SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Tabcanayaasha Tigreega

Waxaa Qoray: Bashiir M. Xersi.

Qoray walba noociisa ayuu Qiicaa, waa murti Soomaaliyeed oo qeexaysa wax walba sida ay yihiin inay si la mid ay muujinayaan, taas waxaa la mid ah oraah Carbeed oo tibaaxaysa: Weel walba waxa ku jira ayuu dhididaa ama ka bur-qada, hor-dhacaan waxaan kaga jeedaa inaan ku sharaxo Cinwaanka Maqaalka oo dabcan aan filayo inuu iskaba cad yahay, balse haddana aan ugu tala galay inaan ku sii iftiimyo ama aan sii bidhaansho.

Waxaa iska cad in qaban-qaabadii iyo haggiddii shirkii dhib-u-heshiisiinta ee Kenya ay kaalin mug leh ku leheed Dawladda Xabashida, ayna ugu tun weynaayeen Ergadii ka soo qayb gashay shirkaa hogaamiye-kooxoodyadii iyada gacan saarka la lahaan, gaar ahaan kooxdii ay shirka ugu qabatay Hawaashe ee la magac baxay SRRC, ee loogu tala galay in lagu wiiqo Dawladdii Carta, waxaana muuqata inay ka soo ka soo dhalaaleen kaalinta looga baahna loona xil-saaray, ayna ku Oodeen Dawladdaas xaafadda Hodan iyo inta u dhexeysa labada Looto ee guriga C/qaasim uu daganaa, Qab-qablayaashan oo xubno fir-fircoon ka ahaa qaab socodka shirka iyagoo taageero hagar la'aaneed ka helaya Dawladda Xabashida, guntii iyo gaba-gabadii shirka waxaa xilka Madaxtinimada Dalka loo doortay Aabihii Fidnada, Odaygii Qaska, iyo Hor-yaalkii Bur-burka, si kale haddaan u dhigno waxaa ku soo baxay xilkii ugu sarreeyey ee Dalka Jabhadkii ugu cimriga dheeraa sooyaalka Soomaalida marka laga soo bilaabo xilligii aan Dawlad noqonay wixii ka dambeeyey, qaab kale haddaan u dhigno waxaa loo dhiibay xilkii ugu weynaa Dalka tabcanayaasha Tigreega kii ugu Ilka jilicsanaa, uguna Xagal dabac sanaa, ka dibna waxaa ra'iisul wasaare loo magacaabay dhaga-fudude Geeddi oo isna soo dhisay xukuumaddii Qab-qablayaasha, waxba yaanan taariikhda ku dheeraan, balse waa lagama maarmaan ah inaan wax ka ogaano waxna laga bidhaansho sida wax u dhexeen si aan u ogaano qaabka wax u socdaan iyo sida wax u dhacayaan.

Tabcanayaasha loo dhiibay xilalka sar-sare iyo jagooyinka ugu cul-culusaa waxayba ka bilaabeen inay codsadaan ciidama Shisheeye oo ay ku jiraan Xabashida, taas oo lagu qarinayey si ay Xabashidu cagta u soo dhigaan Dhulka Soomaaliya, iyagoo iska dhigaya inay ku yimaadeen hab sharci ah oo waafaqsan qaanuunka, iyagoo xubin ka ah ciidamada Nabad-ilaalinta ee ay u baahan tahay dawladda Impagathi, waxaa ku tusaya in ujeedada ciidanka shisheeye uu ahaa inay ku jirto Xabashida sida ay ugu fara-adaygtay dawladda Impagathi qodabka ah in Xabashidu ka mid noqoto ciidanka Nabad-ilaalinta ee la keenayo Soomaaliya, taas oo ay gaashaanka u daruureen ayna is hor-taageen xubno ka tiran baarlamaanka, balse nasiib darro markii dambe la muquuniyey, sidoo kalana waxaa ku tusaya inuu ahaa ujeedada ciidamada shisheeye ee ay ku jirto Xabashida; in haddii ay daacad ka yihiin Nabadda ay Soomaakida la rabaan ama ay u raadinayaan iyagoo tix-galinaya dareenka toban malyan oo Soomaali ah inay ka reebaan ciidamadaas Nabad-ilaalinta Xabashida iyadoo waliba uu qaraarka qaramada midoobay uu qeexayo in loo diro Soomaaliya ciidamo aysan ku jirin dawladaha safka hore oo ay ugu horrayso Xabashida.

Tabcanayaasha intay iska dhaga-tireen fariimihii Soomaalida uga imaanayey, Guuxa Dad-weynaha iyo Qaraaradii Qaramada Midoobay ayey Tabcanayaasho Barqo-cad iyo maali-cadey waxay Dalkii ku soo hogaansheen ciidan Xabashiyeed iyagoo weerar qaawan ku soo qaday Soomaaliya kuna soo xad-gudbay ciidda Soomaaliya ayna intaas u dheer tahay Soomaalida Dilka arxan darrada ah sida kii ka dhacay deegaanka Ban-diirad-leey ee gobalka Mudug oo dhagta dhiiga loogu daray ku dhawaad kontameeyo dhalin-yaro, iyo gooba kale oo badan, iyo duqaynta ay isu dhiidhiibeen ama ay u kaltameen Xabashida sida weeraradii cirka ahaa ee ay ku qaadeen garoonka weyn ee magaalada Muqdisha iyo degaanada ka agdhaw Day-nuunaay, iyo weerarka ay qaadeen diyaaradaha maraykanka ee ay la beegsadeen cirifka koofureed ee Soomaaliya iyagoo ku andacoonaya inay baacsanayaan firxadkii Argagixisada, balse nasiib xumo waxaa ku bas-beelay tuulooyin waxaana ku dhintay dad rayid ah oo lagu qiyaasay todobaatameeyo qof.

