SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

UMMAD WALIBA CUDUR KHAAS AH AYAA KALA QAYBIYA 

Qore Mohamed Jarate Damascus,Syria
e-mail: Sharmaarke64@hotmail.com  

Marka hore waxaa mahad idilkeed iska leh rabiga samada ku taagay awoodiisa taamka ah dhulkana gogley noona sakhirey nimcooleyda idilkeed iyo dabeecada nagu heereysan.Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato nabigeena Mohamed binu Cabdulahi. 

Marka labaad waxaan halkaan ka salaamaya dhamaan shaqaalaha iyo maamulka somalitalk.com waxaana leeyahay dadaalkiina wada oo yuuna marna dheeliyin,marka saddexaad waxaan halkaan ka salaamay ummadeyda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto saqiir iyo kabiirba heerkasta oo ay aqoonta ,garaadka iyo diinta ka joogto.Qaas ahaan salaam gaar ahaaneyd waxaan u diriyaa akhristayaasha qaaliga ah ee sida joogtada ah ugu taxan bogga fikradaha iyo maqaalada ( opinion section ) Hadaan gudogalo fikrada aan rabo inaan wax ka iftiimiyo oo cinwaankeygu  ku saleysan yahay ayada oo faahfaahsan.

Sida aan la wada socono ummad waliba arin ayaa xanuun dilaa ah ku noqda oo u diida horumar iyo wax soo saar la dugsado iyo daganaansho nabadeed,haddaba ayada oo arintaas dunidu ku kala duwan tahay oo qolowalba xanuun gooni ah la taahayso ayaa anaga waxaa nasoo fool saaray tii ugu sunta darneyd oo waabayo ka qaaraareyd (QABIIL) taasoo jirkeena ku daxaleysatey dad iyo duunyo qaarna naga dishey qaarna naga naafeysay oo waliba na gaarsiiyey heerarka ugu sareeya ee aan wax ku qiimeyno ama wax ku tusaaleyno anaga oo miiska hoostiisa dhignay waxyaalaha rabi wax ku qiimeyo ummadiisana farey iney wax ku qiimeeyaan si dhab ah(Th Real Evaluation) Haddaba arintaani mid shalay iyo doraad bilaabatey ma'aha ee waa mid soo jiitameysay mudo dheer ummadana loo diidey iney ka hortagaan lana aasey asaga oo nool ruuxi damiirka ka xorowga qabiilka xanbaarsan ama in yar oo ka dhiidhin ah lagu tuhmayo, qurunka iyo aafada qabiilku leeyahay, wacyiguusu sharaf iyo horumar aakhiro iyo aduunba xanbaarsan yahay ,oo ummada uga sheekeya taariikhaha aduunka iyo in qabiilku inuu wax dumiyo mooye uu qaran dhisin.

Arintii ayada ahayd waxaan dhexdeena isku cayrsanaba waxay noqotey maanta in nalaku kala qeybiyo oo ay dib noogu soo laabato isticmaar hor leh ( DIVIDE AND RULE) kala qeybi markaas ayaad xukumi kartaa!.Ilaahay in badan ayuu quraankiisa ku leeyahay dadow qabsada xariga ilaahay hana is khilaafina waayo haddaad is khilaaftaan awoodina midnimo ayaa tageysa wax kalaba anaga oo eegin ma eegi weynay ayada kitaabka quraanka kariimka noogu qoran.Maxaa sababey in nala kala dhexgalo oo barkeenba barka kale qolo hubsiiso,waa iska caddahay jawaabtu waa anaga oo ka sineynayn wadaniyada iyo in maslaxada guud laga hormariyo tan khaaska ah.Waayo danaha gaar ahaaneed wadan iyo qaran dumay ma dhisto xataa madhisto nolosha usariga ah oo hadaad tahay nin tiisa un fiirsanaya waxaa dhici karta reerka aad ka dhalatey iney ku tiraahdo daneyste! Walaalayaal qabiilka in wax lagu qiimeeyo  iyo yuu yahay loogama xoroobi karo hadal nin meel ku qoray ama mid meel la fagaaro ah kaga dhawaaqey ee arintaan waa arin u baahan naf ,maal iyo mood inaan u hurno lana dabaqo,in afka laga yiraahdo aafada qabiilka wey fududahay balse waxaa adag in dhaqankaaga aad ku saleyso.

Marka aad reerkaaga la joogto haba ugu darnaato waayo ruuxa soomaaliga ah waxaa ka xoog badan caadifada qabiilka si kasta oo uu wax u barto diini ama maadi ila ruux rabi u naxariistey mooye oo mudo arintaan la harjadayey rabina ku saacidey.! Akhristaha qaaligow qabiilku hadba shaar ayuu kuu gashan hadaadan cirib tirin shalay waxa isbaaro ka dhigay dalkeena magaaladi bilicda iyo xudunta soomaaliya ahayd oo soomaaliga dalka iyo dibada jooga uu fiirsanaayey waa reer habal ayuu ka dhashay hogaamiyo kooxeedkeena ninkii yur yirina dibada looga saaray ayada oo itoobiyo qindhiciley la soo kireystay.Waxa naga dhigay inaan ka xoroobi weyno qabqable qabiil iyo ruux qabiilka ku adeegta marka uu dantiisa rabo waa anaga oo gaarin ka xorowga qabiilka meeshi larabay oo wali wacyigeenu xoroobin,wacyi arin xun in laga xoreeyo waxay u baahan tahay waqti dheer, adiga kaliga inaad fahanto micno weyn keeni meyso ee waa iney bulshada dhan kula fahanto macnawi iyo maadi labadaba (arin muuqata iyo mid qarsoon) Walaalayaal dhanka rajada waxaan qabaa in ilaahay nagu mideeyo weerarka gardarada ah ee dalkeena ay ku soo gashay Eithopia ayada oo qiil ay mudo sugeysay inuu u bislaado heshay.Rabi waxaan ka rajeynaya waabeyada ay wadato in uu tuso soomaalida ku kala nool raascaseyr ilaa raaskaanbooni mana ka wado burbur dhac,dil iyo kufsi iney gaarsiiso ummadeyda ee waxaan ka wadaa inuu si fudud kacdoon wacyi isku mid ah wato ka dhigo soomaalida oo dhan ilaaahay dadkeyga ku soo dajiyo wacyi ka xoroobid ruuxkasta oo danaha dadka,diinta iyo dalka naafeynaya kana dhigo dadkeyga dad isku mabda'a ah.waayo dal waxaa qoreeya ummad mideysan!waana inaan si fiican u fahano boogta aan dhayeyno waa sidaan uga xoroobi lahayn in qabiil wax kasta lagu qiimeeyo waana inaan barano hebel inaan ku qiimeyno rabi aqoontiisa,amaanadiisa,waxtarkiisa diin,dad iyo dal jecelkiisa,iyo waxa uu wax ku cabirayo iney yihiin ilaha horumarka dhankasta oo fiican.Waa inaan dabaqnaa qodobada soo socda hadaan soomaali nahay meelkasta ee aan joogno, aqris kaliya wax tarimaayo ee ficil ayaa daruuri ah ( practice what you breach ) 

1- Qofka oo soomaaliyeed marka hore waa inuu rabi xiriir fiican la yeesho waxkasta  uu sameynayana waa inuu u sameeyo ilaahay dartiis (ikhlaas)  

 2- Waa inaan daalacano taariikhda islaamka iyo taariikhda aduunka markaas   ayaad garansaneynaa ummada aan nahay caddowga dibada iyo gudahana iska celin karnaa

3-Waa inaan kasbano maskax fiyow oo noo sahasha inaan kala saarno qaladka iyo   saxda

4-Waa in uu aqoon yahanka soomaaliyeed ka xoroobo inuu u adeego ruux aan waxba qorin waxna aqrin waana inuu noqon tool lagu shaqeysto ee asagu waa inuu wax shiiqiyo meesha laga shiiqin lahaa.Mida kale waa inuu aqoon yahanka soomaaliyeed dareemo mas'uuliyad waayo marka ruuxu mas'uuliyad dareemo ayuu ka fiirsadaa hadalkiisa iyo qowlkiisa meesha uu dhigayo iyo natiijada ka soo bixi karta ! 

5- Waa inaan noqono ummad wax aqrisa kana baxno ummad ku nool waxaa la yiri iyo waxaan maqley ( Stop being an oral society, read and write ) ee waa inaan noqono waxaan daraaseeyey ummad dhahaysa ama mudo aqrinayey arinta ku qoran kitaabkaas safxadaas waxaana ka qabaa su'aalo qaarna waan ku ayid sanahay. 

6-Ruux walba waxa uu baranayo ha u barto inuu wax ku hagaajiyo ee yuu u baran inuu wax ku dumiyo sida hantida dalka iyo dadka loo boobi lahaa ama diinta islaamka  uu caddow ku noqon ee uu dib isugu laabto markasta. (Stop sucking the land and the society ) 

7-Waa inaan xooga saarno tarbiyada ubadka iyo qoysaska waayo labadaas ayaa shacabku ku nastaa haddey toosaana ummada oo dhan toosi kartaa. Qoysaska burburay hala isku soo celiyo hana ladaaweyo ogow ummadi waxa ay ku horumartaa horumarka jiilalka kacaya ay gaaraan.( The third generation) waa inaan ka xorowno maxaa iga galay,Axmed oo nin fiican ah iyo Asha oo haweeney fiican ah ha bilaabaan wanaagaas ( kheyrkey ha bilaabo markaas ayaan sameyn )  Ruuxkasta oo naga mid ah waa mas'uul ee mas'uuliyada meesha ay kaa soo gaarto an isla qabano,maantana arintaan waa maalinta aan ugu baahi weynahay! 

Qore Mohamed Jarate Damascus,Syria

e-mail: Sharmaarke64@hotmail.com  


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH