SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Baaq Qaran Ku Aadan Qabshasada Ay Dalka Qabsatay Xabashida 

Maxamed Cabdullahi
maxamedcabdullahi@yahoo.com

Xabashi oo ah cadowgeena soo jireenka oo horkacayaan dad Soomaaliyeed ee madaxtinimo sheeganaaya ayaa maantay u rumoowday riyadii qarni jirka ee Boqorkii Meneliq taaso aheyd qabsashada dhulka Soomaaliyeed.  

Waa nasiib xumo in ka badan afartan sano oo madaxbanaani ah in ay dalka hortaalo xaalad la mid ah tii muddo qarni kahor hortaalay taasoo uu gumeystaha kala qeybiyey asagoo isticmaalayo xeelad ah "qeybi oo xukun".  

Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed waxaa la soo daristay taarikh madoow iyo sharaf dac aan cabir laheyn. Isla markaa, qabshasadaan waxay meel ka dhac weyn ku tahay geesiyadii dalka u soo halgamay. Maanta calanka iyo madaxyada dadka Soomaaliyeed hoos ayey u raaracaan. 

Anigoo fiirinaayo xaaladatan masiibada ah ee uu dalka ku sugan yahay waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u soo jeedin lahaa baaqaan qaran; 

Xabashi Ayaa Dalka Qabsatay 

  1. Somaaliya waxay gashay gumeysi Itoobiya ee arrintu ma joogto kooxo Soomaali ah oo diriirtay deedna kalana adkaatay. Maanta waxay taagantay in kaareyaasha cadowga weyn ee Soomaalida ay dhex yaalaan caasimada dalka siiba xerooyinkii Xoogga Dalka Soomaaliyed.
  1. Dowladda Imbagaati waxay ku kacday fal khiyaano qaran ah. Kooxda Imbagaati wax dowladnimo Soomaaliyeed ma sheegan karaan mana matalaan dadweynaha Soomaaliyeed. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah in uu la diriiro Xabashida qabsatay dalka iyo khaa'imiinta soo horkacday.
  1. Dadweynaha Soomaaliyeed waa in ay dhabta siday tahay u arkaan kana foojignaadaan borobagaandada ay kuwa shirqoolay dalkooda, dadkooda iyo diintooda ku qiil bixinaayaan falkooda ah khiyaano qaran. Xabashi dalka Soomaaliyeed xasilooni iyo wanaag marna ku soo kordhin meyso tusaale waxaa noogu filan sida ay qab-qablayaasha dagaalka durba u soo celisay. Soomaaliya wanaageeda iyo hormarkeeda Soomaali unbay u taalaa.
  1. Itoobiya dalka Soomaaliyeed ka bixi meyso ilaa Soomaali iska xoreyso. Waxaa cadeyn u ah sida hadalada Meles Senaawi, hoggaamiyaha dhabta ee Soomaaliya, ee ku saabsan joogitaanka ciidamadiisa ay todobaadyadaan gudohooda isku badbadaleyn. Khaa'imiin wadanka Cabdullahi Yussuf Axmed iyo Cali Maxamed Geedi wax ay meesha ka yihiin majirto ee waa magac u yaal.
  1. Xabashi waxa u sahlay in ay dalka qabsato waa midnimo la'aanta dadka Soomaaliyeed, maamulka Mareykanka, khaa'imiinta hoggaamisa dowladda Imbagaati iyo siyaasad, hoggaan, xeelad iyo abaabul xumida Maxkamadaha Islaamiga.
  1. Khaa'imiin wadanka Cabdullahi Yussuf Axmed iyo Cali Maxamed Geedi ee dalka ku soo hoggaamiyey Xabashi iyo kan u qiilfuraaya ama u sacabatumaaya ama la shaqenaaya waa isku mid, waana isku dambi. Khaa'inul wadan waxaa u dambeyn qaatumo xumo.
  1. Xubnaha ka mid ah dowladda Imbagaati oo uu ugu horeyo Shariif Xassan Sheykh Aadan, Guddoomiyaha Barlamaanka Imbagaati, ee hadal kaga hor'yimaaday qabsashada dalka waa in ay si deg deg ah isku casilaan waa haddii ay ka tahay dhab iyo ayna ku hartay wadaninimo iyo damiir. Ganuunac qiimo maleh, arrintu waxay joogtaa khiyaano qaran. Sii joogooda wuxuu ka dhiganyahay in ay raali ka yihiin qabsashada, taasina waxay ka dhigi khaa'imin wadan.

Dowladda Imbagaati: Shirqoolka Qarniga

  1. Dowladda Imbagaati in ay khiyaano qaran ku kacdo la yaab malaha oo ayadoo dhan ayaa ah sun ay Xabashi iyo Kuukaayo soo qoosheen si ay uga taqalusaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
  1. Waxaa la yaab leh in uu qof Soomaaliyeed ka sugo nabad, midnimo iyo horumar hanaan dowladeed ay garwadeyn ka yihiin Itoobiya iyo Kenya oo sida la wada ogsoonyahay nagala dhaxeeyo khilaaf dhuleed iyo mid diineed oo soo jiitamaayey qarniyo.
  1. Qofkii si hoose u daalacda ujeedooyinkii laga lahaa iyo hab socodkii shirkii Mbagathi ee labada sano ka socday Kenya, wuxuu dareemayaa in qaban-qaabiyaasha shirka, horaantiiba aysanba qorshaha ugu jirin dib u heshiisiin buuxda iyo dowlad tayo leh ee u dhalata Soomaaliweyn. Arrintaan waxaa ka runsheegay sirtii uu fakiyey Dhaniyel Arap Moy, madaxweynihi hore ee Kenya, oo yiri dalalka deriska ayaa hortaagan dowlad xoog leh ee ka dhalata Soomaaliya si aysan waa dambe u sheegan dhulalka ee dowladahaan ka heystaan Soomaali.
  1. Distuuriyan, Dowlada Imbagaati sharci kuma saleysna. Shir nabadeed sharciyan waxaa u bannaan sadax, kuwaaso kala ah xabad joojin, dib u heshiisiin iyo unkid nidaam ku meel gaar ah. Laakiin waxaa nasiib daro ah in uu shirka Imbagaati gidi ku guuldarastay, taasoo ka dhigaysa sharci daro wax alaale wixi ka soo baxay. Dagaal joojin iyo dib u heshiisiin in aysan dhicin way iska cadahay. Axdiga Ku Meel Gaarka oo aasaas u ah dowladda Imbagaati, wuxuu si sharci daro ah ku ansaxiyey nidaam federaal ah sida ku qeexan qodobka 1-aad oo hadana aan ku ekeyn waqtiga ku meel gaarka sida ku cad qodobka 71-aad firqadiisa 9-aad, taaso lidi ku ah ujeedada sadaxaad ee shir nabadeed. Tani micnaheeda waxaa weeye shanta sano ku meel gaarka kaddib, dastuurka kaliyah ee loo dhisaayo dalka hadana aftida loo qaadaayo waa in uu noqdaa mid federaal. Arrintu waa nidaam federaal oo khasab ah.
  1. Ergayda shirka Imbagaati oo ay soo xuleyn dowladaha safka hore xaq iyo sharci u malaha in ay badalaan nidaamka siyaasadeed iyo dhaqan-bulshadeed Jamhuuriyadda oo ay dadweynaha si xor ah ku ansixiyeen aftidii 1961-dii. Isbadal lagu sameeyo nidaamka dalka, wuxuu ku ansaxi afti dadweyne kaddib markii uu Guddi Qaran ee Distuuri ah ka soo aruursho dalka oo dhan aragtidooda, ayadon lagu xadidin nidaamka federaalka ah.
  1. Cadowga Soomaaliyeed wuxuu ku guuleystay in uu ku dhex abuuro bambooyin distuuri ah bartamaha nidaamka siyaasadeed ee dalka, si ay Soomaali iskeed gudaha iskaga soo burburiso. Run ahaanti, nidaamka federaalka ay dowlada Imbagaati ku salaysantahay waa mid ku dhisan hab beeleed aysan Soomaali qaadan karin. Ujeedada uu cadowga ka leeyahay iyo khatarta ku jirta nidaamka federaalka hab beeleedka ah waa ayadoo qabiilka la sharciyeeyo lana dowladeeyo, halkaaso ku baabado midnimada iyo dareenka qarameed deetana uu dalka beel beel u kala burburo.
  1. Bambooyinka distuuriga ah ee ku dhex duugan Axdiga Ku Meel Gaarka oo loogu tala galay in looga taqaluso qaranka Soomaaliyeed kuma eka nidaamka federaalka ah, halkaana laguma soo koobi karo. Qiyaamooyinkaas waxaa ka mid ah qaabka wax qeebsiga beelaha ee 4.5, Soomaali oo dhinac hido iyo dhaqan lagu kala qeybiyey sida sida afka rasmiga ee dalka oo lagu qeexay Maay iyo Maxaatiri, dib u laabid mabdi'ii qaran ee Soomaaliweyn iyo hoggaanka dalka oo loo afduubay danbiilayaasha dagaalka iyo kuwa ugu aqoon yar dadka Soomaaliyeed.
  1. Hadalkii uu Eebbe ka soo fakiyey khaa'inul wadanka Xuseen Maxamed Faraax Caydiid, wuxuu cadeyn meesha ay wax ku dambeyn doonaan haddii aan wax laga qaban goor ay goor tahay. Khaa'inul wadanku wuxuu yiri Itoobiya iyo Soomaaliya waa walaalo oo aysan jirin wax u dhaxeeya, isla markaana ay dowlada Imbagaati dooneyso in ay baabi'iso xadka labada dal deetana aan yeelano hal baasaboor, hal ciidan iyo hal dhaqaale. Markii ay dadka Soomaaliyeed la fajaceyn kana dhiidhiyeen hadalkaan ayuu khaa'inul wadanka weynaa Cali Maxamed Geedi si uu xaalada u qaboojiyo ku tilmaamay hadalkaani mid shakhsi ah. Soomaali ha ogaato hadalkaan ma'aha hadal shakhsi ama mid si qaldan loo fahmay ee waa mid si ogaal ah loo yiri, wuxuuna ka mid yahay carbin looga gol-leeyahay in loo caadiyeyo dhagaha dadka Soomaaliyeed qorshahaan daahsoon.
  1. Dowladda Imbagaati ayadoon markeedi hore sharci aheyn ayey maantana ku dhaqaaqday khiyaano qaran marka yeysan filan kalsoonida, daacada iyo taageerada dadweynaha Soomaaliyeed. Soomaali oo dhan waxaa horyaala khatartatan oo dibadda si xoogan looga soo abaabulay laakiin ay gacmo sokeeye fulinaayaan. Muwaadin kasta waxaa waajib qaran ku ah in uu ka hortago sharcidaradaan iyo shirqoolkaan oo khatar galinaaya madaxbanaanida, midnimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed oo ku dhisan hal dad, hal hido iyo dhaqan ee hoos yimaada hal calan.

Soomaali Maxaa La Gudboon?

  1. Xaalada uu dalka ku suganyahay masuuliyadeeda koowaad Soomaali ayaa leh. Marka hore waxaa nala gudboon tawbadkeen oo aanu u tawbad keeno Eebbihi na abuurtay. Waa in aan qabiileeysiga, kala qeybsanaanta iyo nacaybka ku badalnaa Soomaalinimo, midnimo iyo walaaltinimo. Marka xigta, goor ay goor tahay waa in aan baraarugnaa oo fahamnaa baaxadda khatarta aan ku suganahay iyo cadoowgeena. Faham kaddib, waa in uu muwaadin kasta ee Soomaaliyeed gutaa xilka qaran ee saaran kaaso nawada horyaala assagoo cad.
  1. Ciidamada Itoobiya dalka Soomaaliyeed ugama baxayaan codsi iyo rajo ee waa in ay Soomali qori caaraddii iskaga xoreysaa oo sharaftii Soomaaliyeed la soo celiyaa. Xabashida iyo dabadhilifyadeeda ay tunka ku sidato oo ku magacaaban dowladda Imbagaati waa isku mid, iskusina haa loola dagaalamo. Soomaali waa in aysan la shaqaynin oo ay gacmaha ka laabtaan dowladda Imbagaati oo iibsatay dalka, dadka iyo diinta Soomaaliyeed. Waa waajib muqadas ah in la difaaco jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed.
  1. Dadweynaha Soomaaliyeed meelkasta ay dalka ka joogaan waa in aysan hubkooda ku wareejin cadowga. Ninkii hubkiisa dhiibo ha ogaado in uu gacantiisa ku dhiibay xoriyada iyo sharafta dhamaan dadka Soomaaliyeed. Hubka haddii nalaga dhigo, Xabashi sidey doontay naga yeeli. Koox walba goobta ay joogto ha isku abaabusho, hubkana haku jeediso cadowga. Soomaalida qurbaha sidoo kale waa in ay is abaabulaan oo qaab dhaqaale, banaanbaxo, borabagaandada iyo wixii la mid ah ku taageeraan halgamayaasha gudaha.
  1. Qofkastoo Soomaali ah tusale ku dayasho mudan ha u noqoto falkii geesiga Soomaaliyeed ee Janaayo 3-deeda 2007, magalada Jilib, weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamada Xabashida kana dilay sadex askari. Geesigan waa halyey qaran oo galay taarikhda iyo xasuusta jiilalka dambe ee Soomaali. Waxaan dadweynaha magaalada Jilib ugu baqayaa in ay magaciisa oo sadaxan saxaafadda u soo gubiyaan, si ay Soomaali u aqoonsato falkiisa wadaninimada iyo geesinimada leh. Halgyeygani ma uusan dhiman ee qalbiyada Soomaaliyeed ayuu ku noolyahay, taalo qaran wey xusi doontaa.
  1. Si dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga xoreeyo ciidamada Xabashida ee xooga ku heysata iyo basaasiinta la shaqeysa isla markasna looga baxsho masiibadii ay ku jirtay lix iyo tobankii sano ee u dambeyey, waxaan soo bandhigi halgan dheer oo hubeysan ee kacaani ah. Halgankaan oo ah mid lagu badbaadinaayo dibna loogu soo nooleynnaayo qaranka Soomaaliyeed, si uu u guuleysto haddana dhaxalgal u noqdo, waa in uu ku dhisanaado hiraal, hoggaan iyo jiho cusub isla markaana ku saleysanaado mabaa'dii wadani ah iyo xeelad halgan dheer oo hubeysan oo ku qotanta danaha iyo tageerada dadweynaha.
  1. Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed meelay joogaanba, waxaan ugu baaqi, in ay ku midoobaan kuna mideeyaan cududooda ciidaan iyo dhaqaale hal dhaqdhaqaaq qaran (Dhaqdhaqaaqa Badbaandinta iyo Dib U Soo Noleynta Qaranka Soomaaliyed). Dhaqdhaqaaqu waa horseedka halgankaan dheer ee dadweynaha oo ka koobma garabyo siyaasadeed iyo ciidanba. Halganku wixii iyo intey ku qaadataba wuu socon ilaa la hubiyo si buuxda jiritaanka, madaxbanaanida, midnimada, hidaha iyo dhaqanka qaranka Soomaaliyeed islamarkaasina si ficil leh ayuu u sugi nabadda, cadaaladda, horamarka iyo sharafta dhamaan dadka Soomaaliyeed. Ujeedooyinkaan marna wax gorgortan ah ma geli karaan. Muwaadinkasta, waxaa laga rabaa in uu is xisaabiyo oo uu isweydiiyo maxaad dalkaaga u qabatay waqtigaan taariikhiiqa ah.
  1. Ugu dambeyn, maanta waa maalin kala bax ah, laba labeyn soconmeyso. Halganku waa mid dheer oo adag laakiinsee guusha dambe Soomaali ayaa leh Eebbe indinkiis. Tusaale haa laga qaato dagaalada dheer ee ka socda dalalka Ciraaq, Afgaanistaan, Sirilaanka iyo kuwii kale ee hore sida Shiinaha, Fiyednaam, Aljeeriya, Kuuba, Eriteeriya, Neebaal iyo kuwa la mid ah. Waa in la calool adeygaa lana sabiraa, howshana la iska toosiyo.

Soomaali Ha Noolaato! 

Maxamed Cabdullahi
maxamedcabdullahi@yahoo.com
9 Janaayo 2007

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qiraaga ju saxiiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH