SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Ma Itoobiyaa maanta Loo kala Dheeraynayaa ? 

Abdi M.saleiman (mingiste)
Abdi_saleiman@hotmail.com


(Intii dhimatay ALLE ha u naxariisto,inta noolna ALLE ha badbaadiyo) 

    11.01.07 
 

Akhriste waxaa mar marka qaarkood kugu adkaanaysa in aad wax ka tidhaahdo arimaha hadda ka socda Somaliya ,waxaan filayaa in cid kastaa ogtahay in xaalku wax la qoro iyo hadal Afka laga yidhaadaba,labada  uu dhaaftay,haddana Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Af nooli ilayn hadal ma daayo”. 

haddaba waxaa cid kasta quus ugu filan hadala ka soo yeedhay  ragga sheeganaya in ay yihiin Madaxdii Somaliya iyo saaxiibkood.

Si fiican u dhuuxa erayadan sida loo fasirayo amase loo macneynayo waxaan u dhaafayaa Akhristayaasha,hadaladiina waxa kala yihiin sedan:- 

Males Zenawi : 

  •  “Anagu Somaliya ayaanu caawineyna”
  • “ Somaliya waxaanu ka gaadhnay guul ifaysa”
  • “waanu gaadhnay danahii aanu ka lahayn Somaliya”
  • “sida aad la wada socotaan labada Webi waxay ka soo bilaabmaan Itoobiya ee la socda.” 

Cabdillahi Yuusuf:- 

  • “Itoobiya waa Waalaheen.”
  • Daadkaa qaadaya  cidii iga hortimaada” .
  • “40 sanadood ayaan u soo halgamayey kursigaan.”
  • “Raadiyaasha ayaan ka maqlay in Diyaarado Duqaynayaan Dalka.” 

Cali Maxamed Geedi:-

  • “ Itoobiya ma aha tii aad taqaaneen”, ee waxaa jira Itoobiyada Cuusub,waa in aad la shaqaysaan,gacmaha is qabsataan.” 

Xuseen Caydiid:- 

  • Waxaanu ka shaqaynaynaa sidii Xuduuda loo qaadi lahaa,hal paasport ,hal ciidan loo wada yeelan halaa”
  • “Waa fiican tahay in la Duqeeyo dalkayga” 

Cade Muuse:-

  • Wixii Itoobiyaan ah ee ku sugan Puntland waxaa la siinayaa Dhalashada Puntland iyo Waraaqda Shaqada-waxayna isku xuquuq yihiin dadka degan Puntland.” 

Waxaan hadalka ku soo koobayaa ,maanta Itoobiya ayaa loo kala dheeraynayaaye , Godobta intaa leeg  yaa guudka u ridanaya ? 

Ummadnimo waxaa dilay 
qof leh dookha bahalaha 
iyo diirka aadmiga 
shalay maatadoox dhigay 
maantana dardaro qaba
 

daandaansi badanaa! 
kama daalo godobaha! 
Ku ye: waxaan dorraad dhimay 
waxaan dumiyey ee lumay 
iyo ruux waxaan dilay 
waa duudsi laga yeel 
daadxoorta raacsii  
ha lay doorto maantana!
 

(erayadii Ibrahim Yusuf Ahmed) 
 

Abdi M.saleiman (mingiste)
Abdi_saleiman@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH