo.com


Salaad Gabeyre Kediye, waxa uu ahaa ninkii soo dhiraandhiriyey ee ka dhabeeyey afgambigii 1969-kii. Saddex sano kaddib afgambigaas, July 1972-kii, ayaa waxaa dil toogasho ah ku xukumay ninkii uu isagu Madaxweynaha ka dhigay oo ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Dadka Banaadiriga ah ayaa waxay leeyihiin maahmaah tiraahda, “Indhihiisa laga arke, ayaa ushiisa lagu tumaa.” Falsafadda Giriiguna, waxay tiraahdaa, ‘Taariikh kasta oo qoran gadaasheeda, waxaa taalla taariikh aan qornayn.”

Billowgii afgambiga

            October 1969, markii Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharma’arke lagu dilay Laas Caanood ayaa waxaa shir isugu yimid Golaha Wasiirada oo uu madax u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Si lama-filaan ah ayaa waxaa shirka u soo fariistay Maxamed Siyaad Barre oo ahaa Taliyaha Ciidammada.

            Isla markiiba, Dr Ismaaciil Jimcaale Cosoble oo ahaa Wasiirka Warfaafinta ayaa ku yiri “Maxamed, ma Golaha Xukuumadda ayaad ku soo biirtay?” Dr Ismaaciil, wuxuu gacanta u taagay Cigaal, isagoo u tilmaamaya Maxamed Siyaad. Cigaal wuxuu amray in Maxamed Siyaad uu shirka Golaha Wasiirada bannaanka uga baxo.

            Maxamed Siyaad shirka wuu ka baxay, kamana bixin. Wuxuu Sigaar la istaagay daaqadda xaruntii shirku ka socday, si uu u dhegeysto waxa ay ku wada-hadlayaan xubnaha Golaha Wasiirada. Dr Ismaaciil Jimcaale ayaa mar kale Cigaal u ilmeeray, una tilmaamay inuu Maxamed Siyaad taagan tahay daaqadda, laakiin Cigaal dan iyo heelo kama gelin.

            Waxaa markaas socday olole siyaasadeed oo ku saabsan ninkii beddeli lahaa Madaxweynaha la dilay. Cigaal wuxuu aad u doonaayey inuu madax ka dhigo Muuse Boqor oo ay is xigeen Sharma’arke. Dr Ismaaciil ayaa ka istaagay shirka Golaha Wasiirada oo yiri, “dumaasha xaaska Cabdirashiid kuma haysanno Muuse Boqor, laakiin madaxtooyadu dumaal ma ahan.’

            Shirku markuu ku dhammaaday is-afgarad la’aan, Cigaal wuxuu u magacaabay Maxamed Faarax Caydiid inuu madax ka noqdo ciidammada qaabilsan munaasabadda aaska Madaxweynaha geeriyooday (ceremonial funeral guards).

            Iyadoo uu socdo laaluush sidii lagu dooran lahaa Madaxweyne cusub ayaa Maxamed Siyaad oo 1968-kii billaabay qorshaha ku saabsan sidii uu afgambi u sameyn lahaa, wuxuu isugu yeeray raggiisii (oo u badnaa laba xiddigleyaal). Waxaa ka mid ahaa; Salaad Gabeyre oo markaa ahaa Gaashaanle Dhexe, Cali Mataan Xaashi (Gaashaanle Dhexe), Maxamed Cali Shire (Gaashaanle), Maxamed Maxamuud Khawl (Laba xiddigle), Axmed Suleymaan Dafle (Laba xiddigle) iyo kuwo kale. Dhinaca siyaasadda waxaa gacan-ka-siinayey Dr Maxamed Aadan Sheekh. 

Afgambigii Aafada

            03:00 AM, 21 October, 1969, waxaa lagu guuleystay in la afgambiyo dowladdii distuuriga ahayd, waxaana la qabsaday caasimaddii oo ay qabteen ciidanka lugta oo ku hubeysan madaafiicda goobta. Waxaa hoggaaminayey Salaad Gabeyre, waxaana la xiray dhammaan siyaasiyiintii ku jirtay xukuumadihii rayidka ee kala dambeeyey.

            Mucjisada dhacday ayaa ahayd in mudanayaasha la xiray uu ka mid ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Mudane Aaden Cabdulle Cusmaan-Daar – ninkii ugu horreeyey Qaaradda Africa ee xukunka ka dega isagoon isku dhejin. Ku darso, wuxuu ahaa Salaad Gabeyre soddogiis.

            Saraakiishii afgambiga sameysay ayaa subaxnimadii isugu timid xaruntii ciidanka ee Afisyooni. Waxaa isagoon loo yeeran xarunta yimid Caydiid. Waxay iridda xerada isku arkeen Maxamed Cali Samatar oo ku yiri “Maxamed Siyaad ayaa afgambi sameeyey, bal aan ka faa’iideysanno afgambigan oo aan isku dayno inaan boosas ka helno. Haddii aanan sidaa yeelin, waa nala dhibaateyn doonaa.”

            Waxaa goobta ku soo ururay saraakiil fara-badan, waxaana furmay shir ay isugu yimaaddeen 35 sarkaal oo isugu jiray kuwo wax-ka-og iyo kuwo aan wax ka ogeyn afgambiga. Ajandaha ugu horreeya ee laga hadlay wuxuu ahaa dhismaha xukuumadda.

            Caydiid ayaa hadalka dafay oo yiri, “haddii ujeeddada afgambigu tahay in la horumariyo dalka, lana saxo qaladaadkii horey u dhacay, waa in xubnaha xukuumaddu ka koobnaataa dad mutacallimiin ah oo leh khibrad run ah.” Waxaa ku xigsaday Salaad Gabeyre, wuxuuna yiri, “maadaama dadka afgambiga sameeyey ay yihiin dad ciidan ah, waa in xubnaha xukuumadda laga dhex xulaa saraakiisha ciidammada.”

            Maxamed Siyaad ayaa hadlay oo yiri, “aan u codeyno labadaas ra’yi kii aan qaadan lahayn.” 26 sarkaal waxay u codeysay ra’yigii Caydiid, 8 waxay u codeysay ra’yigii Salaad. Kaddib Salaad Gabeyre iyo Dafle ayaa kula taliyey Maxamed Siyaad in shirka meeshiisa lagu joojiyo oo aan la dhaqan-gelin ra’yiga loo codeeyey.

            Markii shirkaasi ku dhammaaday natiijo la’aan, wuxuu Maxamed Siyaad u yeertay raggii afgambiga la sameeyey. Salaad Gabeyre, Ismaaciil Cali Obokor, Dafle, Khawl iyo rag kale ayaa ku taliyey in haddii aan shirka laga ceyrin Caydiid, Maxamed Nuur Baarqab iyo rag kale oo la socday inay iyagu miraha afgambiga la wareegi doonaan.

Isku-dhicii Salaad Gabeyre iyo Siyaad Barre

Maxamed Siyaad iyo Salaad Gabeyre waxay isku dheceen maalin kaddib afgamiga. Isku dhacoodu wuxuu billowday markii maalintii labaad ee afgambiga ay shir isugu yimaaddeen 25 nin oo isku magacaabay ‘Golaha Sare ee Kacaanka’ si ay u doortaan ninkii madaxda u noqon lahaa. Waxaa shirka guddoominayey Maxamed Siyaad oo si ku meel gaar ah loogu dhiibay ‘maadaama uu isagu u da’weynaa raggii meesha ku shiraayey.’

Shir-guddoomiyuhu, Maxamed Siyaad wuxuu soo jeediyey inuu gacanta taago qofka doonaya inuu madax u noqdo shan iyo labaatankooda. Ninkii ugu horreeyey ee gacanta taaga wuxuu ahaa Salaad Gabeyre. Waxaa ku xigay oo gacanta taagay Maxamed Siyaad. Waxaa ku sii xigay Ismaaciil Cali Obokor. Maxamed Siyaad markii uu arkay in labadaas nin ay gacanta u taageen si ay madax u noqdaan ayuu isla markiiba wuxuu soo xiray shirkii socday, isagoo yiri “berri ayaan shiri doonaa oo aan go’aan gaari doonnaa.”

Maxamed Siyaad wuxuu isla habeennimadii billaabay inuu sameeyo olole uu xubnaha Golaha Sare ugu ballan-qaadayo xilal haddii ay isaga doortaan. Ugu yaraan intooda badan wuu ku qanciyey ololihiisa. Subaxnimadii 22 October 1969, ayaa shir waxaa isugu yimid 25-kii Golaha Sare. Waxaa la qabtay doorasho, waxaana tartamay saddexdoodii; Maxamed Siyaad, Salaad Gabeyre iyo Ismaaciil Cali Obokor.

Markii la codeeyey, Maxamed Siyaad wuxuu helay 16 cod. Salaad Gabeyre wuxuu helay 4 cod, halka Ismaaciil isaguna uu ka helay 4 cod. Hal sarkaal ayaa diiday inuu codeeyo, wuxuuna ahaa Gen Maxamed Caynaanshe Guuleed oo ka mid ahaa labadii nin ee lala dilay Salaad Gabeyre. Gen Caynaanshe, wuxuu ahaa nin qab leh oo shaqsiyan isu arka ‘nin sare,’ wuxuuna ka soo horjeeday in Maxamed Siyaad uu madax u noqdo 25-ka Golaha Sare.

Maxamed Siyaad wuxuu durba go’aansaday inuu cashar siiyo Caynaanshe, Salaad iyo Ismaaciil, laakiin uusan degdegin. Hal bil kaddib, wuxuu magacaabay Safiirka Soomaaliya ee West Germany oo uu ka dhigay Gen Maxamed Ibraahin Liiqliiqato iyo Safiirka Soomaaliya ee Masar oo uu ka dhigay Gen Maxamed Hoolif.

Barxadda Afisyooni waxaa ku soo ururay Soomaali u riyaaqsan is-beddelka ka dhacay dalka. Dadweynihii u soo baxay farxadda iyo damaashaadka afgambiga ayaa markey ka warheleen in Maxamed Siyaad loo doortay Guddoomiyaha Golaha Sare waxay billaabeen inay damaashaadkooda u beddeleen dibad-bax ay kaga soo horjeedaan arrintaas. Waxaase dhacday in police-ka amar lagu siiyey inay dadka soo xirxiraan.

Laba sano kaddib, markii Salaad Gabeyre ay u caddaatay inuu sameeyey qalad weyn oo uusan sixi karin, oo ahaa inuusan xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka ku soo darsan dad isaga raacsan ayuu billaabay inuu ka hor yimaado Maxamed Siyaad. Wuxuu isla markiiba diyaariyey afgambi cusub oo uu xukunka kaga tuurayo Maxamed Siyaad.

Salaad Gabeyre, wuxuu la xiriiray rag saraakiil ah oo ay isku reer ahaayeen, waxaana uu ku dhirrigeliyey inay kala qayb qaataan afgambi cusub. Qaladka uu sameeyey ayaa wuxuu ahaa in xubno ka tirsan Golaha Sare oo ay saaxiibbo ahaayeen uu wargeliyey inuu afgambi sameynayo, kuwaas oo warka u sii tebiyey Maxamed Siyaad. Sida la sheego, waxaa xubnahan ka mid ahaa Cabdalla Maxamed Faadil.

Maxamed Siyaad, wuxuu u baahday ninkii soo qaban lahaa Salaad Gabeyre. Waxaa warar sirdoonkii hore ee milateriga Soomaaliya aan ka helay ay ii sheegeen inay qaab qiyaamo ah ku qabteen Maxamed Cali Samatar iyo Cabdalla Faadil oo ay isku kulliyad iskala soo bexeen. Salaad Gabeyre, waa is difaacay, gacan ayaana laga jebiyey isagoo isku dayaaya inuu la soo baxo bistoolad. Waxaa kaddib la soo saaray maxkamad, halkaas oo ay ku marqaati-keceen niman ka mid ahaa Golaha Sare ee Kacaanka iyo kuwa kale oo dhashoodii ay maanta horboodayso siyaasadda Soomaaliya. Waxaa kaddib Salaad Gabeyre lagu xukumay xukun dil ah.

Dilkii Salaad Gabeyre

Markii loo sii waday tiirka toogashada ee Dugsigii Sare ee Police-ka ayaa Qareenkiisii Dr Cabdullaahi Macallin Cabdulle, waxa uu weydiiyey Salaad hal su’aal oo ahayd, "Maxaan kaa gaarsiiyaa dadweynaha Soomaaliyeed?" Salaad oo ahaa geesi aan soo marin taariikhda Soomaalida, waxa uu ku jawaabay, "Waxaad iga gaarsiisaa inay i cafiyaan, waayo anigaa u shirqoolay oo u gacan qabtay Maxamed Siyaad."

Salaad Cali Jeelle, ma filayo inuu leeyahay garashadii iyo geesinimadii uu sidan ku oran lahaa isagoo tiir-toogasho gardaduub ugu xiran. Salaad Gabeyre waa ninka loogu heesay, "Samadiidoow Dabin baa kuu dhigan lagugu dili doono."

Ayeeyadeey, oo ay si uun isu xigeen Salaad Gabeyre, ayaa waxa ay ka mid ahayd dadkii barxadda Scola Polizia ka daawanayey daldalaaddiisa. Waxa ay hadda ka hor ii sheegtay, "Xabadihii ugu horreeyey markey qabsadeen ayuu Salaad Gabeyre madaxa ruxay oo uu gacanta ka hadlay oo yiri “igu wada (xabadda).”

Haddaba, su’aasha dalbanaysa jawaabta waafiga ah ayaa waxay tahay; maxay ku dambeyn doonaan ragga ku socda dariiqii Salaad Gabeyre sida Salaad Cali Jeelle?

Tixraac (Refenrences)

1. Whatever Happened to Somalia by John Drysdale.

2. Soomaaliya: Shalay, Maanta, Berri by Faarax Weheliye Caddow (Sendiko)

3. Somalia: From Dawn to Civilization to Modern Times by Mohamed Farah Aidid and Dr Satya Pal Ruhela.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Email: Ingiriis@yahoo.com

XUSEEN CAYDIID: Ma Dhagax baa, mise waa Alwaax?

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 26, 2007


"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya iyo batroolka... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com