WAR MURTIYEED: Jaaliyadda
Reer Xaaji Suleymaan ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika
Jan 17, 2007
Waxgaradka, Aqoonyahannada,
Indheergaradka, Culumada, Cuqaasha, Waayeelka iyo
Dhalinyarada Reer Xaaji Suleymaan ee ku nool Qaaradaha Yurub
iyo North America;
§ Iyagoo ka
amba-qaadaya shirweynihii ballaarnaa ee ay beeshu ku
yeelatay toddobaadkan magaalada Muqdisho.
§ Iyagoo tixgelinaya
mowqifka iyo go’aanka waxgaradkii ku shiray Muqdisho.
§
Iyagoo ka tiiraanyeysan xaaladda qallafsan ee uu dalku
maanta marayo iyo qabsashada ay Ethiopia qabsatay dalka
Soomaaliya, gaar ahaan xaruntii ummadda Soomaaliyeed ee
Muqdisho.
§ Iyagoo muxubbo
badan u haya wanaaggii iyo waxqabadkii Maxkamadaha Islaamiga
ee uu Mareykanku burburiyey isagoo howlgelinaya Ethiopia.
§ Iyagoo qiimeynaya
faragelinta qaawan ee lagu hayo arrimaha gudaha ee
Soomaaliya iyo xasuuqa Mareykanku ka geystay koonfurta dalka.
Waxay soo saarayaan War
Murtiyeedkan hoos ku lifaaqan:
1. Waxaan u aragnaa
dowladda federaalka ee lagu soo dhisay
Kenya dowlad qeyrul sharci ah oo aan metelin dadka, dalka
iyo diinta oo madiidin u ah Dowladda Ethiopia.
2. Waxaan aaminsannahay
in Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geeddi aysan
dowlad u noqon karin Soomaaliya iyagoo saaran dabaabaadka
dowladda Ethiopia oo hadda billowday inay dalka ka baxdo.
3. Waxaan ka digaynaa
cawaaqib xumada ay keeni doonto joogitaanka ciidanka
Ethiopia ay joogaan Soomaaliya.
4. Waxaan rumeysnnahay
in kooxda Mbagathi ay sii sheegan karaan dowladnimo illaa
iyo inta ay ciidanka Ethiopia ku jiraan dalka.
5. Waxaa noo muuqda in cid cidda kale xoog ku maquunin
karta aysan jirin marka la eego taariikhda Soomaaliya iyo
qabiil qabiilka kale hubka ka dhigi kara.
6. Waxaan marnaba
suuragal naga noqon karin in hubkii aan kaga qayb geli
lahayn difaaca dalka iyo ilaalinta mustaqbalkeenna aan ku
wareejinno ciidanka Ethiopia.
7. Waxaan
cambaareynaynaa soo rogista go’aanka sharci-darrada ah ee
Martial Law, waxaanan u aragnaa isku day lagu doonayo in
lagu xalaaleysto dhiigga dadka iyo xoog ku haysashada
ummadda.
Waxaan, haddaba, si adag
ugu baaqeynaa:
- In ciidanka
Ethiopia ee qabsaday Soomaaliya ay sida ugu dhaqsaha
badan leh uga baxaan guud ahaan dalka, gaar ahaan
meelaha ay weli ku sii harsan yihiin. Waxaa guul ah ka
bixitaanka ay ciidanka Ethiopia billaabeen inay ka
baxaan dalka.
- In dowladda Mareykanka
ay joojiso weerarada gardarrada ah ee ay ka sii waddo
koonfurta Soomaaliya.
- In waxgaradka,
siyaasiyiinta iyo ciidammada reer Xaaji Suleymaan aysan
dhicin wax hub ah oo ay ku wareejinayaan
dowlad-ku-sheegta federaalka iyo ciidanka Ethiopia ee ay
garabsanayso.
- In bulshada caalamku
ay qabanqaabiso shirweyne dib u heshiisiineed oo lagu
dhex dhexaadiyo qabiillada Soomaaliya, laguna dhiso
dowlad Soomaaliyeed oo xalaal ah oo sharci ah, dadkuna
raalli ka wada yahay.
-
In beesha Reer Xaaji Suleymaan, iyadoo la wadaagaysa
dareenkooda beelaha kale ee Hawiye, inay muujiso isku
xirnaan, towfiiq, talo-qaadasho iyo iska warqab inta
lagu jiro xaaladda halista ah ee uu dalku maanta ku
sugan yahay.
- Walaalaha Soomaaliyeed
meel ay joogaanba inay u diyaar goroobaan sidii laysaga
rogi lahaa heeryada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa
kaashanaya.
- Inay walaalaha
Soomaaliyeed isugu yimaaddaan dib u heshiisiin Qaran oo
dib loogu soo celiyo Qarannimadii dalka.
War Saxaafadeedkan waxaa ku
saxiixan:
- 1. Dr Cabdullaahi
Warsame Afrax
- 2. Dr Axmed Diiriye
Abtidoon
-
3. Dr Cabdirisaaq Maxamed Sh. Aadan
- 4. Prof Bashiir Xaaji
Yuusuf
- 5. Dr Cabdilqaadir
Axmed-nuur
- 6. Dr Cumar Maxamuud
Maxamed
- 7. Dr Cabdullaahi
Sheekh Axmed Lugoole
- 8. Dr Cabdinuur
Maxamed Ciise
- 9. Avv. Xuseen Diiriye
Carabey
- 10. Avv. Cabdiraxmaan
Sheekh Axmed Lugoole
- 11. Col Cabdullaahi
Jaamac Kulmiye
- 12. Col Amiin Siid
Axmed Xaaji
- 13.
Col Saciid Xaaji Aadan (Cagaseef)
- 14.
Col Maxamed Faarax Dabdamis
- 15. Col Cali Aadan
Guuleed
- 16. Col Cabdulle
Guutaale
- 17. Col Xuseen Salaad
Dhuxul
- 18. Col. Maxamuud
Faarax Qaareey
- 19. Col Khaliif
Jimcaale (Gaaregaare)
- 20. Col Yuusuf Xasan
Warsame
-
21. Col Maxamed Caalin Xalane
- 22. Guddoomiye Jaamac
Cumar Jimcaale
- 23. Xersi Cali Cilmi (Malabsade)
- 24. Maxamed Faarax
Sandheere
- 25. Sheekh Daahir
Iidle
- 26. Maxamed Xaaji (Ingiriis)
- 27. Liibaan Xasan
Diiriye
- 28. Eng Cabdiraxmaan
Ugaas Cabdullaahi
- 29. Eng Axmed Ugaas
Cabdullaahi
- 30. Cabdullaahi
Siid-Axmed
- 31. Cabdullaahi Sheekh
Axmed
- 32. Nuur Diiriye
Siyaad
- 33. Maxamed Cumar
Hagafey
-
34. Sheekh Bashiir Salaad Dhoolayare
- 35. Axmed-Nuur Islow
Warsame
- 36. Nabaddoon Axmed
Cali Baalle
- 37. Cabdullaahi
Diiriye Carabey
- 38. Cabdullaahi Faarax
Qaarey
- 39. Daahir Cabdullaahi
Kediye
- 40. Cabdilqaadir Ciise
Dukul (Howle)
- 41. Jaamac Warsame
Buurane
- 42. Cabdi-Saabir Nuur
Lugey
- 43. Xarbi Cilmi Faarax
- 44. Cabdullaahi Sheekh
Maxamuud
- 45. Cusmaan Maxamed
Cali
- 46. Axmed Ciise Shire
Ugaas
-
47. Xiis Maxamuud Maxamed
- 48.
Cali Cabdi Siyaad (Cali Salaad)
- 49.
Cabdiraxmaan Maxamuud Cibaar
- 50.
Shiino Cali Cibaar
- 51.
Nuur Cali Carab
- 52.
Cumar Cabdi Siyaad
- 53.
Cabdi Xaashi Jimcaale
- 54.
Cali Weheliye (Cali Jiis)
- 55.
Cali Salaad Jimcaale
- 56.
Cali-Yare Maxamed Geeddi
- 57.
Cabdikariin Maxamed Cali
- 58.
