MAHADHOOYINKII
DAGAALADII MUQDISHO
Cabdiraxman
Xariri
xariri@hotmail.com
Inkastoo inaga ta Xamar inala weyned hadana burburka iyo
dagaalada sokeeye, soomaaliya uun kuma koobnayn ee waxaa
inala wadaagey meelo bada oo aduunka ka mid ah markaan
tusaale ahaan u soo qaadano
29/03/2007 in ka badan 150 ruux ayaa ku geeriyootey
magaalada Amisur ee wadanka Aljeeriya mar koox dagaal yahano
ah oo xiriir la leh Al Qaacida ay weerar ku qaadeen dad
shicib ah iyo ciidamada amaanka ee Aljeeriya.
29/03/2007 Inta la og yahay 120 qof ayaa ku nafwaayey
dagaalo qadhaadh oo magaalada caasimada ah ee Kinshasa ku
dhexmaray ciidamada dowlada oo garab kehelaya kuwa nabad
ilaalinta iyo ciidamada ninkii lagaga itaalka roonaadayd
doorashooyinkii madaxtinimo ee laqabtay bishii Janayaa
Mr.Jean Pierre Bambe,
30/03/2007 uguyaran 45 qof ayaa ku geeriyootey Buuraleyda
gobolka Sacda ee Yemen kadib markii ay fooda is dareen
ciidamada Yaman iyo ciidamada wadaadka mayalka adag
Sacadudin Al Xuuti.
31/03/2007 sida dowlada Bakistaan sheegtay waxaa ku
nafwaawey 52 shacab u badan dagaalka gobolada Wasiiristaan
ku dhexmaray ciidamada dowlada iyo kooxo lagu sheegey inay
gabaad siinayaan xubno waaweyn oo Qaacida ah
Markaan intaa ku soo koobo goobaha sida soomaaliya oo kale
ay naafeeyeen dagaalada usbuucan aduunka ka dhacay, bal aan
yara iftiimiyo waxa aan caalamaka cid inala wadaagtaa jirin
ee soomaalida gaarka u ah;-
Dhaawac Gaari-Gacan lagu sido
Markaad eegto magaalooyinka aduunka waxaa dhegaha ku
qarxinaya dhawaaqa iyo sawaxanka ka soo baxaya Ambalaasyada
ama "Dhooliyada" u gurmanaya qof wax yeelo gaartay waxayna
sida la wada ogsoon yahay u banaan Ambalaaska inuu khilaafo
qaynuun kasta oo jira si uu u badbaadiyo qof naftiisu khatar
gashay. Laakiin nasiib xumo iyo uurkutaalo waxaa ah in
soomaaliya qofkii dhaawacma Gaari-gacan lagula lugeeyo ilaa
inta meel goob caafimaad lah aga geynayo (hadiiba lageeyo).
Cusbataal Aan Sariiri Ool
Makaan Telefishinka ka arkay dad soomaali ah oo guri weyn oo
isu furan lagu dawaynayo waxaan u qaatay goob si kumeel gaar
ah loogu talagalay in dadka loogu caawiyo, laakiin waxaa
filan waa iyo qaracan igu noqotay markii la ii sheegay in
meeshu tahay dhakhtar ama Cusbataal. Sidaasay soomaaliya ku
noqotay meesha kaliya ee laga helayo cusbataalo bilaa sariir
ah oo dhulka la jiif-jiifo
Mayd La Jir-dilayo
In badan baan maqalay hay-adaha xuquuqa insaanka u dooda oo
jeedinaya eedaymo la xidhiidha dad xabsiyada ku jira oo jidh
dil lagu sameeyey, laakiin weli lama arag qof dhintay oo la
garaacayo, soomaaliya mooyee – waxaana weji gabax kala
kulmay markii nin Sudani ah uu si jees –jees ah iigu yiri "Soomaalidu
ma oga miyaa in qofku haduu dhintay aanu dareen iyo garasho
toona lahayn"…waxaan si mintid nimo ah u iri "wixii maydka
jiidayey waa caruur iyo haween…ee ma aha wax garad".
Dad Qaxaya oo is Furanaya
Markii dagaalkii Lubanaan iyo Yuhuudu socodey sanadii hore,
waxaa barakac ba'ani ku dhacay dadkii deganaa konfurta
Lubnaan oo u badnaa Muslimiin shiico ah kuwaaso u qaxay
dhinaca waqooyi oo ay degaan dadka Kiristanka Maarooniyiinta
loo yaqaan. Intaan qof reer koonfureed ihi soo gaarin reer
waqooyigii waxay bilaabeen inay sii diyaariyaan meelihii ay
degi lahaayeen waxay cuni lahaayeen iyo weliba iskuuladii
caruurtoodi dhigan lahayd intay qaxootiga yihii. Nasiib xumo
iyo hoog waxaa ah in soomaalidii qaxaysey iyadii is dhacday
oo is kufsatay oo sida daayeerada mid ba midkuu ka xoog
weynaa reebay….sidaa ayay soomaaliya ku yeelatay dadka
keliya ee inay wax istaraan iska daayee iyagii inatay
qaxayeen is nabad gelin waayey.
Ugu danbayntii, ilaahoow wadanka noo nabdee oo dagaalada
jooji, oo ceebahayaga astur.......Aamiin
Walaahu Aclam,
Cabdiraxman Xariiri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
April 4, 2007
XUMAANTA
SHIR BEELEEDYADA XAMAR
Cabdiraxman
Xariri
xariri@hotmail.com
Maalmahan ugu dambeeyey waxynu idaacadaha iyo
websiteyada tolka ka maqlayney shirar beeleedyo
is khilaafsan oo lagu qabaneyey xamar. Hadaba
markaad eegto dhibaatada ka soo gaartey dadka
muqdishu iyo wax yeelada lixaadka leh ee
qabyaaladu u geysatey dadka dega gobolka
banaadir, marna isma aan lahayn miciinsi danbe
oo qabiil ayaa dadka soomaaliyeed haweysan
doonaan, nasiib xumo mar hadaan afti laga qaadin
dadka xamar iyo xamar daye dega, waxaa iska
muuqata in beelaysigu noqday aalad intii dan
lihi marba boorka ka tunto.
Hadaba iyadoo sidaa si lamid ah ay ka jirto is
beelaysi ka jira gobolada Puntland iyo
Somaliland labadaba ayaa hadana waxaa la oran
karaa nidaamka qabiilaysugu wuxuu u lahaa
goboladaas wax xoogaa faaiido ah marka loo eego
Muqdisho oo wuxuu bi'iyo mooyee aanu qabiilku
marnaba wax tar u yeelan.
Waxayna i xasuusisay Mar Allah ha u Naxariistee
Jeneraal Daauud, Abihii ciidamda qalabka sida ee
Soomaaliya si qarsoodi ah ay niman odayaal ah oo
tolka ahi uga codsadeed inuu ka qayb galo shir
beeleed la doonayey in lagaga arinsado
doorashooyinkii inta badan qaiilaysiga ku
dhisnaa ee soomaaliya ka dhici jirey
lixdameeyadii, Jananka oo ah nin soomaalinadiisu
aanay nuqsaan lahayn aana jeclayn inuu cinwaan
ka soomaalinimada wax ka sokeeya qaato ayaa yiri
"Minaan is leeyahay shirkaan soomaliyaa wax
yaroo dani ihi ugu jirtaa anaa idiinka horeyn
lahaa, laakiin qabiil aniga idinka ogoo, wuxuu
soomaali yeelo mooye wax tari maayo, marka iga
raali ahaada"..Sheekadaas oo dhamaystiran waxaa
laga heli karaa buuga la yiraahdo "Birth of
Nation" ee uu qoray ala ha u naxariiste Axmed
Carta Xange 1994.
