Afrikada Qoriga sidata
iyo Qaxoontiga Meeranaaya
Cabdiqani Makhtal
Maxamed
Cabdiqanimakhtal@hotmail.com
Nairobi, kenya
waxaa in dhaweydba ka socnaysay Caasumada wadanka
Soomaaliya Qax , Barkac iyo waliba burcad dadka aan
waxba galabsan ka furnaysay Mobilad iyo wixii la mid
ah
kumanaan dadweyne aan waxba galabsan danbi aan dalka
iyo diintaba aan ka galin ayaa waxa ay ku jiraan
nolol aad u xun waxa ayna ku khasabtay in ay iska ka
qaxaan guryagoodii , waxa ayna hadeer ku nool yihiin
bilaa hoy waxaana u sii dheer ma haystaan wax ay
cunaan iyo biyo ay cabaan
waxaa lagu arkayaa magaalada Muqdisho wadooyinkeeda
waa weyn Hooyooyin iyo caruur da'doodu ay aad u
yartahay oo ka caraya maraafiicda ay is
weydaarsanayaa Ciidamada huwanta ah iyo kooxda
Muqaawinada ka wada Dalka Soomaaliya ,
qof waliba oo muqdisho jooga maanta waxa uu doonayaa
in uu qaxo ,hadii uusan hadeer qixina inta kale ee
Qoyskiisii ayaa uu ka saaray magaalada Muqdisho,
Qofkasta waxa uu ku qaxi karo ayuu ku qaxay ,
dadweynaha qaar baa ku qaxay Diyaarado, Baabuur,
Doonyo, qaarna Dameero ayey ka ka baxeen magaalada
Muqdisho oo ahayd hooyadii Soomaaliya
Muqdisho ayaa waxa ay gashay Maalo iyo habeyno Madaw
ka dib 6 bilood oo ay nabad ahayd markii ay gacanta
ku hayeen Golaha Maxaakiimta islaamka oo ay
ciidamada Huwanka ah ay ka awood roonaadeen ayna ka
saareen inta badan Soomaaliya , laakiiin waxa ay ku
jiraan hawdka gobalada Jubooyinka awoodoodiina waa
sidii inta badan shacabka Soomaaliyeedna waxa uu
taageersan yahay Kitaabka Ilaahay iyo Maxkamadaha
iminka shacabka Soomaaliyeed waxa uu ku jiraa
dhibaatada aadka u qalafsan ee aynu kor ku soo
xusnay, sidoo kale labada qaybood ee Soomaaliya ku
hardamaysa mid walibana waxa uu wadaa sidii uu awood
uu ka kale ku maquunin lahaa uu u helo ,taasina waxa
ay niyad jab iyo calool xumo ku reebaysaa Umudda
Soomaaliyeed ee aan waxba galab san ee dusheeda la
isku baacsanayo
Dawladda ku meel gaadhka ah iyo ta Itoobiya ayaa
waxa ay wadaan dadaal ay ku heli layaan Hub , Askar
iyo waliba Lacag ay ku baabi'iyaan kooxaha
Muqawinada ka wada Soomaaliya iyo Hadhaaga Golaha
Maxakiimta Islaamka oo ku jira hawdka ,laakiin iyagu
lagama ma qal qolo hebeley waxaas na siiya waxay se
u eegtahay in ay iyaguna wadaan qaban qaabo tas ka
daran oo ay ka raadinayaa ugu horayn Ilaahay ka
dibna Umada Soomaaliyeed iyo wadamada islaamka inta
badan
wadamo badan oo aduunka ah ayaa waxa ay dadaal ugu
jiraan sidii ay soomaaliya u geyn lahaayeen ciidamo
ay ku sheegeen Nabad ilaaliyayaal kuwaas oo xasilin
doono wadanka ay colaadu ragaadisay waa sida ay
hadalka u dhigeen
hadii aan indho indheeyey wax yaabo badan oo macquul
ila noqday marka aan la kaashayday caqligayga waxaa
ii soo baxday ciidamadan lakeenayo soomaaliya in ay
san Nabad iyo xasilooni aysan ku soo dabaali karin
Soomaaliya sababo jira awgood hadii aan ka sheego
mid ama labo waxaa ka mid ah
kooxda Muqaawinada oo aan ogalayn in ciidamo
taageeraya dawlada taagta daran ay yimaadaan wadanka
Soomaaliya, ka tusaale qaado wax hadeer xamar ka
socoda oo haben iyo maalin ciidama Itoobiyaanka ah
lagu sameeyo
inta badan Shacabka Soomaaliyeed oo u arka ciidamada
shisheeyaha in ay yihiin kuwo doonaya in ay
gumaystaan Soomaaliya
ciidama shisheeyaha ah iyo dawlada oo doonaya in ay
xabad iyo qori caaradii ay ku qabsanaan Soomaaaliya
Dhamaan aduunka oo dhan ama wadamada soomaaliya
danaynaya kuma jiro wadan kaliya oo yidhi bal
Ciidamdan Afrikaanka ah ee la isla soo qaaday ha la
hakiyo oo xaga wada hadalka ha loo soo jeesto ,
hadii uu yidhina daacad kama ahayn waayo waa la arki
laha ficilkeeda waxaa loo qaadan karaa in ay ahayd
ha lagaa sheego iyo iska dheh
Soomaaliya ma waxa ay ku danbaysay in Shacabkeedu uu
noqdo qaxoonti wareegaya daafah aduunka kumanaan ay
naftooda u haligaan iyaga oo ka cararya xabadda iyo
dar xumada ka jirta Soomaaliya , Afrika iyo
Aduunkuna ma waxa ay hadh iyo habenba ku mashquul
san yihiin sidii ay ciidamo colaad ka huriya
Soomaaliya ugu soo diri lahayaayeen?!!!!!!!!!!!!!!
jawaabta adigu isweydii walal
Cabdiqani Makhtal Maxamed
Cabdiqanimakhtal@hotmail.com
Nairobi, kenya
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
23, 2007
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...


|