SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Wararkii: Jan 8, 2007

Midowga Yurub oo ku cadaadinaya Mareykanka in uu..

Dowladaha ku bahoobay Midowga Yurub ayaa waxaa la sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin xaaladda Soomaaliya oo marba marka ka sii dambeysa ka sii dareysa kaddib markii ciidamo ka socda dalka Itoobiya ay galeen gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay Midowga Yurub sheegeen in ay ku guuleysan waayeen nabadgelyadii iyo kala dambeyntii ay horey u sameeyeen Maxaakiimta Islaamiga ah.

Waxaa socda kulamo u dhexeeya Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka, waxaana Dowladda Mareykanka lagu cadaadinayaa in Ciidamada ka socda Itoobiya si dhaqsi leh looga saaro dalka oo lagu bedelo ciidamo ka socda Midowga Yurub, sidoo kale Midowga Yurub waxa uu sheegay in loo baahan yahay in shir dib u heshiisiin ah la isugu keeno dhamaan kooxaha Soomaaliyeed si loo helo Dowlad hananta Dhamaan dalka, waxaana dadaalka ugu balaaran wada Dowladda Talyaaniga oo iyadu horey u haysan jirtay dalka Soomaaliya, aadna uga xumaatay gelintaanka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya.

Midowga Yurub waxa uu dhawaan ku guuldareystay in uu dhex dhexaadiyo Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, taasina waxay soo dedejisay in uu dagaal qaraari dhex maro Golaha Maxaakiimta iyo Ciidamada Itoobiya oo gacan siinaya Dowladda Federaalka.

Haweeneyda Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibadda Dalka Mareykanka ayaa shalay waxay shaaca ka qaaday in Maxaakiimta Islaamiga ah ay qabteen hawl aad u muhiim u ah, isla markaana ay soo celiyeen amarkii iyo kala dambeyntii, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in wada hadal uu dhex maro Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka.

Baladweyne oo uu ka dhacay banaanbax..

Hundreds of Somalis took to the streets to protest against the presence of Ethiopian troops [Reuters]
Dad mudaharaad ku dhigayey Muqdisho, Jan 6, 07: Reuters

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladwayne ee Gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in Magaaldaasi shalay ay ka dhaceen Banaabaxyo rabshado wata oo lagu diidan yahay Ciidamada itoobiya ka dib markii Ciidamadaasi ay xireen Sarkaalkii Dowladda u qaabilsanaa dhinaca Ciidamada Mukhtaar Xasan Afrax.

Banaabaxaasi ayaa Dadka waxa ay ku dhawaaqayeen “Ciidamada itoobiya haka baxeen Gobolka Hiiraan“ “Ciidadama itoobiya waa inay si dhakhsi ah u siidaayaan Taliyaha “waxaana Banaanbaxaasi ku dhintay hal Ruux oo dhalinyaro ah waxaana ku dhawaacmay 3-Ruux.

Banaabaxaan ayaa iskii u qaboobay markii dambe waxana lagu waramay in Ciidamo ka socda Dowladda fedraalka ay gaaf wareegayeen wadoonyinka Magaalada kuwaasoo Dadka ku amray in guryahooda ku xaroodaan, waxaana la sheegay in Maamulka cusub ee Gobolka uu soo saaray amar ah in Magaalada lagu soo rogay Bandow soconaya Fiidkii ilaa waabarakii ayadoo Ciidamada ee kuu sugnaa Magaalada Baladwayne ay ku xaroodeen Xaryahoodii, ayagoo samaynaya foojignaan dheeraad ah.

Taliyaha ay qabteen Ciidamada itoobiya ayaa diiday inuu soo dhiibo Gudoomiyaha Maxkamada islaamiga ah ee Baladwane Shiikh Faarax Macalin waxaana Ciidamada itoobiya Taliyaahas u soo gudbiyeen Magaalada Muqdisho.

C/llaahi Yuusuf oo ugu hambalyeeyey Meles..

Ethiopia Prime Minister Meles hold talks with Somalia President
C/Lahi Yusuf & Meles Zenawi
Khariidada Hoose inta midabka casaanka waa dhulka Orormada

Ma ogtahay in dhulka Qowmiyadda Oromada ay baaxadiisu yahay 353,632 km2 , dhulkaas oo hadda ka tirsan Ethiopia balse ay qowmiyadda Oromiya u halgamayaan in ay ka xoroobaan Ethiopia, tirada Oromada ee ku dhaqan khariida Inta ka calamadsan waxaa sannadkii 2002 lagu qiyasay 24 million oo qof, Laakiin guud ahan Oromada ku dhaqan Ethiopia waxaa lagu qiyaasaa 26.6 Million.
Akhri: http://www.oromoliberationfront.org/

Sawirka hoosena waxaa ka calaamadsan dhulka ay Ethiopia xoogga kaga haysato Soomaalida, ee ay hadda ula baxday Kililka 5aad

Dhulka Soomaalida ay EThiopia ka gumeysto si aan looga hadlin waa sababta loo malaynayo inuu Xuseen Caydiid u yiri waxaan mideyneynaa Soomaaliya iyo Ethiopia..
Akhri..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u Dowladda, ayaa intii uusan soo gaarin Baydhabo, waxa uu Addis-Ababa kulan kula soo yeeshay ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi, waxa uuna ugu horeyntii ugu hambalyeeyey taageeridii ay siiyeen Dowladda Federaalka ee dhinaca Militariga, isagoo sheegay in Dowladdiisu aysan weligeed hilmaami doonin gacantaas balaaran.

Madaxweyne C/llaalhi Yuusuf waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan la dagaalanka Waxa uu ugu Kooxaha Argagixisada oo uu tilmaamay in ay qas ka wadaan wadamada Geeska Afrika. Ciidamada Itoobiya ayaa iyagu soo galay Gudaha Dalka Soomaaliya, iyadoo gacan-siinaya Dowladda Federaalka, iyagoo meesha ka saaray Maxaakiimta Islaamig ah, hase yeeshee dadka siyaasadda u kuurgala waxay tilmaamayaan in aysan fara ka qodneen xaaladda Soomaaliya, haddiin aan xal deg deg ah loo helin arrinta Soomaaliya, isla markaana wada hadal lala furin Maxaakiimta Islaamiga ah oo weli ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho..

  • Nin wadaad ah oo lagu diley Muqdisho
  • Nin Oromo ah oo Qaxiiti ahaa oo la afduubay

Waxaa maalin walba ka dambeysa sii xumaanaya xaalada Nabadgalyada Magaalada Muqdisho ka dib markii meesha ay ka baxeen Ciidamadii Maxaakiimta islaamiga ah ayadoo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhaca Magaalada Muqdisho ee ahaayeen markii Magaalada Muqdisho lagu diley nin wadaad ah oo lagu magaabo Axmed Xasan oo la sheegay inuu taageersanaa Maxkamadaha islaamiga ah waxaana dilkiisa gaystay koox Dablay ah, waxaa kaloo dhacdooyinka ka mid ah markii agagaarka NBC laga afdoobtay Nin Oromo ah oo waligii Qaxooti ku ahaa Magaalada Muqdisho.

Habeen hore ayey ahayd markii Bam lagu tuuray Qoos daganaa Xaafadda Juungal waxaana halkaasi ku dhawaacmay hal Quf waxaana Bamkaan ka horeeyey Bamkale oo lagu tuuray Qoos oo isna deganaa agagaarka Hotel Ramadaan waxaan halkaasi ku dhinta Hawaynay iyo Gabar ay dhashay.

Dhacdooyinka kale waxaa ka mid ah markii Magaalada ay ku soo bateen dhaca Gawaarida ayadoo maalintii shalay ahayd Gaari lagu dhacayey agagaarka Tariboonka ayna dhaawacyo ka soo gaareen dhowr Qafood isku soo duuboo dhacdooyinkaan foosho xun ah waxay ka turjumayaan mirihii ka dhashay ka bixitaankii Maxkamadaha silaamiga ay ka baxeen Magaalada Muqdisho

Nin Oromo ah oo lagu dilay degmada Jawhar

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in nin Oromo ah lagu dilay Degmada Jowhar, labo kalana gacanta lagu dhigay mar ay hawlgal sameeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka.

Saddexdaan nin ayaa lagu waramay in ay u socdeen dalka Itoobiya, iyadoo la sheegay in ay mudo qaxooti ku ahaayeen dalka Soomaaliya, gaar ahaan xiligii uu Mingiste xukumayey dalka Itoobiya, waxayna doonayeen in ay ka cararaan xaaladda Dalka Soomaaliya si ay u miciin bidaan dalkoodii Hooyo.

Dadka Oromada ah ee ku dhaqan Soomaaliya oo lagu qiyaasay tiradooda ilaa iyo 10-kun ayaa soo galay dalka xiligii uu dalka xukumayey Max’ed Siyaad Bare, iyadoo qaar ka mid ah odoyaasha Oromada ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay ka codsadeen Dowladda Federaalka in dadkooda laga dhaafo dhibaatada lagana celiyo kooxaha wax magaratada ah. Qaxootiga Oromada ah ee ku sugan Muqdisho ayaa iyagu aad uga walwalsan xaaladda cusub ee ku soo korortay Soomaaliya.

Dowladda Federaalka oo ku kala qaybsan..

Dowladda Federaalka oo iyadu dhawaan gacan ka heshay Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in ay ku kala qaybsan yihiin in wada xaajood lala galo golihii Maxaakiimta Islaamiga, sida ay codsadeen Beesha Caalamka gaar ahaan Dowladda Mareykanka.

C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa isagu diidan in wax wada-xaajood ah lala galo kooxahaasi, halka Cali Max’ed Geeddi wada-xaajood lala galo Golihii Maxaakiimta Islaamiga ah, kaddib markii ay sidaasi ku taliyeen bulshada Rayidka ah oo sheegay in haddii aan si dhaqsi leh wada hadal loola gali ay keeni karto in Xaaladda Soomaaliya ay cirka isku shareerto oo ay gaarto sida dalka Ciraaq.


Raxma Cabdulkadir Diiriye 27-jir oo ku jirta Cisbitaal Madina  ee Mogadishu, kaddib markii ay toogteen Ciidanka Ethiopia ayadoo ka mid ahayd dad mudaharaad dhigayey Jan 6, 2007 - AP

Ciidamada Itoobiya oo dhex maraya magaalada Kismaayo, Jan 5, 07 | Reuters

Dowladda Mareykanka ayaa iyadu aad u daneyneysa in wada hadal lala galo mas’uuliyiinta sarsare ee Maxaakiimta Islaamiga ah si nabad loogu soo dabaalo guud ahan dalka iyo waliba Geeska Afrika, sidoo kale Mareykanku waxa uu daneynayaa in Soomaaliya loo diro Ciidamo Nabad ilaalin ah oo bedela Kuwa Itoobiya. Isku soo wada xaaladda Soomaaliya ayaa haatan u sii muuqata mid faraha ka sii baxeysa, iyadoo Xaaladda Magaalada Muqdisho ay noqotay mid aan la isku haleyn karin, waxaana ku soo kordhay Dilalka, Dhaca iyo Isbaarooyinka.

Geeddi iyo C/llaahi Yuusuf oo kulan..

Ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa shalay ka amababaxay Magaalada Muqdisho waxa uuna safarkiisa kuwa jahnaa Magaalada Neirobi hase yeeshee waxa uu ku hakaday MagaaladaBaydhabo waxa uuna kulan albaabada u xiran yahay la yeeshay Madaxwaynaha Dowladda fedaraalka C/llaahi Yuusuf Axmed waxaana kulankaas la iskula soo qaaday xaalada Magaalada Muqdisho iyo waxyaabihii ka qabsoomay tan iyo markii Dowladda soogaartay.

Ra’iisul wasaaraha waxa uu Madaxwaynaha u sheegay in dib loo dhigay howlihii Hub aruurinta ka dib markii Ra’iisul wasaaraha uu sheegay in sidaas ay ka codsadeen Bulshada Rayadka ah iyo dhaqan, sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda fedaraalka ay magacaaday Guddi ka shaqeeya Nabadgalyada iyo qaabk ugu haboon ee Hubka lagu aruurin karo.

Raiisul wasaaraha waxa uu sheegay in xaalada Magaalada Muqdisho ee haatan ka soo rayneeso hase yeeshee maalmihii ugu dambeeyey waxaa Magaalda Muqdisho ku soo kordhay falalaka isbaarada, dilka, iyo dhaca oo ay geysanayaa kooxo Dablay ah oo aan cidna ka amar qaadan waxayna arrintaan walwal iyo wal bahaar ku abuurutay Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho oo Dowladda ka codsaday inay la yimaadaan nabad la mid ah midii ay la yimaadeen Maxkamadaha islaamiga ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inuu u tagayo Magaalada Nayroobi sidii kulamo ula yeelan lahaa Masuuliyiinta Hayadaha Samafalka iyo kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya.

Yemen oo shaaca ka qaaday in mas’uuliyiin..

Dowladda Yeman ayaa la sheegay in shaaca ka qaaday inay Dalkeeda ay ku sugan yihinn Xubno Sarsare oo ka tirsan Maxakamaha islaamiga ah kuwaasoo sheegtay inay Yeman u joogaan sidii wadahadal loogu dhamayn lahaa xaaladda Soomaaiya oo haatan marysa meel aad halis ah.

Dowlada Yeman ma ‘aysan faafaahin Cidda ay yihiin Xunahaasi oo ay sheegtay Dowladda Yeman in dhawaan ay soo gaareen Dalkeeda waxay kaloo Dowladda sheegtay in Dowladda ee aad u danaynaaso sidii nabad loogu soo dabeeli lahaa Waddanka Soomaaliya oo loo baanjin lahaa dhiig dambe oo ku daada Dalka Soomaaliya.

Dowladda Yeman waxay sheegtay in Beesha Caalamka looga baahan yahay inay gacan ka geystaan sidii Soomaaliya loo xasilin lahaa loogana dayn lahaa faragalinta shisheeye.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH