SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


 Baraarujin Qaybtii 1aad

Nasriga Alle waa uu imaan, ee yaan la degdegin

C/raxmaan C/laahi
waaislaamaah@hotmail.com

As Wr Wb

Saalan ka dib, waxaan la hadlayaa dadka khayrka jecel ee doonaya in gaalada wadankeena laga saaro, dadkaas waxaan leeyahay anagu waxaan doonaynaa nasri ama shahaado, walaahi waxaa liibaanay ragga dagaalamaya, hada ragaas hala saacido, qof walba waxaad awoodo, si gaar mar walba ha loo duceeyo,nasriga Alle waa uu imaan ee yaan la degdegin, Muslimkii iska daa gaaladii ayaa waxay leedahay baacsiga Muslimiinta, Muslimiinta ayaa ku kacaya oo ogaanaya cadawgooda.tan kale ogaada cadawga muuqda waxaa ka badan kan qarsoon, dadkaasna waxaa lagu colaadinyaa waa islaamnimada, waayo islaamka ayaa laga helayaa Cadaalada, gaaladuna ma rabto Caadaaladda.

Dadka illaahay dartiis u jihaadayana waxaan leenahay , ku sabra jihaadka, haddii dhamaantiin aad shahiidaan, waxaad ka tegaysaan adduunyadaan lagu dulminayo Muslimiinta, intii awoodiinana waad gudateen xilkiinii, tan kale ogaada imtixaankaan waxaa idinkaga horeeyay Muslimiin badan fiiriya waxa ka dhacaya Ciraaq, Falastiin, Jeejniya iyo wadamo kale oo badan.

Dadka Jidka Alle ku dagaalamaya halkaan xadiis si fiican ha u fiiriyeen:- Abuu Cabdullaah Khabbaab ibn Arat (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan uga eed sheegannay nabiga (S.C.W.) dhibaatada iyo culeyska siyaadada ah ay nagu hayeen gaaladii reer Makkah. Wuxuu markaa nabigu jiifay hooska Kacbada, isagoo ka dhigtay barkin go'iisii. Waxaynu ka codsannay oon ku niri: Maxaad Alle kaalmo inooga baryi weyday? maxaa Alle hiil inoogu waydiin weyday? Wuxuu ku jawaabay: Waxaa dhici jiray Ummadihii idinka horreeyey dhexdood, in nin la soo qaban jirey, waxaana lagu ridi jiray god looga qoday dhulka, markaas baa laba looga kala dhigi jiray miinshaar madaxiisa la kor yeelay, ama hilibkiisaa firitaan looga fiiqi jiray lafahiisa shanlooyin bir ah, waxaas oo idilna ma keeni jirin inuu diintiisa ka noqdo. Waxaa hubaal ah inuu Alle kor yeeli uuna hirgelin Islaamka illaa rukuub fuushanahu uu isaga socdo Sanca iyo Xadramuud isagoo aan waxba ka baqayn Alle maahee iyo khatarta yeyda ay u leedahay arigiisa. Laakiinse waxaad u muuqataan sida inuu idinku jiro degdeg badan"(Muslim).

Dadka jihaadaya,waalidkooda iyo walaalahooda iyo dhamaan qaraabadooda waxaan leeyahay walaahi waad liibaanteen dadkiina u duceeya, kuna sabra imtixaanka la marsiinayo, akhriya qisadii asxaabul ukhduud, dhibkii la marsiiyay.

Kuwa cadawga nagu soo hogaamiyey, iyo kuwa dhaqaalaha ku bixiya iyo kuwa qalbiga ka taageersan, waa isku mid dhamaantood, waxaan leeyahay adduunyadaan waa laga tegayaa, marka aakhiro la tago idinkaa ka shalayn waxaad samayseen., shaydaan iyo gaalada idin siraysa cadaabka Alle ha idinka badbaadiyeen.

Kuwa cadawga nagu soo hogaamiyey, iyo kuwa dhaqaalaha ku bixiya iyo kuwa qalbiga ka taageersan,Halala hadlo si gaar waalidkooda iyo walaalahooda iyo dhamaan qaraabadooda ha la hadleen, haday diidaana bari ha ka noqdeen,walaahi hadaad la safataan isku wado ayaad qaadaysaan aakhiro..

Dagaalka intii ku shahiiday ilaahay shahaadadooda ha u aqbalo, inta dhaawacana ah, Illaahay ha caafiyo, inta wadadooda haysana allaha sugo Aamiin..Aamiin, Aamiin

Ugu Danbayntii Illahay waxaan ka baryayaa in uu u gargaaro muslimiinta meel kasta oo ay joogaan. Aamiin,aamiin, inta khayrka la jecelna dhamaantooda Allaha ku sugo Xaqa.aamiin,Aamiin.Aamiin.

La soco qaybaha kale haddii rabbi idmo

Walaalkiin fil islaam C.raxmaan C.laahi
waaislaamaah@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qiraaga ju saxiiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2007

Waa Kuma Cali Maxamed Geeddi?
Qoraal dheer oo ku soo baxay shabakada AmericanChronicle.com ayaa si weyn uga hadashay xiriirka Cali Maxamed Geedi iyo Meles Zenawi, waxaana qoraalku sheegay in Geedi iyo Zenawi uu xiriirkoodu soo bilowday xilligii uu Meles Zenawi mucaarka ahaa ee ku sugnaa Soomaliya, maadaama Cali Maxamed Geeddi aabihiis uu ahaa kornayl ka tirsanaa ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya (NSS). Waxaa qormadu xustay in Geeddi qudhiisana la qoray "NSS" xilligii uu dhiganayey dugsiga sare. Qoraalkaas oo aad u dheer waxaa kale oo uu xusay sidii uu Geeddi ku noqday Ra'iisul wasaaraha iyo xilligii uu kusoo biiray siyaasadda, qoraalka oo cinwaankiisu yahay Ali Mohammed Ghedi-Meles Zenawi's Stooge and Somalia's Traitor.. Akhri... ENGLISH


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH