Faalo:
Warbixin ku Saabsan Xarfo oo dhawaan Maamulka Puntland uu
Degmo u Magacaabey.
Qore: Yusuf Gaduudow. Bososo,Somalia
Xarfo waxa ay ahaan jirtey tuulo facweyn oo aad u yar oo
jiri jirtey ka hor xiligii uu Puntland hogaanka u hayay
Madaxweynaha haatan ee Dowlada Federaalka KMG ah ee
Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed walina jirtey hase
ahaate, Taariikhdu markey ahayd 22/02/2007 ayuu Maamulka
Dowlad Goboleedka Puntland ee haatan waxa uu u magacaabey
degmo, waxayna noqonaysaa degmadii 35 ee uu Maamulka
Puntland magacaabo, xarfo waxa ay ka tirsan tahay gobolka
mudug qiyaastii 50km ayay dhinaca waqooyi ayay ka xigtaa
magaalo madaxda gobolka mudug ee gaalkacyo Waxa ayna u dhow
dahay degmada burtinle ee gobolka nugaal.
Degmada xarfo waxaa ku nool dadweyne aad u fara badan mana
ahan meel ay hal qabiili ay dagan yihiin ee waxaa dagan oo
wada daga dhowr qabiil oo bulshada ka mid ah, arimaha
bulshada ee degmada xarfo waa mid runtii heer sare maraysa
lana is dhihi karo waxbaa ka dhiman degmada waxaa ka dhisan
goobo fara badan hadii ay noqon lahayd dhanka
waxbarashada,isgaarsiinta,biyaha, iyo dhanka caafimaadka oo
ah muhiimada ugu weyn waayo markii caafimaad la helo ayaa
nolole ay suurtoobi kartaa waxaa sanadkii 2005 degmada xarfo
laga hirgaliyay cisbitaal weyn oo aan is dhihi karno waa
haqab tirey 75% baahidii caafimaad ee deegaankaasi waxa uuna
dhacaa dhinaca waqooyi bari ee degmada xarfo.
Danka Waxbarashada ee degmada, degmada xarfo waxaa ku yaal
dugsiyo isugu jira dugsi hoose iyo mid dhexe oo ay dhamaan
ka samin yihiin qaybaha bulshada ayna kala dhigtaan wiilasha
iyo gabdhaha waxaana sanadkii 2004 qiyaastii degmada xarfo
laga hirgliyay goob weyn oo wax lagu barto loogana talagalay
khaasna u ah gabdhaha yar yar iyo kuwa waa weyn waxaana
dugsigaasi xariga ka jarey Wasiirka Arimaha Haweenka iyo
Qoyska ee Dowlad Goboleedka Puntland Marwo Caasho Geele
Diiriye waxaana dhanka Maaliyiyada ka taageertey sida la ii
sheegey hay'ad waxa uuna dhacaa ama ku yaal dhinaca
koonfurteed ee degmada laga soo galo, sidoo kale waxaa ku
yaal dugsi H/DHEXE oo ay si gaar ah u dhigtaan wiilasha
degmada iskuulkan ayaa waxa laga hirgaliyay degmada xarfo
sanadkii 2005 waxa uuna dhacaa dhinaca koonfureed ee degmada
waxa uuna u dhow yahay cisbitaalka degmada dugsiyadan ayaa
waxaa lagu bartaa dhowr maado oo kala duwan sida uu ii
sheegtey mar aan booqdey Dugsiga H/DHEXE wiilasha Maamulka
dugsiga,
Waxaase kaloo xusud mudan in ay degmada ku yaalaan dugsiyo
lagu barto luuqadaha kuwaas oo loo yaqaan (privatka) oo
khaas loo leeyahay, dugsiyada ku yaala degmada xarfo ma ahan
kuwo haqab tirey amas buuxiyay baahidda waxbarasho ee
bulshada kala duwan ee ku nool degmada markii uu ardaygu
dhamaysto Waxbarashada H/DHEXE ayuu u baqoolaa Magaalooyinka
waa weyn sida Boosaaso Garoowe iyo Galkacyo, hase ahaatee
waxaa lagu amaani karaa in ay ka haqab tireen baahida
waxbarasho ee asaasiga ah ee dugsiyada H/DHEXE, Degmada
xarfo sanadihii ugu danbeeyay waxa ay siiyeelanaysey horumar
aad u balaaran oo la taaban karo degmadu waa ay fidey wayna
balaaratay waxa ayna sii yeelanaysaa bilic aad u qurux badan
iyadoo laga hirgaliyay degmada dismayaal aad u qurux badan
oo ay dhisteen shirkadaha isgaarsiinta ee kala duwan ee ka
howl gala degmada waxaana shirkadaasi ka mid ah shirkada
gayigeena ee GTC iyo sidoo kale shirkada STG iyo waliba
shirkado kala duwan ee ay dagmado yeelatay sanadihii ugu
danbeeyay sidoo kale degmadu waxa ay yeelatay oo aysan
lahaan jirin laguna amaani kartaa dhanka korontada degmado
sanadihii lasoo dhaafey ma lahaan jirin wax koronto ah hase
ahaatee waa wax lagu amaano karo haatan oo degmada kusoo
siyaadey.
W/D Yusuf Moh'ed Ismail (Gaduudow)
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo,Puntland,Somalia
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Mar 1, 2007


|