Cabdisalaan Maxamed Barre Shabeel
- 59.
Sayid Cumar Maxamed Dhoorre
-
60.
Cabdullaahi Aw-Diiriye
Cabdi
- 61.
Asad Cusmaan Xersi Jire
- 62.
Axmed-Weli Xersi Guutaale
- 63.
Cabdiraxmaan Sabriye
- 64.
Cabdi Maxamed Maxamuud (Faniinto)
- 65.
Nuur Maxamed Faarax
- 66.
Cusmaan Maxamed Faarax
- 67.
Cabdullaahi Cabdulle Cali-Mataan
- 68.
Ciise Axmed Diiriye
- 69.
Maxamed Cabdullaahi Rooble (Garmashaqo)
- 70.
Xasan Maxamuud Cibaar
- 71.
Saciid Sheekh Yuusuf Ugaas
-
72. Jaamac Cumar Jimcaale
- 73. Axmed Ibraahin
Khaliif Axmed
- 74. Axmed Maxamed
Axmed-Nuur
- 75. Cabdi Maxamed
Sheekh Xuseen
- 76. Maxamed Cusmaan
Tuurre
- 77. Xasan Nuur Lugey
- 78. Maxamuud Cagoole
- 79. Cabdilqaadir Cali
Afbuur
- 80. Maxamuud Xaaji
Aadan
- 81. Eng Shariif Gadiid
(Shariif Uureey)
- 82. Maxamuud Cali
Cabdi (Shiino)
- 83. Cabdilqaadir
Faarax Yuurare
- 84. Daahir Ciise
Bulxan
- 85. Cabdi Ibraahim
Aruuriye
- 86. Shiino Rooble
Warfaa
- 87. Yuusuf Maxamed
Guure
- 88. Cabdirasaaq
Maxamed Mataan
- 89. Maxamed Xaaji
Cilmi (Higlo)
- 90. Feysal Xaaji Cilmi
Aamin
- 91. Maxamed-Weli Aw-Diiriye
- 92. Maxamed Xuseen (Diiriye
Cawaale)
- 93. Cabdullaahi Aadan-Yare
- 94. Maxamed Ibraahin
Maxamuud (Dheere)
- 95.
Cabdikariin Aadan Siyaad
- 96. Cusmaan Macallin
Xasan
- 97.
Daahir Cali Tooxow
- 98.
Mire Cabdi Siyaad
- 99.
Fu’aad Xuseen
-
100. Warsame Axmed Salaad
- 101. Jaamac Xaashi
Jimcaale
- 102. Maxamed Cali Nuur
- 103. Caseyr Shidane
Cabdi
- 104. Cabdulqaadir
Ugaas Cabdullaahi
- 105. Faarax Maxamed
Geeddi Handad
- 106. Axmed Cabdullaahi
Samatar
- 107. Dr Maxamed
Cabdullaahi Tiicey
- 108. Dr Maxamed Xuseen
Xasan (Gudbaaye)
- 109. Mahad Cabdi
Kediye
- 110. Cabdi Maxamuud
Caalin
- 111. Ilyaas Daahir
Rooble
- 112. Caalin Rooble
Faarax
- 113. Cabdi Kediye
Faarax
- 114. Cabdixakiin
Daahir Coon (Masaay)
Qormadan kala xiriir:
Maxamed Ingiriis |
ingiriis@yahoo.com
Soomaalida ku nool Kenya oo Dowladda dalkaasi ku canaatay in ay kala safatay Itobiya
Banaanbaxyo looga soo horjeeday DFKMG laguna
gubay calanka Soomaaliya, laguna taageerayo gooni isu taaga Somaliland oo ka
dhacay Hargeysa iyo...
Akhri....
17/1
Ogaadeenya:
Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu naafeeyay.
iyo Dadwayne uu cadowgu ku xidhxidhay meelo kala duwan....
Xorriyo 16/1
Shariif
Xasan Sheekh Aadan "Maanta maalin ka xun ma soo marin Soomaaliya"
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG iyo wafdi uu hoggaaminayo booqday
Belgium ayaa
Akhri.. 16/1
Faafin: Jan 17, 2007
|