Ururkii
TAYO oo TAF isu beddeley:
Ururka Tayo waxa la aasaasay dabayaaqadii sannadkii
2005-tii. Waxaana aasaasay dhallinyarada gobolka
Togdheer ee degen dalka Ingiriiska. Ujeeddada ururka
loo aasaasay waxay ahayd inuu waxtar ka geysto
arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo cayaaraha ee
gobolka Togdheer. Intii uu jireyna wuxuu geystay
waxtar la taaban karo isaga oo sannadkii 2006 ugu
deeqay Cusbitaalka waalida ee Maandhaye ee Burco
lacag dhan $2,000. Ururku wuxuu sannadka 2007da
qorshihiisa sannadlaha ah ku ballanqaaday inuu la
dhammeeyo dhismaha cusbitaalka Maandhaye ee
magaalada Burco. Muddadii koobnayd ee ururka jirey
wuxuu ku guulaystay inuu laamo (branches) ka
samaysto dhammaan magaalooyinka waaweyn ee dalka
Ingiriiska. Dalalka Yurub iyo Amerikana laamo ayaa
lagaga dhowaaqay. Wuxuu kaloo ururku ku guulaystay
inuu isu keeno oo mideeyo fikradda, talada iyo
tabaruca dhallinyarada gobolka Togdheer.
Intaa ka dib ururku wuxuu u hawl galay siduu urur
ahaan isu dhisi lahaa, xubno badan oo boqol
gaadhayana u kasban lahaa, siduu u samaysan lahaa
mareeg casri ah iyo siduu u heli lahaa lambarka
charity-ga iwm. Isla wakhtigaa ururku sida xeerkiisa
ku cad waxa uu sameeyey in uu beddelo
hawl-wadeennadii sannadkii hore, waxaana 24 Dec 2006
lagu qabtay shirweynihii sannnadlaha ahaa magaalada
London. Waxa halkaa lagu doortay guddi cusub,
waxaana lagu go'aamiyey qorshaha sannadka 2007 oo ah
inuu ururku la dhameeyo dhismaha Cusbitaalka waalida
ee Maandhaye ee magaalada Burco.
Doorashadaa ka dib, ururka waxa soo foodsaartay
dhibaatooyin aad u adag kaddib markii ay diideen
laba xubnood oo ka mid ahaa guddidii hore ee fulinta
guddidii cusbayd ee la doortay, sababo qabyaaladeed
dartood. Ururku xeerkiisana waxa ka mid ahaa inuu
qabyaaladda, takoorka iyo siyaasaddaba dibedda ka
yahay. Sidaasi darteed xubnahaasi waxay guddidii
cusbayd u arkeen in reer laga qaaday, reer kalena la
wareegay. Markii ay xubnihii ururku maqleen
fadqalalada iyo takoorka ay xubnahaasi ku kaceen way
ku gacansaydheen, kuna diiddeen arrintaas.
Dabadeedna labadii xubnood ee qabyaalada waday waxay
samaysteen guddi cusub oo barbar ordaysa guddidii
ururka, kuwaas oo u buuxiyey himiladoodii
qabyaaladeed (reerkii ay rabeen ka soo jeedda).
Kuwaas oo aan ururkuba ka mid ahayn.
Markii ay taasi dhacday waxa isu tegey xubnihii
ururka, waxaana go'aan lagu gaadhay in lala hadlo oo
wixii ay tabanayaan lagala xaajoodo, waxaana shuruud
lagu xidhay inay ka noqdaan guddida ay sameeyeen ee
reerka ku dhisan iyo fekerka sumaysan ee
qabyaaladeed ba. Taasna waa lagu guuldaraystay oo
horaa loo yidhi "nimay meeli u caddahay meeli ka
madow". Cid kasta oo danaynaysay in ururku shaqeeyo
ama horumar keeno waa loo direy. Wada xaajood iyo
isu tanaasul ba waa laga waayey oo way diideen, "Xaq
baannu ku taaganahay, ee Annagu wiil reer hebel1 ah
ururkayaga u dabo fadhiisan mayno". Ayey isla soo
taageen. "Haddii cidi tanaasul samaynayso idinku
taayada nagu raaca" ayey ku adkaysteen. Waxa xitaa
lagula taliyey oo xubnaha ururka iyo dad waaweyn oo
waxgarad ahi kula taliyeen inay iska dhaafaan
qabyaaladda maadaama ay tabaruc u samaynayaan meel
"public" ah oo cid waliba isticmaalayso, reer hebel
lacagta laga soo guraana aanay reerka magac iyo
sharaftoona u soo jiiddayn. Waxay ku adkaysteen inay
burburinayaan ururka haddii aanay iyagu madax ka
noqon.
Waxayna bilaabeen labadii xubnood ee ururka ka jabay
iyo kooxdii ka baxsanayd ururka ee qabyaaladda kula
socotayba inay ficiltan iyo dacaayad ay ku dhabar
jebinayaan ururka, kuna kala eryayaan xubnihiisa,
isla markaana waxay la wareegeen oo ay si shakhsiya
u isticmaaleen dhamaan agabkii shaqo ee ururka ee ay
gacanta ku hayn jireen oo ay ka mid yihiin
websitekii iyo sharcigii ururka. Waxay kaloo
bilaabeen inay dhallinyaradii ay isku reerka
ahaayeen dacaayad iyo aflagaaddo ku bilaabaan ay
leeyihiin "ma inan yar oo reer hebel ah ayaad
kaboqaad u tihiin, waar annaga na soo raaca" kuwii
diiday ee ka gacansaydhayna waxay ku yidhaahdeen "waa
la idinku shaqaysanayaa" iwm. Arrintan oo runtii
caqabad weyn ku noqotay hawlihii ururku inay u
fulaan sidii la rabay.
Markii xubnihii ururku ay si kastaba isu dayeen inay
xalilaan dhibaatadaas, muddo laba bilood ahna ay
afka gacanta ku hayeen, waxay talo isugu soo ururtay
labo. [1] Ma fekerkaa buka ee qabyaaladaysan ee
indhaha la', dibusocodka ah, takoorka iyo kala eriga
ku salaysan, ayeynu raacnaa. Mise [2] waxaynu ka
rumaynaa qodobka labaad ee xeerka ururka oo dhigaya
in ururku qabyaalad, takoor iyo siyaasadba ka madax
banaan yahay. Taa dambe ayaanna go'aankii noqday
xubnihii ururkii TAYO oo dhan marka laga reebo
labadaa xubnood ee feker habaabay, ayaa shir isugu
tegey magaalada Coventry, Sabtidii dhoweyd ee 24 Feb
2007.
Kaddib markii ay xubanaha ururku tixgaliyeen arrimo
door ah oo ay ka mid yihiin maadaama labadaa xubnood
ay magicii ururka u adeegsadeen qabyaalad, agabkii
shaqo ee ururka u isticmaaleen si gaar ahaaneed.
Waxay xubnihii ururku go'aansadeen in magaca ururka
looga guuro si loo badbaadiyo ujeedadii iyo
himiladdii ururka. Waxaana magicii ururka loo
beddelay Togdheer Abroad Foundation oo loo soo
gaabiyey "TAF". Ururka TAF ujeeddadiisa, himiladiisa
iyo hawlgalkiisuba isma beddelayaan, ururku waa kii
uun, balse magaca oo naga qabyaaladoobay ayuun
baannu nasteexo ahaan uga guur-nay. Laamihii iyo
xubnihiisuba sidii ayey ahaanayaan, hawshiina halkii
ayaa laga sii wadayaa.
Go'aankan oo ah mid runtii aad u dag in badana ay
xubanaha ururku ka fekerayeen ayaa wuxuu tahay mid
munaasib ku ah xaaladan qalafsan ee kala guurka,
lana kala dooranayo dibusocodnimo iyo horusocodnimo.
In ururka lagu hoggaamiyo qabyaaladaa iyo
waxyaalahaa foosha xun ee dib u socodka ah, lana
joojiyo hawshii wacnayd ee samafalka ahayd iyo in
godkii la inagu qaniinay aynu ka guurno, ku cimro
qaadanno casharkaa, kuna midowno si walaaltinimo leh
oo aynu gobolkeenii waxaynu u qabankarno qabano.
Haddaba, dhamaan xubanaha ururka TAF (Togdheer
Abroad Foundation) waxay ugu baqayaan dadka daneeya
inay wax ku celiyaan dhulkii hooyo ama jecel inay
wakhtigooda dheeraadka ah wax ugu qabtaan dhulkeenii
baahnaa inay kala qaybqaataan hawshan samafalka ah
oo aakhiro waxtar u leh qofkii ka qayb qaata. Waxa
kale oo aannu ka codsanaynaa saxaafadda in aanay
garabsiin wax-ma-garata dibusocodka ah ee raba inay
wiiqaan ururka midaysan ee maangalka horusocodka ah.
Fadlan waxaad la xidhiidhaa madaxda laamaha ururka
ee magaalooyinka UK
Faarax Xariir 07960375381 Liverpool
Cabdiqaadir Xirsi Ducaale 07957537667 Bristol
Abokor M. Cariish 07944865902 Sheffield
Maxamed Xirsi Cumar 07908482350 Birmingham &
Coventry
Cabdicasiis Maxamed Axmed 07951305371 London
Maxamed Ismaciil Cabdale 07940434170 Manchester
ILLAAHBAA MAHADLEH
ururkataf@googlemail.com
Dhamaan Xubanaha Ururka TAF
Faafin: Feb 28,
2007
DFKMG oo Eedayn
Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga
Soomaaliya
Wasiirka
DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha,
Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku
qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si
kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka
Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO
ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada
aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey
in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka
kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo
helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo,
ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan
dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee
Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20%
lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri,
diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si
sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada
galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn
lahaayeeneen...
Dhegeyso
Hadalkii Maareeye.
Feb 19, 2007
ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde
Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay
magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in
hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya
Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka
IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo
qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa
iyo waxyaalahay qabteen."
Dhegeyso
Hadalkii Gen. Cadde.
Waxaa taas ka sii
horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y.
Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga
Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad
Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka
maraykanka waxa
hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga
waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka."
Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...