Mudane Shariif
Xasan Sheekh Aadan waa waddani geesi ah...
oo
mudan in loo dhiso taallo lagu xusuusto
Yusuf Mohamed Abdi
Yusuf
London
mrsomalia@hotmail.com
Khariidada
Hoose inta midabka casaanka waa dhulka Oromada
Ma ogtahay in dhulka Qowmiyadda Oromada ay
baaxadiisu yahay 353,632 km2 ,
dhulkaas oo hadda ka tirsan Ethiopia balse ay
qowmiyadda Oromiya u halgamayaan in ay ka
xoroobaan Ethiopia, tirada Oromada ee ku dhaqan
khariida Inta ka calamadsan waxaa sannadkii 2002
lagu qiyasay 24 million oo qof, Laakiin guud
ahan Oromada ku dhaqan Ethiopia waxaa lagu
qiyaasaa 26.6 Million.
Akhri:
http://www.oromoliberationfront.org/
|
Shariif Xasan
Sheekh Aadan waxa uu ku dhashay magaalada
Baydhabo, halkaas ayuuna ka ahaa ganacsade caan
ah ka hor intii aan loo dooran inuu noqdo
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu soo
dhisay dalka Kenya muddo hadda laga joogo laba
sano iyo siddeed bilood kaddib markii uu cod
aqlabiyad badan leh kaga guuleystey ninki ay
isugu soo hareen tartanka jagada u hadda hayo.
Waa nin noocee ah Shariif Xasan oo ay dad badani
ay barteen kaddib dorashadiisii? Run ahaantii,
waa nin dabeecad fiican, lehna aragti
siyaasadeed oo qunyar socod ah, taasoo ku xirtay
dhammaan shacabka Soomaaliyeed intiisa nabadda
jecel, waxaana uu qayb weyn ka noqday kala
qaybsanaantii soo kala dhex gashay xubnaha
Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo u badan
dagaal oogayaal iyo gacanyarayaashoodi, kuwaas
oo ku fekerayay inay dalka gacanta u geliyaan
dowlada Ethiopia ee Tigreegu uu hoggaamiyo, si
ay u garan danahooda qaaska ah maadaama ay
Ethiopia iyo Kenya soo dhiseen, balse iyagoo is
lahaa si fudud ayay idinkugu sahlanaan doontaa
inaad siyasadda Soomaaliya gacanta ugu dhigtaan
maadaama Baarlamanka ay u badan yihin
jawaasiistooda ayaa waxaa soo ifbaxay in
arrinkaas uusan ahayn sidey moodayeen, maadaama
Baarlamaanka ay soo galeen dad yar oo aaminsan
qarannimada iyo madax bannaanida Soomaaliya ayaa
waxaa billowday is marin waa ka aloosmay isla
Baarlamaankii dhexdiisa, halkaasoo uu hoggamiye
ka noqday Mudane Shariif Xasan.
Wixii markaas ka dambeeyey wuxuu Shariifku
hoggaaminayey garabka Baarlamaanka ee aaminsan
dal iyo dad xor ah oo Soomaaliya yeelato,
kuwaasoo cagta mariyey qowlaysato xildhibaano ah
oo u nool inay lacag ay ku qayilaan la siiyo,
lagana marsado wixii la doono, ayna horboodayaan
dagaal ooge Cabdullaahi Yuusuf iyo xoolodoonka
Cali Maxamed Geeddi, kaddib markii ay damceen
inay Baarlamaanka marsiistaan mooshin Soomaaliya
loogu xalaaleynayo in ciidamo Tigreega ah dalka
ku soo galaan, iska hor imaadkaas oo noqday mid
taariikhda gala, kaddib markii laad lagala
daalay kooxda u adeegta Tigreega.
Baarlamaankii oo laba u kala jabay - koox uu
hoggaamiyo Shariifka oo u badan waddaniyiin
mayal adag iyo koox ay hoggaminayaan nin dagaal
ooge ah in nin xoolo doon ah oo aan dan iyo
heelo ka lahayn dadka, dalka iyo diinta.
Shariifka maxaa guul ah oo uu gaarey?
Inuu diido inuu saxiixo in dalka ciidamada safka
hore la soo galiyo.
In dowladdu degto meel aan Xamar ahayn isagoo
tagay Xamar.
Inuu Sanca heshiis kula galay garabka kale
dowladda ee fadhiyey Jowhar.
Inuu reer Baydhabo ka dhaadhiciyo in dowladda
Baydhabo la soo dajiyo.
Inuu dowladda kala jabtey dib isugu celiyo oo uu
xarun uga dhigo Baydhabo maadaama ay ku ballan
fureen raggii warlords-ka ahaa ee Xamar
xaaraanta ku haystey.
Inuu samatabixiyey dagaal ooge Cabdullaahi
Yuusuf oo Jowhar laheyste ugu noqday dagaal ooge
Maxamed Dheere.
Inuu adduunka ka gado in Soomaaliya arrimaheeda
ay iyadu xallisato, beesha caalamkana ku
taageerto.
Inuu heshiis la galo Maxkamadaha Islaamka ee
inta badan dalka ka talin
jirey, uuna tagay Xamar kuna qanciyey inay
heshiis wax ku raadiyaan.
In la taageero hannaanka wada hadalka iyo dib u
heshiisinta Soomaalida dhexdeeda.
Inuu xarun ka dhigtay Xamar oo ay nabadgalyo
taam ah ka jirtay waqtigii ay maxkamadaha
awoodda lahaayeen.
In beesha caalamka uu ku qanciyey in Soomaaliya
aysan u baahnayn in la keeno ciidamo safka hore
ah maadaama ay dano iyo cadawtinimo fog naga
dhexeyso, isagoo yiri "dal iyo dad bay naga
haystaan sidee ciideena loogu daraa".
Inuu ka dhadhiciyey beesha caalamka inay ka
joojiso mushaarka micna darrada ah ee la siiyo
xildhibaannada u nool inay qayilaan, dalkoodana
cadaw hoos geeyan ee aan damiirka laheyn.
Inuu ku guuleystey la tashiga dadka aqoonta leh
ee Soomaaliyeed, taasoo ku kasbday magacyo
qaddarin ah.
Shariif Xasan ayaa waxa ay dadka ku tilmaamaan
hoggaamiye qunyar socod ah oo la tashta dadka
Soomaaliyeed iyo beesha caalamka. Haddaba bal
aan eegno sababta xilka looga qaaday.
Inuu ka hor yimid u deegidda danaha Tigreega.
Inuu ka hor yimid u adeegidda danaha
warlords-ka.
Inuu ka hor yimid lunsashada dhaqaalaha dalka uu
ka helo wadammada deeqda bixiya.
Inuu ka hor yimid inuu ku tunto sharciga u
degsan dalka.
Inuu ka hor yimid damaca keliyetalinimo ee
dagaal ooge Cabdullaahi Yuusuf oo ku dhisan
sharci darro iyo wadaniyad daro.
Inuu ka hor yimid heshiis inaan lala galin dadka
Soomaaliyeed.
Inuu ka hor yimid u adeegidda Tigreega iyo
Kenyanka ku shaqeeya laaluushka.
Inuu ka hor yimid ka aamusnaanta ciidanka
dalkeena qabsaday ee Tigreega iyo
dabadhilifkooda.
Inuu diido in xukunka degdegga dalka lagu soo
rogo iyadoo uu jiro Barlamaan iyo xukuumad la
soo dhisay wada hadal iyo dib u heshiisiin.
Inuu amray in ciidamada Ethiopia ee Tigrega iyo
calooshood u shaqeystayaasha dalka ka baxaan ama
xoog looga saaro.
Waxay dad badani la yaabeen sida ay qowleysatada
Tigreega u adeegta ee
xaruntoodu tahay Baydhabo iskugu raaceen fashil
ku yimaada dowladooda taagta daran ee aan
shacabka Soomaaliyeed ee wadaniga ah aan ka
heysanin kalsoonida marka laga reebo kuwo lagu
qalday qabiil aan jirin.
Waxaa farxad ah in waddadii fashilka ay cagta
saareen, taas oo fursad weyn u ah dadka
Soomaaliyeed maadaama EU iyo USA iyo Jaamacadda
Carabta , Sudan, Ereteria iyo Djibouti Yemen
aysan yeeli doonin in xilka laga qaado
hoggaamiye qiimo leh oo la soo doortay.
Waxay dad badani is weydiinayaan sida ay isku
qabaneyso xukun dag dag ah oo dalkii lagu soo
rogay, taas oo ay macnaheedu yahay in dagaal
ooge Cabdullaahi Yuusuf keliya awood u leeyahay
in wuxuu doono uu sameeyo muddo 3 bilood ah
maadaama ay awoodda oo dhan gacantisa ay
geliyeen kuwa maantey ku dhawaaqay inay xilka ka
qaadeen hoggaamiyaha saciimka waddaniga ah ee
lagu maagay maxaa dalkaada cadow ugu gacan galin
weyday.? Su�aasha jawaabta u baahan waxaa weeye
waddan xukun degdeg ah uu saaran yahay sidee
Baarlaman uga shaqeyn karaa maadaama dagaal ooge
Cabdullaahi Yuusuf 3 bilood ay hadda u
bilaabatey inuu sameeyo waxa u rabo?
Waxaan filayaa inaysanba raggani aqoon u lahayn
sharciga mise aysan kala gareynin waxay ku
dhawaaqayaan mar kasta iyagoo toddobaadkan
gudihiisa sameeyey laba arrin oo ka hor
imaanaysa sharciga oo ah soo rogista xukunka
degdegga ah iyo xil ka dhigista ninkii Tigreega
ka soo horjeeday.
Waxaa run ah inaysan xor ahayn dadka Baydhabo
fadhiya ee ku shirsan
baqaarka masagada ee ADC.
Mudane Gudoomiye Shariif Xasan waxaan kuugu
bishaareyneynaa in maanta magac iyo qiimo aad
adiga ka leedahay kuwa u adeega Tigreega ee
doonaya inay gumeeyaan dadka iyo dalka
Soomaaliyeed, sidaa daraadeed waxaa sharaf kuu
ah qof walbana kuu og yahay inaad diiday adiga
iyo ragga saaxiibada ah ee kula fikirka ah in
Tigree dalka haysta ka aamustaan.
Waxaan jeclahay inaan dunida u qiro inaadan u
baahneyn inaad hoggaamiye u noqoto qoom daciif
ah oo aan karti iyo ragganimo u lahayn inay
gutaan waajibkooda, balse ka doortay lacag iyo
inay addoon u noqdaan waddanka adduunka ugu
faqiirsan ee Ethiopia.
Waxaan hubaa in taariikh qormeysa ay tahay, ayna
dad badani ka geli doonaan baal madow, kuwaasoo
noqon doono kuwa laga faano lagana sheekeeyo
mustaqbalka, waayo waqtigu wuu is beddelaa,
tariikhduna waxay noqotaa dhaxal gal. Waxaan
maqli jirey hebel wuxuu ahaa pro Talyaani,
hebelna pro Ingiris, hadda waxaa so baxday oo
aan barannay kuwaan waa jawaasiis Tigree iyo
Amhaaro iyo Kikuyu. Waxaan Allah ka baryayaa
inuusan naga dhigin kuwaas taariikhda madow leh
ee baday dalkeenii xorta ahaa in Tigree lagu
marti sooro. Tusaale aniga awowgey Cabdi Yuusuf
Calijaah wuxuu ahaa SYL, naftiisana waxa uu ku
waayey dagalkii Dhagaxtuur ee 5 oktobar 1949 ee
ka dhacay magalada Muqdisho.
Waxaa sharaf ah inaan maqlo awoowgay inuu ahaa
halgamaa naftiisa u hurey xorreynta dalkiisa
xilligii gumeysiga, balse maantey aan u jeedo
dad darajo iyo aqoon iyo canshurtii dalka lagu
soo barbaariyey inay gumeysi Tigree dabada u
lulayaan, taasoo ah midda maanta qof walbo oo
Soomaali ah uusan liqi karin in dalkeenii
quruxda iyo qiimaha lahaa ay iibsadeen
qabqablayaal aan damiir lahayn welina sacab loo
tumayo, welina dad Soomaali ku sheeg ah ay u
mashxaradayaan gumeystaha iyagoo cadaw ka
dhiganaya dad
Soomaaliyeed oo kula diin iyo af iyo dhaqan iyo
midabba leh.
Mudane Guddoomiye Shariif Xasan waxaan kugu
dhiirrigelinayaa inaad u nixin, kana soo dabcin
mowqifka aad qaadatey ee ahaa inaad diiday u
gurbaantunka gumeysiga kuwa u adeega ee aan
xorta ahayn, waqti badan waa haysataa maadaama
aad tahay nin dhalinyaro ah, halganka ka
xoreynta gumeysiga iyo adoomada u adeega ka sii
wad meeshaas, waadna guuleysan doontaa, hana ka
qoomameyn ka sii mid ahaansho qoom aan damiir
lahayn.
Waxaan xubnaha Baarlamaanka ee aaminsanaa
fikirka uu qabay Shariifka ka codsanayaa inay si
degdeg ah u caddeeyan mowqifkooda siyaasadeed,
ayna
is casilaan si degdeg ah maadaama aysan raali ka
noqon karin u adeegid Tigree.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in la
taageero xooggaga iska caabbinta Tigreega ee
dalkeena haysta, lana muujiyo isku xirnaan iyo
waddaniyad qiiro leh, taasoo ay tahay an naf iyo
maal u hurno sidii dalkeena uga xoreyn lahayn
dagaal oogayaal addoon u ah Tigreega iyo
Tigreega laftiisa.
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
London
mrsomalia@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 18, 2007