Midowga
Maxaakimta Islaamka: Dabeyl Caafimaad oo Dal
Buka Saaqday
Mohamed O. Musa (Beddel),
Ph.D.
Antigonish, NS Canada
e-mail:
mmusa@stfx.ca
Midowga
Maxaakimta Islaamka (MMI) waxa ay ahaayeen
dabeyl caafimaad oo dalka intii ay gaadhey dawo
caafimaad u noqotey intii kalena uduggeedu
saaqey.
Lix iyo toban
sano in ku dhow markii koonfurta Soomaaliya
fawdo iyo qalalaase ay ku jirtay ayaa MMI u
horseeday kacdoon bulshadii dhulkaa degganayd ku
tuurtay heeryadii dagaal oogayaasha. Dadka oo
gadoodsan ayey horkaceen markaas ayey raggii ku
dhaadanayey in ay Maraykan hadh cad direen ayaa
orod bay naftu ku aamintaa yidhi. Dulmigii
huuray ayey kadin u fureen markaasu qarax ka
dhashay. Dhulkii ay dagaal oogayaasha ka
xoreeyeen, sidii dhul abaar ahaa oo raxmaddii
Alle maansheysay, ayey noloshi sidii daaqa u
biqishay. Guryihii dumay ayaa dib loo dhistay,
kuwo cusubna waa la yagleeshay, beerihiina
sidoodii ayey falashadoodii ku soo noqotey.
Raxmad Alle ayaa
Koonfur
badankeeda maansheysay, fooreheedii iyo
saxansadeediibana uduggeeda ayaa dhulka
Soomaalidu degto oo dhan wada gaadhey.
Intii Soomaaidu
waddanka xorta ah ahayd, waxa u talinaysay hal
dabaqo oo, haddiiba aaney ka madhneyn, ay ku
yihiin qiyamka iyo mabaadi'da uumiyuhu wanaagga
iyo xumaanta ku kala saaro oo dhaqanka
Soomaalida intiisa waxyeellada leh iyo
dhaqammada shisheeyahana intooda hoose si fiican
u dabbaqi taqaanna. Waa dabaqad aan gaboobin,
teginna, wax ka dhaca mooyee wanaagna aanu u
kordhin. Marka umaddu inta ay kacdo doonto in
ay heeryada tuurtona, iyagii oo sida dugaag
gaashaysan hamuum qaba se wejiqarisyo cusub
xidhan ayey soo noqdaan. Waa dagaal oogayaal,
waa madaxweynayaal, waa wasiirro, waa safiirro,
waa taliyeyaal ciidan oo magacyo kala duwan ayey
qaataan, duntooda iyo dhaqankooduse waa isku
mid. Halxidhaale carruureedka xerada wada usha
ah ee aan mid la qaato lahayn intoo laga beddelo
tafsiirkii hore in dabaqadan lagu tilmaamo
ayaabay ku habboon tahay.
MMI waxa ay
ahaayeen muunad (namuunad) u taagan garab kale
oo ka mid ah garaabyada bulshada Soomaalida.
Waa garab wanaagga umadda mooyee aan weli
xumaanteeda faraha la gelin. Waa garab waddani
sooc ah. Waa garab gumeysiga iyo gunnimada
bulshada shisheeyuhu la maago ka gilgisha. Waa
garab maalinta bulshadu mudato aan waxba hagran.
Waa garabka ay ka mid ahaayeen Sayid Maxamed, Sh.
Bashiir iyo Sh. Xasan Barsane.
Jiilaal
dheeraaday oo dad iyo duunyoba itaal beeleen,
hillaac onkod iyo gufaaco roobaad iyo guyaad
horseed u ah ayey ahaayeen. Ummad, sidii
dameerkii ku jiray sheekadii Beerta Xayawaanka,
wanaag ka quusatey ayey rajo cusub iyo raynrayn
ku abuureen.
Meelaha dhulka
Soomaalida u ladan kuwa ka taliyaa, wax ay soo
kordhiyaan markii laga quustay, waxa ay dadka ku
khuukhin jireen yeydaan sida Xamar noqonnin ee
ha is dhaqaajinnina. Kuwaas ayaa ugu yar oo
marmarsiiyihii ay runta dadka kaga jeedin jireen
ayey ka xayuubiyeen oo iyagiibaa lagu yidhi,
“Kuwa Xamar ka taliyaa idinka karti iyo amaanoba
roon.”
Aadamuhu
dhammaystir ma laha oo dhalliil loo waayi maayo,
oo la dhalliilay, sax iyo khaladba. Dhalliisha
waaqica ku saleysan waxa ka mid ahaa in aaney
cadaaladda sidii la rabay u oogin, oo tusaale
ahaan, aaney dhulkii ay qabsadeen dadkii
degganaa si isle'eg hoggaanka ugu qaybin ama rag
godob lagu tuhmayaa ay ka qeyb galeen
hoggaankooda. Waxa ay u badan tahay in ay
arrintan sabab u ahayd arrintan jabkoodana u
sababta y nafteedu. Hab beeleed ayey wax ku
bilaabeen oo dhismahooda sees u ahayd dibaddana
cadaadis xoog leh oo fursad siin waayey in hoos
eegaanba ayaa kaga yimid.
Shaneemada
xidhitaankeeda, oo iyana lagu dhalliilay, haddii
aynu u nimaadno, waa arrin Soomaalida qurbaha
iyo shisheeyaha ay la sheekaystaan ku kooban.
Marka laga tago in Soomaalida waddanka ku nool
inteeda badani yihiin muslimiin muxaafid ah oo
aaney shaneemada iyo caweys-gaalaadku dhaqan u
ahayn, waxa jirta in badidoodu waxyaabihii
aasaaska nolosha ahaa ee quudka iyo qeydku u
horreeyaan ay halgankoodii la kacaa-kufayaan.
Haddayba u hawoon lahaayeen in ay filim
shisheeye daawadaan, ma karaan in ay
shatigiisa iibsadaan. Midda kale, ninka Xamar
joogay ee wax kaleba ha joogtee ay soo martey in
isagoo salaaddii Subax ka soo baxay masjikda
hortiisa la yidhi shaadhka bixi, macawistana ka
dhex bax, ama haweenayda goortii gabbal dhaco
aan gurigeeda kadinkiisa u dhaafi karin baqe ay
kufsi iyo sharaf-rid ka qabto darteed, haddii ay
xataa caado u ahayd in ay shaneemo galaan,
amniga MMI u keeneen iyo balwadaa khafiifka ahi
arrimo ay isku doorsan karaan uma muuqdaan.
Dhalliilaha
xagga balwada la xidhiidha waxa iyana ka mid ah
ta joojinta qaadka. Waa ay jirtay in ay qaadka
dan ku qabeen dad badan oo Soomaali ah oo ka
shaqeyn jiray geyntiisa iyo gadistiisaba.
Qaadka iyo daroogooyinka kaleba, sida qammaarka
inta ku khasaartaa inta ka faa'iidda aad uga
badan tahay, ayey Soomaalidu guud ahaan dhibta
ay ku qabaan aad ugaga badan inta ka faa'iidda.
Mas'alada qaadka iyo bulshada Soomaalidu waxa ay
la mid tahay sida goob qammaar ama kasiino
dowlad shisheeya waddan dan yar ah ka furatey oo
dakhliga ka soo baxa keligeed qaadata dadka
maxalliga ahina adeegayaal ahaan uun wax ugaga
soo duulduulaan. Dhinaca dhaqaalaha haddii la
eego, ganacsiga qaadku dhulka Soomaalida waxa uu
ka saaraa qeyb laxaad leh oo wax soo saarkooda
guud ah. Waxa weheliya khasaare nafeed iyo
waqti oo aan laxaad leh xooggii umadana waa uu
burburiyey. MMI iskuma deyin in ay ka joojiyaan
qaadka dhulkii ay ka talinayeen oo keliya eh,
waxa ay ku guulaysteen in uu ilaa xad joogsaday
shilin Soomaaliga falceliskiisuna waxa uu noqday
in uu kor u kacay ku dhowaad 25%.
Haddii ay soo
rogaal celiyaan Ilaahey garabkooda ha galo,
haddiise ay sidaa ku tagaan, taariikhda
Soomaalida ee waqtigan waxa ay uga dhex muuqan
doonaan sida dooxada biyaha lihi uga dhex
muuqato lama degaanka buska iyo ciidda mooyee
aan geed sare iyo ku hoose toona ka bixin. Waxa
ay gelidoonaan baalka ay galeen halyeyda ay u
horreeyaan Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Sheekh
Bashiir iyo Sh. Xasan Barsane iyo intii geesi
Soomaaliyeed hortood gilgilatey gacalse weyday.
Mohamed O. Musa
(Beddel), Ph.D.
Antigonish, NS Canada
e-mail:
mmusa@stfx.ca
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Dec 31, 2006
KULAABO BOGGA
MAQAALADA..... GUJI...