SOOMAALIYA IYO
MARXALADDA CUSUB: MA 16 SANO KALE OO DAGAAL
SOKEEYE AH MISE DAWLAD SOOMAALIYEED OO SHAQAYSA?
Qore: Abdiweli
Hassan
abdihass55@hotmail.com
Khariidada
Hoose inta midabka casaanka waa dhulka Oromada
![](oromo.jpg)
Ma ogtahay in dhulka Qowmiyadda Oromada ay
baaxadiisu yahay 353,632 km2 ,
dhulkaas oo hadda ka tirsan Ethiopia balse ay
qowmiyadda Oromiya u halgamayaan in ay ka
xoroobaan Ethiopia, tirada Oromada ee ku dhaqan
khariida Inta ka calamadsan waxaa sannadkii 2002
lagu qiyasay 24 million oo qof, Laakiin guud
ahan Oromada ku dhaqan Ethiopia waxaa lagu
qiyaasaa 26.6 Million.
Akhri:
http://www.oromoliberationfront.org/
|
Soomaaliya
waxaa lagu magacaabaa magacyo kala duwan ilaa
markii la riday dawladdii Soomaaliyeed 1991-kii.
Dhammaan magacyadaasi waa kuwa taariikh xumo iyo
magacxumo ku ah Soomaalida laguna qori doono
buugaagta taariikhda qarniyada soo socda.
Mudadii dagaalka sokeeye waxaa la sameeyay
dawlado iyo shirar dib-u-heshiineed kuwaasoo
dhammaantood fashilmay. Juunyo 2006 ayaa waxaa
mar kaliya Soomaaliya is badalay qaabkii
dagaal-oogayaasha iyo fawdada waxaana awooddii
caasimadda iyo gobollo badan la wareegay
Midowgii Maxaakiimta Soomaaliyeed. Sida la wada
ogsoon yahay waxaa dhacay kacdoon dadwayne
kaasoo la dhihi karo waa kacdoonkii siyaasadeed
ee saddexaad ee taariikhda Soomaaliya soo mara
ilaa waqtigii xoriyadda. Kii koowaad wuxuu ahaa
kacdoonkii xoriyadda lagaga qaatay guumaysigii
Talyaaniga iyo Ingiriiska sannadkii 1960-kii,
kii labaad wuxuu ahaa kacdoonkii kacaankii
21-kii Oktoobar 1969-kii ay sameeyeen Ciidamadii
Qalabka siday ee Soomaalidu ku dhaaran jirtay,
kii saddeexaadna waxaan anigu qabaa inuu ahaa
kacdoonkii dadwaynuhu sameeyeen ee Maxkamaduhu
hoggaaminayeen.
Kacaankii
Dhicisoobay ee Maxkamadaha:
Markii
maxkamaduhu awoodda Muqdishu la wareegeen ayaa
haddaladii guddoomiyihii Maxkamadaha Sh. Shariif
waxaa ka mid ahaa inay shirweyne isugu yeerayaan
ummadda Soomaaliyeed si looga wada tashado
aayaha Soomaaliya, sidoo kale wuxuu sheegayay
inay la xaajoonayaan Dawladda Ku meel gaarka ah
si arrinta Soomaaliya xal loogu helo. Waxaa
dhammaan daafaha caalamka looga soo dhaweeyey
qodobadaas si heer sare ah, iyadoo la siinayay
talooyin wax tar leh. Hase yeeshee waxaa taas
badalkeedii laba usbuuc kaddib dhacay in ay
maxkamaduhu dhiseen Gole shuuro iyo Gole
Fulineed oo in ka badan 90% ay hal beel yihiin,
iyagoo guddoomiye guud u doortay Sh. Xasan Dahir
Aways. Arrintaasi waxay markiiba dad badan ku
abuurtay shaki wayn iyo kalsooni kala laabasho
maxkamadihii.
Intaa kaddib
dad badan oo weli rajaynayay in arrintu ku meel
gaar tahay ayaa talooyin fara badan u gudbiyay
kuwaasoo uga digayay cadawyada gudaha iyo
dibadda si loo badbaadiyo nabaddii iyo
horumarkii ka dhashay meelo badan. Nasiibdaro
dhammaan arrimahii laga digayay ee cadawga
gudaha waxay noqdeen kuwa guulaysta sida
qabyaaladda, Ururka Al-Itixaad oo kaligii
awoodda marooqsada, Ganacsatada, dagaal oogayaal
ku dhexmilmay, awood ballaarsasho iyo isfidin,
iyadoo taasina ay keentay in cadawgii dibadda uu
helo fursaddiisa.
Haddaba Golihii
Maxaakiimta oo ka koobnaa kooxo ujeedooyin kala
duwan leh balse hal doon isla saaran ayaa meel
dhexe badwaynta qolo waliba damacday in
jihadeeda loo wado, taasi waxay keentay haraq
iyo kala yaac. Kooxda ugu awoodda badnayd ee
lagu magacaabi jiray AL_SHABAAB ayaa ahaa kuwa
dhinaca caddaaladda ugu fiican iyagoo ka fogaa
qabyaaladda, balse lahaa cilad ah deg-deg iyo ku
fogaansho mayal adag ee dhinaca fulinta
shareecada Islaamka. Kooxdan waxaa laga
faa’iidaystay dhawr arrimood:
- In
Soomaaliya ay u baahan tahay awood xoog
badan balse Caddaalad ku dhaqda;
- In
Soomaalidu ay danaheeda muddo gaaban ku
xalisan karto iyadoo aan kaalmo shisheeye
helin ee dhinac dhaqaale, milateri iyo
siyaasadeed;
- In
Qabyaaladda lagu xalin karo kaliya xoog
iyadoo nin walba caddaaladda loo simayo, wax
la yiraahdo 4.5 aan waxba lagu qaybsan;
- iyo in
Midnimada Soomaaliya la soo celin karo
Hase yeeshee
kooxihii kale ee qabyaaladda ku shaqaynayay iyo
mayal adaygga iyo deg-dega Al-shabaab waxay
keeneen inay fashilmaan.
Dawladda Ku
meel-gaarka ah ma ka faa’iidaysan kartaa
Fursaddan?
Dawladda Ku
meel gaarka ah oo lagu soo dhisay Kenya kaddib
shir dheer oo socday muddo labo sano iyo bar ah
ayaa waxay la halgamaysay muddo dheer sidii ay u
xallin lahayd khilaafaadka dhexdeeda ka
jira.Iyadoo taas ku mashquulsan walina aan wax
hawl ah u qaban shacabkii loo soo dhisay ayay
Maxkamadihii Muqdishu ka saareen
qab-qablayaashii dawladda ka tirsanaa isla
markaana hortaagnaa shaqadeeda. Maalinkaas wixii
ka dambeeyay dawladdu waxay heshay fursado
maalin kasta isa soo tarayay, gaar ahaan
taageerada caalamka. Kaddib duulaankii ciidamada
Ethiopia ay ku qaadeen Soomaaliya iyagoo
kaashanaya Ciidamada dawladda si loo tirtiro
awooddii Maxkamadaha, waxay Dawladda ku meel
gaarka ah heshay fursad. Waxay la mid tahay
fursaddii ay maxkamaduhu heleen marka laga eego
dhinaca awoodda balse haddii ay is mahdiyaan
sidii maxkamadaha waxay marayaan waddaddii ay
mareen. Si haddaba ay uga faa’iidaystaan una
badbaadiyaan qaranka Soomaaliyeed marxaladdan
adag waxaa la gudboon inay sameeyaan arrimahan:
- In ay si
deg-deg ah ugu dhawaaqaan shirweyne dib-u-shiineed
ee Qaran, iyadoo laga soo qayb gelinayo
dhammaan ururada kale duwan ee matala
xirfadlayaasha sida kuwa waxbarashada,
caafimaadka, beeralayda, culimada, haweenka,
dhallinyarada, oday dhaqameedyada, reer
guuraaga, iyo ururkii maxaakiimta;
- In
shirwenahaas la siiyo muddo ku filan iyadoo
la hubo in caalamka daneeya arrimaha
Soomaaliya gaar ahaan EU, AU, UN iyo Arab
League inay maalgalinayaan;
- In
Shirkaas ay ka soo baxdo Dawlad Midnimo
Qaran (National Unity Government);
- In, si loo
siiyo fursad dib-u-heshiinta iyo dhisid
qaran tayo leh, la badalo qodobka dastuurka
ku meel gaarka ah si golaha xukuumadda
dibadda baarlamaanka looga keeni karo;
- In
Ciidamada la keenayo Soomaaliya, haddiiba ay
jiraan, laga qayb galiyo waddamada Carabta;
Qodobadaasi
waxay hirgali karaan markii Soomaalidu isku
tashato muujisana bisayl iyo isku tanaasul,
iyadoo la abuurayo jawi kalsooni iyo wadashaqayn.
Waxaana la hubaa in beesha caalamku ay had iyo
goor isku haysato arrimaha Soomaaliya saas
darteedna ay adkaanayso in ciidamo iyo
dhaqaaleba la siiyo dawladda ku meel gaarka ah.
Ethiopia iyo
Xariirkeeda Soomaaliya: Colaad ama nabad iyo
wada noolaasho?
Taariikhda
Soomaaliya iyo Ethiopia waa mid colaad soo
jireen ah kaliya ku soo socotay muddo dheer. Had
iyo jeer dhinaca Ethiopia ayay colaaddu ka
imaanaysay maadaama Soomaalidu aysan marna
qabsan ama weerarin dhul dad aan Soomaali ahayn
degen yihiin. Haddaba sidee ku dhici kartaa in
Colaaddaas loogu badalo nabad? Sidee ku dhici
kartaa Taangiyada Ethiopia ee dhex maraya
wadnaha caasimadda Soomaaliya in nabad iyo wada
noolaansho loogu bedelo?
Soomaalidu
waxay ku maahmaahdaa “nin buka boqol u talisay”.
Fursadda in
taariikhdaas xun wanaag lagu badalo waxay ku
xiran tahay Ethiopia.
Waxaa dhammaan
u guurgalayaasha iyo quburada arrimaha
siyaasadda Soomaaliya isku raacsan yihiin in
Ethiopia aysan doonayn dawlad dhexe oo
Soomaaliyeed inay dhalato xitaa mid ay gacan
saar fiican la leedahay. Maxaa lagu beenin karaa?
Sida hadda
muuqata Ciidamada Ethiopia ee soo galay
Soomaaliya waxaad moodaa inay ku guulaysteen
hadafkii dawladooda ee ahaa inay burburiyaan
awoodda maxkamadaha iyo inaan dawlad Islaami ah
ka dhalan waqtiga dhow Soomaaliya. Balse in
dawladda Ethiopia ay gacan ka gaysato shirweyne
dib-u-heshiineed iyo dhisid dawlad midnimo qaran
waa mid aan suurtogal ahayn marka la eego sida
dhaqanka siyaasadda Dawaladda Ethiopia yahay.
Waxay Doonaysaa in ay jiraan madax kala madax
banaan oo ayada toos uga kala amar qaata, si
haddii ay mid isku dhacaan kuwa kale u sii
jiraan inta ay ka badalayso midkaas. Siyaasaddan
oo Ethiopia qaadatay kuna qanacday kaddib markii
ay dhumisay saaxiibkoodii Eriteria- Isayase
Afawarke- maadaama uu kaligiis ahaa awoodda ay
dhiseen markii la is khilaafay waxay noqotay in
danahoodii ay waayaan, qatarna ay ku timaado
nabadgelyadooda, saas darteed marna ma
ogolaanayaan inay dhisaan hal hoggaamiye
Soomaaliyeed si kasta oo uu saaxiib ula yahay
maadaama uu is bedeli karo waqti kasta.
Keenista
Ciidamo Shisheeye iyo Loolanka Dawladdaha EU iyo
Ameerika ee Arrimaha Soomaaliya:
Waxaa muddo
dheer la iclaaminayay in la keeno ciidamo
Afrikaan ah Soomaaliya si ay uga qayb qaataan
nabadgelyada iyo hirgelinta dawladda ku meel
gaarka ah. Maxaa hortaagaan? Waddamada Midowga
Yurub oo uu dhex boodayo Talyaanigu waxay u
arkaan in arrimaha Soomaaliya looga dambeeyo
iyadoo la tixgelinayo heshiiskii aan weligiis la
qorin ee “Gentlemen’s Agreement” ee ka dhexeeyey
dawladdihii Yurub ee Caalaamka guumaystay. Hase
Yeeshee Maraykanku taas ma ogola oo wuxuu isu
arkaa awoodda kaliya ee in laga dambeeyo inay
asaga tahay, Soomaaliyana cid uga aqoon badan
aysan jirin maadaama ilaa 1980-kii uu si fiican
ugu dhex jiray. Sidoo kale Maraykanku wuxuu u
arkaa in Yurub ay dayacayso shidaalka iyo
macdanaha Yuraaniyamta ee Soomaaliya dhex yaal
isagoo uga baqaya in Shiinuhu gacanta ku dhigo.
Sida baryahan sococtana Shiinuhu tartan xooggan
ayuu kula jira reer Galbeedka gaar ahaan Afrika.
Midda kale waddamada Afrikaanku ma haystaan
dhaqaale iyo qalab milateri oo waxay doonayaan
in la siiyo labadaba, iyadoo Maraykanku yahay
kan kaliya ee siin karaa labadaasba haddii uu
doonayo. Balse taas waxaa uga horeeya oo uga
wal-wal badan Suudaan dhinaceeda Daarfuur oo uu
u la’ yahay dhaqaale iyo saanad milateri oo uu
siiyo ciidamada Afikaanka, maadaama uu doonayo
inuu Suudaan kula tartamo Shiinaha oo mar hore
la wareegay Shidaalkeeda, iyadoo Maraykanku
sidoo kale doonayo inuu Shiinaha ka ilaaliyo
inay u sii gudbaan waddamada shidaalka leh ee
Jaad, Cameroon iyo Bartamaha Afrikaba.
Haddaba Yurub
oo aan awoodin inay ku midowdo inay dhaqaale iyo
Saanad ka madax bannaan Maraykanka siiso ciidamo
Afrikaan ah, isla markaana doonayaan inay sida
Maraykanka ka hortagaan is ballaariinta Shiinaha
ayaa mar walba ku qasban inay si dabacsan ula
dhaqmaan Maraykanka, balse aysan marna u ogolaan
inuu toos ula wareego Soomaaliya. Haddaba
loolankaas ka dhexeeya quwadaha shisheeye wuxuu
fursad siinayaa in Soomaaliya kala daadsanaato,
iyadoo rajada keenista ciidamo shisheeye oo aan
ahayn kuwa Ethiopia ay tahay mid aad u yar.
Gunaanad:
Maxaa la gudboon Soomaalida? Fursadda maanta
waxaa haysata Dawladda ku meel gaarka ah iyada
ayaana laga doonayaa inay u tanaasusho qaybaha
kale ee bulshada. Waxaa laga doonayaa inay si
Islaannimo iyo Soomaalinnimo leh u wajahaan
arrinta murugsan ee Soomaaliya. Waxaa laga
doonayaa inaysan ku mashquuliin hanti samaysasho,
awood badsasho, aargudasho, iyo tan ugu xun oo
ah qaranka oo la iibsado. Waxaa laga doonayaa
dhibaatada hortaala ee dhaqaale la’aan, awood
la’aan iyo faragelinta shisheeyaba inay uga
gudbaan maahmaahda Soomaaliyeed ee ah “ dantaada
maqaar eey ayaa loogu seexdaa”. Soomaaliya
caalamka oo dhan ayaa la dagaalsan ee hal wadan
lama dagaalsana, iyadoo dad badani ay moodayaan
in waddamada qaar ay uga roon yihiin kuwa kale.
Haddaba Shacabka Soomaaliyeed waa inay liqaan
waxyaabo badan oo waqtgan aan la wajihi karin si
loo gaaro hadafka guud ee ah Soo Celinta
Qarankii Soomaaliyeed.
By: Abdiweli
Hassan
abdihass55@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 18, 2007