SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyeed

Abdullahi Ali Hiirad
info@hiirad.net

Somali Youth Congress 
 

Ref: SYC/799/2007              Date: 03/01/2007 
 
 

  • Ku: Hogaanka difaaca ururka SYC
  • Ku: Xoogaga hubaysan ee midowga maxkamadaha Islaamka
  • Ku: Saraakiisha iyo ciidamada xooga dalka
  • Ku: Ururada bulshada rayidka ah
  • Ku: Shacbiga Soomaaliyeed
  • Ku: Culumaa’udiinka iyo hogaamiyeyaasha dhaqanka  
     
  • Og: Golaha baarlamaanka DFKS
  • Og: Golaha Wasiirada DFKS 

Waxaan marka hore halkan tacsi uga diraynaa umada Soomaaliyeed anagoo ka xun muragada haysata ee ah in maanta uu dalkooda gacanta u galay cadowga umada Soomaaliyeed ee TIGREEGA. Waxaan kaloo uga tacsiyeeynaynaa dhamaan naftood hurayaashii u geeriyooday difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyagoo garab istaagay kitaabka iyo isku xukunka sharciga Islaamka, iyagana waxaan Illaahay uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo insha Allaah. 

Intaas kadib, markii aanu aragnay marxalada uu marayo dalka iyo dadka oo gacanta loo geliyay cadow aan la’aamini Karin, derisnay heerka aqooneed ee dagaal oogeyaasha hubinay inay yihiin dad aan mabda lahayn. Waxaanu qaadanay qodobada soo socda. 
 

  1. In ciidmada Ethiopia laga saaro dalka oo dhan xoog iyo xeelba iyadoo aan loo kala harin sida ugu dhaqsaha badana loogu dhaqaaqo fulinteeda.
  2. In laga hortago hindisaha passport ka, ciidamada iyo dhaqaale wadaaga lagu sheegay in lala wadaagi doono Tigreega Ethiopia. Isla markaasna la taageero in xuduuda la baabi’iyo maadama aanan hadeer xuduud la lahayn Ethiopia ee aan xuduuda hada taalaa ay dhextaalo dad Soomaaliyeed oo isku af ah, isku dhaqan iyo diina ah.
  3. In xilka laga qaado dhamaan danbiilayaashii dagaalka ee geystay dilka, dhaca, boobka, shirqoolada maantana kusoo hogaamiyay dalka cadowga umada Soomaaliyeed.
  4. In hogaanka difaaca ee SYC uu bartilmaameed ka dhigto dagaal oogeyaasha iyo ciidmada Ethiopia lagana fogaado xasuuq loo geysto ciidamada Soomaaliyeed ee Illaalada u ah hadii la badbaadin karo inaan la waxyeelayn.
  5. In shacbiga Soomaaliyeed uu xoog iyo xooloba ku taageero dhaqdhaqaaqa gobonimadoonka ee Soomaaliweyn.
  6. In beelaha Soomaaliyeed ay ka fogaadaan inay hubkooda gacanta u geliyaan cadowga umada Soomaaliyeed iyadoo aanay jirin dowlad qaran oo lagu kalsoonaan karo.
  7. In dadweynaha iyo ururada bulshada ay iska kaashadaan sidii loo aasi lahaa naftood hurayaashii ku geeriyooday dagaalka isla markaasna loo guntado dadka ku dhaawacmay ee yaala xaafada magaalooyinka uu dagaalku ka dhacay.
  8. In dowladaha aan saaxiibka nahay jaamacada carabta ururka midowga afrika ay magan gelyo siyaasadeed u fidiyaan xubnaha maxkamada Islaamka Soomaaliyeed sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee UN.
  9. In dadweynaha Soomaaliyeed ay ka fogaadaan wixii wax yeeleyn kara midnimada iyo wada jirka ayna tahay waajib saran inay nabad geliyaan maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliyeed.
  10. Inaan la burburinin dolwada imika jirta balse beeluhu ay ku bedelaan raga danbiilayaasha qaran ah rag Soomaaliyeed oo sharaf ku leh mushtamaca dhexdiisa horseedana nabad iyo wada noolaansho waara.

    Waxaan kusoo gababaynaynaa in loo diyaar garoobo guul ama geeri dalka lagu difaacayo loogana hortagayo inaynu noqono kilinka 6aad. Isla markaasna badbaadino dadka reer Ethiopia oo aan ka badbaadino TIGREEGA haysta oo ku talo jira inuu boqortooyo ka sameysto ay xukumaan TIGREEGU, taasina ay suuro geliyaan kooxo Soomaali sheegad ah oo uu xiriir wanaagsan la leeyahay Meles Zenawi.  
     

Gudoomiyaha Ururka SYC  
 

Abdullahi Ali Hiirad

www.hiirad.net

info@hiirad.net

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2007

Waxaan la yaabanahay!  qof walba meesha ay uu is leeyahay dantaada ayaa jirta ayuu taageera,... Akhri..


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH