Maqaal: Meesha
Soomaali maanta marayso
Maxammed Maxammuud Aw
Cabdi. Ndola- Zambia.
shmaxamad@hotmail.com
Ku bilaabid magaca
Alle naxariistaaga naxariista badan
Ummadda
Soomaaliyeed oo Alle ku beeray geeska Afrika oo
qarniyaal tira badan soo jirtay, waxay soo lahaan
jirtay dhaqan iyo hiddo in badan ka duwanaa beelaha
beeraha qota ee ay dariska yihiin. Dabeecadda iyo
hiddaha u gaarka ahna waxa sameeyey oo saamaynta ugu
weyn ku lahaa meesha ay degaan oo dalsan ah oo ciid
iyo hawo wanaagsan leh, iyo meheradahooda oo duunyo
dhaqasho iyo ganacsi dibadda ah isugu jirey, oo
labaduba dalmarid ku dhisnaa.
Dadka xoola
dhaqatada ahi waa dad guura oo dalka mara oo intaas
daawanaya dabeecado kala duwan iyo astaamo iyo uuman
badan oo Alle weyne abuuray, taas oo u kordhisa
il-dheeri iyo aqoon, iyo karti iyo adkaysi, oo
Soomaalidu waxay tiraahdaa nimaan dhul marin dhaayo
ma laha, taas oo waafaqsan sida Alle weyne Quraanka
ku sheegay markii u lahaa:
“Mawaysan dhulka
marin qalbiyo ay wax ku gartaan iyo dhego ay wax ku
maqlaan bay yeelan lahaayeene” Alxaj 46.
Marna waxay hadba
degi jireen ruun ugbaad ah oo hawo nadiif ah iyo
carro cusub leh, oontooduna waxay ahayd caano galax
ah oo weel culan ku jira iyo cad dubaax ah. Sidaas
daraaddeed bay dadka kale uga caafimaad iyo caqli
roonaayeen.
Dhinaca kalana
ummadda Soomaaliyeed oo Alle ku mannaystay xeeb
dheer waxay isaga gooshi jireen dalal badan oo
adduunka ka mid ah iyagoo doonyo adeegsanaya oo ay
badeecadahooda u suuq gayn jireen badeecado kalana
ka soo gadan jireen, taasna waxay ka soo kororsan
jireen ilbaxnimo iyo dal-aqoon, iyagoo soo arki
jiray mucjisada badda iyo meelo dunida ka mid ah.
Iyagana waxaa
adduunka kale uga imaan jirey ergooyin ay heshiis
wada gali jireen ganacsina is dhaafsan jireen.
Wufuuddii soo booqatay oo raadka taariikhda lagu
hayana waxaa ka mid ahaa wafdi xoog leh oo ay
hoggaaminaysay boqoraddii dalka Masar Xatshabsuut,
oo dalkaas ka talin jirtey kumannaan sano ka hor.
Boqoraddaasi markii ay socdaalkaas ka noqotay waxay
xarunteeda taariikhda lagu kaydiyo ee magaalada
“Uqsur” ku xaradhay sawirkii boqorkii waagaas
Soomaalida madaxda u ahaa iyo marwadiisii oo iyana
boqorad ahayd, oo la kala oran jirey Baraxow iyo
Baraxey. Iyagoo labbisan dharkii Soomaalida hiddaha
u ahaa.
Soomaalidu iyadoo
dalkeedaas Alle ku mannaystay deggan oo duunyadeeda
iska dhaqata badaheedana ku socdaasha bay markii
dambe diinta islaamku soo gaartay iyagoo aan hanbayn
bayna hal mar wada galeen, taasina waxay noqotay
gallad kale oo Alle ku mannaystay.
Taas oo sii kala
fogaysay iyaga iyo dariskoodii ay awalba dabeecad
ahaan kala fogaayeen, markii ay diinta xaqa ahi soo
gaartay oo noloshoodii raad ku yeelatay oo sii
bishay.
Iyaga iyo dawladda
Xabashida oo ay daris ahaayeen oo iyana diinta
kiristaanka haysatay waxaa dhex maray dagaallo iyo
colaad daba dheeraaday, waxayna noqdeen laba
qaaruumood oo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba kala
durugsan oo loolan ka dhexeeyo. Iyadoo boqortooyadii
Xabashidu ku taamtay in badan inay gacanta ku dhigto
dalka Soomaalida oo xeebta ballaaran Alle ku
galladay kaddib markii ay wayday xeebtii Eretareeya
oo dadkii degganaa ay muslin noqodeen oo ay noqotay
degmo hoos timaadda gobolka Xijaas iyo taliskii
Muslimiinta.
Shacabka
Soomaaliyeed oo dad dhiirran ahaa oo aan gunnimada
qaadan baana taas ka diiday oo waligeed riyadaasi
uma meel marin.
Boqor Miniliggii
labaad oo ka faa’idaysanaya dawladihii reer Yurub oo
ay isku diinta ahaayeen oo waagiisa aadanaha u taag
roonaa baa ku dadaalay inay riyadaasi u meel marto
oo u soo bandhigay dawladihii markaas dhulka u xoog
badnaa qorshihiisii dal ballaarsiga ahaa oo u ku
doonayey in dhulka Soomaalida oo dhan gacanta loo
galiyo. Isagoo ka qayb galay shirkii Baarliin ka
dhacay sannadkii 1889 ee Afrika lagu saanyaday siiba
Afrikada bari. Iyadoo halkaasna saami loo siiyey
qayb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.
Boqor Minilig
dhambaal dheer ayuu u kala diray dawladihii markaas
Yurub u taag roonaa oo kala ahaa Ingiriiska,
Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga. Qoraalkaas oo
uu ku soo bandhigay qorshayaashiisa uu ka doonayo in
gacan lagu siiyo. Kaas oo Adis Ababa ka soo baxay
taariikhdu markii ay ahayd 10 April 1891. Qoraalkaas
oo aan dhawr qodob oo markhaati ah ka soo xigtay, si
aan u dareenno hankii iyo damacii minilig qabay, oo
la maagganaa dalalka dariska ah oo Soomaaliya iyo
Suudaan ku jiraan. Waxaana ereyadiisii ka mid ah:
“Formerly the
boundary of Ethiopia was the sea. Having lacked
strength sufficient, and having received no help
from Christian Powers, our frontier on the sea coast
fell into the power of the Muslim-man”.
“Waagii hore
xudduudka Itoobbiya xeebta ayuu ahaa. Ee markii ay
xoog ku filan weyday, xoogagga Kiristaankana ay
taageero ka weyday bay xudduuddayadii xeebta ku
sinnayd gacanta u gashay xoogag Muslim ah”
“Ethiopia has been
for fourteen centuries a Christian island in a sea
of pagans. If powers at a distance come forward to
partition Africa between them, I do not intend to be
an indifferent spectator”.
“Itoobbiya muddo
afar iyo toban qarni ah bay ahayd Jasiirad Kiristaan
ah oo ku dhex jirta bad wada cawaan ah. Marka haddii
ay timaaddo mustaqbalka inay quwaduhu Afrika
qaybsadaan ma rabo inaan noqdo goobjooge ka duwan”
macnaha qaybsiga ayaan ka qayb galayaa. Waxa uu
cawaanta aan diinta lahayn ku sheegayaa waa dadka
muslimka ah oo Soomaalida, Suudaan, Eretareeya iyo
Qaaruumaha muslimka ah ee Itoobbiya wax ka degaba
lahaa.
Boqor Minilig oo
ahaa nin damac weyn wuxuu shirkii reer Yurub la
tagay soo jeedin ah in dalka Soomaalida oo dhan loo
dhiibo laakiin dawladaha reer Yurub oo garanayey
kartida iyo fir-fircoonida dadka Soomaalida ayaa u
sheegay haddii uu Soomaali oo dhan qabsado inay
Soomaalidu mustaqbalka la wareegayaan awoodda
dawladda Itoobbiya oo dhan, halkaasna lagu waayayo
saldhiggii faca weynaa ee geeska Afrika Kiristaanku
ku lahaa. Taas baddalkeedana waxay u ballan qaadeen
inay gacanta u galiyaan dhulka Soomaalida oo sare oo
dhan Soomaalidana badda iyo dhulka kulul lagu
ciriiriyo oo loo reebo 180 mayl oo kaliya wixii
badda ka soo kacsan.
Alle waa
wadaanwada’e riyadii ay wax badan Xabashidu ku
taamayeen oo ay xoog iyo xeelba ku waayeen, oo ay ku
doonayeen inay mar dhulka Soomaaliyeed gacanta ku
dhigaan, bay maanta si hawl yari ah ku gaareen, oo
waxaa la arkay askartii xabashida oo xeebaha
badweynta Hindiya tamashlaynaya oo caasimaddii
Soomaaliya iyo ubucdii qarankeenna galay.
Waa yaabe goormaan
Itoobbiya heshiinnay oo aan wixii naga dhexeeyay oo
dal iyo dad iyo diin ahaa ka wada hadallay oo
dhibaatooyinkii faca weynaa ee na soo dhex maray
isla meel dhignay oo ka gudubnay. Qaddiyaddii
qarniyada loo dagaallamayey oo boqollaalka kun ku
dhinteen goormaa la daweeyay?
Dadku waa heshiin
karaan haddii ay daacad noqdaan oo wixii soo dhex
maray iyo wixii sababayba ka wada hadlaan oo go’aan
iyo heshiis ka gaaraan iyadoo ciddii gar darrayd gar
qaadanayso wixii dhib dhacayna la daawaynayo oo xal
waara loo helayo. Laakiin nasiib darro iyadoo aan la
is weyddiin wixii dhacay oo Soomaali dhibaatada weyn
ka soo martay oo ay raadintiisa dad iyo duunyo iyo
dawladnimaba ku weyday iyadoo aan Itoobbiya lagala
xaalin oo aysan waxba ka oggolaan dalkii iyo dadkii
iyo diintii aan isku haynnay baa lagu abaal mariyey
in la yiraahdo waa walaalaheen aan saaxiib nahay,
maantana loo soo horkaco dalkeennii hooyo oo gacanta
loo galiyo.
Maalin dhawaydna
nin ka mid ah la-taliyeyaasha xukuumadda Itoobbiya
oo Barakaat la yiraahdo baa ku baanay inay dhammaan
gobollda Soomaaliyeed oo dhan gacanta ku dhigeen oo
xasiliyeen, ayna taasi ku gaareen khasaaro ka yar
tii ay ugu tala galeen. Xataa kama ay reebin
SoomaaliLand iyo PuntLand, isla markaasna ma aysan
oran gobolladii Maxaakimtu ka talisay, ciidanka
dawladda inay hawsaas la qabteen ama la hayaanna ma
ay qiran.
Ina Caydiid warkii
uu ku hadlayna waa la ogaa, awalna waatii la
shaaciyey maabka geeska Afrika oo Soomaaliya
magaceeda laga tiray oo Itoobbiya lagu baddalay.
Waxyaalahaas oo dhammi waxay muujinayaan inay
faragalinta Itoobbiya iyo duqaynta Maraykanku ay
ujeeddo weyni ka dambayso.
***
Waligay kuma
hammiyin inaan arkayo dad Soomaaliyeed oo ku
qanacsan inay Itoobbiya dalkeenna qabsato, oo ku
faanaya inay Itoobbiya walaalahood yihiin oo
dawladnimo ku gaarayaan, isla markaasna ka xanaaqaya
haddii Itoobbiya wax laga sheego ama gaalada kalaba,
waxaaba ka sii daran in ciddii diiddan inay
Itoobbiya dhulkeenna hooyo qabsato la ceebaynayo oo
daba-dhilif lagu sheegayo. Waa adduunyo dabada loo
rogaye waxaa ammaan iyo wax lagu faano noqday in
cadowgii Soomaaliyeed ee guunka ahaa walaal iyo
saaxiib laga dhigto oo dalkeennii loo soo horkaco,
in gaalada gumaysigeeda la diidana ceeb bay noqotay
la isku canbaareeyo.
Allow adigaa weyne
tanina ma noo dambaysay?!! Aaway ummadnimadii iyo
qiiradii waddaninimo? Aaway muslimnimadii iyo gaalo
nacaybkii? Aaway qabkii iyo qiiradii Soomaali
hiddaha u lahayd? Aaway hankii iyo hawadii sarraysay
ee aan ku faani jirnay? Aaway gobannimadii iyo
gunnimo nacaybkii? Intaasba ma laga xuubsiibtay? Ma
xukun adduunyo jeclaantiis baa Alle iyo aakhiro laga
doortay? Waddaniyaddii iyo gobannimadiina ma gaalo
raacid baa la siistay? Yaa u sheego makasta in
marxaladdaan madow laga baxayo oo Soomaali maalin
lugaheedii isku taagi doonto, oo waxa maanta
dhacayaa dadku ka sheekaysan doono, taariikhna ay
reebi doonto. (waa la doogiye yaan la dacaroon).
Nimanka Soomaali
madaxdeeda ah ee go’aanka ku gaaray inay ciidankii
Itoobbia oo loolanka iyo colaaddu muddada badan noo
dhexaysay soo horkacaan oo dalkii oo dhan gacanta u
galiyaan. Iyagoo ku doodaya inay dawladda gacan ku
siinayaan sidii kala dambayntii iyo midnimadii
Qaranka Soomaaliyeed ee dumay loo soo celin lahaa.
Arrintoodu meel kala bayr ah bay taallaa. Waa inay
noqdaan qabbaan Itoobbiya u soo adeegsatay inay
danaheeda ku fushato oo riyadeedii soo jireenka
ahayd ku gaarto. Oo ay laba middood ku fushato, inay
dalkaba si toos ah u qabsato oo ay samayso
maamul-goboleedyo ay ku shaqaysato oo kor ka
xukunto, iyo inay intay dalka oo dhan cagta mariso
oo wixii karaankeed ah dhibaatayso oo colaad iyo
isnacayb Soomaali dhex dhigto ay haddana isaga baxdo
iyadoo aan waxba la qaban.
Labadaas jeerba
waxaa caddaanaysa Itoobbiya inay tahay cadowgeennii
guunka ahaa oo aysan waxba iska baddalin colaaddii
iyo nacaybkii ay noo haysay, ragga soo horkacayna
waxay noqonayaan dambiilayaal dalkoodii iyo
dadkoodii khiyaanay oo taariikh madow yeesha, iyaga
iyo wixii taageerayna tuke canbaar leh bay Soomaali
dhexdeeda ka noqonayaan, ciriq xumo iyo ceeb baana u
dambaynaysa, Alle hortiisna wixii u yaal waa u
hareen, ubadkoodana taariikh xun bay u reebayaan.
Qolyahaas
Itoobbiyaanka soo kaxaystay haddii ay ku guulaystaan
inay haykalkii dawladnimo ee Soomaaliya soo celiyaan,
oo ay u suuragasho inay ummadda mideeyaan maslaxad
iyo dib-u-heshiisiinna ka shaqeeyaan, ciidanka
Itoobbiyana ay iska saaraan, waxaan filayaa inay
ummadda Soomaaliyeed eeddi ay ka galeen iska
illaawayaan oo cafinahayaan, wixii ay magac xumo iyo
dhibaato gaysteenna waa laga soo kabanayaa.
Dawladda
Itoobbiyana haddii ay dawladda ku meel gaarka ah
gacan ku siiso xasilinta dalka iyo dib-u-heshiisiinta
dabadeedna ay ciidankeeda la baxdo, iyadoo aan
dhibaatooyin kale oo gaar ah shacabka Soomaaliyeed u
gaysan, taasi waxay soo dhawaynaysaa inaan ka wada
hadallo eedihii iyo dhibaatooyinkii aan ka
tirsanaynna oo ay u dambeeyeen muddadii dhawr iyo
tobanka sano ahaa oo ay shacabka Soomaaliyeed u
diidday inay dawlad yeeshaan iyadoo dabada ka soo
riixaysay qab-qableyaal xukun u oomman oo ay iyadu
wadato oo ku khasabtay shacabka Soomaaliyeed oo
diiddan.
Waxaana xaqiiqo ah
inaan arrintaas wanaagsan xoog millatari oo kali ah
lagu gaari karin, walow xooggu yahay wax aan laga
maarmahayn, ee waa in ay dawladdu la heshiisaa
dhammaan mucaaradkeeda ay is hayaan, oo madaxdii
maxaakiimta iyo siyaasiyiinta kaleba leh, ayna
dareemaan inay dawladdoodii tahay oo dawlad Soomaali
u dhaxaysa tahay oo dhibkeeda iyo dheefteedaba loo
siman yahay, oo aan qolo ama koox gaar u lahayn, oo
waliba laga qayb galiyaa maamulka, oo dawlad sal
ballaaran oo loo dhan yahay la dhisaa, si looga
hortago dagaal sokeeye oo daba dheeraada oo lagu
riiqdo.
Shacabka
Soomaaliyeed ee rayadka ah ee xabbadaha aan loo
meel-dayahayn ay ciidamada Itoobbiyaanku isaga
furayaan iyo wixii dhibaato ah oo dadka iyo dalka
loo gaysto waxaa masuul ka ah dawladda ku meel
gaarka ah ee ciidanka Xabashida dalka soo galisay.
Sidoo kale waxaa dakano aan harahayn ah in dad
Soomaaliyeed ciidanka Xabashida gacanta loo galiyo
ama lagu soo hoggaamiyo. Haddii ay jiraan dad eed
loo haysto oo Soomaali ah waa in loo diraa ciidan
Soomaali ah, ayna gacanta ku hayaan boolis Soomaali
ah oo sharciga yaqaan.
Maxaakimtii
Shareecada oo maamulkoodii la tuurayna waa inaan
waxba loo raacan, maxaa yeelay shacabka Soomaaliyeed
wax-badan bay u tareen, dalkooda inay difaacaanna
xaq bay u lahaayeen oo cidina kuma eedayn karto.
Waa in qof walba oo
muwaaddin Soomaaliyeed ahi uu dareemaa inuu nabad
iyo xorriyad helayo oo aan fikraddiisa iyo diintiisa
midna lagu ugaarsanahayn. Markaas waxaa hubaal ah
inaan cidina colaad iyo dhibaato raadinahayn.
Laakiin haddii qolo gaar ah ama koox gaar ah la
takooro oo colaad iyo dagaal lagu hayo waxaa hubaal
ah inay dad badan ciil darti isu rogayaan
bunbooyinka qarxa Soomaaliyana ay sida Ciraaq isu
rogayso oo ay soo baxayaan dad inta ciilkii ka xoog
badiyey aan waxba bixinayn naftooduba ha u horraysee.
Dawladda iyo
Itoobbiyaankuba waa inay garowsadaan inaan xoog
millatari waddan lagu xasilin karin laguna haysan
karin, taasna waxaa tusaale inooku filan waddanka
Ciraaq oo ay qabsatay dawladda Maraykanka oo
lixaadka hubkeeda iyo dhaqaalaheeda la ogyahay.
Waxaana caddaatay in xoogga millatari waddan lagu
qabsan karo waxna lagu baabbi’in karo laakiin aan
guul lagu gaari karin isla markaasna dal iyo dad ku
diiddan lagu haysan karin.
Kolla aniga ilama
aha dawladda ilama aha inay dawladda Itoobbiya oo
aan ognahay colaadda faca weyn ee ay Soomaali u
hayso, iyo damaca ay dalkeenna ka qabto inay gacan
nagu siinayso inaan dawlad xoog leh oo Soomaali
midayso yeelanno maxaa yeelay iyadaa sabab u ahayd
dumintii dawladdii dhexe ee Soomaaliya oo jabhadihii
ay soo hubaysay baa qarankii Soomaaliyeed dumiyey,
isla markaasna iyadaa sabab u ahayd dawlad la’aanta
intaas na haysatay oo dawladdii la soo dhisaba waxaa
hortaagnaa qab-qableyaal ay soo hubaysay oo
amarkeeda ku shaqaynaya, ugu dambayntiina markii
Soomaali garabkii Itoobbiya wadatay taladii looga
tanaasulay bal inay haykalkii dawladnimo soo
celiyaan, rajiimka xumi mar buu iska tagayaaye,
raggii ay dabada ka wadday oo Soomaali ku toshay
markii laga hor leexday, bay is-hortaagtay oo
qab-qableyaal kale oo ka sii xun ka hor keentay.
Halkaasna waxaa ka
caddaatay inaysan Itoobbiya dawlad dhisiddeed nala
rabin xataa haddii ay garabkeedu hoggaaminayaan, oo
sidaas ayaanan rajo fiican uga qabin inay Itoobbiya
gacan nagu siiso inaan dawlad lixaad leh oo
lugaheeda isku taagta yeelanno, haddii aysan
danteeda u arag oo ragga ay u dhiibayso hubin inay u
fulinayaan danaheeda gaarka ah ee ay Soomaaliya ka
leedahay, oo waliba kalsooni buuxda ku qabin inay
wax aysan qabsan karin u qabanayaan, maxaa yeelay
waa ay og-tahay inaysan Soomaali xoog ku haysan
karin haddii ay israacdo oo mar soo jeensato.
***
Waxaan iyagana
eedda wax ka saarayaa maxaakimtii ku guulaystay inay
muddo gaaban gacanta ku dhigaan dhul ballaaran oo
dalka Soomaalida ka mid ah iyadoo aan dhiig ku
daadan oo wax dhibaato ahi dhicin, iyagoo runtii loo
riyaaqay sidii ay ammaanka ugu soo celiyeen meelihii
ay hanteen siiba caasimaddii dalka. Iyagoo shacabka
Soomaaliyeed u soo celiyey rajadii kaddib markii ay
ka adkaadeen oo dalka ka saareen qab-qableyaashii
gaalada u adeegayey oo shacabkoodii madaafiicda ku
laayey iyagoo waliba jagooyin sare sheeganayaa.
Saraakiishii
maxaakimta hoggaaminayey waxay ku fashilmeen inay
fursaddaas qaaliga ee gacantooda soo gashay shacabka
Soomaaliyeed uga faa’ideeyaan, nasiib darro waxay ku
dheceen shabaag cadowgoodu u dahay, iyadoo laga
faa’idaystay niman ku jira oo aan daacad ahayn ama
talo-xun oo siyaasadda caalamka ka warla, oo
cadowgoodii awalba gaadayey oo meel uu u soo maro
la’aa bay siiyeen mar-marsiinyo ay dalka ku soo
galaan, kaddib markii ay ku dhawaaqeen inay
weerarayaan ciidammada Itoobbiya ee dalka idan
la’aanta ku soo galay. Isla markaasna ku duuleen
aagga magaalada Baydhabo oo xarun u ahayd dawladdii
ku meel gaarka ah gaaladu ilaashanaysay.
Inay dalkooda
gaalada ku soo duushay ka difaacdaan daw bay u
lahaayeen laakin wax aysan tabar u hayn inay laacaan
ma ahayn, waxay ahayd inay intii tabartooda ah
tillaabsadaan, oo taladooda iyo tabtooda iyo
tallaabadooda is waafijiyaan. Waxayna ahayd inay ku
koobnaadaan meelaha ay joogeen, oo halkaas maamul
fiican ka dhisaan, oo tusaale ka muujiyaan, aysanna
ku deg-degin waxyaalaha ay dadku u arkayaan
cabburintooda, iyo isballaarin toonna, Soomaalida
kalana ay kula taliyaan inay cadowga dalkooda ka
saaraan.
Sidoo kalana
dhaq-dhaqaaqoodii iyo hadalladii hanjabaadda iyo
cudud muujinta ahaa ayaa ra’yu caamka caalamka ku
qanciyey mar-marsiinyihii Itoobbiya oo ahaa inay
maxkamaduhu halis ku hayaan jiritaankeeda. Waxaa
kaloo xaqiiqo ah inay maxaakimta ku soo jabeen
shacab ka tira badan oo wax walbaale ah waa la is
huwanaa, maanta ayaase la kala miirmayaa oo ninkii
diintiisa iyo dalkiisa daacadda u ahaa iyo ninkii
dano adduunyo lahaa ay kala baxayaan. Waxaa iyana
iska muuqatay saraakiisha maxaakiimtu inay
siyaasadda curdan ku ahaayeen oo aysan tatab u hayn
hoggaaminta dal dhan, laakin ay gacan ka geesan
kareen inay nadaam caddaalad ku salaysan oo diintu
ku xooggan tahay taageeraan, waxna ka wadaan.
Maantana wali
maxkamadaha fursaddii ay taageerada shacabka
Soomaaliyeed ka heleen iyo magacoodiiba waa soo
ceshan karaan, taasina waxay ku imaanaysaa haddii
Itoobbiya ka dhabayso qabsiga dalka Soomaaliyeed oo
nabad la waayo inay jahaad iyo halgan gobannimodoon
ah hoggaamiyaan, oo shacabka hor-kacaan. Haddii ay
dawladda Itoobbiya sheegashadeeda ka dhabayso oo
dawladda ay gacanta siisay ku taageerto soo celinta
qarinkii Soomaaliyeed iyo nabad sugidda iyo dib u
heshiisintana waa inay nabadda gacan ka gaystaan oo
haddii gogol nabadeed loo fidiyo ay oggolaadaan oo
danta guud u adeegaan.
Haddii ay heshiis
iyo nabad waayaan oo dantu baddo inay galaan dagaal
dhuumaalaysi oo daba dheeraadana waa inay ka
fogaadaan inay shacabka Soomaaliyeed dhiiggooda iyo
sharaftooda iyo maalkooda bannaystaan. Oo ay la
diriraan oo kaliya cadowga shacabka Soomaaliyeed ee
ay markaas is hayaan.
Tawfiiqda iyo
talada Allaha na solansiiyo.
By: Maxammed
Maxammuud Aw Cabdi. Ndola-
Zambia. Friday,
January 19, 2007
shmaxamad@hotmail.com