Hadalkaas jananka waxaad moodaa inuu waafaqsan
yahay hadalkii Ilaahay (SW) mar uu rasuulka kala
hadlayey shirar beeleedyada wuxuu yiri "La khyra
fii kathiirin min najwaahum ilaa man amara bi
macruufin oo sadaqatin oo islaaxin beyna naas"
oo micnaheedu yahay Wax khayr ah oo ku jiraa ma
jiro in badan oo shirarkooda ka mid ah oo an ka
ahayn ninkii wanaag dadka faraya, ama sadaqo
bixin dhiiri gelinaya ama dadka heshiis dhex
dhigaya...Waxaan filayaa in shirarkii xamar lagu
qabtay dhowaanahan aanay sifooyinka midna lahayn.
Maddaxweynihii Carta Cabdiqaasim oo sidaynu wada
garanayn ah nin hadal yaqaan ah laakiin "howl
qabad yar" ayaa mar uu lahadlayey jaaliyada
soomaaliyeed ee ku nool Qatar 2001, yiri, "Xamar
hadaad dhexmartid qof aad garatid ku arki maysid
waayo kuwii markii hore magaca qabiilka si guud
dadka ugu dagaal geliyey ayaa markii danbe
hadana jilib-jilib hoose u kala sooray oo u
dagaal geliyey markaa meel ay ku joogsato ayaa
la waayey tii qabyaalad ahayd"..
Hadaba maadaama aynu sidaynu wada ognahay
qabiilku noqday sun aan marnaba daawo noqon
karin waxaa haboon in shirarka lagu qabanayo
magaca beelaha la joojiya arintana laga dhigo,
mabda' iyo isku aragti soomaaliyi u siman tahay
aana arintu noqon sidii dhacday markii uu socdey
dagaalkii cabdi qaybdiid iyo maxkamadaha ee
cismaan caato damcay inuu dhex-dhexaadiyo ee la
shiray Indhacade isagoo diiday inuu shirka ka
soo qayb galo Sh. Shariif oo uu u arkayey nin
aan beesha wada hadlaysa ka tirsanayn...........Bal
eega bahasha fool xumadeeda!!!
Inkastoo aanan jeclayn inaan ka dhawaajiyo magac
qabiil hadana aan ku soo gabagabeeyo, hadal uu
yiri filisoofarkii weynaa ee soomaaliya Faarax
Gololey "Abtirsiimo waxaan ku nacay markii la i
yiri Habar Gidir baa Murursade kaa xigta"...
Waxaan duco iyo dembi dhaaf ilaahay u
waydiinayaa Abwaankii weynaa ee soomaaliya
cabdilaahi Suldaan (Tima-cade) waxaana qormadan
ku soo xirayaa beydka ugu qaalisan waxa
soomaaliyi gabay tirisay "Dugsi Maleh Qabyaaladi
waxay dumiso mooyaane".
Walaahu Aclam.
Cabdiraxmaan Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
SAMIR LA'AANTA
SOOMAALIDA
Cabdiraxman
Xariri
xariri@hotmail.com
Soomaaliya waxay burbur iyo
sharci daro iyo fawdo ku soo jirtey mudo 15 sano ka badan,
sababta ugu weyn ee ay dhibaatadaas uga bixi weydeyna waa is
aamin daro, samir la'aan iyo isu tanaasulid daro.
waxaana filayaa in sidii uu sheegay fanaankii caanka ah ee
Ismaaciil Aw Xirsi (Alla ha u naxariistee) ay haboonaan
lahayd in Siyaad Bare (Alla ha u naxariistee) loo sugo sanad
kale ama labo oo ahayd intii run ahaan ka harsanayd
cimrigiisa….nasiib xumo taasi ma dhicin waxaan lagu saaray
xoog iyo xabad taasoo weli u soconaya siday u bilaabatay.
Sidaa si la mid ah markii Cali Mahdi Jabuuti lagu doortay
hadii Caydiid u samro oo mudadii loo qabtay ee sadexda sano
ahayd uu sugo oo la shaqeeyo wadanku waxaan qabaa waa ka
badbaadi lahaa burburkii dagaalkii 4ta bilood iyo dagaalkii
sokeeye ee weli soomaalida ka sii hulaaqaya.
