Guuldarray u hoyatay 2! Wednesday,
January 03, 2007
Hussein
Salad
Qaahira, Masar
dalas2@hotmail.com
Way
fududahay in faalo dhaadheer laga qoro
masa’lo maxsuulkeeda la ogyahay oo
markaa qof walbaa falanqeeyo qodobeeyana
rayiga ku aadan arin dhamaatay.
Waxaa
ummadda Soomaaliyeed manta hor yaal
mashaariic aad u baaxad wayn oo kan ugu
horeeyaa uu yahay aayaha ummadda
Soomaaliyeed oo markaan si dhab ah
handaad ugu jira!
Xagaagii sanadkii 2004 ayaa dood wadaag
uu soo bandhigay Ururka Isbahaysiga
Soomaliyeed ee Sweden ka jira waxaa
cinwaan looga dhigay Soomaaliya ma
sii jiri doontaa?
Mowduuc
dadka intii badnayd ay aad u
qariibsadeen, yaabna ka muujiiyeen soo
bandhigidiisa. Laakiin ugu dambayntii si
fiican looga dooday loona qaadaa dhigay.
Dadka
badankiisa wax shaki ah ugama jirin in
dalka iyo dadka soomaaliyeed sii jiri
doonaan. Waxa manta lagu suganyahayna
waxay u arkeen duruuf leh waqti xaddidan
oo laga gudbi doono. Waayo ummadda waxaa
la soo dersay waxa manta taagan wax ka
qalafsan kana foolxun.
Nin ka
mida martidii shirka doodana aad u
xiisaynayay, laguna naanayso Dhaqaale,
ayaa dadkii khilaafay oo ku dooday in
soomaaliya aysan sii jiri doonin haddii
ay ku sii socoto sida ay haatan ku jirto.
Aragtidaa la quursaday lana khilaafay
wuxuu,Dhaqaale, ku ahaa qaafo gaar ah oo
cidna lama qabin.
Maxamed
Xirsi(Cabdi Bashiir) iyo aniga oo
barnaamijka soo diyaarinay mowduucana
soo bandhignay waxaa nugu beernaa welwel
iyo aragti la mida midd ah tuu Dhaqaale
la yimid oo waaba sababta keentay in aan
mowduuc magacaas leh soo dorano.
In
badan baa waxaad ka welwesho kugu
waaberistaane, doodaa ayaa maskaxdayda
ku soo duxday markaan arkay erayadii
waawaynaa ee Xuseen Caydiid ku hantaacay
ee isku darka Soomaaliya iyo Ethopia.
Sidaa
darteed ayaan manta mar kale dood ka
abuurayaa jiritaanka iyo mustaqbalka iyo
weliba aayaha ummadda marka laga daawado
muraayada manta ah, dibna loo milicsado
maalmeheedii horeeyay iyo murugaday
xambaarsanaayeen.
Waxaan
filayaa in manta soomaali inteeda badan
ay isku raacsantahay in jiritaankeedu si
dhab ah caalad su’aal saaranyahay.
Jiritaanka dhankaad doonto ka eeg kagana
imow. Dhulka soomaaliyeed, Dadka
soomaaliyeed ama labadoo laysku daray ma
sii jiri doonaan?.
Ka dib
burburkii ku dhacay Maxkamadihii
Islaamiga ayaa durba waxaa soo ifbaxaya
masalo naxdin leh mudana in qalinka khad
loogu riiqo;
Midaynta ciidamada, dhaqaalaha iyo
weliba passaborka Soomaaliya iyo
Ethiopia waa falaadh lagu ganay laguna
gilgilay jiritaanka Soomaliga iyo
Soomaaliya.
Hadalka
ka soo yeeray Xusseen Caydiid waaa
mas’alo cajiiba ah!
Waa
masalo abuurtay welwel ku aadan masiirka
ummada Soomaaliyeed, halisna gelinaysa
jiritaanka qaranimadda Soomaaliyeed.
Qof
walboo maqlaana ay mudantahay inuu ka
dagaalamo kana gilgisho.
Midowga
Yurub ee la barbardhigay kan Soomaliya
iyo Ethopia waa dood jaban oo aan meesha
oolin.
Waxaan
oran lahaa doqonimo, damiinimo ama
dayuusnimay dugsanaysaa.
Doqonimo iyo damiinimo hadduu ahaa hadal
aan loo meel dayin ee ku yimid hantaac
iyo iska yeel yeel sidii nin himilo iyo
hilaadin saadaaliniya. Wax ku eegna is
yiri indhihii Kwame Nkruma iyo ragii
doonayay inay Afrika mideeyaan.
Waa
dayuusnimo haduu hadalku ahaa qasad dhab
ah kashaha hoosena ku jiray. Dayuus waa
nin ogolaada in laga sinaysto inta uusan
isagu geyin ee maxaariimta u ah sida
hooyadii, xaaskiisa iyo walaashii.
Arintaa
waxaa la meel ah ninka doona in
qaranimadiisa la kufsado meher xaaraan
ahna loogu guriyo Ethopia.
Waxaa
taa ka qoto dheer, kana mugwayn, kana
baas badan hadii hadalku uusan ahayn mid
ku eg wasiirka hadaaqay, sida uu
sheegtay, ee uu yahay barnaamij ay la
ogyihiin madaxda dawladda ku meel gaarka
ah oo ay markaa Guuldarro labaad u soo
hoyato ummadda ayaandaraysatay!
Allese
lagama quustee, marka gudcurka habeenku
ugu madowyahay waa marka oogta waaberi
ugu dhawdahay.
Hussein
Salad
Qaahira, Masar
dalas2@hotmail.com