SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dad ay Duruuf heysato oo aan Dantoodana Garanayn.!

WQ/ Muxyaddiin M.Kaalmoy - kalmoi@hotmail.com -

Dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ahi, si is-daba-joog ah ayay u soo galaan, u-joogaan, uguna nool yihiin dalka Yemen. Soomaalida badankood waxaa ay soo galeen Yemen 16-kii sano ee ugu dambeeyay, ee ay dagaallada sokeeye iyo dac-darrooyinka ay wataanba ay dalka ka jireen.

Reer-Yemen, bilowgii horaba aad ayay ugu damqadeen, jiir-naxeen, una soo dhoweeyeen Soomaalida faraha badan ,ee ay duruuftu ku kalliftay qaxootinimada. Soo-dhoweynta Yamaniyiinta ee walaalahooda Soomaaliyeed, waa mid ku salaysan derisnimo, sokeeyanimo, muslinnimo iyo xiriirro kale oo soo-jireen ah. Sababahaas iyo weliba niyad-samidooda asalnimo, ayaa ah kuwa keenaya qalbi-furnaantooda; dhalinayana inay noqdaan dadka Carbeed ee kaliya ee laabtooda iyo gacmahoodaba u furay Soomaalida dhibaataysan. Waa tan keenaysa inay si joogta ah uga walwalaan waxa ka dhacaya dalka ee dagaallada iyo degganaansho-darridu ugu horreeyaan.

Dadka Soomaaliyeed laftoodu asal-ahaan ma aha dad xun, haddii taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeedba dib loo raaco, si kastoo ay hadda wax u socdaanba. Gobannimada, Geesinimada, Dagaal-yahannimada, Deeqsinimada, Dul-qaadka , Marti-sooridda iyo dadaalka dheeraadka ah ee xagga la-tacaalidda dabeecadda iyo nolosha qallafsan ah , ayay uunka kale uga tilmaannaayeen Awoowayaasheennii hore.

Laakin, bulsha kasta , oo meel deggan ama ku urursani, waxay leeyihiin kuwooda hagaagsan ee sida san u dhaqmaya iyo kuwooda "Allow-sahalka" ah ee uu Alla Cirka ka soo tuuray( Sida la yiraahdo ). Waana sababta ay murtida Carbeed u tiraahdo:" "Aqal walba Suuligiisa( Musqushiisa ) ayuu leeyahay"...!!!.

Dadka faraha badan ee Sumacadda wanaagsan ee Soomaaliyeed, waxaa meel kastoo ay joogaanba magacooda bi'inaya, oo suuraddooda ku dheelaya tara yar oo qaab-laawayaal ah , oo dadka ku dhex-jira; kuwaas oo aan aqoon, akhlaaq iyo edebba anan loo ogayn; waxayna sabab u noqdaan wasaqaynta sumcadda guud ee dadka Soomaaliyeed.

Oday reer Yemen ah, ayaa weligiisba, sida Yementa kaleba( badankood ), u damqan jiray, soo dhoweyn jiray, gurigiisa dejin jiray dadkii kasta ee Soomaaliyeed ee uu arko amaba ka soo ag-dhowaada. Duruufta adag ee heysata ayuu qaddarin jiray; kirada gurigiisa ayuu wax ka dhimi jiray; wax-ma-garatada ku soo xad-gudbaysa ayuu "yac" iyo "yur" ka dhihi jiray; fikrad fiican ayuuna ka qabay Soomaali idil-ahaanteed.

Sidii ay arrintu sidaas u ahayd, ayaa gurigii Odayga waxaa kiro u soo galay, oo dabaqa hoose deegaameystay qoys Soomaaliyeed oo aan ducaysnayn, dhug iyo dhaqan wacan midnaba aan lahayn. " Shimbirba , Shimbirkiisuu la duulaaye...!!!", Saaxiibbo kale oo iyaguna "Habaar-qabayaal" ah, ayaa qoyskaas u imaan jiray. Waxaa halkaas ka bilaaban jiray casaryadii maalin la arko : qayilaad, qaylo, buuq,sawaxan, alalalays iyo mararka qaarkood is-fara-saar...!!!.

Goor fiid ah, ayay sidii caadadu ahayd uu buuq ka dhex-dhacay kuwii Soomaalida ahaa. Sawaxan ayaa xaggooda ka soo yeeray; waa la dagaallamay; gacan iyo garruunba waa la isula tagay , rag iyo dumarba. Deegaanku dabaqa hoose ayuu ahaa, Odayga guriga lehna dabaqa sare ayuu degganaa oo weliba joogay. Buuqii ayuu kor ka maqlay , derisyadii kale ee reer Sanca ayaa iyaguna soo dhoobtay.

Iyadoo ay Soomaalidii dirirayaan, oo farqaha is-wada-heystaan, ayay korontadii go'day, oo meeshu mugdi noqotay...!!. Dibadda ayay isula soo baxeen ,iyagoo isku wada taqraaran. Wiilal qayilayay oo uu Qaadku weli ugu jiro , oo feera-qaaqaawan, hablo diracyo kaliya labisan, oo carrabbo iyo ciddiyo dhaadheer bannaanka soo dhigtay, ayaa dhammaan is-weydaarsanayay erayo af-lagaaddo ahaa, oo uusan kollay anigu afkayga soo qaban karin...!!!.

Dabcan waqtigeeda ayay Soomaalidu ku jiraane, waxay aflagaaddadu ku salaysnayd "Qabyaalad" iyo "qola-quursi"...!!!. Qaar baa lagu tilmaamayay inay Aadamiga ugu liitaan oo ugu darajo-hooseeyaan...!!!. Kuwana waxay Carrabka ku dhejinayeen oo bannaanka la taagnaayeen, in uusan Geeska Afrikaba Alla ku beerin cid iyaga dhalasho ahaan ka sarreysa...!!!. Dadkani, maba ay la socdaan xadiiskii Suubanaha(NNKH) ee ahaa:" Dadku waxay u siman yihiin, sida ilkaha Shanlada..". Weligoodba looma fasirin, aayaddii Quraanka ee ahayd:" Eebbe agtiisa , waxaa idiinku khayr badan kan idiinku taqwa( Alla ka-cabsi ) badan..".

Odaygii reer Yemen ee guriga lahaa( Saaxibul-bayt ), ayaa hoos u soo degay oo dibadda u soo baxay. Wuxuu indhaha saaray ( arkay ), muuqaal fool-xun, ay Yamaniyiintu ku yaq-yaqsadaan, siiba reer Sanca, oo meesha yaalla :- Wiilal iyo Gabdho uusan jirkoodu asturnayn, aanan kala roonaanayn, isu-dul-qaadanayn, caqli iyo aqoonba aanan adeegsanayn, si la-yaab lehna isu-hiifaya oo is-haaraamaya, waxna aanan isula harayn...!!!. Arrimahaas waxay dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ahi ku keeni karaan: in hoos loo dhugto, la-quursado, layska fogeeyo, la-nacbaysto, dabin ugu dhacaan Booliska, guryahana aanan laga kirayn. Danta Soomaalida qaxootiga ahina ma aha sidan, waana in laga waantoobaa...
Odaygii Carbeed oo ay falalkaas ay Soomaalidu ku kacayaan lama filaan ku noqotay , ayaa Af-labadii ku yiri:" Waa dad ay duruuf heysato, oo aan dantoodana garanayn..."!!!. Ka-dibna, wuxuu amray inay deegaan kale raadsadaan, oo gurigiisa uga baxaan...!!!.

WQ/ Muxyaddiin M.Kaalmoy - kalmoi@hotmail.com -

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

March 5, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com