SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xuseenow Afka ha beelin Xaqiibuu Daboolka ka qaaday

Qore: C/wali Maxamuud Qurux     

Email: qurux09@hotmail.com

Mahad ileylkeed ILLAAH bay u sugnaatay, Naxariis iyo Nabadgalyo Nabi Muxamed dushiisa ha ahaato.

“Soomaliya iyo Itoobiya waa walaalo, waana la mideynayaa waxayna yeelanayaan Hal Baasaboor, Hal lacag iyo Hal ciidan oo isku mid ah Xuduud dambana ma jirto”. Erayadaas la yaabka leh waxay ka soo yeereen ninka ku magacaaban wasiirka arimaha gudaha ee DFKMG Mar uu la kulmay Odayaal reer Muqdisho ah!!!, Waa Kalimaad la yaab leh kana soo horjeeda Taariikhda dhextaal soomaaliya iyo Itoobiya aan ka turjumeyn rabitanka shacabka soomaaliyeed kana fog Xaqiiqda iyo waaqica dhabtaa. Marna waa Erayo aan layaab badan lahayn oo ku tusinaya meesha soomaali gartay iyo cidda horboodaysa xiligaan iyo aragtidooda, Damiir xumadooda iyo waliba dagaalkaan hada socda ujeedasiisa. Markaan arkay erayadaan oo ku qoran websites-ka soomaalida ayaan waxaan is weydiiyay Xuseen Caydiid muxuu ula jeedaa arintaan, Mar waxaan is iri waa ka raganimo iyo fashil sir shisheeye, hadana waan is qabtay oo is iri awal oo dhan muu sheego, saan is iri waa ku faanayaa oo in uu awood leeyahay ayuu cadeeyay, saan  waa ka laabtay oo is iri kuma deg degeen xiligaan lagu jiree see wax u jiraan, markaas ayay hadana igu soo dhacday malaha waa ka caqli xumo iyo garasho la’aan. Taas kaliya  kuma wada qancin maskaxdaydiina kuma degine  ee waxaan is iri, waa Xaqii oo alle feer ka dilaacshay, una soo dhiibay mid ka mid ah dhagar qabayashii heshiiska horey u saxiixay, soona gatay magacii iyo sharaftii soomaaliya.  Halkaas markaan marayo ayaan erayo ducaa dusha uga tuuray Xuseen Caydiid oo iri Xuseenaw Afka ha beelin. Wuxuu kale oo Hadalka Xuseen Caydiid Caddeyn u yahay Qariiradii(Map) dhawaan laga helay xafiiska Cali Geedi ee muujinaysay Geeska Africa oo Soomaaliya ka maqan tahay Laguna daray Dalka Itoobiya!! 

Raabeh
SOOMAALIYEEY HALKEEBAAD KU SOCOTAA... AKHRI....

Waxaan Maqli jiray Diin baa lagu yiri Shinbiraa kuu tashaday oo bari ku cunaya (xiligaas qolofta sare malahayn oo baruur buu ahaa) Markaas ayuu ku jawaabay soo meeshii la iigu tashaday rabbi ma joogin. Hadda waa tii oo kale oo meeshii soomaalinimaa lagu baayacay Rabbi baa joogay isaga oo aan meel kale ka fashilinna wuxuu ka dhaaajiyay khaa’inul wadaniyiintii Qaranka gatay. Arintaan la yaab ma leh oo Nabi Muuse-ba Fircoon baa koriyay oo gurigiisa ku bar baariyay. Sidaas darteed waxaan leeyahay soomaaliya Ragna leh Rabbina leh. Haddaba isweydiintu waxay tahay Soomaaliya iyo Itoobiya ma Midobi karaan? Aniga aragtidayda waa maya, sababtoo ah waxaa dhextaal labadaan dal Taariihk Colaaeed oo Caqiido ku salaysan asalkeeda. Dhanka kalana Marka laga hadalayo Xiriirka caalamiaa (international relations)  waxaa lagama maar maan ah in laga wada hadlo Arimaha Siyaasada, Dhaqaalaha  iyo Dhaqanka dayawga Modoobaya, Haddaba waxaan weydiinayaa Ina Caydiid Magacee la qaadanayaa marka lamidoobo? Ma Itoobiya ayana noqonaynaa? Ma Soomaaliya ayaa la noqonaya? Lacagtee iyo Baasaboorkee la qaadanayaa ? Intaas waxaa dheer Ina Caydiid wuxuu ku dacwooday in Yurub midawday markay dagaashay kadib!! Waa la yaabee sidee buu u fahmay Midawga yurub? Midawga yurub waxaa laga wada hadlayay 50 sano wuxuuna soo maray maraaxil kala duwan, ilaa iyo haddana wali waxay isku diidanyihiin wax yaalo badan oo dhaqanka iyo dhaqaaluhu ugu horeeyaan. Midda kale Yurub wali xuduudeheedii waa leedahay waxayse ka qaadeen kastamiskii, ee ma jiro wadan inta xuduudiisii la baabi’iyay mid kale ku biiray.

UJEEDADA ITOOBIYA

 Dawlada Itoobiya waxay soomaaliya ka leedahay ujeedo aad u qoto dheer oo ay ku taamayeen hogaamiyeyaasheedii Kala duwanaa ee soo maray. Tusaale ahaan sida Taariikhda ku cad Bishii April Sanadkii 1895 Boqorkii xiligaas ee Itoobiya ee Melilikh la oran jiray wuxuu ku qoray waraaq uu u diray Dawlahada reer yurub oo xiligaas Berlin ku shirsanaa si ay Qaarada Africa u qaybsadaan, in Dalkiisu yahay Jasiirad yar oo Kiristan ah  kuna dhextaal Bad weyn Muslimiin ah , Xadka dalkiisuna ku ekaa Badweynta India( Indian Ocean) ayna ka qabsadeen Muslimiin Mayal adag kadib markuu taageero ka waayay walaalihiisa Reer Yurub ee Kiristanka ah. Sidoo kale sanadkii 1945 wasiirkii War faafinta ee Itoobiya ayaa khudbad uu u jeediyay Baarlamaanka dalkaan Ingiriiska wuxuu ku sheegay in ay il gaar ku eegayaan dhaq dhaqaaqyada ka socda dalalka soomaaliya iyo Erateria, waxaana rajaynaynaa ayuu yiri in maalin maalmaha ka mid ah ay soomaalidu ku soo laabtaan dalkooda Hooyo Itoobiya, calankayaguna ayuu yiri si xoriyad leh uga lusho/babado badweynta India.  

Sidoo kale, sida ku cad qoraalada wasaarada arimaha dibada ee Itoobiya Waxaa ka mid ah in soomaaliya la kala qaybiyo islama markaasna aan loo ogolaan wax isu keenaya si ay u baaba’do fikradii soomaali weyn! Waxayna ku yiraahdeen qoraalkooda waxaan ku guuleysanay 16-kii sano ee al soo dhaafay in soomaaliya aan wax Dawlad ah ka hir galin taas oo keentay in Soomaalida ku nool itoobiya (Somali galbeed) ay aaminaan in ay yihiin Itoobiyaan kuna qancaan in ay walaalohooda kale ee Itoobiya wax la qabsaaan.  Haddaba markad fiiriso arimaha hada ka socda soomalaiya siyaasad ahaan iyo Ciidan ahaanba islama markaasna aad barbar dhigto Tixracyada kor ku qoran waxaad ogaanaysaa in Itoobiya ay u aragtay in ay ku guuleysatay in ay dhulkeedii dib u qabsatay calankeeduna jaanis u yeeshay in uu Badweynta India ka lusho.

Maxaa Xal Ah?

Aniga aragtidayda marka la fiiriyo Arimaha Adduunka ka socda iyo meesha naxdinta leh ee soomaaliya Marayso waxaa lamaga maar maan ah in la helo lana abaabulo urur Xoriyad doon ah oo u dagaalama sidii mar kale soomaaliya ay u xoreyn lahaayeen (NEW SYL) ugana qaadi lahaayeen Heeryada labo jibaaran ee Cadawga. Cadawgu waa labo waa Shisheeye iyo Soomaali . Waliba xiligaan halganku intii hore wa ka adag yahay oo waxaa loobaahan yahay in Dalka Laga xoreeyo Labo cadaw oo kala ah shisheeye iyo soomaali Shisheeye kalkaal ah!! Labada Cadawna kan dambe ayaa daran xaqiiqdii dagaalkiisuna adagyahay. Waxaase is weydiintu tahay imisaa qof oo wadani ah oo soomaali ah ayaa la heli karaa xiligaan Soomaalidii Qabiilku degay?

  • Waxaan ku soo koobayaa
  • Hadal iyo Dhamaantiis
  • Warka dhiilada lehee
  • Dhegta nooga soo dhecee
  • Ka dhaaajay caydiid
  • Wixii dhiig lahaw kaca
  • A dhiidhiya gumaysiga
  • Dhulkiina u dagaalama
  • Iska dhawra reer reer

Qore: C/wali Maxamuud Qurux     

Email: qurux09@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 6, 2007

GeeddiJan 6, 07: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan: Galkacyo (42), Baydhabo (21), Beledweyne (13), Muqdisho (10), Kismaayo (6).. Hadalkii Diinaani ee Sarbeebta ahaa....

::Murtida Maanta iyo Hadalkii Xuseen Caydiid... Guji..


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH