XAMAR - AMA AAN KU
XUKUMO AMA XASILOONI WAA
Cabdiraxman
Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Lalama yaabeen
hadii markii ciidamada dowlada iyo kuwa
Itoobiyaanku ay ku soo dhowaadeen caasimada
muqdisho ay maxkamaduhu u diyaar garoobaan inay
iska caabiyaan ciidamada soo siqayey oo ay
dhufayso adag ka qotaan Muqdisho hareeraheeda
iyo dhexdeeda, laakiin mar hadii ayan taasi
dhicin iyagoo sabab uga dhigay badbaadada
shacabka Muqdisho, waa maxay hadaba xiligan
amaan xumada iyo qalaasaha lala jeclaysanayaa
shacabka Muqdihso ee dhibta mudada dheer ku soo
jirey.
Safiirka
Soomaaliya u fadhiya Masar Cabdillahi Xassan
ayaa mar la weydiiyey in maxkamaduhu keeneen
amaan iyo kala danbayn mudo 6 bilood ah, ku
jawaabey maxkamaduhu amaanka shacabaka uma
keenin ee naftooday u keeneen, mar hadii la
saarayna shacabku inoo halaagmo waxay ka jecel
yihiin ma jirto waayo awelba shacab umay
shaqaynayn ee iyagaa laftooda u xoogsanayey.
Dhacdooyinkan
amaan xumida ah ee laga soo sheegayo Muqdisho
ayaa waxay i xasuusiyeen nin la oran jirey Suufi
Xaashi oo mar baabuur kolonyo ah oo uu watay ay
u soo hoydeen tuulo ka mid ah tuulooyinka
Soomaalida kana baqay in alaabta gawaarida
saaran la xado inta ay hurdaan sidaa la
ajligeedna isugu yeeray intii uu is lahaa waa
tuug alaabta xadi doonta oo ku yiri alaabta iyo
baabuurta waardiyeeya aroortii marka waagu
beryana khidmadiina oo kaash ah qaata, subixii
markii la toosay ayaa loo yimi alaabtii oo dhan
oo aan far la saarin, markaasay tuugtii waardiye
yaasha ahaa intay ku soo yaaceen Suufi ku
yiraahdeen "hade waanagaa hantidii kuu xafidnay
oo ku ilaalinaye xaqayagii na taabsii", Suufi
baa intuu dhoosha ka qoslay yiri oo hadii
intiinii tuugta ahaydba aad waardiyeyaal
ahaydeen yaad ka waardiyeynayseen….! Waxaadna
moodaa in amaanka maxkamadaha la sheego inay
keeneen uu si dadban u waafaqsanyahay xigmada
Suufi.
Waxaan kaloo
arintan wax ka waydiiyey nin ganacsade ah oo la
yiraahdo Maxamed Yusuf oo si isdaba jog ah xamar
u taga wuxuuna ugu yiri hadal aan la yaabay "War
dhegeyso waxaan aad maqlayso wax baa la qarxiyey
waxbaa la dhaawacay, hoobiyaa la soo ridey
awelba way dhici jireen xiligii maxkamadaha
laakiin maxkamaduhu waxay gacan bir ah ku hayeen
warbaahinta wadanka kuwaaso qaarna lafahooda uga
baqayeen qaarna qabiil ahaan u taageersanayeen
sidaa darteen war xun lama sheegi kari jirin
….Saxaafada Xamarna waxaa lagu mashquushay
xiligaas Maxay Qabatay Towradu.
Isku soo duubo
hadii badbaadinta ummada iyo nasteexaynta
shacabka ay ahayd hadafka ay lahaayeen
maxkamadihii laga taagta roonaaday ee Muqdisho
ma jirto sabab ay hada hadaf uga dhigtaan
maatada oo ay u laayaan dad aan dembi geysan si
ay u maqlaan Jazeera ama British Brodcasting
Corporation oo ku hadaaqaya Xamar xiligii
maxkamadahay amaan ahayd.
Dhinaca
dowladana waxaa la gudboon in ay u adeegsato
warbaahinta sidii maxkamaha oo ay ku qasabto
inay oofiyaan Axdiga Guud ee Warbaahinta ayna
wararka oo dhan sheegaan xumaan iyo samaanba,
halka hada ay ku mashquuleen war xun sheegnimo
keliya.
Walaahu Aclam,
Cabdiraxman
Xariri – Saudi Arabia.
xariri@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Jan 27, 2007
BULUUGLEY YAA KA
NAXAY
Cabdiraxman
Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Wax lala yaabo
ma'aha in qof ka tirsan gooni-goosatada
Soomaliland la baxday uu sheego inuu neceb yahay
calanka Buluuga ah ee xidigta shan geeska ahi
dhexda kaga taal, laakiin weli ma aan maqal cid
ku dartay weedha ah Markaan Arko Waa Naxaa…….Ka
daroo dibi dhal.
Aniguse dooni maayo inaan is gaabiyo oo aan wax
ka idhaahdo waxa Ina Cali Waraabe ka soo
burqadanaya ee aad moodo inuu ka hadli jirey
idaacadahii gumaadka dhiiri gelin jirey ee
Ruwanda ee ka jirey sagaashameeyadii (Hate
Radios). Laakiin waxaan doonayaa inaan kelmed
iraahdo dadka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi
ku dhaqan.
Khariidada
Hoose inta midabka casaanka waa dhulka Oromada
Ma ogtahay in dhulka Qowmiyadda Oromada ay
baaxadiisu yahay 353,632 km2 ,
dhulkaas oo hadda ka tirsan Ethiopia balse ay
qowmiyadda Oromiya u halgamayaan in ay ka
xoroobaan Ethiopia, tirada Oromada ee ku dhaqan
khariida Inta ka calamadsan waxaa sannadkii 2002
lagu qiyasay 24 million oo qof, Laakiin guud
ahan Oromada ku dhaqan Ethiopia waxaa lagu
qiyaasaa 26.6 Million.
Akhri:
http://www.oromoliberationfront.org/
YABOOH
(APPEAL) KU WAAJAHAN UMMADDA SOOMAALIYEED
Anigoo ah Xaafid-ed-Diin Cumar Axmad Malow, loo
yaqaanno Cumar Cusmaan Raabe.
Anigoo wax badan uga digay ummadda Soomaaliyeed
mu'aamaradaha cadowga Xabashida inta (Dowladaha) had
iyo jeer hiil iyo hoo la garabjooga. Waxaan ugu
yaboohaya Shacbiga Soomaaliyeed meel u joogaba iyo
Qaranka Soomaaliyeed gebi ahantii:...
Akhri... |
Waa marka hore
e hadaad goosanaysaan oo aad isla ogoshihiin
dhexdiina oo aad wax ku faaiidaysaan inaad
Soomaaliya inteeda kale ka go'daan oo caalamka
iyo Soomaalidu idinla ogol yihiin, waa xaq
sharci ah inaad gooni isu taag dalbataa laakiin
waxaa waajibku yahay inaad soo martaan dariiqada
saxda ah ee oo la mid ah tii la maray markii la
midoobey, hadiise la damco in colaada la sii
kordhiyo oo soomaaliyoo dhan lala hardamo waxaa
imaanaysa in waqooyigu goosina waanyo joogina
waayo waana dembiga ugu xun ee shacabkan
dhegaha-nugul laga galo.
Dhinaca kale Iyadoo aynu ognahay heerka musuq
maasuq iyo maamul xumo ee goboladan ku habsadey
oo ay ugu dambeysey fadeexadii Sulub iyo Haatuf,
waxaan shaki ku jirin in inta yare ee danaha
khaaska ah ku qabta nidaamka aqoonsiga waayey ay
doonayaan in dadka reer waqooyiga ah ay
dhexdooda iska horkeenaa walaaladooda
koonfureedna ay fidno dhex dhigaan si ay iyagu
danahooda u gaaraan.
Hadaba iyadoo laga soo gudbey xiligii jujuubka
iyo isu talinta uuna qof walboo soomaali ahi
haatan indhaha ku hayo wixii baxaya iyo wixii
soo gelaya soomaaliya guud ahaanba iyo waqooyiga
gaar ahaan, waxaa haboon in calanka soomaaliyeed
Astaanta u ah Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo
ay joogaanba aan loo wax yeelayn si majaraha
loogu sii hayo doonidan Soomaaliland loo bixiyey
ee dakhalkeedii jabay ee ay muuqato in ay maalin
uun u soo caariyi doonto xeebaha Koonfureed ee
Soomaaliya.
Walaahu Aclam
Cabdiraxman Xariri
xariri@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 18, 2007
5 Sababood
Darteed Dagaalka Gobolka Baay Jihaad Ma’aha
Cabdiraxman
Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Dec 22, 2006
Markii Ilaahay
Subxaanahu watacaalaa Malaaigtiisa u sheegay
inuu samaynayo Makhluuq cusub oo uu aduunka ku
beerayo, sida quraanku sheegay malaigtu ma
jeclaysan arinkaas iyagoo subab uga dhigay in
bani’aadamkan dhoobada laga samayn doonaa ee
aduunka la dejinayaa uu dhulkan cusub ee quruxda
badan fasahaadin doonaan oo dhiig ku daadin
doonaan. Halkaa waxaa ka cad in dhiig daadintu
ama is-dilku yahay waxa ugu badan ee bani
aadamku cadhada Eebe ku mutaysto keentana in
dhulka iyo adoomaha eebe ku beerayba ay
fasa-haadaan oo burbur.iyo nolol xumo soo
wajahdo.
Iska daa hadii
qofka la dilayaa uu Mulim Ashahaata oo ehlu
towxiid ah yahay, waxaana xadiis rasuulku (CSW)
ka sugnaaday uu ku yiri i “Aduunka oo la baabiyo
ayaa ilaahay kala fudud qof muslim ah in
dhiigiisa la daadiyo”. Marka Ilaahay sidaa inoo
sheegay looma baahna in la leex leexiyo micnaha
oo la yiraahdo dadka qaar baa Muslim sax ah
qaarna waa muslim dhiman, iyadoo aynu ognahay in
rasuulku (CSW) dad Munaafiqiin ah oo ogyahay
aanu ogolaan jirin in waxa dhibaato ah loo
geysto af iyo adin toona oo isaga iskala
socdeen.
Dhinaca kale
shantan qodob ee aan hoos ku sheegi doono
darteed dagaalka baydhabo lala beegsaday
Jihaad Islaami ah ma’aha mana buuxin shuruudaha
laga doonayo in Jihaadka nadiifta ahi yeesho:-
1. Waxaynu ku jirney Bilaha La
Xurmeeyo “Ashhurul Xurum” afarta bilood ee
ilaahay mamnuucay in wax dagaal ah Islaamku galo
waxayna kala yihiin Dulqicda, Dulxijah, Muxaram
iyo Rajab, (ma hubo in ninka todobada beri
qabtay ee dagaalkan huriyey uu maqlay Ashurhurul
Xurum iyo inkale).
2. Dadka wax ku noqday dagaalka
badidoodu labda dhinacba waa Muslimiin waxaana
islaamku xaraantimeeyey in dagaal dad muslim wax
ku noqonayaan la qaado sida suratul Fatah
ilaahay ku sheegay aayada (25aad ). Rasuulakana
waxaa caado u ahayd markuu dagaal qaadayo inuu
soo dul fadhiisan jirey magaalada uu weerarayo,
haduu maqlo in salaada subax la adimay ma
weerari jiren (waxaan filayaa in reer Baydhabo
marka la isku daro soomaali oo dhan ay quraanka
iyo diinta ugu badiyaan adaanka salaada subaxna
aan laga waayeen hadii la dhegysan lahaa!)
3. “In Tigree dalka laga
xoreeyaa” ma noqon karto sabab jihaad loo
iclaamiyo waayo xoraynta dhulku ma aha
waxyaabaha qofka Islaamka ah uu naftiisa u jaro
waxaana la waydiiyey rasuulka CSW qofkii
dalkiisa u dhinta iyo ka qabiilkiisa u dhinta
inay jidka Alle ku dhinteen iyo in kale wuxuuna
rasuulku CSW ku jawaabay ninkii u dagaalamaya in
kelimada alle (li’iclaali kalimati laah) korayso
ayuunba jidkii alle ku dhintay.
4. Ilaahay wuxuu yiri “Walaa
Talquu bi’aydiyakum ila tahlukah” gacmihiina
haku raadsanina halaag markaa ardayda yar-yar ee
aan weli qaan gaadhin ee dagaalka loo soo
daabulay waxay muujinaysaa in la gees-maray
qudsiyadii iyo karaamadii islaamku bani’aadmiga
siiyey iyo in aan la dagaalamin in laga fursan
waayo mooyee.
5. In aan “Gaalo” la kaashan
oo aan dad aan islaam ahayn la adeegsan si loo
jihaado waxaana rasuulka dhacday in mar uu nin
Kirisataan (Masiixi) ahi damcay inuu
Jihaad u raaco wuxuuna rasuulku si cadho ku
jirto u yiri “Noqo Gaal Taageero kama rabee”.
Inaguna waxaynu ognahay in ugu yaraan 2000 oo
Eriteriyaan Gaala ahi ay la safan
yihiin maxkamadaha taasoo muujinaysa in la laga
talaabsaday mid ka mid shuruudaha Jihaadka.
Isku soo duubo
dagaalkan wuxuu dhacay xili khalad ah (Ashhurul
Xurum), wuxuuna ka dhacay meel khalad ah (Baydhabo
Janaay) wuxuuna ku dhacay dad khalad ah (Soomaali),
sidaa darteed uma sugnaanin (marka shareecada la
eego) shuruudaha laga doonayo in Jihaadku yeesho,
waxaana shacabka soomaaliyeed ugu yeerayaa inay
nabada ka shaqeeyaan aana lagu maaweelin “Janno”
kuwii ku baaqayeyba ay dayaarad ka sooraaceen.
Walaahu Aclam
Cabdiraxmaan
Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Dec 22, 2006
9:24 AM
Afeef:
Aragtidan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...