SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maansadii Xabashiga inaga daa

Maxamad bashiir jaamac
Drevsjų, norwey
Gumburi1885@yahoo.com

Asalaama caleykum warxmatulaahi wabarakaatuh.

in kasta oo aan uga digay barlamaanka soomaliyeed inay u codeeyaan ciidamo shisheeye oo dalkeena la keeno gaar ahaan kuwa xabshida ,hadana dheg jalaq la iima siin walow ay jireen kuwa badan oo diidanaa arintaas,laakiin barlamaanka markii ay maxaakiimtu qabsadeen hogaanka soomaaliya ayna dalka badidiisa gacanta ku dhigeen waxaa is tusay in ay waayayaan kuraastooda hadiiba cadaalad iyo shariicada oo la isku xukumaa ay meesha soo gasho.Waa siduu macalinkoodu rabaye waxay saxiixa ku duugeen in la keeno ciidamo shisheeye, saf hore iyo mid dambe sheekadu waa ka weynayd oo waxaa la sugaayey oo keli ah wax yar oo qiil ah .hadaba maxaan ka digay maalintaas iyo sidee wax u dhaceen ayaa waxaan dib u xusuustay hadii digniintaas oo aniga aan igu koobnayn ee malaayiin soomali ahi ila qabeen la raaci lahaa.

hadaba  aniga oo waagaa la hadlaayey xildhibaanada qaranka ayaan curiyey maansada  xabshiga inaga daa oo horayna aan ugu faafiyey shabkada umadda soomaaliyeed www.somalitalk.com  .maansadii ayaan jeclaystay in aan mar labaad idiinku soo celiyo faafinteeda si dadkii aan horay u akhrisan uu markan u akhristo una dareemo in xabshi aan si fiican u naqaano wax ay yihiin iyo waa ay wataanba.marka aad mansada akhrido ayaad arkaysaa ama fahmaysaa xabshi iyo waxa ay yihiin iyo inaanay u ahayn gacal iyo walaal iyo deris toona umadda soomaliyeed,waa tan maansadii aan isla eegno:

Maansada Xabashiga inaga daa

Maxamad bashiir jaamac
Drevsjų, norwey
Gumburi1885@yahoo.com
waad salaamantahiin waxaanna jeclahay in aad maansadaan u gudbisaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan baarlamaanka qaranka oo leh goaanka ciidamo shisheeye .
anigoo ka codsanaaya in ay inaga daayaan ciidamada itoobiyaanka.
Xildhibaanka qarankow xabshiga inaga daa
Inta aanan gelin maansadan waxaan waxyar ka taabanayaa ,xarafka
4aad ee af soomaaliga oo ah (X).
Idinkoo ila arki doona xarafkan waxaa ku badan waxyaalo aan aad loo jeclayn ama qiima weyn lahayn,sida xaasid,xajiin,xumbo ama xunbo,xasarad,xatooyo,xin,xabbad,xisaabtan,xasuuq,xadgudub,xaaraan,iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karin,oo xabashi ugu dameeyo,oo soomaalidu ay aad u necebtahay.
Ma ahi nin aaminsan curaafiska,balse waxaa iga keenay sheekadan nacaybka aan u qabo in askari xabashi ahi soomaaliya dhexdeeda inta la siiyo ogolaansho uuna ka soo qaato soomali uu markaa ku gumaado shacab soomaaliyeed kuna kufsado gabdho soomaaliyeed kuna aar goosto oo kaga dhigo ciil uu qabay iyo caruu kula dhacay.
Waxaa is weydiin leh haddii ay xabshida maanta saaxiibo inoo yihiin maxay ku goeen dhalintii soomaaliyeed oo ilaa axmad guray ilaa 1964 ilaa 1977 ku dhimanayey dagaalka xabashida iyo mujaahidiinta maanta weli ka dagaalamaya dhulka somali galbeed.
Maansadani waxay ku socotaa xildhibaanada qaranka waxaana taageero uga dhigayaa dhawaaqii ka soo yeeray xildhibaan jinni boqor oo ahaa diidmada xabashida.
Ugamana dan lihi ujeeddo siyaasadeed oo gaar ah ee waa mid igaga soo baxday soomalinmo iyo jacayl aan u qabo dalkayga iyo dadkayga qaaliga ah ,ee aan dhaxalka uga helay awoowayaashay.
Waxan idhi:
  • Gabay xoolo kuma dhaqan
  • Xoogsina kamaan rabo
  • Xarafkaan qoraayana
  • Xag allaan ka heliyoo
  • Xulufadii rasuulkiyo
  • Xamsa inaan ku biiraa
  • Meel iigu xidhanoo
  • Xaaraan inaan cuno
  • Aadame xaqiis dhaco
  • Kuma darin xisaabaha
  • Dhulkaygana xumaantiyo
  • Xiisadiyo colaadaha
  • Xagashana kolay tahay
  • Inaan laygu xamanayn
  • Xabaalaha shawacliyo
  • Xingalool tan iyo badhan
  • Xubeeriyo buraan yaro
  • Dhahar xididadeediyo
  • Ilaa xeebta laasqoray
  • Xarar dheere iyo howd
  • Xalin iyo hargeysiyo
  • Xamar iyo kismaayaba
  • Xaafuun agteediyo
  • Xiddaa laga ogsoonyahay.
  • Soomaali xul ahoo
  • Waxan ahay xafiidoo
  • Xubigii dalkaygiyo
  • Xiriirkii dadkaygiyo
  • Xariir baan ku jiifaa.
  • Arartaan xariiqiyo
  • Xogta aan warmayaba
  • Xanuun bayga keenaye
  • Aan soo xayuubshee
  • Soomaalaay bal xaafida
  • X da erayga loo qoro
  • Khayr kuma xiriirsana
  • Xumbo waad taqaaniin
  • Xoor cano ma ahaan
  • Xatooyaduna waa ceeb
  • Xasuuq diid ilaahay
  • Xadro diinta laga saar
  • Xiisuhu ma raagaa?
  • Xin miyaa la jecelyahay?
  • Xaasid waa la necebyahay
  • Idin xiijin maayee
  • X du waa dhib badantoo
  • Wax kastoo xumaanoo
  • Ilaahay xarimay baan
  • Xaaraan ku sheegnaa
  • Xarafkaana kama helo
  • Xisbiyda galbeedkuna
  • Waxay xeer u waayaan
  • Ayeey (X )ku sheegaan.
  • Xaruntaan u jeediyo
  • Xeradii ma tegin weli
  • Nayroobi xaalkii
  • Laba sano xusuustii
  • Lagu soo xisaabshoo
  • Xallintii khilaafkiyo
  • Beelaha xasilintii
  • Barlamaanku xawliga
  • Madaxweyne soo xulay
  • Xibir iyo waraaqiyo
  • Xaalka carabta yuu noqon
  • Xayraan lakal noqon
  • Loo noqon xagaagii.
  • Nimankii xiriirkiyo
  • Xeerkeennu uu go ,ay
  • Nimankii xadoo dhacay
  • Xubno weyn dalkeennii
  • Weli xoog ku haystoo
  • Xad kaleeto sii raba
  • Sidee nabad u xeeraan?
  • Xildhibaanka qarankow
  • Adigaa xilkii sida
  • Adigaa ilaahay
  • Ku xisaabin doonaa
  • Xaashaa lilaahiye
  • Xaruntii dalkeeniyo
  • Xuduntiisii weeyee
  • Xamar waa xabiibee
  • Xabashiga inaga daa.
  • Xildhibaanka qarankow
  • Xabashiga inaga daa
  • Xabashiga inaga daa
  • Xabashiga inaga daa
  • Hadii aadse xulufiyo
  • Doolaar xasilin iyo
  • Xoolaha ad damacdaan
  • Xirfadaa ciyaartaan
  • Maatida xaraashtaan
  • Walaydaan xal gaarayn
  • Walaydaan xiriir wacan
  • Ilaahay la xiranayn
  • Sheydaanna xiisuu
  • Naar kugu xodxodayaa
  • Xaruntii dalkeeniyo
  • Xuduntiisi weeyee
  • Xamar waa xabiibee
  • Xildhibaanka qarankow
  • Xabashiga inaga daa.
  • Midna waa xusuusee
  • Xaaji muuse yalaxow
  • Inuu xamar nabdeeyaa
  • Xaduudaha ka qaadaa
  • Xaq ayeey ku tahayee
  • Isna waa xariiqoo
  • Xayn baa ku raacdaye
  • Bal aan eegno xaalkaa.
  • Xildhibaanka qarankow
  • Xabshiga inaga daa.
Dhamaad
Maxamad bashiir jaamac
Drevsjų, norwey
Gumburi1885@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2007

YAA GAAGIXIYAY MAXKAMADAHA?
Qore: Mustaf Haji Ali yanyo| Jan 18, 2007
Sida aan kawar qabno dalka soomaliya waxay soomartay maraaxil aad ufarabadan laga [Akhri...]

AKHRI: ARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH