SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maamulka Garoowe Maamul Ciyaal Suuq ah oo Ragiisa Xabsiga Kala Baxa??


Abdirizak A.ali
Kaneec1@hotmail.com

Dhacdooyinka foosha xun ee ka dhacay magalada garoowe maaha tan oo kaliya ,waxaa jira kuwa kali oo ka dhacay maamulka puntland ilaa haatan aysan ka hadlin masuuliyiinta maamulka puntland waxaa ka mid ahaa dhacdooyinka foosha xun ee ka dhacay magalada garoowe ee caasimada puntland sanadii 2005 bishii may markii maleeshiyo hubeysani ay jeelka ugu dhaceen labo nin oo maxkamada ku xukuntay dil toogasho ah aan ka noqosho lehayn.

Dableydan weerar ka ku qaadday xabsiga Garoowe ee maamul goboleedka Puntland, ka dib markay nimankaasi dileen laba nin oo ka mida ciidanka Puntland. Gaashaanle dhexe Axmed Maxamed oo ah taliyaha ciidanka booliiska gobolka nugaal ayaa la sheegay inaan ciidanka dawladdu la dagaalamin dadkaas soo weeraray xabsiga

Maaha markii ugu horraysay ee arrintan oo kale ka dhacdo xabsiga Garoowe. Hadda ka hor ayaa xabsiga lagu dhex dilay laba nin oo halkaas ku xirnaa.

Maxaabiista ku xiran xabsiga Garoowe ayaa fursad u helay inay xabsiga ka baxsadaan. Arrintan ayaa u sahasashay inay ka baxsadaan xabsiga, ka dib markii dableyda hubaysani jebiyeen albaabka xabsiga

19, 2006,ayaey ahayd markii Kooxo malayshiyo ah oo aan haybtooda la garanayn oo falal dhac iyo kufsi ah ka gaysatay magaalada Garoowe.

Gaari nooca baska ah oo ka soo ambabaxay magaalada Boosaaso ayaa kooxo dablay ah goor habeennimo ah dhac ugu gaysteen magaalada Garoowe ee xarunta dawlada goboleedka Puntland.

Gaarigani oo ahaa nooca rakaabka aya dadkii saarnaa lagala dagay, waxaana uu gaarigu ku wajahnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

hdaba garoowe la yaabaye waxay doonaysa ma sedan ay kusocotaa ee ah fal kufsi iwm madama ay horey u gaysteen gabar 17 sano jir ah oo lagu magacaabo Kifaax.kufsi iyo jirdil

Shacabka rer puntland inta khayraadkoodii hada loo tashaday hadii dil iyo xabsi kala bax loogu daro soo dhib maaha teeda kale shacabka puntland maxay ka ogyihiin heshiiskii,Puntland iyo Terry oo Kala Saxiixdeen Heshiis Kii ku Saabsanaa in uu Baaran karo Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland.

Heshiiskan waxaa terry oo ah nin Australian la galay madaxwayne kusheega puntland iyo madaxda jahwareerka kudhisan ee garoowe,iyadoo aan faa'iidada,& khasaaraha aan la ogeen, iyo in maslaxad ugu jirto reer puntland iyo in kale taana aysan ka doodin baarlamaanka iyo xeer beegtida Puntland.

Waxaana reer Puntland sugaya in ay dawladoodu u soo bandhigto waxa uu yahay heshiiska dal saddexaad lagula galay shirkad wuxuuna heshiiskaas ka dhacay wadanka imaaraadka, Aug 31, 2005 khasatan,hotelka, Hilton dadkuna ma oga in heshiiskaasi dan u yahay reer Puntland iyo inkale hadaba rer puntland now maxa idinla gudboon ma waxaad doonaysaan in aad noqotaan kuwa qax iyo barakac iyo dhibaato hooy u noqda maad kushugrisan nimcada eebe idiin siiyey,maad aragtaan manta,sida xaal yahay hadaba hadiiba sheekadu tahay xabsi kala bax oo dil iyadoo cida ka danbeeysa falalkaasna aanu lasoco hadaan wax laga qaban wixii ka yimaada cade aajakis isagaa xanbaran doona mas uuliyadeedana qaadi, cidii falkaas ka naxaysa waxaanu kasugna waa jawaab ileen meshu dowlada ciyaal suuq ah baa kajirtee.

Lasoco qaybta labaad

Abdirizak A.ali
Kaneec1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

March 5, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com