SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

GABAY: Addis iyo hadaydaan shawaba orod ku sii dhaafin

  • Waxaa tiriyey: abwaan macallin dhoodaan. 

Gabaygan oo haddii aad akhrido aad dareemayso laba masalo oo yaab leh ,kuwaas oo kala ah waa mare sida abwaanku waa macalin dhoodaane uu amxaaro ugu dhaaranaayey iyo weliba sida uu ugu sheegay dadka ay cawaansan doonan oo ah mareykan iyo kenya[waa tan maanta taagan) .tan labaadna wa sida jabka uu gabayaagu la maaganaa amxaaro ay maanta amxaaro ugu sameeyeeyeen umaddii soomaliyeed ,iyagoo soo adeegsaday kuwa aan lahayn damiir soomaalinimo ,weligoodna u adeegayey amxaaro iyo cid alle cidii qaranimada lidii ku ahydba. waxaa laakiin gabaygu ku dareensiinayaa sida ay soomalidu uga adagtahay amxaaro cid kasta oo ay soo kaxaysatana ay la jabayaan,maantana inaan guul xabshi inaga qaadane ay guushii iyo dagaalkiiba dhimanyihiin.

gabayga  marka aad akhridaan ayaa wax badan oo yaab leh ku arki doontaan.

waa kan gabaygii macallin dhoodaan wuxuuna ku bilaabay sidan:

  • Hal-abuurka maansada ninkii, aadba garanayaa

  • Mar haddii aftahan loo yaqaan, amuu abwaan sheegto

  • Wax if jirra wax aakhiro jirriyo, waxaan la eegaynba

  • Waa inuu ogaadaa sidii, uurkubaalaha e

  • Afar-iyo-lixdankii anigoo, Eebe dhaawanaya

  • Asgaruhu dhawaan ha is arkeen, waanigii idhiye

  • Ayaantaa ayaantii xigtay baa, laysla oogsadaye

  • Ajal dhimatay waatay xigtiyo, aalad qaraxdaaye

  • Haddaan eegay eegana waqtiga, amaan ilaaleeyey

  • Siddii ay dharaartaa ahayd, waw ekoontahaye

  • Aadmiguna wuxuu aawilaa, dhaaxba la arkaaye

  • Col iyo dhaanba inay kaaga iman, dhannaad u iilaysay

  • Odayadii dhintaa sheegay iyo, aaqiliin hore e

  • Amin soo socdaan wuxuu ahaan, waad odorostaaye

  • Inta badan aqoon gaabantii, aan u ergaynaynay

  • Ilyar gabagabay taagan tahay, waana eberkoode

  • Aweytina aan sii raaciyee, ududsan maayaane

  • Inaguna arimahaan wadniyo, uruursanaanteena

  • Inshaa Allaahu Soomaaliyey, waynu aargudane

  • Abshir baaba ii muuqatiyo, guul agteena ahe

  • Wax soo aadan kheyr Eebahey, noo abaabulaye

  • Ammuur weeye laynoo aqbali, oo ijaabo lehe

  • Allahu akbar waxaan haysanaa, diin awood badane

  • Islaanimada awgeed Kufriga, waynu ka adkaane

  • Ashahaado ruuxii cuskada, amase iimaan leh

  • Gaal uraayaa kama il helo, oo iblays uhuye

  • Aayado caddeeyaa jiroo, taa Allaa yidhiye

  • Walow aan sidaa aaminiyo, idam Ilaahayba

  • Eebada markii lagu darey, na anfacaysaaye

  • Geelii irmaana markii, oonka lagu daayey

  • Ee qaalintii igadh ahayd, oloshay ee reentay

  • Inankii yaraa waysagii, uubta dheer qodaye

  • Dabeedna Araweeluu ku dilay, uumiguu shidaye

  • Xaajana hadday awdantoo, talo asheedowday

  • Aynigaana wixii aad lahayd, adiga kuu diido

  • Ergo iyo asluub iyo haddaad, aayar kaga weydo

  • Ashkatiyo adeertaba haddii, lagaga ay waayey

  • Asxaan diid inuu yahay markaad, dhab u ogsoonaatay

  • Itaal iyo sidii kuu eg, waa inaad la aadaaye

  • Oo wuxuu abaalkiisu yahay, lala abaaraaye

  • Ablaydana tus ileen waa kii, tuuray aaqibo e

  • Oogadiisa waa inaad gubtoo, arami gaadhaaye

  • Adoo umalsan goortuu arkoo, aano gudanaaya

  • Istaaqfurulaa waa inuu yidhaa, edebna yeeshaaye

  • Nabadda anbatana waa inuu, iib ku daydayo e

  • Intaasi wayga arartii sokiyo, oodo dhacameede

  • Ujeedada shishiyo waa inaan, ubucdii jeexaaye

  • Dadkayaga adduunyada dhaqdiyo, beerta ka aslaaxda

  • Ardadii magaalooyinkiyo, aaddanoow shicibka

  • Iyagoo hawlahoodaa watoo, aanay noo imanin

  • Artaleerigaan haysaniyo, aarmigaan sidano

  • Iyo ciidamada loo unkiyo, xooggii la aasaasay

  • Abtirsiga dagaalkana la baray, oo arma aqoon ah

  • Calankana axdigii ay mareen, ugu adeegaaya

  • Asalna geesinimada u dhashoo, sidii awowgooda

  • Askar saas ah baan leenahoo, aad u miidhan ahe

  • Utunna waaban kuusii qabnaa, aamanuu sabane

  • Eediyo qolloocaan wax badan, kaa ebhinaynaaye

  • Eeqooyinkii horre raggaa, kugu arqoofaaya

  • Eed uus-xabaashaan nahaye, aara doonka ahe

  • Onkod iyo hillaciyo intaan, uuro soo kicino

  • Xabbad lagu asqoobiyo intaan, ololba soo tuuro

  • Alaab waxaan ka hayniyo intaan, Idibal soo dayno

  • Boodhkiyo awaaraha intaan, awdo samadoo dhan

  • Argagixiso weyn iyo intaan, mawjadda afuufno

  • Gummuca aalanaaxdiyo ka weyn, awrta madaxeeda

  • Usgag badan lahaataye intaan, idinku aafayno

  • Asuushiyo intay garashadii, idinka aynfaado

  • Haddii aadan Amxaarow, Qarbiga oohin kula yaacin

  • Eygaa Maraykana haddaydaan, aqalada u xaadhin

  • Ingiriis haddaydaan u tagin, sidda ugaaskiinii

  • Arligayga daayoo haddaydaan, tiinii ka abraarin

  • Addis iyo haddaydaan Shawaba, orod kusii dhaafin

  • Undurbaan haddaydaan wax badan, Laaji ku ahaanin

  • Amaydaan ag tagin Kenya, waa ina-adeerkiine

  • Iyana waa uduufee haddaanay, kuu arxami waayin

  • Malaayiin unuun go'an haddaydaan, aydan kaga dhoofin

  • Omoska dhaawicii yiil haddaan, boogtu ku abloobin

  • Haddaydaan abxado Daafiyo, agab lasii roorin

  • Aaran uu libaax gooyey iyo, adhi uu weer laayey

  • Injir badan lahaatee haddaydaan, dhaaxba u ekaanin

  • Ayaxii sunaysnaa haddii, laydinka aqoodo

  • Haddaydaan ilamaha tuurin, oydaan maatada iloobin

  • Ubadkiina meeshaa haddaan, lagu agoomaynin

  • Oydaan naaga uurliyo ka tagin, aabihiin gacale

  • Ooridda qurxoon iyo haddaydaan, inamihii waayin

  • Anagaa aroosiye haddaanay, Macatabkii aasin

  • Haddaanaan qur'aanka u akhriyin, oyna ku islaamin

  • Isticmaarsan maynee haddaanay, waayo na adeecin

  • Ashnaaqash taad lahaydeen haddaanaan, Aaminow bixinin

  • Aagaba haddii aydaan ka tagin, siddii ugaadh fiigtay

  • Geeska Afrikaad iyo haddaydaan, baashan ka irdhoobin

  • Asxaabul-fiil sidoodii haddaanaan, kugu alalaasin

  • Waa haddaan abuurinkayagu, dhab u aloosnayne

  • Buntukh ugub Amxaarooy markaan, kaa afurinayno

  • Annaga arrad bay noo tihiyo, barigii iideede

  • Oo waa maalintay noo umuli, guul abeer uhuye

  • Siddaan oofta kuu kala jaree, adhaxda kuu goyno

  • Inaydaan dhaaxo soo oollin baa, loo afbadiyaaye

gabayagan waxaa iska leh abwaanka caanka ah macallin dhoodaan. 

waxaa  gabayga i diin soo dooray  maxamad bashiir jaamac.
Email:
gumburi1885@yahoo.com

 

Faafin: Jan 17, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH