SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Beerta quwaax ha,u,doonan kiinje haddaadan aqoon

abdalla jama | garcadaawo@yahoo.co.uk

Asalaamucaleeykum muslimiinta soomaaliyeed meeleey joogaanba walaalayaal (kiinje) waxaa layiraahdaa geed ka mid ah geedaha galleeydu kasoo go'do markeey ka baxayso beerta mid kamidahoo quwaax macaan leh calaamado lagu yaqaanna leh oo u gaara hadaba ruuxa doona inuu quwaax macaan ka helo sida quwaaxa qasabka sonkorta oo kale waa khasab inuu yaqaan geedkaas kamida geedaha badan si aanu u wada jarin geedahoo dhan oo aanu u halakayn beerta

Waxaan usoo qaatay tusaalahan haddaan nahay soomaali waxaa nasoo maray dagaal wajiyo badan leh oon lahayn innaba garasho wadaniyeed iyo mid iinsaannimo toona hal mar ayeey naruuro yeelatay in laga booga dhaydo colaaddii foosha xumayd wixii dhintayna lamacasalaameeyo wixii xaabo kale soo wata ay fidno ku hurinlahaayeenna la oran lahaa qiilkaa hore laga baxye wanaagga soo raac waxayna ahayd markaan dunida wada maqashiinnay kitaabkii qur,aanka ahaa ee islaamka ayaa xukunkii lawareegay soomaaliya

Guul taa kaweeyn gayigan soomaaliyeed waligiis muu arag mana arki doono waxaa ku xigtay waqtigii layiri guulbaa lahelay waqti u dhoow islaamkii soomaaliya waaka noqday--------------------------------!!!-------------yuu yahay ruuxa fayoow ee caafimaad lugaha dhulka ula helay ee innaba wax yar ilaah kafahamsan ee raalliga ku noqday shareecadii islaamku ineey soomaaliya ka noqotay


Hadaba fursaddaasi waa xero dhaaftay ruuxii geedkii macaanaa doonayoow geedkaasuu ahaa ninkii doonaya macaan geed kaloow geedahan kuma jiree shacabka hallayn : ururro iyo mucaaradyo iyo gumeeysi ladirir ayaa meel kasta ka dhawaaqay soomaaliya iyo dunidoo dhan joojiya haddeeydnaan mabaadiida islaamka dooneeyn inaad soo celisaan nagala jooga aqoontiinna faasidka ah iyo suudadka aad xirateen ee iimaanka islaamku ka guran yahay eed meel walba lataagan tihiin xaq ku dirirbaan nahay iyo dalkiibaan isticmaar kasaareeynaa haddeeydnaan noloshii soo celinayn idinkoo adeegsanaya kitaabka qur,aanka ah

Islaamka ixsaan u meeydun sameeyn soomaaliyeey aanna idiin caddeeyo-----dadkii islaamka ku dhawaaqay oo maxkamadaha islaamka lagu sheegayey waxay soo bandhigeen qiimihii islaamka (islaam waxaa layiraahdaa kitaabka qur,aanka ah muslimna waxaa layiraahdaa ruuxa rumeeysan) wixiinnii tug tug lahaa ee doowladnimada doonayey iyo wixii xaabada ahaa ee rumeeysnaa cududaarro aaneey mudneeyn inlagu hor istaago islaamka oo ladiido ayeey maxkamadihii iyo wixii wadayba u buun buuniyeen hor istaagana waxay u turjumayeen in hogaanadoodu xun yihiin /ladirirka kuwaasina waxay nagayeeysiisay islaamkii waaka noqday soomaaliya illeen waxaa adduunka ugu xun muslim meel dhoow waxka arka xitaa kuwa webka wax ku asaruura iyo wariyayaasha badidood carab dalab leh ayeey islaamka ku diidanaayeen ha is ogaado ruuxa soomaaliyeed ee ay la qumaneeyd ciidan xun inuu waday maxkamadaha isagoo u tirinaya qabiil /qolo gaara /ku gabasho diin aan run ahayn /itaxaad /madaxnimo aan loogu yeerin isaga /waxaad wiiqaysey ood la dirirsaneeyd wax kale muu ahayn ee wuxuu ahaa (islaamka) taas meel ku gunto waa fagraddii muslimkii aragtida gaabnaayoow

Sababtaan sidaa kuu iri aankuu caddeeyo muslimyahow fiirada gaabani islaamku ma,mudan yahay in looga haro wadaad xumaaday ? islaamku ma,mudan yahay inlaga haro haddaan qabiilkaa wadin ? islaamku ma,mudan yahay in laga haro nabi muxammed (scw) waa dhintaye sheeko xumayaal islaamkii soomaaliya waaka noqday

Hanoo bilaabina hadda jabhado hor leh oon islaam dooneeyn iyo huuhaah horleh oo iyaduna keenta dhimasho aan abaal lahayn nimanka sida foosha xun mushahaarka ku doonaya ee kujira baarlamaanka fadhibaradka ah ee baydhabo xishooda waayeel waa inagoon isyeeyyeelayne xaaraantiinna intii aad calafku leedihiin waad heli doontaan /cayda iyo aflagaadada kadaaya dadka leh dhaxalka nabiyada ilaah /waxba islaamka uma tihiine culimadayada iyo muslimiintayada hanooga dhiibina gaalada aad wadataan /xishooda soomaalida qofka weeyni waa xishoon jiree oo noodaaya kitaabka aad diidan tihiin ee islaamka ah nalama wadaagtaane oo hanaga geeynina maxkamadihiinna dimoqraadigaa oo hanaga dhigina meel xukuumad kale katalineeyso illeen isaguba waa doowlad dhan oo boqor leh sharcigeede dadka idiin shaqeeya iyo kuwa shaqada idiinsoo doonanaya eed la barateen inaad tiraahdaan kitaabka qur,aanka ah soo qaado haku damiintee kadibna aadku dhaarisaan ilaahbaan idinku dhaarshee kitaabku damaanadaas waa diidan yahaye xishooda oo damaanad kale raadsada muslimiintii diide oo waa idinka gaalo xitaa cadaw kala dhigay kitaabkayagana qafaalka joogtada ah nooga daaya dardaarankan ha ogaadaan kama baxsana doowladda dimoqraadigaa ee somaliland xukuumadeedu

Gabagabo iyo gunaanad

waxaa dadka maalmahaan gubaya calankii xabashidaa muqdiso laga dul,lulay wadaniyaddiin gubatay islaamku calankaa xabashida waxba uma haysto mana khaldana doowladbaa meesha ka joogta xabashida kan soomaaliyeedba maanta addiis guribuu dul suran yahay oo masalaya doowlad soomaaliyeed oo meeshaa joogtee calanka daaya calankii islaamkoo kaweeynaaba waataad dajiseene) ilaah waxaan ka baryayaa kuwa xukuumadda soomaaliya doonaya ilaah inuu fahamsiiyo islaamka kuwa la diriraya xukuumadda haddaaneey islaam dooneeyna dagaalkooda ilaah kuma guuleeyo /dimoqraadiyad ruuxii u dirirayoow magacaa ba,a----------(xasbunallaah wanicmal waliilu laaxoola walaa quwati illaa,billaah)

abdalla jama | garcadaawo@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

March 5, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com