Kadib
markii Maxaakimtii baxeen, reer Xamar, maxay
dowlada ugu soo dhaweeyeen boob iyo bililiqo?
Isla markii
ciidamadii Maxaakimtu jabeen, maxay reer
muqdisho ugu soo kacday shahwadii kufsiga,
bililiqada iyo boobka oo ay illaaween muddo 5
bilood ah oo maxaakimtu ka talinayeen Muqdisho?
Isbadalada iyo
dhacdooyinka Soomaaliya waa kuwo aan la
saadaalinkarin. Isbadalkii waynaa ee taariikhiga
ahaa ee warlordskii Muqdisho loogasaaray,
dakadii iyo garoonkii caalamiga ahaa lagu furay,
aammaankii iyo kala danbayntii lagu sooceliyay,
guryihii iyo hantidii lagukala qabsaday
dagaaladii ahliga ahaa la isugu celiyay waxay
ahayd wax aan cid saadaalisay iyo cid ku
fikirtay midna aysan jirin. Xattaa marka lagu
daro kuwii sameeyay ee guushaas gaaray. Si fudud
wixii ku yimaada si fudud ayay kutagaan.
Sidoo kale,
xoogii layaabka lahaa ee Maxaakimta Islaamiga ah
ee wadanka inta badan si fudud gacanta ugu
dhigay, dawlado badan iyo dadbadana taageereen,
isla markaasna lagu tuhmayay diin iyo ikhlaas
inay sadex maalmood kujabaan, isla markaasna ay
ka baxaan magaalo madaxdii muqdisho oo la
islahaa waxay ku dagaalamayaan bilo iyo bilo,
waa wax aan la filayn. Malaha Ilaahay wuxuu
rabaa inuu insaanka tuso in kaligi ogyahay waxa
dhicidoona iyo sida ay u dhacayaan, inuuna u
doortay Soomaaliya meesha uu ku soo bandhigayo
arrintaas.
Si kastaba ha
ahaatee, waxaan kusoo bandhigaynaa halkaan laba
su’aalood oo muhiin ah. Midda koowaad; Maxay
reer Muqdisho u bilaabeen boobka iyo bililiqada
markii la jabiyay ciidankii Maxaakimta? Su’aasha
labaad; Haddii Maxaakimtii meesha ka baxeen
Dawlada kumeel gaarka Soomaaliya iyo bulshada
caalamku ma soo celinkaraan nidaamkii iyo
ammaankii ka jiray Muqdisho mudadii Maxaakimtu
ka talinaysay? Haddii aysan soo celinkarin waayo?
Caqliga iyo
sharcigu waxay keenayaan in reer Muqdisho u
baroortaan oo difaacaan, wanaagii, nadabadii iyo
kala danbayntii ay heleen mudadii Maxaakimtu ka
talinaysay Muqdisho. Halkii taas laga filayay,
waxay u qalab qaateen boobkii iyo isbaaradii
inay soo celiyaan. Waxaa dadka qaar u fahmi
karaan in dadkaasi rabeen xumaantii hore ee
dadka inta lafduubo lakala gadanayay, oo ay
Xamar caanka ku noqotay inay yiraahdaan “War
gacanta hore ka gaara” Gacanta hore ka gara
macnaheedu waxaa weeye, qofka marka la afduubo,
qolada afduubtay, waxay ku gadayaan qiimo jaban.
Tusaale ahaan waa sidaan: Markay qabsadaan qofka
waxay ku baayacayaan $15000. Mudo yar ka dib
waxaa imaanaya kuwo kale oo aan ahayn kuwii
markii hore qofka afduubay, waxay oranayaan
annaga ayaa ini siinayna $15000. Kadib markay
qofkii qaataan, waxay ku baayacayaan $25000.
Kuwo kale ayaa imaanaya. Waxay ku baayacayaan
$35000. Sidaas ayay ahayad qisada Muqdisho
Maxaakimta ka hor. Reer Muqdisho ma taas ayay u
xiiseen?
Markaan oo
kale, waxaa fudud in dhalinyaro badan ay u
daliilsadaan arrintaan in dadkaani gaalo shar
iyo xumaan u banbaxday ay yihiin, loona
baahanyahay in loola macaamilo sida gaalada ama
ka daran. Laakiin fahamkaasi sax maha ee waa
jawaabta fudud ee su’aasha, taas oo ay
isticmaalaan kuwa ka wahsada cilmiga iyo baarida
arrimaha xididadooda. Fahamkaasi waa khada waana
ka digayaa.
Aniga sida ay
ila tahay, waxa ka dhacay Muqdisho iyo sida ay u
dhaqmeen reer muqdisho, waxaa ku sugan darsin
loo baahanyahay inay bartaan dadka ka shaqaynaya
oo isku howlaya arrimaha bulshada. Cibro wayn
iyo caqli badan ayaa laga qaadan karaa arrintaas.
Arrintaasi waxay kuu tilmaamaysaa meesha cudurku
ku jiro iyo cidda jiran. Waxaad ogaanaysaa dadka
aad rabto inaad wax u qabato, diin ku xukunto,
dowlad ka dhigto waxa ayyihiin iyo sida ay wax
ukala doortaan.
Waxaad
ogaanaysaa inaysan mushkuladu ahayn qofofka,
sida Siyaad Bare, Caydiid, Cabdulahi yuusuf,
Qanyare, Yalaxow iyo wiixi la mid ah. Waxaad
ogaanaysaa in ragaasi ahaayeen ama yihiin
hogaamiye yaashii bulshada Soomaaliyeed. Laakiin
waxa jiran oo daawada u baahan inay yihiin
mujtamaca laftigiisa. Haddii aan si kale u
iraahdo, dhibta ummadaani ma aha hogaamiye
yaasha ay leeyihiin ee waa ummada lanteeda.
Waxaa loo baahanyahay inaan wakhti la isaga
qaadin eedaynta iyo baasaysiga shakhsiyaadka ee
la fahmo meesha sartu ka quruntay oo ah
mujtamaca naftiisa. Had iyo jeer mushkuladaas,
waa la iska indhatiraa waana laga wahsadaa oo
waxaa la isku dayaa in lahelo wado gaaban oo
dawlad lagu noqdo oo wanaag aan bulshada ka
imaan lagu helo.
Marka aad
haysatid ummad wax garad ah oo danteeda
garanaysa, hogaamiye wax kaa dhimi kara ma jiro.
Hogaamiyuhu wuxuu ka yimaadaa mujtamaca. Haddi
mujtamacu yahay jaahil, mooryaan ah, waxaa ka
soo dhexbaxaya mid mooryaan ah. Haddii mujtamacu
yahay mujtamac wanaagsan, wax bartay, dhaqan
fiican iyo akhlaaq wanaagsan leh ma aqbalayo
xumaan badasha dhaqankooda iyo diintooda.
Laakiin Mujtamaca aad hadda haysato waa kaas,
markii u maqlay ciidamadii maxaakimta waa laga
adkaaday, isla markiiba u dhaqaaqay boobka iyo
bililiqada. Waa mujtamac jiran. Wuxuu u baahan
yahay in la daaweeyo, wax la baro, aan laga
wahsan, wakhti iyo maal lagaliyo. La sifeeyo
dhaqanka iyo akhlaaqada mujtamaca.
Dadka maanta
doorashadoodii sidaas noqotay, maxay macnaa oo
samaynaysaa inaad ku tiraahdin doorasho
siyaasadeed gala oo madaxwayne iyo baarlamaan
doorta. Arrinta Xamarka ka dhacday iyo sida
shacabku uga jawaabay jabkii ciidamada
Maxaakimta loogaystay, waxay tusinaysaa inaan
shacabkaani joogin heer garasho oo ay ku kala
doortaan sharka iyo khayrka ama ay ku fahmaan
sidii ay u noolaan lahaayeen.
Sidaas
daraadeed, qofkii raba inuu dadkaan wax u qabto
waa inuu badalo nafsiyaadkooda, oo intuu ka
daadiyo waxa xun ee ka buuxa uu ku shubo wax
fiican iyo akhlaaq bilaa’aadanimo. Shacabka
Soomaaliya wuxuu u baahanyahay in la soo
gaarsiiyo xad bilaa’aadanimo inta aan wax kale
lagu fikirin. Dawlad, nabad, dhaqaale, horumar
waxaa sameeya dad sharka iyo khayrka kala dooran
kara oo dantooda garan kara. Dadkaani majoogaan
heerkaas. Waxaa loo baahanyahay in la isku
mashquuliyo, wakhti badana lagu bixiyo sidii
dadkaan looga dhigi lahaa dad bilaa’aadan ah oo
dantooda garan kara. Taasi wax sahlan oo iska
imaanaya ma aha ee waa wax u baahan wakhti iyo
dadaal dheeraad ah.
Shacab
akhlaaqda iyo caqliga ka aradan ee aan qiyam
bilaa’aadanimo lahayn, wuxuu u baahan yahay in
dhaqancelin lagu sameeyo oo wax la baro. Diinta
Islaamka ee aan doonayno inaan ku xukuno dadkaan,
waa inay ka bilaabato quluubtooda iyo naftooda
dhexdeeda. Waa inay ka muuqato akhlaadii iyo
dhaqankii islaam lagu yaqaanay. Waa inay u
qaataan dhaqan ahaan iyo asluub ahaan. Haddii
taas la waayo, waa in marka hore wax la baraa
oo wakhti loohuraa ayada oo aan lagu dagdagin
xukun iyo maamul.
Su’aasha labaad
ee ah Dawlada kumeelgaarku ma soocelinkartaa
ammaanka iyo nabada?
Way dhici
kartaa oo mustaxiil ma ah, laakiin aniga waxay
ila tahay maya. Masoocelin karaan ammaankii iyo
kala danbayntii ka jirtay Muqdisho.
Dadwaynaha reer
Muqdisho ee bilaabay bobka iyo bililiqadu waxay
ka jawaabayeen ruuxda iyo akhlaaqda ciidanka
guulaystay. Waxay u sii dhaqmeen sidii laga
filayay iyo timaamihii ay la haayeen ciidanka
guulaystay ee soosocda. Wanaagii iyo kala
danbayntii keentay, in la furo dakada iyo
garoonku waxay ahaayeen akhlaaqdii iyo dhaqankii
ciidankii jabay ee laga adkaaday. Hadii
ciidankii Maxaakimtu tagay oo laga adkaaday,
ruuxdii Islaamiga ahayd ee Muqdisho maamulaysay,
caddaladii iyo sinaantii waa inay tagtaa.
Mas’aladu
ma’aha xooga iyo hantida, ee waa ruuxda iyo
akhlaaqda. Ciidanka xooga badan ee jabiyay
Maxaakimtii kama saari karo qabiilka mar labaad
qabsaday garoonka iyo dakada, maxaa yeelay
ruuxda iyo akhlaaqda uu xanbaarsanyahay ayaa ah
mid la mid ah tan uu xanbaarsanyahay kan haysta
garoonka iyo dakada. Inta hadda ka sii muuqata
waa raadkii Maxaakimta, laakiin mustaqbalka
dhow, waa Muqdisho xukumi doona ruuxda ciidanka
qabsaday ee ay ka mid yihiin kuwii horay looga
saaray Xamar.
Ruuxdii
caddaalada iyo nabadu way jabtay. Ciidankeedii
waa tagay. Ciidanka xooga badan ee hadda
qabsaday Xamar, ha ku soo dhawaado dhaqan iyo
afcaal waa faqsan ruuxda uu xanbaarsanyahay oo
ah, dil, kufsi, jidgooyo iyo biliqo. Sidaas
daraadeed suuro gal ma’aha in dowladu sugto
amniga Muqdisho ayada oo adeegsanaysan ciidan
iyo lacaq. Sidoo kale caalamka kale waxba kama
qabankaro fowdada Xamar. Dagdheer dhimatoo
dhulkii waa nabad.
Sheikh
Abdiraxmaan Maxamed Jibriil,
jibriil1950@yahoo.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 1, 2007
KULAABO BOGGA
MAQAALADA..... GUJI...