Baarlamaanka:may
kaasi baddalaan.?!!
BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
ASALAAMU
CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATuHU
Ilaah baa
mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa
ha ahaato.
sheekada
hoos ku qoran iyo ficilada baarlamaanka somlia bal isku
fiiri marka aad wada aqriso dhamaan qoraalka oo
dhan.sheekooyinka mararka qaar waa xikmad u bahaan wax
laga soo bixi karo.
Nin xoolo-dhaqato ah oo
magaalada u yimid in uu ka dhameysto dano uu lahaa ayaa
maalin maalmaha ka mid ah uu daawasho u tagay ciyaar
kubadaka cagta ah oo dhaxmaraysay labo
kooxood.ciyaartaas waxa laga soo gagabaynayay tartan
mudo soo socday.ciyaartu waxa ay aheed mid xiiso badan
maxaa yeelay waa ciyaar final ah,ninkii reer miyiga ahaa
ayaa waxa uu arkay ciyaaryahan isaga ula muuqday mid aad
u fiican oo la badalayo,garoonkana kasii baxay,markaas
ayaa ninkii reer baadiyaha ahaa waxa uu jaleecay
dhankiisa midig,nin ag fadhiyay ayuu waxa uu ku yiri
“inta ay ninkaas badalayaan may badalaan ninkas dharka
madoow gashan oo isaga marnaba taaban kubada halka ay ka
badalayan ciyaaryahankaas” ninka dharka madow ulajeedaa
garsooraha ciyaarta.!!
Baarlamaanka waxa lagu soo aas aasay waddan
shisheeye,xulashada xubnaha baarlamaanka waa mid aad iyo
aad looga fiirsaday,marka la eego damiirkooda iyo
aqoonta ay u leeyihiin siyaasada intooda badan. xubnaha
baarlamaanta waa xubno calooshood u sheqeestayaal a,sida
ka muuqata ficiladooda.dad fiican way jiraan balse waa
farro ku tiris. maanta waqti afhayeenka la badalo miyaa
la jooga?.sida muuqata cida badalista u ku haboon waa
raga duyuuradaha itoobiya lagu geeyay caasimada,c/laahi
iyo geedi ayaa ah dadka u baahan in xilka laga qaado
waxa ay galeeyn qiyaamo qaran.
Somalidu waxa ay tiraahdaa af wax cunay
xishoo,baarlamanka waxa ay u shaqeeyan calooshoooda
intooda badan,maxaa yeelay markii magaalada Nairobi ay
baarlamanka joogeeyn waa kuwii ka horyimid Cali geedi
ayay ahaayen,balse markii dib loo soo doortay waxa la
sheegaa in nin walba qolka uu ka daganaa hotelada
Nairobi lacag fara qabsi ah la siiyay si loo ansixiyo
geedi oo ay Ethiopia wadatay.
Waxa xusid mudan
doorashadii Shariif xasan Ethiopia waxa ay ku noqotay
lama filaan,markii xilka afhayeeynka baarlamanka ay
waysay waxa ay ku xisaabtantan in ay hesho labada xil ee
kale sida madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha wayna ku
guuleeysatay,maalintaas ilaa maanta Ethiopia waxa ay u
arkaysay Shariif xasan in uu yahay nin ka hor iman kara
danahooda,waxa uu ahaa ninka kaliya ee ka hadlay
faragalinta Ethiopia,marka la fiiro madaxda ugu miisanka
culus wadanka.
Baarlamaanka wuu baahan yahay waxa kaliya uu
fiirsano waa mesha ay mushaar ka heli karaa inkastoo
mushaarkooda ay bixiso UNDP,hadana marka loo baahdo cod
bixin intooda badan waxa ay xubnaha ku xisaabtamaan
lacago kale oo dheerad ah,xikmad carbeed ayaa oranaysa
(MAN LAA YAMLIKU QUUTAHO LAA YAMLIKU KHARAARAHO) qofkaan
awoodin khuudkiisa(nolol maalmaadkiisa) ma awoodo in uu
go’aan gaaro,waa guul daro baarlamaan matala umad dhan
In ay gacanta u galaan dowlad cadowtinimo ay ka dhaxayso
umada ay matalaan..waa baarlamaan umadiisa u horseedaya
halaag iyo gumeesi cusub.
Ujeedada Ethiopia waxa
ay aheeyd in ay wadanka xoog ku qabsato taasi way suura
gashay,kadibna waxa ay dadaal ku bixisay in la maja
xaabiyo xubnaha dowlada,magaalada Nairobi waxa lagu
qabtay xubno baarlamaan waxa lagu eedeeyay in ay yihiin
rag kasoo horjeestay Ethiopia in ay wadanka xoog kula
waregto,kadibna isla afhayeeynkii ayay xilka ka
xayuubisay baarlamaanka gacanta ay ku hayso Ethiopia.
Marka la fiiriyo xil ka
uu wayay Shriika ma yahay mid saxan?jawaabto waxan
filayaa inta leh aqoonta ay fahmi karaan,baarlamanka
isaga ayaa is casilay waxa ay soo saareyn xeer hoosaad
kaas oo qeexaya in wadnka xaalad dag dag ah uu
galay,meeshaas waxa ka muuqta in baarlamaanka uu yahay
mid aan awood laheeyn kulan kalane aanan isugu
imaanaynin,awoodana uu leeyahay madaxwaynaha,xila ka
qaadista waxa ya aheeyd in uu madaxwaynaha ka hadlo sax
iyo qalad balse waxa uu Al-jazeera TV u sheegay in uu
ahaa nin argagixisada taageera maxakimta ayuu ula jeedaa
sida muuqata.xilka ka qaadistana waxa uu ku tilmaamay
mid xiligan loo baahnaa saxna ah.
Reer xamarka ayaa yiraahda -waa la moodaa hadii la
moodi waayana waa la moosa-,maanta waxa wadankii uu
galay marxalad aad u adag una baahan ragganimo iyo
dulqaad.ragga maanta wadanka sheegta in ay madax ka
yihin waa kuwo waqtigooda uu sii dhamaanayo,mana filayo
hadii somalidu ay noqoto somalidii la yaqaanay in ay
raggani wadanka xitaa sii joogi doonaan aduun iyo
aaqiraba waxa u yaal xisaab,waxa ay dhaawac u geestan
qaranimo loo soo dhintay,waxa ay wadankii gacanta u
galiyeen tigree,balse waxaas oo dhan waa waqti
kooban,waxan filayaa in somalidu maanta meelkasta oo ay
joogan ay la yaaban yihiin waxa wadanka ka socda,ama
dibad joog ama dalka joog waxa na wada sugya in
wadankeena aan u tashano wadanka waxa uu u ooman yahay
inta caqliga wanaagsan leh,maanta inta hoogaanka heeysa
waxa soo daroogeyay Zenawi caqli kale oo aan aheeyn mar
un madax halgu yiraahdo iyo mushaarkaada qaado in ay ku
jiro maskasdoona uma maleeynaynayo.
Ficilka baarlamaanka
xitaa waxa wax lala yaabo ku tilmaamay midowga
yurub,mareekanka iyo qaramada midoobay intaba.waxa ay
ayna yiraahdeeyn waxa ay arintu abuuri kartaa dhib kale
maxaa yeelay dowladu waa dowlad dib u heshiineed oo
gumeel gaar ah.
Baarlamaanka waxa aan ku
xasuusan doonaa arimahan:
1-Waxaa lagu soo dhisay
wadan shisheeye,iyaga oo aan wadanka iman waa kuwii ku
dagaalamay isla Kenya,dhiigna isaga daadiyay wadankii
ayay sharafta ka qaadeeyn.
2-Wali kulan loo dhan
yahay oo ay ku yeesheeyn caasimada maanta madaxwaynihii
oo jooga maJirto waxa ayna ku codeeyaan gumeeysida
iyo lacagta jeebka ay itoobiya u galiso.
3-Waa kuwii u codeeyay in
wadanka la keeno ciidamo shisheeyo,markii Ethiopia
wadanka ay soo gashayne kama aysan hadlin,marka laga
reebo in yar oo wadanimo ay ku jirto.
4-Dib u dooradhadi Cali
geedi oo ah nin aaminsan in wadanka la kala gooyo aqoon
siyaasaded oo sidaa u si fogna anan laheyn.
Intaas iyo in ka badan
oo ah xaaladu aanan wadanka waxa faa’iido ah aanan ku
soo kordhin ayaa muuqata in ay hooshooda noqoto.dabcan
dadaalo badan ayay sameeyen intooda badan u badan arimo
aanan wax laga qaban
Ugu danbeyntii maanta
wadanka waxa isugu soo haray dabadhilifyadi
Ethiopia,sida muuqata shriifka waxa uu ahaa madaxda sare
ninka kaliya ee ka madax banaan Ethiopia balse isagiina
meesha ayaa laga saaray oo xoog ayaa loo adeegsaday,yaa
xilkaasi loo dhiiibi doonaa wadanka waxa uu galay xaalad
adeg ee allow umadeena u gargaar.baarlamanka maskaxka
ayaa laga gumeesta umadiina awood ayaa lagu gumeeystay
iyo calooshood u shqeeyntaaal damiirka wadanimo ka
daroogeeysan.
Wabilaahi toqfiiq
Salaamat min kuli aafaT
Ibraahim da’ud c/laahi
sayfudii@hotmial.com
Nairobi-kenya
+254721130470
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: Jan 21, 2007
YAA GAAGIXIYAY
MAXKAMADAHA?
Qore: Mustaf Haji
Ali yanyo| Jan 18, 2007
Sida aan kawar qabno
dalka soomaliya waxay soomartay maraaxil aad ufarabadan laga
[Akhri...]
AKHRI: ARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


|