Tabcanayaasha inay dalka Xabashi u gacan galiyeen waa ku fillaa weysay markaas ayey waxay bilaabeen inay Soomaalida ka soo dhoofsadaan dalka Kenya ayna ka qab-qabtaan gudaha Dalka, ayna kala baxaan habeenkii guryaha, ka dibna ay u gacan galiyaan ciidamada Xabashida oo iyana u duuliya xabsiyada naxariis la'aanta iyo jir-dilka ee ku yaal gudaha wadankooda, dadkaa la dhoofiyey ee loo taxaabay jeelal aan la garanayn oo ay ku jiraan Carruur, Dhalin-yaro, Odayaal, iyo Haween, intooda badanna loo qabtay hab sharci darro ah oon la xiriirin dhaqanka suuban iyo ixtiraamka Aadanaha.

Tabcanayaasha intaas kuma ekaysan ee waxay Shacabkii ugu dareen inay Hoobiye yaal u qayb shaan xaafadaha magaaladaha Muqdisha, iyagoo waliba adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan iyo kiisa ugu waa-weyn, qoryahaa waa-weyn ee lagu ridayo Dadka rayidka ah waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac fara badan, waxayna keentay in Dad badan oo reer Muqdisha ah ay isaga qaxaan guryahooda ayna ka bara-kaceen deegaanadooda iyagoo naftooda bad-baadsanaya una huleeleen deegaano qaab ahaan ay is leeyihiin way ka ammaan roon yihiin ama ka xasiloon yihiin, qaxaan wuxuu ka dhashay xaalad Ammaan xumo oo ka taagan guud ahaan Dalka gaar ahaan xarunta Muqdisha, waxaana sii kordhay falalka Bur-cadnimada, Is-baarada, Boobka, iyo Dhaca, waxaana sabab u ah arimahan murugsan oo dhan dawladda Impagathi iyo ciidanka Xabashida ee ay gondaha ku wadato.

Tabcanayaasha waxaa muuqata inaysan usoo jeedin diyaarna u ahayn wax ka qabashada xaaladda ka taagan Dalka iyo inay la yimaadaan qorshe nabdeed, balse dhaq dhaqaaqoodii wuxuu ku soo koobmay Safar, Socdaal, iyo Dhoof, waa midda qusaysa Shaqsiyaddooda, tan kale ee la xiriirta Nabadda, Xasiloonida waxay noqotay: intii dhimanee ha dhimato, intii dhaawacmee ha dhaawacanto, intii qaxee ha qaxdo, gurigii dumaa ha dumo, aniga maxaa iga galay, kursigaygii sow ma haysto, xilkaygii sow ma haysto, mudane iyo Jaalle sow la idhihi maayo, Muqdishana sow ma joogo, Xabashina sow I waardiyey mayso, yaaba intaas heli kara !, AH AH AH AH AH.

Tabcanayasha Tigreega loo soo adeegsaday inay Dalka iibiyaan Dadkana dulleeyaan ma waxay u malaynayaaan inay ku bad-baadayaan oo ku joogayaan magaalada nabad iyo tamashle, waxaa hubaal ah inay la kulmayan iska caabin dhan kasta leh oo looga hor-tagayo falalka xun xun ee ay ku kacayaan Tabcanayaasha iyo Tigreega ay wataan, iska caabintaa oo kala duwan kuna saan go'ayn qofka hadba sida uu u awooda inuu ku muujiyo sida uu uga soo hor-jeedo una diidan yahay qaabka ay Dalka u maaraynayso dawladda Impagathi iyo joogista Xabashida Gudaha Soomaaliya iyagoo waliba hubaysan.

Iska caabintaa aan soo sheegnay oo ku timid ka biya-diid Shacabka u cuntami la'a hanaan socodka nabadaynta, qaab xasilinta magaalooyinka, iyo guud ahaan qab dhaqanka dawladda Impagathi ee ilaa hadda ka soo dhaqaaqi la' hoygeedii hore ee Baydhaba, waxaadna moodaa inay halkeedii hore ku sii aruusayso, iyagoo ka huleelay magaalada Muqdisha sababa kollay la xiriirta ammaan darrida ka taagan ee ay iyagu sabab u noqdeen una hor-seedeen falalka dambiyada ee hadda ka dhacaya.

Tabcanayaasha Tigreega falalkaa aan soo sheegnay oo dhan kuma gaabsan ee waxaa bar-bar socday hadallo ka soo yeeray xubno ka tirsan masuuliyiinta qaarkood sida hadalkii Xunseen Caydiid ee uu ku sheegay in la tir-tirayo xuduud beenaad ku dhaxayso Soomaalida iyo Xabashida lana midaynayo Ciidanka Lacagta iyo Bassboorka, balse uu ku tilmaamay madaxwaynihuuse inuu yahay nin waalan, waaba su'aale nin waalan yaa wax u dhiibta? Sow mid ka sii wallan uun wax uma dhiibto, tan kale hadduu waalan yahay muu xilka ka qaado oo u dhiibo qof fayow, waxaa hubaal ah inay kala waalli yarayn balse mid kasta oo ka mid ah uu qaab u waalan yahay.

Bashiir M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Libya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

March 5, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com