MAXAAKIIMTU TALO
KASTA WAA DIIDEEN ILAA TOODA MOOYEE!!!!
SAHID MAXAMED YUSUF
EASTLEIGH,NAIROBI
SAHID_YUSUF@YAHOO.COM
Ikhwaanii waxaan halkaan idiinkugu soo gudbinayaa
talooyin wax ku ool ah oo loo soo jeediyey maxaakiimta
muddadii lixda bilood aheyd ay ka talinaayeen koonfurta
soomaaliya.
Talooyinkaas oo ay u soo jeediyeen wallalo soomaaliyeed
oo jecelaa wanaagga maxaakiimta kana rajeynaayey in ay
noo horseedaan barwaaqo iyo bash bash iyo dawlad.
se waxay noqdeen talooyinkaas oo idiliba mid ay
maxaakiimtu dhagaha ka fureysteen,ama haddii aan si kale
u iraahdo talooyin aan wax ka soo qaad laheyn.
Waxaan talooyinkaas oo ah kuwa fara badan aan ka soo
aruuriyey webside-ka soomaalitalk oo kaliyah oon ka mid
ahaa dadka wax ku qora,waxaana haatan ka soo qaadanayaa
lixdii ugu horaysay oo mid ka mid ah uu yahay maanso
dardaaran ah iyo kan toddobaad oo ah talooyin aan ku
bixiyey maqaal aan ugu magac daray kismaayo & kandahaar
oon qoray markii ay maxaakiimtu kismaayo qabsadeen, se
kuwa kalena waxaan ku soo qaadan doonaa insha laah
maqaallo kale.
Waxaanna igu bixiyey in aan maqaalladaas dib idiinku
celiyo balan aan ku qaaday maqaalkaygii aan ku soo
bandhigaayey waxyaabihii fashiliyey maxaakiimta ee
cinwaankiisu ahaa: Hadalkii maxaakiimta/ Soomaalidu
danahooda ha ka tashadeen...
maqaalkaas oo aan ku soo bandhigay shan qoddob aan is
lahaa waxay ka mid ahaayeen wixii maxaakiimta
fashilkoodii soo dadajiyey, ayaan qoddobkiisa 4aad ku
soo qaatay in maxaakiimtu talo kasto oo loo soo jeediyey
ay dhagaha ka fureysteen ilaa tooda maahaane.
Bal akhristoow ku soo dhawaaw qoddobkii afaraad ee
maqaalkayga, ooy daba socdaan tallooyinkii wallaalihii
soomaaliyeed ee u beer naxaayey maxaakiimta :
[4) MAXAAKIIMTU TALO WAA DIIDEEN... HORAA LOO YIRI NIN
MEELI U CADAHAY MEELI KA MADOOW... CULUMO IYO CIROOLE ,
WADAAD IYO WAX GARAD, HOOYO IYO AABBE TALO AYEY SIIYEEN
MAXAAKIIMTA SE WAX MA KU QAATEEN ..... MAY HABEENKII
XALAY AHAA OO TAGAY !!! BALSE FURUURYAHA AYEY DADKA
GOOSANAAYEEN WAXAA MAR KALIYAH IS QABSATAY EREYGA (
GAALO RAAC)WUXUU NOQDAY JOOKAR MEEL KASTA LA GALIYO!!!!
BAL ADBA .....AKHRISTOOW WAXAAN ISKU DAYI IN AAN NOO SOO
KOOBO INTA TALO EE MAXAAKIIMTA LAGULA TALIYEY WEB-SIDE
KA SOOMAALITALK OO KALIYAH AYAAN SOO QAADAN ,OON ANIGU
KA MID AHAY QORAYAASHIISA HA UGU HOREEYO MAQAALKAYGII [
KISMAAYO & KANDAHAAR ] OON QORAY MARKAY MAXAAKIIMTU
KISMAAYO QABSADEEN.
RUNTII TALO KASTA DHAGAHAY KA FUREYSTEEN TOODII MOOYEE
OO AHEYD HA LA DAGAALAMO ( JIHAAD)!!! WAANA FIKRADII
XARAKATUL JIHAAD SIDA KU CAD KITAABKA SHIIKHOODA EE LA
YIRAAHDO ( AL FARIIDAH AL QAA,IBAH) FARIIDADII MAQNEYD
OO UU KA WADO JIHAADKA] .
HADDABA AKHRISTOOW WAA KAN LIXDII MAQAAL EE UGU HORAYSAY
EE TALOOYINKA KU SII SAY MAXAAKIIMTA OO UU KU JIRO MID
MAANSO/GABAY AH IYO KAN TODDOBAAD OO AH MAQAALKAYGII
HORE
KISMAAYO & KANDAHAAR OON AKHRISTAHA AAN RABAY IN UU
SAWIRTO IN AAN LA MARIN JIDKII WALAALAHEEN HORAY LOOGA
QANIINAY EE AAN XEELADEYSANO ISLA MARKAASNA !!! AAN
TALAABSANO INTII TABARTEEN AH.FATAQULAAHA MASTADACTUM.
WAA KAN MAQAALADDII EE AAN IDIIN KALA BAXO:
Warqad Furan iyo Talo Wax-ku-ool ah oo ku socota
Maxkamadaha Islaamka ee Muqdisho
Yuusuf Mohamed Cabdi Yuusuf
mrsomalia@hotmail.com
Haddaba, culumada hoggaaminaysa Maxaakiimta Islaamka
maxaa la gudboon?
- Waa inaad Xamar u sameysaan nidaam iyo kala dambeyn
muddo kooban ah, sida ugu dhaqsiyaha badan leh.
- Waa inaad dadka ku nool Xamar aad shirweyne u qabtaan,
maamulna u dhistaan,
maamulkaas oo ah mid dadka ku nool Xamar ay soo doorten
si xor ah weliba.
- Waa inaad la tashataan dadka siyaasiyiinta ah oo
waddaniyiinta ah ee ku nool Soomaaliya, taladoodana aad
qaadataan.
- Waa inaad u yeertaan ciidammadii Police-ka
Soomaaliyeed ee Xamar ku nool, una howl gelisaan sida
ugu dhaqsiyaha badan leh.
- Waa inaad u yeertaan ciidanka xoogga dalka
Soomaaliyeed iyo dhammaan ciidammada qaranka ee ku nool
xamar iyo nawaaxigeeda, una
howlgelisaan si degdeg ah si ay u sugan ammaanka iyo
kala dambeynta.
- Waa inaad furtaan dekadda iyo garoonka diyaaradaha
magaalada Muqdisho iyo jidadka si degdeg ah.
- Waa inaad xaaqdaan maleeshiyada Xamar ku sugan ee ka
haray warlords-kii firxaday.
- Waa inaad dadka Soomaaliyeed u yeertaan oo Soomaali oo
dhan baaq nabadeed dirtaan, uguna baaqdaan inay
walaaloobaan, gacmahana is qabsadaan, iska illoobaan
wixii ku kala gaaray dagaalka
sokeeye.
- Waa inaad u yeertaan aqoonyahannada Soomaaliyeed, aad
u howlgelisaan si degdeg ah, isla markaana la sameysaan
la tashiyo baahsan.
- Waa inaad caasimadda ka dhigtaan meel ka caagan hubka,
shacabkana loogu baaqo inay hubka iska dhigaan, kana
shaqeysaan nabadgalyada iyo nadaafadda caasimadda si loo
soo celiyo sharaftii ay lahayd magaalada Xamar.
WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MIDOWGA MAXAAKIINTA
ISLAAMKA
Cumar Maxamuud Maxammad
omoha@hotmail.com
Waqabadka Dhow:
In Midowga Maxaakiintu sameeyo Xafiis la yiraahdo
Xafiiska Xiriirka Dadweynaha. Xafiiskaas oo hadla hal
cod, noqdana meesha kaliya oo ay ka soo baxaan wararka
rasmiga ah ee Midowga Maxaakiinta.
In ay si deg deg ah ugu casuumaan wariyayaasha caalimiga
ah Gobolka Banaadir si ay u tusaan dunida in aysan
joogin Magaalada Muqdisho waxa loo yaqaan argagixisada
caalamiga.
In ay xoogga saaraan sugitaanka nabadyada Magaalda
Muqdishu. Si taas ay u suurto gasho waa in ay ku
dhawaaqaan marxalad deg deg ah oo ay ku soo rogaan hubka
fudud iyo kan waaweyn oo magaalada lala dhex marayo.
In aysan ku deg degdegin fulinta shuruucda tuugada ay
soo qabtaan, sida xubna gooynta iyo iwm. Waa is ugu
baddelaan dhaqan celin.
In ay ku dhawaaqaan in la qisaasayo qofkii qof dila
wixii manta ka dambeeya.
Sidoo kale waa in ku dhawaaqaan in la joojiyey
waxyaabaha maanka dooriya sida qamriga iyo daroogada oo
qofkii lagu qabto la xiro doono lana dhaqan celin doono.
In ay la wareegaan hayadihii dhaqancelinta sida
saldhigyadii boliiska iyo xabsiga guud ee magaalada.
In ay ku baaqaan in ay u furan tahay magaalada Muqdishu
in ay yimaadaan hayadaha samafalka si ay wax uga qabtaan
baahida dadweynaha sida caafimaadka, waxbarashada iyo
adeegga bulshada.
Taladaan la Ruugin,
Waa Lagu Rafaadaa
Cabdixakiim jaamac Jooje.
saicentadv@yahoo.com
Aan ku horeeyo Maxaakiimta Islaamiga ah, haddii
Maxkamaduhu ay badiyaan la tashiga aqoonyahanada, ahlu
diinka, waxgaradka, dadka wanaaga u saaxiibka ah, oo
arimahoo dhan la gorfeeyo, oo tallaabo walboo la qaadayo
laga fakaro wax baddan baa qabsoomaya. Leyska joojiyo
laab lakaca, ku fududaanshaha awaamiirta, I.W.M.
Waddanka waxa loosoo dhisay dowlad kumeel gaar ah,
aragti ahaan waxa ila haboon in Maxkamaduhu ay mar walba
fiiriyaan aragtida ay dowladdu ka qabto, haddii ay
dowladu wanaag ula dhaqmeyso maxkamadaha, oo ay diyaar
ula tahay inay la shaqeyso waxaan oran lahaa gacmo furan
halagu soo dhaweeyo, oo halala shaqeeyo. Ogaada wax
baddan baanu u il dareen dowlad la'aan waxba yaan la
eegin kutiri kuteen dowlad cid walba ayaa u baahan, oo
mar walba hal wajaho qaabka ay dowladdu u qaabisho
Maxkamadaha.
Maxkamadaha
Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Maxkamadaha Islaamiga ah inkastoo ku dhaqanka
Shareecadda Islaamka ay tahay xalka keliya ee lagu gaari
karo maqaam ifiya, haddana dadka qaarkii ayaa shaki ka
muujinaya kala qaybsanaan ku timaada Maxkamadaha
Islaamiga, iyagoo taas sal iyo gunba uga dhigaya ku
dhaqanka Mabda'a foosha xun ee Qabiilka oo dad badan
horey u galaaftay, halka kuwo kalana ay aaminsan yihiin
in Maxaakiimtu yihiin hal dariiqo, loogana fadhiyo in ay
soo dhaweeyaan dariiqo kasta, oo ay muujiyaan
dabacsanaan sidii kal hore ay u sameeyeen ka qaybgalkii
Xuskii loo sameenayay Nabi Muxumad "NNKH", waxaana
meeshaasi ka baxay shakigii ahaa in Maxaakiimtu yihiin
kuwo diidan in la xuso Nabiga, balse iyaga ay aaminsan
yihiin in daqiiqad kasta la xuso lana weyneeyo.
Dulucda Maqaalka oo ah "Fari kama qodna Faanoole" ayaa
waxaa hor yaala Maxkamadaha Islaamiga howl culus oo u
baahan dhabar adeyg, taxadar dheeraad ah, tanaasulaad
iyo in aan la laysu dhigan lana aaminin in guud ahaanba
la soo ebyay dagaalkii lagula jiray kuwo ka soo horjeeda
nolosha shacabka Soomaaliyeed oo iyagu quus taagnaa.
Waxaa kaloo hor yaala Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah
sidii ay ula xiran lahaayeen beesha Caalamka, ugana
dhaadhicin in aysan caddow ku ahayn jiritaankooda iyo
aayahooda nololeed, balse ay hubka u qaateen badbaadinta
Shacabka Soomaaliyeed, halkaasina ay ku tirtiraan
shabadda Siyaasadeed ee lala daba taagan yahay Islaamka
kaasoo ah ereyga Argagixiso, sidaa daraadeed mar haddii
intaa oo howlood ay sugayaan Midowga Maxaakiima
Islaamiga ah, waxaan dhihi karnaa Fari kama qodna
Faanoole.
W/D: Amiin Yuusuf khasaaro
Faallo:Maxaa sababay
isbadka Muqdisho? Sidee buu ku waari karaa? Maxayse
yihiin caqabadaha horyaallo midawga maxaakimta?
Axmed Maxamed Caafi,
saxafi madax bannaan,
Gedo, Garbahaarrey,
caarif114@hotmail.com
Sidee buu ku waari karaa isbadalka Moqdisho maxayse
yihiin caqabadaha horyaallo midawga maxkamadaha?
Guusha mustaqbalka iyo waaritaanka isbadalka Moqdisho
waxuu ku xiranyahay hadba sida uu midawga maxkamaduhu u
wajaho caqabadaha horyaalo, caqabadahaas oo isugu jiro
kuwa ka dhextaagan gudaha maxkamadaha, kuwo ka imaan
karo qaybaha kale ee Soomaaliyeed iyo qaybta seddexaad
oo ka imaan karayo dalal shisheeye, waxana caqabadahaas
cul-culus ka mid ah:
qaybo ka mid ah saraakiisha iyo malaysiyaadka
maxkamadaha oo aan intooda badan u bislayn ku dhaqan-ka
shareecada Islaamka, sababtu waxay tahay inta badan
xoogaga maxaakimtu waxay ka kala yimaadeen seddex dhinac:
kuwo ku yimid kacdoonka dadweynaha markii ay sare u
kacday xammaasada dagaal-ka, kuwo markii horaba
ciidamada maxkamadaha kaga mid noqday qaab qabiil iyo
qaybta saddexaad oo ah malaysiyaad iyo saraakiil tiro
badan oo ka mid ahaa xoogagii isbahaysigii laga adkaaday
kuwaas oo si naf lacaari ah ugu biiray midawga
maxaakimta..dhammaan malaysiyaadkaasi ma ahan kuwo loo
carbiyay u adeega Shareecada Islaam-ka, mana ahan kuwo
macluumaad badan kahaysto hadafyada maxaakimta, waxana
damiirkooda ku weyn xasuusta qabiil-ka, sadaa darteed
waxaa isbadal kale ku abuuri karo dhacdo ama dareen yar
oo horseedi karo khilaafaad soo kala dhexgalo
malaysiyaad-ka saldhiga u ah awooda maxaakimta sida
dabciga u ahayd isbahaysiyadii had iyo jeer looga
dhawaaqi jiray magaalada Muqdisho.
B. Inta badan wadaadada hogaanka u hayo midawga
maxaakimta waxay ka tirsanyihiin mid ka mid ah ururada
diiniga ah ee ka jiro dalka Soomaaliya, wuxuna urukani
caan ku yahay gacan fudayd iyo go�aamo aan laga fiirsan,
waana sababta keentay waji-gabax iyo guul darrooyinka ba�an
oo uu ururkaasi kala kulmay qaybo badan oo ka tirsan
dalka Soomaaliya halkaas oo uu markii hore ku yeeshay
saamayn ballaaran. Waxaa suurta gal ah in ay madaxda
maxaakimtu ku tillaaba qaado go�aamo gurracan kuwaas oo
shaki ku abuurayo shacab tira badan oo haatan taageersan
midowga maxkamadaha.
In kaste oo uu dagaalka Moqdisho huwanyahay qadiyad
diimeed hadana waxaa jiro shacab aad u badan oo aaminsan
in uusan marnaba dagaalkani ka marnayn qursho qabiil,
sidaa darteed waxaa midawga maxkamadaha hortaalo in uu
shacabka Muqdisho u isticmaalo hannaan ku dhisan:
cadaalad, midnimo, dabacsanaan iyo wadaaga talalada iyo
maamulka Moqdisho,waxana maxaakimta looga fadhiyaa in ay
iska fogeeyaan falalkii gurracnaa ee lagu yaqiinay
hoogaamiyo xoodyadii Muqdisho iyo in ay Shacabka
Muqdisho u muujiyaan in Xamar isaga loo xoreeyay.
Ismaan-dhaaf iyo khilaaf soo kala dhex galo DFKMG ah iyo
midawga maxaakimta ayaa ah mid ka mid ah caqabadaha ugu
waaweyn ee minjo xaabin karo guusha maxaakimta, wuxuna
sababi karaa iska horimaadyo hubaysan, hardan cusub iyo
qalalaaso siyaasadeed oo xaalada ka dhigo KUD KA GUUR OO
QANJO U GUUR, sidaa darteed waxaa looga fadhiyaa midawga
maxkamadaha in oo suu dhaweeyo wadaxaajoodyada uu ku
dhawaaqay Ra�iisul wasaare Geedi iyo madaxda kale ee
DFKMG ah, arrintaasi waxay horseedi kartaa calaaqaad
xoogan oo dhex maro labada dhinac, waxayna kaalin muhiim
ah ka galaysaa dib-uheshiisiinta Soomaaliya, ayada oo
sidoo kale horseedi karto in ay DFKMG ah u ruqaansato
magaalada Moqdisho iyo in uu Muqdisho ka hergalo xukun
dawladeed oo meesha ka saaro jawigii colaadeed ee mudada
15 sana ah hareeyay xarunta Soomaaliya, waxana sidoo
kale meesha ka baxayo shir qoolada ay maleegayaan
wadamada shisheeye ee aaminsan in ay kooxo argagixisa ah
la wareegeen magaalada Moqdishoeen.
Si kastaba ha ahaatee, in kaste oo aan si cad loo carra
baabi karin waxa uu mustaqbalku u soo sido midawga
Maxaakimta ee la wareegay caasimada Soomaaliya ayaa
hadana waxay guusha iyo guul-darrada maxaakimtaasi ku
xirantahay hadba sida ay ula tacaalaan umuuraha
xasaasiga ah ee aanu soo xusnay, sidaa darteed waxaa
maxaakimta la gudboon in ay ka faa�iidaystaan fursada
muhiimka ah ee uga bannaan dib-uheshiisiinta Soomaaliya
iyo in ay ka dhabeeyaan wacadkii ay lagaleen shacabka
Muqdisho ayaga oo ka soo dhalaalayo masuuliyadda ay
farayso qaddiyada diimeed ee ay huwanyihiin.
Talo-siin Maxkamadaha
iyo Maanso.
Caliqeyr M. Nuur: caliqeyr@hotmail.com
Norway, Oslo.
Gacan darajadeedii
Fal baa loogu daw-galay
Maskax darajadeedina
Xal baa loogu daw-galay
Da'na darajadeedii
Xigmaa loogu daw-galay.
Inkastooy daruur roob
Ay korkayga hogan tahay
Inkastoon diryaan iyo
Maqli danab ciyaareed
Waa doqon geddiisi eh
Farxad lama degdegi karo
Ee dadab-galkii Xamar
Dullin baa la sheegaye
Waxaan daawanaayaa
Duub weynaheennii
Inuu reerka diga-rogo
Ama uu kasii daro.
Kismaayo & kandhahaar !!!!
Sahid maxamed yusuf
sahid_yusuf@yahoo.com
USA,VA
Runtii kismaayo waxay muhim u tahay sida magaallada
kandhahaar muhim ugu tahay dalka afqaanistaan !!!
dalkaas ooy haatan haystaan ciidam shisheeye markii
islaaminyiintii haystay ay dayaceen in ay kasbadaan
quluubta dadkii deganaan !!!
runtii dooni mayno in maxaakiimta laga qaniino halkii
kuwii ka horeeyey laga qaniinay,sida uu ahaa xadiiskii
nabiga {qofka mumiunka ah hal god laba mar lagama
qaniino } sidas ama si la mid ah auu yiri.ikhwaanii
maxaakiimta islaamiga ah ee ka curatay wadanka
soomaaliya waxaa la isku raacay in ay aheyd mucjizo
allah samada ka keenay ,oo naga qaaday warlords-kiisa 16
sano na gumaysanaayey!!!.Haddaba waxaan doonaynaa in
aysan noqon neecawda maxaakiimtu mid si sahal ah u
feyrta macnaa u baabada, ama haddii aan si kale u
iraahdo mid noqota sidii ay ku danbeysa kandahaar!!!
Haddaba akhristoow ma ila aragtay talooyinka ay wada
hadlayaana qoraayaashu oo ah wax ku ool ah sida :
1) In ay sameeyaan maamul laga wada qeyb galo oo ka mid
ah bulshada
wax garad ka ah taas ooy aad u gabeen maxkamaduhu markay
bulshadii oo dhan iska wada xirxireen ilaa ruux aan
aheyn wadaad siiba hal xarako kaliyah sida uu ka
dhawaajiyey qoraa ka mid ah qoraayaasha.
2)maxaakiimta waxaa la qumanaa in ay ku gabadaan
dawladda ku meel gaarka ah ooy la heshiiyaan maadaama ay
cadow badan oo adduunka ah leeyihiin, si ay
doorashooyinka danbe ay guulweyn ku gaaran.
horaa loo yiri magaallada Rome hal habeen lama dhisin ,
diinteenuna waxay banaynaysaa in ruuxu tilaabsado
tamartiisa .
3) in ay iska ilaaliyaan iska hor imaad keeni kara
dagaal sidii kan ethopia oo kale taas oo soo dedejin
karta fashilaad,oo lagu xisaabtamo tamartaada markasta
ee aan la fududaan.taas oon si cad u arkaynay sida ay
shabaabku dagaal u tamaninaayeen markuu dhacayna oodda
ay jabsadeen.
4)in ay ka faa,ideystaan khubaradda ,siyaasiyiinta ,dhakahaatiirta,
, macallimiinta,saraakiisha,wax garadka niyadda kala
jira taas oo aysan ka faa,ideysan oo ay dayaceen.
5)in aysan raacin wadaddii taalibaan ee ka horaysay
sidii ku cad maqaalkaygii kismaayo & kandahaar !!!
INTAAS AAN KU SOO GABAGABEEYO MAANTA WAA INOO TALOOYIN
CUSUB IN MAQAALKA DANBE!!!!
FII AMAANI LAAH!!!
SAHID MAXAMED YUSUF
EASTLEIGH,NAIROBI
SAHID_YUSUF@YAHOO.COM
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 9, 2007
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...