SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maqaal/Gabay: Xog'ogaal.....

Saciid Axmed
Siciid71@yahoo.com 

Halkaan waxaan jecelahay inaan kusoo bandhigo, gabay yar oo ka hadlaaya, dhacdooyinka maanta ka taagan waddankeenna.  Waxaana iga keenay, inta badan marka aan ka hadlayno, haddaan Soomaali nahay, dhibaatooyinka na haysta, inaan ku howshoonno oo qura eedaymaha ku foolan dowladaha shisheeye, isla markaana, aan is-duudsinno kaalinta aan (eedda burburka nolosheenna iyo qarankeeni Soomaaliyeed)ku leennahay.  Taasoo ah been ama inkirmaad tan ugu xun, waayo, waa mid kuu diidaysa inaad isbedel samayso, oo aad isi saxdo, maxaayeelay, qofku wuxuu isi-saxaa, marki garowshiinyo laga helo, oo uu qirto qaladkiisa.  Sidaas darteed, waxay ila tahay, annagu marka hore inaan leenahay eedda koowaad oo aan nahay “dal dad waayay”, marka xigana ay dunidu (US, ETHIOPIA, UN, OAU,EU,IGAD, CARAB, IWM)  na hagratay, oo ay tahay, “duni damiir beeshay”. 

Si kastose ha ahaatee, adduunyadu waxay tahay ayay tahay- annagana kama dhigin sidaas - xilka koowaadna ma’aha inaan toosino(waaba haddii aan karnee) ee waa inaan marka hore helnaa sidi aan u badbaadin lahayn jiritaanka waddankeenna, kadibna aan wax ula qabsan lahayn, ulana tartami lahayn adduunyada annagoo diinteenna, dadkeenna iyo dalkeennaba u shaqaynayna.  ninbaa hadda ka hor waxow yiri “dabadaadiyoon dednayd daaqadna u wayday, inaad dabo islaameed deddaa waa dabbaalnimo”, .  Waxaan uga jeedaa nolosha adduunyadu way fursado badan tahay, mid haddii ay ku dhaaftana midda kale ayaa la rabaa inaad ku dadaasho, balse waa danyuusnimo inay fursad la’arko ku seegtaa adiga oo nool - haddii aan Soomaali nahayna - waxaa na soo maray fursado badan oo aan qarankeenni lumay dib ugu soo celin karnay (Manifesto Group ama Cali Mahdi, Dowladdii Carta, MMI, iyo kuwo kale) intibana waan luminnay. 

 Marka gabaygu wuxuu ka hadlaayaa:   Inaan kaalin weyn ka qaadannay burburinta waddankeenna haddaan Soomaali nahay loona baahan yahay inaan eeddeenna aqbalno si aan isu saxno oo aan isu daba-qabanno, iyo in aan tagtada ka run-sheegno oo aan ku wada dheehno dhinacyadeedoo dhan, si ay jiilasha danbe uga faa’iidaystaan.   Marka aniga oo dooddaas ayada ah iyo isqabadsiinaaya marxaladdeennu maanta meesha ay marayso, iyo inaysan ciidamada Itoobiya awoodeen inay soo galaan waddankeenna haddii aysan ahayn 16ki sano oo aan kusii jeednay gobolaysiga iyo gulufka colaadeed, iyo sababo kaleba, ayaan idinku soo dhoweynayaa gabaygii.

XOG’OGAAL 

  1. Xa’da maanso, xuuraansiga gabay , xilalka suugaanta
  2. Nin xansaday baan ahoo, murti laga xambaartaahe
  3. Xanjeersigeedaa bulshadu igu xushmaysaahe.
  4. Xaruntii aan istaagaba waa la’i xasuustaahe
  5. Xariiraa la’ii dhigaa xaafaddii aan aadaba’e
  6. Xaashaa Lillaahiye Soomaali waa ii wada xabiibe.
  7. Anna kuma xilafuree maraan u xantoobiyaahe
  8. Xishoodkeeda anigoon ka tagin ayaan xiddigiyaahe
  9. Marse haddii xaalku kala anbado way xayirantaahe.
  10. Inyaroose xajiskii hurdada xalayto ii diidday
  11. Oon xaraarugayaan rabaa inaan xaraashaahe
  12. Nin xeytayoo Allow hayga dhigin xoori kari waayay.
  13.  
  14. Xoodxoodasho lama rabiyo, xan iyo deelqaafe
  15. Been lama xigsado run haddii la xultamaayaahe
  16. Xaaraan wixii dhaxlaahi waa xiitiyo hooge.
  17. Xaaliga lafeed waxaa ka roon inaad xakaartaahe
  18. Xalaal adiga oo heli kara haddii aad u xuurto
  19. Waa xaraar jidsan xeeradaan kugu soo galine.
  20. “Xujo lama falee xaajadaa lagu heshiiyaahe”
  21. Xabadkaa wax laga arkaa indhuhu waa xubine
  22. Xaaddu waxay istaagtaa markaad xantaxantootaahe.
  23. Afartaas ma xardhay waatii aan xeeladayn jiraye
  24. Ma xifdiyay aniga oon ku darin xagatin waa iine
  25. Afar kalana xalladdi aan lahaa xadartankeedii dheh.
  26.  
  27. Xoogsheegashada dunidiyo waaga xumaantiisa
  28. Xuub anigoon ku qarinayn xiiqda nagu taagan
  29. Xulufana aan u oggolayn xudduudaheenoo dhan.
  30. Xaashidu waa laba bogleey xagalladeediiye,
  31. Haddii aan xaq loo wada dhahayn xuruufahay sheegto
  32. Oon xaladhalay maahane sheekada laga wada xiisin.
  33. Xanuunka wixi keenay haddaan laga wada xaalin
  34. Eedda tii xaggaaga ahaa laga xanaaqaahe
  35. Inay saas ku xididdaysataa sow xog dhiman maaha.
  36.  
  37. Waa xeel adduunyadu tafaha la’is xiraayaahe
  38. Xabashana nagama adkayn tan iyo xaataaye
  39. Toban iyo xoogaa sano waxaan ka xaragoo waynay
  40. Xamar iyo Hargayso wixii kala xiriir gooyay
  41. Xeebaha Yemeneed wixii meyd xanniban yiillay
  42. Xurmo ayagoon wadan wixii xaasas naga dhoofay
  43. Reerohoodii wixii xaawaleey lagu hor xumeeyay
  44. Xuddur iyo Kismaanyiyo Bari, xeryaha Boorame
  45. Tan iyo Xaafuun wixii xabbado duulaayay.
  46. Xinjiro daadiskiyo umulihii xawda laga gooyay
  47. Talo iska xigsigii iyo dhagihii layska xisas ootay
  48. Inti aan isku xoomanayn xagaayadi duulay
  49. Xaasid waddan ma waayiyo nacas xasuuqaahe
  50. Mar haddaan xilligu dabramayn xowli socodkiisa
  51. Xawaaraha aan ka harnaa na baday xusulgaabnida’e.
  52. Xoolo bowd la’aaneed ma jiro nacab xannaanshaahe
  53. Haddii aysan kuu xisaabsanayn waa lagaa xadiye
  54. Xunbo cuskashadu waa waxaan xayska kaa dhigine.
  55. Xikaayadaha barkood haddii laga xifaaloodo
  56. Barna lagu rogo xaab ee aan laga xajiimoonin
  57. Inay saas ku xididdaysataa sow xog dhiman maaha.
  58.  
  59. Laa-xowla walaa quwata waa xakamaddeeniiye
  60. Xaakin aawadii hadday xornimo kuu dhalato
  61. Si xeego loo xagtaa jirtee haddii lagu haleeshiiyo
  62. Si aan dib loogu xogan mar waa laga xaluushaahe
  63. Ninki is-xallin waayiyo ninkii xadka usoo dhaafay
  64. Labadaas xaqba tagtadu waa inay xariiqdaahe.
  65. Xikaayadaha barkood haddii laga xifaaloodo
  66. Barna lagu rogo xaab ee aan laga xajiimoonin
  67. Inay saas ku xididdaysataa sow xog dhiman maahee.

Saciid Axmed
Siciid71@yahoo.com
 

FG.

*”DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY”
Qoray; Maxamed Daahir Afrax.  Buug qiimo leh.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2007

YAA GAAGIXIYAY MAXKAMADAHA?
Qore: Mustaf Haji Ali yanyo| Jan 18, 2007
Sida aan kawar qabno dalka soomaliya waxay soomartay maraaxil aad ufarabadan laga [Akhri...]

AKHRI: ARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH