SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Ku Baaqidda Mudaaharaad Guud.

Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
Afhayeenka Guud.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Ee Nabada,Midnimada Iyo Cadaalada.
England-UK-25/03/2007-
sharifhassan50@yahoo.com


Dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed ee Nabada,Midnimada iyo Cadaalada Markii eey arkeen Xaaladda qalfsan,Dhibaatada weyn oo ka taagan Dalkeena hooyo,gaar ahaan Caasimadda Muqdisho iyo degaamada u dhoowba,markii la arkay khasaare xad dhaafka ah,Bara-kaca,Tacadiyada xariyad ka qaadida lagu hayo Bulshada Somaaliyeed ee sidda Nabad ah,xasiloonidda ugu sugnaan degaankooda,guryahooda iyo Ciidooda hooyo,markii la arkay hanaan khaldan iyo falalka cadoownimo ee Ciidamada Dowlada Federaalka ee uu Hogaanka u hayo C/Laahi Yuusuf iyo Ciidanka Gumeeysiga Madoow Itoobiyaanka ku soo duulay Dalkeena,Najaaseeyeey Xurmadii iyo jiritaanka Qaranka Somaaliyeed,kuna xadgudbeey Shuruucda Caalamiga ah iyo xeerka Qaramada Midoobeey iyo kuwo ururka Midoowga Afrika,Markii la arkay heerka xun iyo marxalada cakiran oo Dalkii galay.

Dgaq-dhaqaaqa Somaaliyeed ee Nabada, Midnimadda iyo Cadaalada markii uu Diraasad balaaran ku saleeyeey qorshaha Rajiimka Federaalka iyo Xulafadooda iyo sida Arrimuhu u socdaan ama u dhacaayeen Maalmahaan, hanjabaadda, luqadda qalafsan iyo Talaabooyinka Colaadeed oo lagu kala fogeeynaayo Ummada Somaliyeed,lagu abuurayo Dagaalada Sokeeye iyo xiisaha Naceeyb iyo soo celinta Maalmihii madooba ee hore u soo maray Dadka iyo Dalkaba, Boqolaalka kun ku naf waayeey,boqolaalka kaalena ka dhigay naafo,Malaayiintana ka dhigay Qaxootiga dayacan iyo kumayaal silic,Qafaad iyo dar-xumo ilaa hada ku sugan.

Hadaba Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ugu baaqaayaa Ummada Gudaha Jooga iyo Qurba jooga Somaaliyeedba abaabulidda Mudaaharaadyo,Banaan-baxyo lagu Diidan yahay Dagaalka iyo xiisaha Colaadeed oo xiligan ka aloosan Dalkii hooyo,gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, Talooyinka Khaldan ee Dowlada Federaalka ku kaceeyso, Fara-gelinta Dowladda Itoobiya iyo duulanka Ciidankeeda ku qabsaday Aqlabiyadda Dalkeena hooyo,Banaan baxyo lagu diidan yahay dhiiga Somaaliyeed ee qubanaaya iyo Qorshayaasha Gumeeysiga iyo raxanta Xulafadiisa ahba,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qurba jooga ah oo ha iyo jeer muujisa dareenka wadaniyadeed iyo qiiradeeda Dalka Jaceylka leh,waxaa la gudboon maanta gudashada masuuliyaeeda Qarameed,Aklaaqeed iyo kaalinta kaga aadan Difaaca Ciidda Hooyo,Baaqanu wuxuu si gaar ah ugu wajahan- yahay Jaaliyadaha Somaaliyeed ee Dalalkan:-

1-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Norway.
2-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Sweden.
3-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Danmarka.
4-HJaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Holland.
5-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Finland.
6-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Germany.
7-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Belgium.
8-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Switzerland .
9-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalkan Boqortooyada Baretaaniya.
10-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Canadda.
11-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Mareeykanka.
12-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Austaraaliya.
13-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Newzeland.
14-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Talyaanigga.
15-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Masaaridda.
15-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Sudaan.
16-Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Syria.

Waxaanu ku baaqeeynaayaa in sida ugu dhakhsaha badan loo sameeyo habka iyop Abaabulka Mudaaharaadkaas Dareenka wadaniyadeed leh,kana turjumaaya Codka iyo Damiirka Daka Somaaliyeed ee Dalkooda Wanaaga iyo Samaanta la jeceyl,xumaanta iyo Dagaalka iyo colaada Sokeeyana diidan iyo guud ahaanba Talaabooyinka khaldan ee Rajiimka Federaalka iyo Gumeeysiga Itoobiyaba,Dalkeena iyo Dadkeena waxaanu u Rajeeyneeynaa Nabadgelyo buuxda,Kheeyr iyo hanaan Wanaagsan oo lagu hanto ama lagau helo Dowlada Somaaliyeed oo ka turjumeeysa danaha iyo rabitaanka Dadweynaha kuna dhisan hab Cadaaladeed,Sinaan iyo Sharci xaq ah.

Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
Afhayeenka Guud.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Ee Nabada,Midnimada Iyo Cadaalada.
England-UK-25/03/2007-
sharifhassan50@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 26, 2007


"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya iyo batroolka... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com