SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Foolxumadii Laydiinka Filayay Waad Foolateen 

Qore: Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com 

بسم الله الرّحمن الرّحيم الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ  والصّلاة والسّلام                        علي نبيّنا محمّد وآله أجمعين. 

تَمَخَضَتِ الْجَبَلُ فَوَلَدَتْ فَأراًْ

Buur Baa Foolatay Waxayna Dhashay Jiir!

Waa saadaashii halka ay martay dawladii Carta iyo halka ay ku danbayn doonto midan dhigtay foolxumada manta taagan ee Kenya lagu soo dhisay. Taa oo aan kaga hadlay isla markana aan idinkaga soo xulay buuga aan ku magacaabay: 

Mooryaan Jirri Iyo Day-Day Waa Mirihii Qabyaalada!

Sideedaba nabad iyo barwaaqo laga raadiyo dimuqraadiyad iyo meel aynaan mudnayn waxaa looga bartay munaafiqiinta siduu Alle SW uu yiri: 

وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ تَعَالَوْاْ إِلَى مَا أَنزَلَ اللّهُ وَإِلَى الرَّسُولِ رَأَيْتَ الْمُنَافِقِينَ يَصُدُّونَ عَنكَ صُدُودًا * فَكَيْفَ إِذَا أَصَابَتْهُم مُّصِيبَةٌ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ ثُمَّ جَآءُوكَ يَحْلِفُونَ بِاللّهِ إِنْ أَرَدْنا إِلاَّ إِحْسَانًا وَتَوْفِيقًا * أُولَـئِكَ الَّذِينَ يَعْلَمُ اللّهُ مَا فِي قُلُوبِهِمْ فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ وَعِظْهُمْ وَقُل لَّهُمْ فِي أَنفُسِهِمْ قَوْلاً بَلِيغًا( سورةالنّسآء/61 

Goortii loo yiraa war u kaalaya kitaabkii Alle soo dejiyay iyo Sunnadii Rasuulka SCWW waxaad arkaysaa munaafiqiinta oo ka sii jeesanaya jeedsasho daran. Sidee buu xaalkoodu noqonayaa haddii ay ku dhacdo balaayo wixii ay gacmahooda ku kasbadeen darteed, kaddibna ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Alle, ulama jeedin wanaag iyo is waafajin mooyee oo ah in la is waafajiyo sharciga gaalada iyo kan Islaamka, kuwaasi waa kuwo uu og-yahay Alle waxa qalbigooda ku jira ee isaga jeedso, wacdi oo waani waxaadna ku tiraahdaa naftooda hadal xeel dheer. 

Nasiibdarrase dad baa u haysta in laga warramayo oo kaliya munaafiqiintii Makka iyo Madiina, iyadoo ay qaacidadii usuuligana ahayd: 

الْغِبْرَةُ بِعُمُوْمِ اللَّفْظِ لا بِخُصُوْصِ السَّبَبِ

Cibradu waxay koobtaa erayga oo qaas kuma aha sababtii ay ku soo degtay. 

Taasoo macnaheedu tahay haddii aayad ama xaddiis ay ku soo degto qolo, iyaga qaas kuma aha ee qof kasta oo arrinta ay aayada iyo xaddiisku kahadlayaan la yimaadaba, wuu soo hoos galayaa. 

Dowladdii Carta Muqdisho baa lageeyay nabad baa la goobay sidii lagu heli lahaa, maxkamadihii islaamiga baa dariishada laga tuuray xalna waa la gaari waayay,

qaacidadii qiimaha badnaydna  waxay ahayd:    

مابُنِيَ عَلَى فَاْسِدٍ فَهُوَ فَاْسِدٍ 

Wax kasta oo lagu dhisaa wax xun,  wuu xumaadaa taasoo waafaqsan xadiiskii Rasuuka SCWW ee ahaa: 

إِنَّ الله تعالى طَيِّبٌ لا يَقْبَلُ إِلا طَيِّبا ً/ رواه مسلم. 
Alle sareeyee waa kaamil mana aqbalo wax aan wanaagsanayn. 

Waxaa sii ifiyay xadiiskii Rasuulka SCWW uu ku yiri xaddiis dhexdii: 

وَمَاْ لَمْ تَحْكُمْ أَئِمَّتُهُمْ بِكِتَاْبِ الله ِعَزَّ وَجَلَّ وَيَتَحَرَّواْ فِيْ مَاْ أَنْزَلَ الله الا جَعَلَ اللهُ بَأْسَهُمْ بَيْنَهُمْ. رواه ابن ماجه والحاكم/ صحيح. 

Haddii ay madaxdoodu ka tagto inay wax ku xukumaan kitaabka Alle aynaan ku dadaalin waxa kitaabka Alle soo dejiyay gudihiisa ku jira.  Alle dhexdooduu balaayo dhigaa. 

Dowladii la soo dhisay waxaa la filayay in wax waliba oo dhibaata ah ay dhammaadeen maxkamadihii islaamigana ay u muuqatay in laga maarmay sidaa daraadeed waxaa la gudo galay in nabadgalyadii dalka laga shaqeeyo, dib u heshiisiin baa billaabatay waxna way hirgaleen, wax badanna ma qabsoomin. Waxaa lagama maarmaan noqotay in maxkamadaha islaamiga ay kala shaqeyso dowladda KMG-ka ah xagga amniga, muddo yar kaddib waxaa billaabatay inay sii tabaryareyso dawladdii Carte, arrintii muddada dheer lagu soo bixiyayna waxay ku Dhammaatay: 

تَمَخَضَتِ الْجَبَلُ فَوَلَدَتْ فَأراًْ

Buur baa foolatay, waxayna dhashay Jiir  

Shirkale baa la’abaabulay oo ka ballaaran midkii Carte oo lagu qabtay dalka Kenya oo aan wax badan ka duwanayn kii Carte oo kolkaad dulucdiisa sii gudo gashana ay ka danbeeyeen qabashadiisa dad gaalo ah oo iyagu dano gaar ah kaleh soomaaliya. Rasuulkuna SCWW wuxuu yiri: 

سَتَكُوْنُ مَعَاْدِنُ يَحْضُرُهَاْ شِرَاْرُ النَّاسِ رواه أحمد/ صحيح.

Waxaa jiri doonta macaadin sida dahabka, luulka maarta IWM waxaana shaki lahayn inuu soo galayo shidaalka ay soo saari doonaan dadka kuwa ugu sharka badan. 
 

الشّيخ محمّد ناصر الدّين الألباني رحمه الله قال                          

Saxiixadiisa isagoo faahfaahin ka bixinaya  xadiiskan wuxuuyiri: 

وَمِمَّاْ لا شَكَّ فِيْهِ أَنَّ شِرَاْرَ النَّّاْسِ إِنَّمَاْ هُمْ الْكُفَّْاْرُ، فَهُوَ يُشِيْرُ إِلَى مَاابْتُلِيَ بِهِ الْمُسْلِمُوْنَ الْيَوْمَ مِنْ جَلْبِهِمْ لِلأوربِيِّْينَ والأمْريْكَاْنَ إلا بِلادِهِمُ الْعَرَبِيَّةِ، لإسْتِخْرَاْجِ مَعَاْدِنَهَاْ وَخَيْرَاِتَهَاْ. وَالله ُالْمثسْتَعَاْنُ. 

Waxaan shaki lahayn inay kuwaasu yihiin gaalada, Rasuulkuna SCWW wuxuu tilmaamayaa waxa lagu ibtileeyay muslimiinta maanta joogta taasoo ah inay keenaan Yurubta iyo Ameerikaba buldaantooda Carbeed, si ay ula soo baxaan macaadintooda iyo khayraadkooda Alle baana ah mid lamagan galo.

Iyadoo ay arimahaasi oo dhan jiraan ayaa haddana lagu doortay madaxwayne.

Marka haddii kii Carta oo dad iyo dowlad walaalo ah ay garab taagnaayeen waxna ka soo bixi waayeen maxaad u maleyn middii Kenya, oo asaaskeeda ka dhigatay in ciidamo shisheeye  dalka la keeno iyagoo doonaya inay dhulka soomaaliyeed iyo shacabkooduba gacanta u geshaan cadaw shisheeye taasoo lagu tilmaami karo madax ku kacday khiyaano qaran. Rasuulkuna SCWW wuxuu yiri: 

لِكُلِّّ غَاْدِرٍ لِوَآءً يَوْمَ الْقِيَاْمَةِ يُرْفَعُ َلهُ بِقَدْرِ غَدْرَتِه أ لا وَلا غَاْدِرَ أَعْظَمُ غَدْراً مِنْ أَمِيْرِ الْعَاْمَّةِ/ رواه مسلم. 

Khaain kastaa wuxuu leeyahay calan lagu muujiyo intuu wax khiyaanay maalinta khiyaamaha waxaana kor loogu qaadaa calankaasi hadba intay laeg tahay khiyaanadiisa, war ogaada majiro khaain kawayn hadduu wax khiyaano madaxwaynaha guud ee ummadi leedahay.  

Waxaana shaki lahayn inay ku sifoobeen kuwii uu Rasuulku SCWW inoogaga waramay: 

دُعَاْةٌ على أَبْوَاْبِ جَهَنَّمَ، مَنْ أَجَاْبَهُمْ إِلَيْهَاْ قَذَفُوْهُ فِيْهَاْ

Waa ducaad dul taagan albaabada Naarta jahannama, qofka ajiibaa oo warkooda yeelaana way ku tuuraan. 

xudayfa RC kolkuu waydiiyay tilmaamahoodana wuxuu Rasuulku SCWW yiri: 

هُمْ مِنْ جِلْدَتِنَاْ وَيَتَكَلَّمُوْنَ بِأَلْسِنَتِنَاْ متّفق عليه

Waa kuwo inaga dhashay kuna hadla luqadeenana). 

Wuxuu kaloo Rasuulku SCWW yiri: 

مَاْ مِنْ نَبِيٍّ بَعَثَهُ الله ُفِيْ أُمَّةٍ قَبْلِيْ إلاّ كَاْنَ لَهُ مِنْ أُمَّتَهِ حَوَاْريُّْوْنَ وَأَصْحَاْبٌ يَأْخُذُوْنَ بِسُنَّتِهِ، ويَقْتَدُوْنَ بِأَمْرهِ، ثُمَّ إِنَّهَاْ تَخْلُفُ مِنْ بَعْدِهِمْ خُلُوْفٌ يَقُوْلُوْنَ مَاْلا يَفْعَلُوْنَ،وَيَفْعَلُوْنَ مَاْلا يُؤْمَرُوْنَ، فَمَنْ جَاْهَدَهُمْ بِيَدِهِ فَهُوَ مُؤْمِنٌ، وَمَنْ جَاْهَدَهُمْ بِلِسَاْنِهِ فَهُوَ مُؤْمِنٌ، وَمْن جَاْهَدَهُمْ بِقَلْبِهِ فَهُوِ مُؤْمِنٌ، وَلَيْسَ وَرَاْءَ ذَلِكَ مِنَ الإيْمَاْنِ حَبَّةُ خَرْدَلٍ رواه مسلم. 

Majiro Nabi uu Alle u diray umadiisa aniga horteey haduuse jiro wuxuu ku lahaa umadiisa taageerayaal ugargaara iyo saaxiibo qaata sunnadiisa kuna dayda oo fuliya amaradiisa, kadib waxaa badali doonta madax oranaysa wax aynaan samaynayn, waxayna sameeyaan wax aan la amrin, qofka kula jihaada gacantiisa waa mu’min, oo qofka kula jihaada carabkiisa waa mu’min, qofka kula jihaada qalbigiisana waa mu’min, mana aha wixii intaa kasoo hara oo iimaan ah mid laeg xabad miraha khardalka ah. 

kol haddii arinku  sidaa yahay sow lagama yaabo wixii mudada dheer lagu soo bixiyay inay noqoto mid kasii liidata tii lagu soo dhisay Carta kolkaana ay ku dambeyso: 

تَمَخَضَتِ الْجَبَلُ فَوَلَدَتْ نَمْلَةً

Buur baa foolatay waxayna dhashay Quraanyo (Dhuuryo-caso).

    وبالله التّوفيق

وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين. 

Qore: Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH