SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Gabay abwaan nuuradiin warsame buryar
Email" ibnuburyar@hotmail.com

somaali dawgeedu waa inay dagaashaaye
duulwax garada iyo jeer ilaah daalib ka,abuuro
dagimayso duulkale intay dadab sanysaaye
dunidaa hayaantoo hawada lagu damaashaaday
dalxiiskaa dayaxa loogu tagay dayiba maayaane
dabcigeedu waa inay qabiil diin kadhigataaye
daarood isaaq iyo hawiye laysu dacareeye
dakanooyin aan laga gudbayn duubka loo xiraye
hadba qoladii dagan maalintaas lagu dam baysiiye
dooxatooyin laysugu dhaqaaq sidii daraawiiishe
reer hebel ninkee laga dilaa dooda loo badiye
dambiilihii dulmiga suubiyana darajo looyeelye
dawlad nimo lawaayoo  sidii duunyo loodhaqanye
ninwaliba dariiq goosayo shacabka daaneeye
dibjir iyo dableey looga carar dagaladeeniye
yaa dankaleh dabkaa baxahayiyo duurka gubanaaya
yaa dankaleh difeetada dhacdiyo diifta hari wayday
yaa dankaleh hadii dowladii shacabku uudiidaday
yaa dankaleh hadii ay digree dalabtayoo keentay
yaa dankaleh wixii ay dilaan ama ladaaneeyo
yaa dankaleh dagaalkii kadhacay xeradii daynuunay
yaa dankaleh dadkii lagu diliyo dhiigi lagu daadshay
yaa dankaleh qoxootiga dulmane meela dagi waayay
yaa dankaleh kuwaa didahayee doonta laga buuxshay
yaa dankaleh kuwaas daadka iyo wabigu daaneeyay
yaa dankaleh dakadahaan xirmiyo jidadka duugoobay
yaa dankaleh fakhriga nagu dagoo duudka naga fuulay
afartaas ma dalanbaabiyee daw maku hagaajay
nin damiirle waa garanayaah meesha iidarane
dacwad kalana waa hadal yaroon ugu dambaysiiyay
shacab yohow dulmani waad ogtahay meesha kuu darane
hadaad daymo dheer leedahoo dawga lagu fiirsho
dawladnimadu waa idinka oo laysku kiin daro,e
kudadaala magaciinjiryaye danaha beesheena
oo qabyaalad waa nala dagataye dib uga waantooba
hadii kale digruhu haydin cuno iyo dilaalkiisu
idinkaa daleesha  isdhigee darisku noo hiili
dikruhuna baruu tagahayaa sida daliishaaye
bal dadaalka aad suubisaan dib an usii eegno
waa gabaygii yaa dankaleh iyo abwaan nuuradiin warsame buryar

nuuradiin warsame buryar
Email"
ibnuburyar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2007

YAA GAAGIXIYAY MAXKAMADAHA?
Qore: Mustaf Haji Ali yanyo| Jan 18, 2007
Sida aan kawar qabno dalka soomaliya waxay soomartay maraaxil aad ufarabadan laga [Akhri...]

AKHRI: ARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH