JAAMICADDA CARABTA -2-
MAXAA KA DHIGAY AQALKA FASHALKA?
Dr. Abdi Dhaan-wade. Sweden.
dhaan_wade@hotmail.com
Qaybtii 1aad ka akhri
halkan....
Qormadii hore waxaan kaga hadlay taariikhdii asaaska Jamicdda Carabta.
Waxaan sheegay in ay tahay tan ugu da’wayn ururada caalimiga ah ee manta ka
jira dunida. Asaaskaas oo ahaa horraantii 1945kii. Waxaan xusay in ay
dawladda Ingiriisku ka danbaysay fikradda Jamicadda si ay meesha ugu saarto
fikraddii Jamicadda Islaamka ee ay ku taamahayeen Siyaasiyiin iyo
aqoonyahanno ka tirana Caalamka Carabta iyo kan Islaamka,
Waxaa kale oon ka soo sheekeeyay himilooyinkii loo dhisay oo ay ugu waynayd
midaynta Umadda Carabta ee gumaysigii reer Europ kala qayb-qaybiyay.
Waxaan fikradd guud ka bixiyay qaab-dhesmeedka Jaamicadda iyo laameheeda
kala duwaan iyo golayaaasheeda kala sareeya. Waxaan qiray in qaabka
Jaamicaddu yahay midd aad u qurxuun kana tarjamaya garashada iyo
aragti-fogida ee ay lahaayeen xeel-dheerayaashii soo degejiy Cahdigaas ama
Charterjkaas.
Waxaan soo dul-maray sida Jaamicadda loogu hongoobay markii ay ku
guul-darraysatay xaqiijinta wax oon ka midd ah ula-jeeddooyinkii loo dhisay
ee isyaasdeed, dhaqaale ama bulsho. Waxaan soo gunaanday qormadii hore
magaca maanta shucuubta Carabto u taqaanno Jamicadda oo ah : AQALKII
FASHALKA.
Qormadaan maanta waxaan ku soo qaaddayaa Sababaha ugu waa-wayn ee jamacadda
dhaxal-siiyay fashalkaas.
SABABAHA FASHALKA JAAMICADDA..
Waxaa la garan karaa in urur sidaa Jaamiddda Carabta u baaxad ballaaran- aan
fashalkiisa loo celin karin hal ama laba sabab oo qur ah. Balse waa in ay
iskaashadaan Cawaamil ( factors ) ama sababo door ah oo ka wada qayb-qaata
fashalkiisa ama guushiisa.
Sababaha Guul-darrada ee Jaamidda ka dhigay Aqalkii-fashalka waxaan kala
qaadi karnaa laba qaybood oo waa-wayn. Kuwaas oo ah:
A- Sababo dibadda ah.
B- Sababo gudaha ah. Waxaan qormadaan ku soo qaadayaa sababaha dibadda.
A- SABABAHA DIBADDA.
Haddaan ku hormaro sbabaha ka yimidd dibadda ee lugta jiiday oo ay ka
tallabsan-waday Jaamicaddu- waxaa ugu muhimsan kuwaan:
1- Reer Galbeedka:
Waxaan cidina is-waydiin haynin in siyaasaddii Dawladda Ingeriiska ee ka
danbaysa Ururukaan dhismihiisaulajeedadeedu ahayd in aan Umadda Islaamku
isugu imaanin Urur-Siyaasadeed oo kulmiya-i aysan marna raalli ka noqon
karin isu-keenidd iyo midayn Umadda Carabta oo ka ah qayb muhim ah Umadda
Islaamka.
Ingiriisku wuxuu ka shaqeeyay in aan Carabi isu-imaanin.
Intaas oo kaliya ma aha ee wuxuu ka shaqeeyay in uu kala fogeeyo oo weliba
uu cadaawadd ka abuuro dhexdooda.
Siyaasaddii Ingiriiska waxaa ku hawl-galay reer Galbeedka oo dhan. Waxaase
qaybta-libaax ka qaatay Maraynka oo dhaxlay awooddii Is-ticmaarka kaddib
dagaal Caalmka ee 2 aad. Dagaalkaas oo daciifiyay labadii quwadood ee
Isticmaarka ee ahaa Ingiriis iyo Faransiis.
2 – Dagaalkii-Qaboobaa:
Khilaafkii Idoloogiiga ahaa ee dhexmay Xulafadii libinto ku raacday dagaal-
waynihii labaad ee dunida-wuxuu sabay in Caalamku u qaybsamo laba quwadood
oo iska-soo –horjeedda. Oo kala ah Beri oo shuuci ah iyo Galbeed oo
hant-goosadd ah. Labadaa Mucaskar waxay ku tartmayn sidii qolo-waliba gacant
ugu-dhigi lahayd Dalalka Addunka saddexaad ama Dalalka soo koraya.
Waddamada Carabto oo ku yaalla jograafi ahaan Bariga-Dhexe iyo Waqooyiga
Afrika oo ah bartamaha caalamka iyo meesha kulmisa qaarradaha aduunka-waxay
ahaayeen meeihii ugu tartanka kululaa ee labada quwadood.
Dalalkii Carabta ayaa kala raacay Bari iyo Galbeedd. Taasina waxay keentay
caqabado aad u culculus oo is-hortaagay iskaashigii iyo
isu-soo-dhowaanshihii dalalkaas.
Waxay Carabto u kala baxay laba Qaybood oo waawayn. Bahda HOR-U-SOCODKA iyo
Xuriyadda ee Isticmaar-diidka ah. Oo ku tiirsan Reer Bariga.
Qaybta kalana waxaa loo yiqiinay dalalka DIBB-U-SOCODKA ah oo ku tiirsan
Reer Galbeedka.
Qaybta hore Waxaa Calanka u sidday MASAR uu Madax ka ahaa halyaygii GAMAAL
CABDI-NASIR. Qaybta labaadna waxa calanka u siday Boqortooyada SUCUUDIGA.
3- Israel:
Reer galbeeka iyo dalalka Islaamka Waxay ka dhexeeyay cadaawadd Qadiim ah oo
ku siman qarniyadii-dhexe. Waqtigaas oo ku aaddan dagaalladii is-daba-joogga
ahaa ee reer Eurup ku qaadeen MASAR iyo SHAAM. Dagaalladaas waxaa loo
yaqaana: Dagaalladii Macatabbleyda ama Saliibiyiinta.
Waxaa haddana taas ku xigtay cadaawad kale oo ka dhalatay Gumaysigii reer
Eurup oo wada gaaray qarniyadii 18-19-20. aad Caalamka Islaamka oo idil.
Makii la baabi’yay Khilaafaddii Islamka ee Cusmaaniyiinta dagaalkii kawaad
kadibb- shaccuubtii Carabta ee ka tirsanayd Khilaafadda waxaa qaybsaday
Ingiriis iyo faransiis si ay xuriyadd u gaarsiiyaan ( Intidaab).
Reer Galbeedku waxay arkeen, haddii Carabtaas Xoriyadd iyo madax-banaani
helaan- in ay khatar ku noqon karaan Reer galbeedka Waxaana la go’aansaday
in khatarkaa looga hortago:
A- in loo qaybiyo dalal badan oo yar-yar. Oo marna aan hantii karin aood
laga baqo. Waxaana lagu dadaalayaa in colaado iyo is-qab-qabsi joogto ah ay
aysan bixin.
B- In bartamaha Calamka Carabta lagu abuuro Dal cusub oo Carabb iyo Islaamba
cadaw u ah. Isla markaana ilaaliya danaha reer galbeedka ee
madiqadda-carbeed.
Dalkaas wuxuu noqday ISRAEL oo laga sameeyay Yahooddii laga soo ururiyay
Europ i, Amerika iyo meelo kale oo ka mid ah waddamada carabt.
Dalkaan cusubb waxa uu kala jiray jograafi ahaaan Shucuubtii Carabta ee
dhinaca Mashriqa ama Bari-Suria- Ciraaq-Jaziirada iyo Shucuubtii Carabta
dhinaca Maqribka ama Gabeedka -masar- iyo waqooyiga Afrika.
Mashruucaas dawladdan cusub waxaa ku dhawaaqay wariirkii arimaha debadda ee
Ingiriiska Balfoor15 maajo 1917 kii. Dhawaaqaas wuxuu ku soo baxay kitaabkii
cadd oo waqtigaas soo baxay oo dawladda Ingiriisku Yahuudda Caalamka ugu
ballan-qaadday in ay ku taageerto sidii Falastin looga dhisi la haa
Dal-Qaran ah oo qawmiyadda Yahuudda u gaar ah.
Waxaa dhismaha dalkaas la Iclaamiyay 15 may 1948dii isla maalintaasna waxaa
Ictiraafay Amerika, ururka-Sofyeedka iyo dalalka Europ badankood..
Reer Galbeedkuiyaga oo ku tashanaya diidmada dabiiciga ee ka imaan doonta
dadyawga carabta abuurista dal ajjnabi ah-QAlbiga Caalamka Carabta-oo
Falastin ah- Waxay go’aansadeen in ay Israel ku taagnaato welegeed XOOGGII
lagu dhisay.
Waxaa la qorsheeyay in ay noqoto dal casri ah oo leh dhaqaale hor-u-marsan
oo washadaysan, Tacliin ku fadhida cilmi sare iyo xoog-ciidan oo ku hubaysan
farsamo iyo hub casri ah. Waxaa laga dhigay Israel dal-Europ ah oo ku yaalla
wadnaha bariga-dhexe.
Waxaa la gaarsiiyay dawladda Yahuudda awood militari oo aysan hawaysan karin
ciidamada dalalka carbeed oo wada jira inkasta oo wada-jirkaas laga dhigay
mid mustaxiil u dhaw.
Sababaha fashaliayay Jaamicadda ee ka yimid dibadda kuwaas ayaa ugu
culculus. Waxaase ka sii daran sabaha gudaha ah ee ka yimid dhinaca dalalka
xubnaha ka ah oo ah kuwa ka qaatay qaybta-libaaxa fashalka Jamicadda.
Sababahaas dakhiliga ah waxaan ku soo qaadi doona qormada danbe haddii Alle
yiri.
Qaybtii 1aad ka akhri
halkan....
Waa : Dr. Abdi Dhaan-wade. Sweden.
dhaan_wade@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan Faafin: Jan 21, 2007
AKHRI: ARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


|