Sanado badan oo dagaal ah ka dib markii Cabdi-qaasim la
doortay hadii qab-qablayaashii diidanaa ay la shaqayn
lahaayeen oo fursad u siin lahaayeen inuu xukunkiisa ku
balaariyo soomaaliya, maanta wadanku sidan waa dhaami lahaa…laakiin
taas ilaahay kama dhigin ee lugtay qabteen.
Markii maxkamaduhu koonfurta soomaaliya gacanta ku dhigeen
haday dagaalka joojin lahaayeen shuruudaha ay wadahadaladii
Khartuum ku xidheena ay iska dayn lahaayeen dagaalkii ugu
dambeeyey waa la baajin lahaa sida muuqata, soomaliiduna
waxay dowladnimadeeda la soo noqon lahayd iyadoon ajinabi
gacan ka helin, laakiin taasi ma dhicin, ee waa tii Jihad
aan loo dhamayn, todoba beri oo digniin ah iyo abaabul
dagaal loo jeestey.
Markaan maanta u soo noqdo, mar hadii intaasoo fursadadood
inagu seegeen samir daro iyo isu fiirsi waxaa ila haboon
inaan lagu mashquulin nin reer "Qansax" ah baa meel loo
dhiibey ee la fiiriyo danta guud ee wadanka dowlada
Cabdilaahi yusuf iyo Geedina la siiyo fursad ay ku
shaqeeyaan inta wakhtigooda uga hadhay. hadii kale 15 sano
oo kale ayaynu ku jireynaa hebelkaas boos hebel loo dhiibey
waa ayo!
Waxaana filayaa in hadii qof reer "qansax" ah oo boos loo
dhiibo ama loo diido wadanku ku hagaagayo horaa loo arki
lahaa, burburkaas wadanka soo gaarayna ma dhaceen….
walaahu aclam
Cabdiraxman xariri – saudi arabia
xariri@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Warbaahinta Jab-hadaysan
Cabdiraxman
Xariri
xariri@hotmail.com
Waa ilaahay mahadii hadii
mar dowladii iyo shacabkiiba garteen dhibaatada saxaafada
jabhadaha isu rogtay ku hayso shacabka Soomaaliyeed gaar
ahaan dadka muqdisho. Wariyeyaashaas oo intooda badan
barbaaray ama ku indha furay xiligii burburka iyo
qabiilaysiga kana soo baxay siminaaro beeleedyo uu baabulay
Yusuf Garaad ayaad moodaa inay u hamuun qabaan daadashaada
dhiiga shacabka soomaaliyeed iyagoo ku hamiyayay in xamar
isu rogto meel Jaxiim ah oo laga huleelo, shacab iyo
dowladba……..(ilaahay kama dhigee)
Hadaba iyadoo meel kasta oo
ay joogtaba saxaafadu hadaf siyaasi ah leedahay (political
strategy) ayaan hadana hore loo arag saxafi doonaya in
wadankiisu goob dagaal noqdo, kuwa soomaalida mooye….
Xataa marka la sooqaado
warbaahinta Jaziira ee sida ay wax u sheegtaa muranka
dhaliyo, (controversial) waxay sida muuqata isku dayaan inay
Dowlada Qatar oo ah meesha xaruntoodu tahay ayan si weyn ugu
tag-taagsan waxyaabaha ka dhacaya ee khal-khalka gelinkara
Amaankeeda iyo dowlad nimadeeda labadaba.
Si hadaba looga badbaadu
fidnada iyo si xun wax u sheegnimada la wada dareemay ee
warbaahinta waxaa lama huraan ah in la qaado talaabooyin wax
iska caabin ah oo lagu xakamaynayo "Jabhadaha Warbaahinta ah
ee nabada hortaagan dowladana lugta haya.
