Soomaaliyeey Hadda iyo Dan

Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social
Development Adviser
Leicester UK.
saicentadv@yahoo.com
Marka hore
mahad idilkeed waxa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabadgelyana
Rasuulkeeni Muxammed ayey korkiis
ahaatay.
Soomaaliyeey marxaladda aynu hadda
ku suganahay, waxba tarimeyso, in leys
eedeeyo iyo in mindi mindi lagu taago.
Waxaan uga gol leeyahay khalad walboo
dhacay, hadda wuu dhacay, oo wax tegay
tiigsimaad malaha. Ee waxa muhiim ah in
leys weydiiyo hadda maxaa inoo dan ah.
Waxa runti
nasoo maray fursad Dahabi ah, oo arimihi
Soomaaliya ee murugeysnaa 16ka sano, ay
kusoo urureen gacanta labada dhinac oo
kala ahaa, Midowga Maxaakiimta
islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka
oo fadhigoodu ahaa Beydhabo. Taladu
bacda Allaah waxey ku xireyd
isafgarasho ka dhex dhacda
mas’uuliyiinta labada dhinac, oo
Soomaaliya waxey u horseedi lahaayeen
waddo wanaagsan. Nasiib darro ma dhicin,
oo waxaad moodaa in labada dhinac ay u
kala dab qaadayeen dad aan raali ka
aheyn inuu heshiis dhaco. Khaladaadku
labada dhinac ba wuu ka jiray, oo hadda
ma doonayo inaad cid gaar ah ku ifiyo
torchka.
Su’aasha
imminka isweydiinta muddan waxey tahay,
sidee dalkeena looga saaraa Ciidamada
Itoobiya, oo kusoo galay dalkeena inay
taageerayaan Dowladda Federaalka ah.
Su’aashan jawaabteedu waxey u taalaa
dhammaan dadka Soomaaliyeed ee caqliga u
saaxiibka ah, iyagoo laga doonayo inay
ku eegaan ama saaraan miisaan
waddaninimo iyo mid islaamnimo, iyagoo
mar walba ka eegaya dhinac kasta waxa uu
faa’iido keeni karo, muxuuse khasaaro
keeni karaa.
Anigu
shaqsiyan, anigoo ku cabiraya
fikradeydan yar, oo runti khaladna noqon
karta, saxna noqon karta ayaa waxaan
usoo gudbinayaa dadweynaha ra’yigeygan
si loo gaaro xal: -
- In
Dowladda federaalka kumeel gaarka
ah, lagu adkeeyo inay waddanka ka
saarto ciidamadan ay horey uga
dalbatay inay taageeraan.
- In
labdi dhinacba ( Dowladda
Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga)
aysoo celiyaan wadahadlki oo ay
miiska wadahadalka dib ugu soo
noqdaan, waa sida aan mar walba
qabay. Run ahaanti mar walboo miis
lawada fariisto oo lawada hadlo,
waxaan aaminsanahay inay wax
hagaagaan mooyee, aanay waxba
xumaanayn. Ee arintaasi waa muhiim
oo waa in labada dhinacba fikirkaas
ay taageeraan.
- In
Dowladda federaalka ay ka fiirsato
in ay Hogaamiyayaashi dagaalka dib
ugu soo celiso boosaskoodi, oo
waxaan ka codsaneynaa in ay dadka
hor keento wajiyo cusub oo aan
horey wax looga tirsaneyn, laguna
kalsoon yahay aqoontooda iyo
kartidoodaba.
- In
halka ay nabad ilaalinta u joogaan
ciidamada Itoobiyo, lagu badalo
Ciidamo isku dhaf ah oo ka
kala socda Afrikada kale oo dhan iyo
Carabta. Ujeedadeydu maaha inaan
taageerayo in Ciidamo shisheeye
dalka la keeno, ee waa iga (Labo
daran kala dooro).
- In
dadka aqoonyahanada ah, ay arimahan
ku baraarujiyaan bulshada, iyagoo
weliba baaqyo wadajir ah u diraya
dowladda Federaalka iyo Beesha
caalamkaba.
- In
Dowladda Itoobiya ruuxeeda laga
dhaadhiciyo inay ilaaliso rabitaanka
Bulshada iyo deris wanaagaba.
- In
laga abaabulo Mudaharaadyo ka dhan
ah Ciidamada itoobiya, dalka
gudihiisa iyo dibaddaba, oo si nabad
ah loo soo abaabulay, oo aan
Violence aheyn.
-
Soomaliyeey dagaal wax lagu keenayo
ma jiraan ee waa in marka hore xal
walba lagu raadiyaa si nabad ah.
- In
Waxgaradka, Aqoonyahanada, Culimada,
ururada Bulshada rayidka iyo
dhammaan dadka caqliga ehelka u ah
oo dhan ay si wadajir ah iyo si gaar
gaar ahba ay Dowladda federaalka
uga dhaadhiciyaan fekerkooda ku
aadan arimahan ku soo kordhay
Soomaaliya.
- In
Mas’uuliyiinta Dowladdu ay ka
taxadaraan hadlada aan laga fiirsan
ee saxaafada loo sheegayo sida kii
mas’uulka Xuseen Ceydiid uu ka
dhawaajiyay oo runti ahayd arin ay
dadka Soomaaliyeed fajaciso iyo
amakaag ku riday. Waxa haboon
mas’uulku inay u diyaarsan tahay
waxa uu ka hadlayo.
- In
mar walba laga fiirsado
tallaabooyinka la qaadayo oo ay
noqdaan kuwo laga taxadaray, oo laga
eegay dhanka san iyo dhanka xunba.
Haddaba
anigoo hadalkeyga soo gunaanadaya, ayaa
waxaan leeyahay Soomaaliyeey wax walboo
nagu dhacay waa wax innaga aynu isu
keenay, oo haddii aynu ilaalin laheyn
kala danbeynti, isqadarinta, midnimada,
oo aynu qurunka Qabyaaladda iska deyn
laheyn, waxa dhici laheyd inuu Allaah
inoo naxariisto, oo ay musiibooyinkan ay
na hareero mari lahaayeen. Hadda iyo dan
aynu usoo jeesano sidi dalkeena looga
saari lahaa ciidamadan Itoobiya innagoo
isku duuban annaga iyo Dowladda
federaalka ahba.
Dowladda
federaalka ah waxaan leeyahay, maanta
wixi dhacay wey dhaceen, ee waa inaad
eegtaan rabitaanka shacabka aad
mataleysaan. Ogaada talaabo walboo aad u
qaadaan xagga wanaaga waxey horseedeysaa
in ay sumcadiini ay kor u kacdo, sidoo
kale mid walboo aad u qaadaan dhanka
xumaanta, waa mid magac xumo idiin
horseedeysa, baal mugdi ahna idiin
fureysa. Mar kale waxaan ku celinayaa
iyadoo ayan faa’ido laheyn in
waddankeena la keeno ciidamo ajnabi ah,
haddii laga fursan waayo waxa aad u
qurxoon in la keeno sidaan kor kusoo
xusay Ciidamo isku dhaf ah, oo
noo badala kuwan hadda jooga ee
itoobiyaanka ah.
Soomaaliyeey waddanka haloo duceeyo in
uu Allaah inaga qaado dhibaatooyinkan
nagu habsaday, oo uu Allaah quluubteena
isku soo duwo. Soomaaliyeey aynu
iscafino, oo wixi dhacay wey dhaceen ee
hadda aynu usoo jeesano sidi wax loo
sixi lahaa. Soomaliyeey aynu taageerno
mar walba wixi wanaag iyo kheyrka uu ku
jiro, aynu si wadjir ah ugasoo wada
jeesano dadka xumaanta ehelka u ah, ee
aan dooneyn inaynu qaadno tallaabooyinka
horumarka
Hadalkeygi
waa iga intaas, wixi wanaag ah aan
sheegay, waxey ka sugnaatay Allaah,
wixii xumaan ahna waa nafteyda iyo
sheydaan. ( January 04/07 )
Wabilaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social
Development Adviser
Leicester UK.
saicentadv@yahoo.com