Warqad Furan Ku Madaxweynaha
Soomaaliya
- Sidaad ogtahay dad aan mabda’ iyo manhaj lahayni dad jira maaha,
Soomaalidana mabda’ iyo manhajkoodo waa DIINTA ISLAAMKA sidaas daraadeed
haddaad doonaysid inaad shacabka Soomaaliyed u horseedid siday uga bixi
lahaayeen mugdiga, dulmiga, duliga iyo dayaca soo daashaday ku maamul
shareecada Islaamka....
Amatullah Cabdullahi
amatullah07@hotmail.com
Waxaan ku bilaabayaa magaca Allaah
Assalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu
Mudane Madaxweyne,
Anigoo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo aad Madaxweynaha u tahay waxaan
ugu horayntii Allaah ka baryayaa inuu isu keen sakhiro oo isu keen dumo.
Adigana Allaah hakaa dhigo mid hogaanka si wanaagsan u qabta, annagana
Allaah ha naga dhigo shacab wanaagsan oo waajibkooda guta.
Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu kor ahaaye kugu hago dariiqii Nabi
Muxammad si aad khayr dhammaanti u heshaan adiga iyo shacabka aad madaxda u
tahayba.
Waxaan warqadan furan kuugu soo gudbinayaa salaan, xusuusin, naseexo iyo
duco. Arrimahaasi waxay ka mid yihiin xuquuqda aad igu leedahay oo diinta
Islaamku i farayso. Waase markaad Allaah iyo Rasuulkiisa addeecdid ee
Allaah ee Allaah haku waafajiyo.
Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu xaqa kuugu sugu siduu kor ahaaye ugu sugay
Abu Bakar Al-Sadiiq markuu geeriyooday Nabigu (CSS) kuguna guuleeyo inaad
Soomaalida kala irdhowday si nabad ah isugu soo ururisid.
Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu ku siiyo xikmadii Luqmaan si aad meel
walba iyo mar walba talada ugu haboon sida ugu haboon iyo goorta ugu haboon
u haleeshid.
Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu ku siiyo cadaaladii laba Cumar (Cumar Bin
Khataab iyo Cumar bin Cabdi Caziiz) si aad Soomaali cadaalad ugu maamushid.
Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu ku siiyo qorsha wanaagii Nabi Yuusuf CSWS
si aad Soomaali ugu dajisid qorsho ay u ayaan.
Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu ku siiyo xishoodkii Cismaan Bin Cafaan si
aad xumo oo dhan uga xishootid, xumaanaha waaweyn caddaal daradaa ka mid ah.
Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu ku siiyo xilmigii iyo Alla u noqosho
badidii Nabi Ibraahim scws si aad shacabka soomaaliyeed ugu turtid adiguna
dambi dhaaf u heshid.
Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu ku siiyo samirkii Nabi Ayuub SCWS si aad
dhibaatada wayn oo ku hortaal uga dabaalatid.
Intaas kadib waxaan kuugu naseexaynayaa arrimaha soo socda:
1) Waxaan ku xusuusinayaa hadalkii Cumar Bin Khataab (ra) oo ahaa haddii
neef xoolo ahi shaam ku turunturoodo waxaan ka baqayaa in Allaah igu xisaabo
oo i yiraahdo maxaad jidka uga samayn wayday marka Soomaali Allaaha
hogaankooda kuu dhiibay uga baq oo cadaalad, raxmad iyo kala xigsad la’aan
ku maamul.
2) Sidaad ogtahay dad aan mabda’ iyo manhaj lahayni dad jira maaha,
Soomaalidana mabda’ iyo manhajkoodo waa DIINTA ISLAAMKA sidaas daraadeed
haddaad doonaysid inaad shacabka Soomaaliyed u horseedid siday uga bixi
lahaayeen mugdiga, dulmiga, duliga iyo dayaca soo daashaday ku maamul
shareecada Islaamka dariiq kalena haku lugoyn shacabka.
Haddaad dib u jaleecdid taariikhda dunida muslimiinta; sharaf, cilmi,
horumar iyo cadaalad waxaa ugu danbaysay xukunkii Islaamka, maalintii laga
leexiyay xukunkii Islaamka dhibaatadii u bilaabatay waa tan maanta meel
muslim joogaba ku dul habsan.
Sidaad ogtahay DIINTA ISLAAMKU waa diin cilmi (scientific religion) qarniga
21-tanaadna waa qarni cilmi, tusaale waxaa kuugu filan dadka soo gala Diinta
Islaamka noocooda, waa dadka cilmiga leh ama fakara oo RUNTA si cilmi ah u
baara. Sidaas daraadeed waxaan kuugu naseexaynayaa inaadan ka af qaban
dadka Soomaaliyeed cilmiga iyo nolosha wanaagsan oo diintoodu
xambaarsantahay.
Haddii aad isku daydid inaad Soomaali ku xukuntid xukun khilaafsan diinta
islaamka waa dhici kartaa inaad kursiga madaxweynenimada mudo ku fadhidid
laakin u malaynmayo inaad ku guulaysanaysid inaad Soomaali nolol wanaagsan
iyo liibaan u horseedid sababtoo ah wax walba oo kale horay baa loogu soo
lugooyay. Marka waxaan ku leeyahay Mudane Madaxweyne “WAARIMAYSIDE WAR
HAKAA HARO”.
3) Lataliyeyaal aqoon wanaagsan leh daacadna u ah dadka Soomaaliyeed isku
wareeji iskana fogee dadka dantooda ka hor mariya danta shacabka.
4) Shacabka Soomaaliyeed karaamadiisii dhuntay waxay ila tahay inaad u
horseedi kartid inay u soo noqoto haddaad samaysid labo arrimood oo kala ah:
a) Ilo dhaqaale oo loo abuuro b) in laga daaweeyo sunta la cabsiiyay, siiba
dhalinyarada indhaha ku kala qaaday dil, dhac, qabsasho iyo belaayo aan laga
sheekayn karin. Daawada la hubo inay ku daawoobi karaan si deg deg ah waa
iyadoo culimo diinta aqoon xeel dheer u leh Allana ka baqaysa ay si joogta
ah ugu muxaadareeyaan oo u carro rogaan sida beerta loo carro rogo markii la
rabo in miro cusub lagu beero.
Waxaan kaloo oran lahaa adduunka kaalmaha aad ka dalbanaysaan ku darsaday
dhakhaatiir aqoon u leh cudurada ka dhasha xaaladaha dadka Soomaaliyeed soo
maray, siiba dhallinyarada. Waxay ila tahay haddii laysugu dhafo
muxaadarooyin diini ah, in dheer garad wanaagsan oo wax u sheega, tababaro
jirka ah iyo dhakhaatiir nafsiyan u daaweeya inay dhicikarto inay noqdaan
dad caadi ah ama ku dhaw.
Mudane Madaxweyne,
Sidaad ogtahay dadka Soomaaliyeed badidoodu hadal kasta oo lagula hadlo waa
haybsanayaan oo dhegaysan mayaan inta ay ka ogaadaan qofka hadlaya
qabiilkiisa. Sidaas daraadeed waxay u baahanyihiin in lagula hadlo hadal
ayan haybsan waana (Allaa yiri iyo Rasuulkaa yiri).
Soomaali in la xukumaa u malayn mayo inay adagtahay haddii dariiq sax ah loo
maro sababaha soo socda dartood:
Waa dad wax walba oo dad wadaago wadaaga 1) waa isku diin, 2) waa isku
madhab, 3) waa isku af, 4) waa isku caadooyin, 5) waa isku midab, 6) waa
isku dal, intaasba waxaa u dheer 7) waa wada qaraabo oo meesha laga yiraahdo
war Soomaali haygu haybsan meel uunbuu igasoo galayaaye 8) dad reer magaal
ah (sophysticated) oo si qodo dheer u fakara maaha aha, 9) waa dad is jecel
oo Soomaali necayb qoda dheer isuma qabaan sida dadka wada daga dalalka
qaarkood. Shacabka Soomaaliyeed waxaa isu kaashaday laba cudur oo dilaa ah
a) jahli iyo iyagoo waayey madax wanaagsan oo daacad ah. ALLAAH ADIGA HAGAA
DHIGO BILOWGII MADAX WANAAGSAN.
Waxaan dhanbaalkayga ku gaba babaynayaa ducadan Allaah waxaan kaaga baryayaa
inuu kugu daro addoomadiisa uu kor ahaaye u bixiyay XIBAADU RAXMAAN Allaah
kor ahaaye haku waafajiyo toobada oo hakaa aqbalo markaas ka dibna
dambiyadaad gashay xasanaad ha kuugu badalo, dabeecadahaaga inta xun xunna
dabeecado wanaagsan ha kuugu badalo (suurada Furqaan 63-76).
Allaah xaqqa hayna waa fajiyo
Assalaamu calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu
Amatullah Cabdullahi
amatullah07@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: Jan 17, 2007
|