1. Waa in
la xiraa FM-yada ay ka hadasho BBC aana loo ogalaan inay
shacabka si fudud suntooda ugu fidiyaan. Waxaan filayaa
inaanay jirin cid markii horaba u ogalaatay BBCDa inay
furato FM balse ay ka faaiideyseen xiligiii burburka iyo
fowdada
2. In la
furo ama la dhiiri geliyo idaacado ama warbaahin mihnad-le
yaal ah (professionals) oo aan cidna u adeegin xaqiiqadana
aan ka leexan.
3. In la
sameeyo xeerka guud (code of ethics) ee saxaafada lagulana
xisaabtamo cidii buun-buunisa xumaanta iyo burburka iskana
indha tirta wanaaga iyo nabadgelyada.
4. In
dowladu mar marwalab jawaab ka bixiso warkasta oo khaldan
aana loo oglaan inay ku badbaadeen been abuurka iyo xumaan
sheega.
Isku soo duubo warbaahintu
waxay door muhiim ah ka qaadan kartaa dib u heshiisiinta iyo
dib u dhiska dalka waxayna sidoo kale sababi karaan dagaalo
sokeeye iyo is gowrac sidii ka dhacday Ruwaanda oo
idaacadihii loo yaqaaney (hate radios) ee ka jirey xiligaa
lagu eedeeeyey inay iyagu wixii wadankaas ka dhacay ay
sababtooda lahaayeen. Waxaana jeclaan lahaa in warabaahinta
soomaaliyeed aanay dariiqaas kuwa Ruwanda raaceen ayan
raacin ayna wanaaga qaataan oo xumaanta ka dhowrsadaan,
iskana ilaawaan qabiilaysiga uu ku talaalay Yusuf Garaadka
BBCda ee ku xaragoonaya wixii waajibku ahaa inuu ka faano....
Walaahu Aclam
Cabdiraxman Xariri – Saudi
Arabia
xariri@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalakan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Feb 28, 2007
XAMAR - AMA AAN KU
XUKUMO AMA XASILOONI WAA
Cabdiraxman
Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Lalama yaabeen
hadii markii ciidamada dowlada iyo kuwa
Itoobiyaanku ay ku soo dhowaadeen caasimada
muqdisho ay maxkamaduhu u diyaar garoobaan inay
iska caabiyaan ciidamada soo siqayey oo ay
dhufayso adag ka qotaan Muqdisho hareeraheeda
iyo dhexdeeda, laakiin mar hadii ayan taasi
dhicin iyagoo sabab uga dhigay badbaadada
shacabka Muqdisho, waa maxay hadaba xiligan
amaan xumada iyo qalaasaha lala jeclaysanayaa
shacabka Muqdihso ee dhibta mudada dheer ku soo
jirey.
Safiirka
Soomaaliya u fadhiya Masar Cabdillahi Xassan
ayaa mar la weydiiyey in maxkamaduhu keeneen
amaan iyo kala danbayn mudo 6 bilood ah, ku
jawaabey maxkamaduhu amaanka shacabaka uma
keenin ee naftooday u keeneen, mar hadii la
saarayna shacabku inoo halaagmo waxay ka jecel
yihiin ma jirto waayo awelba shacab umay
shaqaynayn ee iyagaa laftooda u xoogsanayey.
Dhacdooyinkan
amaan xumida ah ee laga soo sheegayo Muqdisho
ayaa waxay i xasuusiyeen nin la oran jirey Suufi
Xaashi oo mar baabuur kolonyo ah oo uu watay ay
u soo hoydeen tuulo ka mid ah tuulooyinka
Soomaalida kana baqay in alaabta gawaarida
saaran la xado inta ay hurdaan sidaa la
ajligeedna isugu yeeray intii uu is lahaa waa
tuug alaabta xadi doonta oo ku yiri alaabta iyo
baabuurta waardiyeeya aroortii marka waagu
beryana khidmadiina oo kaash ah qaata, subixii
markii la toosay ayaa loo yimi alaabtii oo dhan
oo aan far la saarin, markaasay tuugtii waardiye
yaasha ahaa intay ku soo yaaceen Suufi ku
yiraahdeen "hade waanagaa hantidii kuu xafidnay
oo ku ilaalinaye xaqayagii na taabsii", Suufi
baa intuu dhoosha ka qoslay yiri oo hadii
intiinii tuugta ahaydba aad waardiyeyaal
ahaydeen yaad ka waardiyeynayseen….! Waxaadna
moodaa in amaanka maxkamadaha la sheego inay
keeneen uu si dadban u waafaqsanyahay xigmada
Suufi.
Waxaan kaloo
arintan wax ka waydiiyey nin ganacsade ah oo la
yiraahdo Maxamed Yusuf oo si isdaba jog ah xamar
u taga wuxuuna ugu yiri hadal aan la yaabay "War
dhegeyso waxaan aad maqlayso wax baa la qarxiyey
waxbaa la dhaawacay, hoobiyaa la soo ridey
awelba way dhici jireen xiligii maxkamadaha
laakiin maxkamaduhu waxay gacan bir ah ku hayeen
warbaahinta wadanka kuwaaso qaarna lafahooda uga
baqayeen qaarna qabiil ahaan u taageersanayeen
sidaa darteen war xun lama sheegi kari jirin
….Saxaafada Xamarna waxaa lagu mashquushay
xiligaas Maxay Qabatay Towradu.
Isku soo duubo
hadii badbaadinta ummada iyo nasteexaynta
shacabka ay ahayd hadafka ay lahaayeen
maxkamadihii laga taagta roonaaday ee Muqdisho
ma jirto sabab ay hada hadaf uga dhigtaan
maatada oo ay u laayaan dad aan dembi geysan si
ay u maqlaan Jazeera ama British Brodcasting
Corporation oo ku hadaaqaya Xamar xiligii
maxkamadahay amaan ahayd.
Dhinaca
dowladana waxaa la gudboon in ay u adeegsato
warbaahinta sidii maxkamaha oo ay ku qasabto
inay oofiyaan Axdiga Guud ee Warbaahinta ayna
wararka oo dhan sheegaan xumaan iyo samaanba,
halka hada ay ku mashquuleen war xun sheegnimo
keliya.
Walaahu Aclam,
Cabdiraxman
Xariri – Saudi Arabia.
xariri@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Jan 27, 2007
BULUUGLEY YAA KA
NAXAY
Cabdiraxman
Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Wax lala yaabo
ma'aha in qof ka tirsan gooni-goosatada
Soomaliland la baxday uu sheego inuu neceb yahay
calanka Buluuga ah ee xidigta shan geeska ahi
dhexda kaga taal, laakiin weli ma aan maqal cid
ku dartay weedha ah Markaan Arko Waa Naxaa…….Ka
daroo dibi dhal.
Aniguse dooni maayo inaan is gaabiyo oo aan wax
ka idhaahdo waxa Ina Cali Waraabe ka soo
burqadanaya ee aad moodo inuu ka hadli jirey
idaacadahii gumaadka dhiiri gelin jirey ee
Ruwanda ee ka jirey sagaashameeyadii (Hate
Radios). Laakiin waxaan doonayaa inaan kelmed
iraahdo dadka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi
ku dhaqan.
Khariidada
Hoose inta midabka casaanka waa dhulka Oromada

Ma ogtahay in dhulka Qowmiyadda Oromada ay
baaxadiisu yahay 353,632 km2 ,
dhulkaas oo hadda ka tirsan Ethiopia balse ay
qowmiyadda Oromiya u halgamayaan in ay ka
xoroobaan Ethiopia, tirada Oromada ee ku dhaqan
khariida Inta ka calamadsan waxaa sannadkii 2002
lagu qiyasay 24 million oo qof, Laakiin guud
ahan Oromada ku dhaqan Ethiopia waxaa lagu
qiyaasaa 26.6 Million.
Akhri:
http://www.oromoliberationfront.org/
YABOOH
(APPEAL) KU WAAJAHAN UMMADDA SOOMAALIYEED
Anigoo ah Xaafid-ed-Diin Cumar Axmad Malow, loo
yaqaanno Cumar Cusmaan Raabe.
Anigoo wax badan uga digay ummadda Soomaaliyeed
mu'aamaradaha cadowga Xabashida inta (Dowladaha) had
iyo jeer hiil iyo hoo la garabjooga. Waxaan ugu
yaboohaya Shacbiga Soomaaliyeed meel u joogaba iyo
Qaranka Soomaaliyeed gebi ahantii:...
Akhri... |
Waa marka hore
e hadaad goosanaysaan oo aad isla ogoshihiin
dhexdiina oo aad wax ku faaiidaysaan inaad
Soomaaliya inteeda kale ka go'daan oo caalamka
iyo Soomaalidu idinla ogol yihiin, waa xaq
sharci ah inaad gooni isu taag dalbataa laakiin
waxaa waajibku yahay inaad soo martaan dariiqada
saxda ah ee oo la mid ah tii la maray markii la
midoobey, hadiise la damco in colaada la sii
kordhiyo oo soomaaliyoo dhan lala hardamo waxaa
imaanaysa in waqooyigu goosina waanyo joogina
waayo waana dembiga ugu xun ee shacabkan
dhegaha-nugul laga galo.
Dhinaca kale Iyadoo aynu ognahay heerka musuq
maasuq iyo maamul xumo ee goboladan ku habsadey
oo ay ugu dambeysey fadeexadii Sulub iyo Haatuf,
waxaan shaki ku jirin in inta yare ee danaha
khaaska ah ku qabta nidaamka aqoonsiga waayey ay
doonayaan in dadka reer waqooyiga ah ay
dhexdooda iska horkeenaa walaaladooda
koonfureedna ay fidno dhex dhigaan si ay iyagu
danahooda u gaaraan.
Hadaba iyadoo laga soo gudbey xiligii jujuubka
iyo isu talinta uuna qof walboo soomaali ahi
haatan indhaha ku hayo wixii baxaya iyo wixii
soo gelaya soomaaliya guud ahaanba iyo waqooyiga
gaar ahaan, waxaa haboon in calanka soomaaliyeed
Astaanta u ah Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo
ay joogaanba aan loo wax yeelayn si majaraha
loogu sii hayo doonidan Soomaaliland loo bixiyey
ee dakhalkeedii jabay ee ay muuqato in ay maalin
uun u soo caariyi doonto xeebaha Koonfureed ee
Soomaaliya.
Walaahu Aclam
Cabdiraxman Xariri
xariri@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 18, 2007
5 Sababood
Darteed Dagaalka Gobolka Baay Jihaad Ma’aha

Cabdiraxman
Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Dec 22, 2006
Markii Ilaahay
Subxaanahu watacaalaa Malaaigtiisa u sheegay
inuu samaynayo Makhluuq cusub oo uu aduunka ku
beerayo, sida quraanku sheegay malaigtu ma
jeclaysan arinkaas iyagoo subab uga dhigay in
bani’aadamkan dhoobada laga samayn doonaa ee
aduunka la dejinayaa uu dhulkan cusub ee quruxda
badan fasahaadin doonaan oo dhiig ku daadin
doonaan. Halkaa waxaa ka cad in dhiig daadintu
ama is-dilku yahay waxa ugu badan ee bani
aadamku cadhada Eebe ku mutaysto keentana in
dhulka iyo adoomaha eebe ku beerayba ay
fasa-haadaan oo burbur.iyo nolol xumo soo
wajahdo.
Iska daa hadii
qofka la dilayaa uu Mulim Ashahaata oo ehlu
towxiid ah yahay, waxaana xadiis rasuulku (CSW)
ka sugnaaday uu ku yiri i “Aduunka oo la baabiyo
ayaa ilaahay kala fudud qof muslim ah in
dhiigiisa la daadiyo”. Marka Ilaahay sidaa inoo
sheegay looma baahna in la leex leexiyo micnaha
oo la yiraahdo dadka qaar baa Muslim sax ah
qaarna waa muslim dhiman, iyadoo aynu ognahay in
rasuulku (CSW) dad Munaafiqiin ah oo ogyahay
aanu ogolaan jirin in waxa dhibaato ah loo
geysto af iyo adin toona oo isaga iskala
socdeen.
Dhinaca kale
shantan qodob ee aan hoos ku sheegi doono
darteed dagaalka baydhabo lala beegsaday
Jihaad Islaami ah ma’aha mana buuxin shuruudaha
laga doonayo in Jihaadka nadiifta ahi yeesho:-
1. Waxaynu ku jirney Bilaha La
Xurmeeyo “Ashhurul Xurum” afarta bilood ee
ilaahay mamnuucay in wax dagaal ah Islaamku galo
waxayna kala yihiin Dulqicda, Dulxijah, Muxaram
iyo Rajab, (ma hubo in ninka todobada beri
qabtay ee dagaalkan huriyey uu maqlay Ashurhurul
Xurum iyo inkale).
2. Dadka wax ku noqday dagaalka
badidoodu labda dhinacba waa Muslimiin waxaana
islaamku xaraantimeeyey in dagaal dad muslim wax
ku noqonayaan la qaado sida suratul Fatah
ilaahay ku sheegay aayada (25aad ). Rasuulakana
waxaa caado u ahayd markuu dagaal qaadayo inuu
soo dul fadhiisan jirey magaalada uu weerarayo,
haduu maqlo in salaada subax la adimay ma
weerari jiren (waxaan filayaa in reer Baydhabo
marka la isku daro soomaali oo dhan ay quraanka
iyo diinta ugu badiyaan adaanka salaada subaxna
aan laga waayeen hadii la dhegysan lahaa!)
3. “In Tigree dalka laga
xoreeyaa” ma noqon karto sabab jihaad loo
iclaamiyo waayo xoraynta dhulku ma aha
waxyaabaha qofka Islaamka ah uu naftiisa u jaro
waxaana la waydiiyey rasuulka CSW qofkii
dalkiisa u dhinta iyo ka qabiilkiisa u dhinta
inay jidka Alle ku dhinteen iyo in kale wuxuuna
rasuulku CSW ku jawaabay ninkii u dagaalamaya in
kelimada alle (li’iclaali kalimati laah) korayso
ayuunba jidkii alle ku dhintay.
4. Ilaahay wuxuu yiri “Walaa
Talquu bi’aydiyakum ila tahlukah” gacmihiina
haku raadsanina halaag markaa ardayda yar-yar ee
aan weli qaan gaadhin ee dagaalka loo soo
daabulay waxay muujinaysaa in la gees-maray
qudsiyadii iyo karaamadii islaamku bani’aadmiga
siiyey iyo in aan la dagaalamin in laga fursan
waayo mooyee.
5. In aan “Gaalo” la kaashan
oo aan dad aan islaam ahayn la adeegsan si loo
jihaado waxaana rasuulka dhacday in mar uu nin
Kirisataan (Masiixi) ahi damcay inuu
Jihaad u raaco wuxuuna rasuulku si cadho ku
jirto u yiri “Noqo Gaal Taageero kama rabee”.
Inaguna waxaynu ognahay in ugu yaraan 2000 oo
Eriteriyaan Gaala ahi ay la safan
yihiin maxkamadaha taasoo muujinaysa in la laga
talaabsaday mid ka mid shuruudaha Jihaadka.
Isku soo duubo
dagaalkan wuxuu dhacay xili khalad ah (Ashhurul
Xurum), wuxuuna ka dhacay meel khalad ah (Baydhabo
Janaay) wuxuuna ku dhacay dad khalad ah (Soomaali),
sidaa darteed uma sugnaanin (marka shareecada la
eego) shuruudaha laga doonayo in Jihaadku yeesho,
waxaana shacabka soomaaliyeed ugu yeerayaa inay
nabada ka shaqeeyaan aana lagu maaweelin “Janno”
kuwii ku baaqayeyba ay dayaarad ka sooraaceen.
Walaahu Aclam
Cabdiraxmaan
Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Dec 22, 2006
9:24 AM
Afeef:
Aragtidan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


|