ERAY-CILMI-AFEEDKA
AFKEENNA HOOYO
Qore: Abwaan Maxamed
Cabdiqaadir Daauud (Stanza).
ayaandhalad5@hotmail.com
Luuqad kasta oo ay
qowmiyad ama bulsho ku hadasho waxey leedahay
eray-cilmiyeed loo adeegsada laamaha luuqaddaasi ka
kooban tahay waxaana afka qalaad ee English
Language, lagu yiraahdaa: Terminology, halka afka
qalaad ee Carabigana lagu yiraahda: Musdhalaxaad.
Haddaba, waxaan maanta maqaal-afeedkeenna ku
qaadaadhigi doonnaa eray-cilmiyeedka xoolaha loo
adeegsada. Inta aanan gudagalin qeexidda
eray-xooleedka, waxaa xusid mudan inaan maankiinna,
akhristayaal, inyar oo milicsi-afeed ah ku dhibciyo.
Waxaan waayaheygii dugsi-aadka soo bartay magacyada
sawaxanka noolaha iyo magacyadooda qaar badan oo ka
mid ah, adna sidoo kale. Laakiin suaashu waxey tahay:
Afkeebaan ku baranay? Anigu waxaan ku bartay
English. Adna?
Mar haddii nala baray "Lion roars" IWM. Ma is-weydiisay
inaad afkaaga hooyo ku xeeldheeraatid mase jamatay
eray-cilmiyeedka afkeenna hooy?
XOOLAHA.
Xoolaha waxaa loo qeybiyaa: Dabjoog iyo Duurjoog.
Waxaa kaloo loo sii qeybiyaa: Nugul iyo Naygag.
Waxaa markale loo sii qeybiyaa: Ari, Adhi, iyo
Ishkin. Nugul lo'da ayaa ka mid ah. Naygag geela
ayaa ka mid ah. Erayga naygag waa laba eray oo
laysku dhababay midbana macno miiggan leeyahay.
Erayga qeybtiisa hore, "Nay" waxey tilmaameysaa ama
tahay orad oo geelu wuxuu ka mid yahay xoolaha
kuwooda ugu oradka badan. Erayga "Gag" wuxuu la
macno yahay erayga adeyg oo geelu wuxuu ka mid yahay
xoolaha la dhaqda, raacda, kuwooda ugu dulqaadka
badan.
Geela.
Haddaan soo
qaadanna qaar ka mid ah eray-cilmiyeedka geela loo
adeegsada waxaa ka mid ah kuwan: Riti (ga) ritigu
waa boqorka geela, dhuux gabayada abwaaniinta kala
ah: Daahir Cali Nuur, Maxamed Nuur Fadal iyo kuwa
kaloo badan. Riti baarqab ah, midka qoodha ah ee
geela lagu daaya ama lagu dara ee ku qooqa rimiyana.
Riti karinle ah, midka lagu guura marna geela lagu
daaya. Riti doodnaar ah, midka aan foolaadda aheyn
ee qoodha-daran ama siifka xun. Riti koran ah, midka
la dhufaanay ama la xiniinyo-siibay. Foolaad quruxda
geela ayaa loo adeegsada xoolaha kale may.
Qaalin, midka dhawr sano jirka ah ee aan wali
tabargalin balse ku sii dhaw tabargalka. Qurbac,
midka yar ee hooyadii dhaaryaya. Waxaa kaloo la oran
karaa riti hayiin ah ama gulungulshaa ah waxaana
loola jeedaa ritiga karinlaha ah ee reerka lagu raro
maxasta iyo maqashaba, marguufna meela qaarkood ayaa
looga yaqaannaa. Hal (sha) hashu waa mida dhadig ee
geela, waxaasa xusid mudan in xooluhu ay u
qeybsammaan: Lab iyo Dhadig. Hal irmaan, midda uu
ilmuhu nuugaya ama midda uu ilmuhu ka dhintay oo loo
yaqaan igadh (igir gobollada qaarkood). Hal rimey
ah, midda ilmaha uurka ku sidda. Hal galoof ah,
midda aan irmaaneyn uurkana ku sidin. Hal abeer ah,
midda aan dhalin. Hal galgaal ah, midda uu ilmuhu ka
dhintay ee gudhay, meelaha qaar waxaa looga
yaqaannaa: Caana-ku-gur, waxaa la macna-raacay in ay
hashu caanihii laga maali lahaa diidday halkaa
ayaana laga dooni karaa dulucda erayga aan dadneyn.
Hal garabweyn ah waxey macno ahaan ugu dhawdahay
galgaal laakiinse waxaa garabweyn inta badan loo
adeegsadaa qaalinta weynaatay ee abaahada awrtna ka
daahday. Nirig, midda yar ee dhaddig - caksiga
qurbac. Hal dhabiil ah - hasha tayada wacan oo
dhaqaaleeyuhu uu ugu lexjeclada badan yahay -
shandhalka IWM. Waxaa noo caddeyneysaa maahmaahdan
guunka ah: "Shan-dhal geel nin leh ma baxsho ninaan
laheyna ma qaata". Hal ilma-diid ah, midda ilmaha
marka ey dhasha diidda. Hal habad ah, midda aan
haraantin dabadhoonka iyo doobkaba - baarri ah. Hal
tooja ah, midda dhibka badan ee haraatida badan
marka la maalaya ama la lisaya - cabaadada cadheysan.
Codka Geela.
Ritigu wuu guuxaa marna wuu guux-ololaa. Arwtu waxey
u qeybsantaa mid doobiya (toobiya) iyo mid goray ah
oo goray-xableeya. Koronkuse wuu olol-guuxaa ama
guux-ololaa sababtuse waxaa noo sheegi kara
geel-jiraha aadka ugu xeeldheer qaab-dhanka geela
iyo gurxankiisa.
Hashu wey olashaa weyna guux-oloshaa markey fiigta
ama didana wey gurxantaa.
Nirigta iyo qurbacana wey ololaan. Waayoo codkooda
waa isku mid yaraanta awgeed.
Eray-cilmiyeedka Taranka.
Ritigu wuu qooqaa wuuna qalamdhacsadaa ama qablamaa.
Hashu wey abasaxdaa ritigaana abaahiya.
Qaalinta yar wey buurisaa markey rintana wey
xoomisaa.
Hashu wey rintaa oo wey dhashaa. Waa uur iyo ama wey
umushay lama oran karaya.
Hashu wey foolataa weyna fool-ba'daa ama fool-dhuntaa.
Wey xabbururisaa ama xab-jabisaa dabadeedna
ilma-keentaa. Foosha iyo dhalmada kaddib madheer (mandheer
meelaha qaar)
iyo gubo ayaa ka soo baxa. Inta uu gubuhu ku jira
ayaana la dambariyaa. Dambar - caanaha cusub.
Lo'da.
Lo'da waxaa loo qeybiyaa: Dibi iyo sac - labkeeda
iyo dhadiggeeda.
Dibi qoodh ah iyo dibi baqay ah - sangeey ah. Dibigu
wuu qooqaa
lo'da ayuuna boodaa ama saartaa amase fuula oo
rimiyaa.
Sacuna wuu jaleeloodaa oo luga-dagaa. Maqasha lo'da
waxaa loo yaqaannaa: weylo kuwa aadka u yaryarna
waxaa loo yaqaanna: asharoo. Lo'da qaalmaheeda waxaa
loo yaqaannaa: aalo ugubna waxey kala mid tahay
xoolaha kale. Sida hashu waa ugub iyo sacu waa ugub.
Lo'du wey barqataa oo waa la maalaa laakiinse xaf
ayey u badan tahay ee xigta geela ayaa caan ku ah,
eeg oo akhri gabayga Cabdullaahi Macalin Axmed -
Dhoodaan. Qaalinta lo'da ah wey gorisaa. Saca weyna
wuu dheysiyaa oo candho-keenaa sida xoolaha kalaba
loogu adeegsada eray-cilmi-taraneedkan.
Codka Lo'da.
Sacu wuu ciyaa sida riyaha oo kale balse wuu ka cod
duwan yahay.
Dibugu wuu faagtaa wuuna dinnaahyeeyaa -qooq
daraaddii.
Labadooduna wey cabaadaan marka uu bahal cunaya sida
geela oo kale.
Ariga (Adhiga).
Arigu waxaa loo qeybiyaa: riyo iyo ido.
Riyuhuna waxaa loo qeybiyaa: Ri iyo orgi. Orgiga la
tumay ama dhufaanka ah waxaa la dhahaa sogob
dhufaanna gobolda qaarkood ayaa looga yaqaannaa.
Midda dhaddig iyo midka labka ah - labood iyo
dhaddigood - orgi iyo ri.
Ridu wey qalaaddaa - orgootaa orgiga ayaan ku
qoobaada oo saarta ama fuula amase buuda. Ma
cabaadda ee wey eedaantaa marka ey xanuunsata.
Ridu wey jaleelootaa oo luga-dagtaa. Ceesaantu -
midda yar, wey carisaa. Rida weyna wey dheysisaa.
Idaha waxaa loo qeybiyaa : wan iyo lax. Sabeentuna
waa laxda yar. Iduhu wey asoollaan; sabeentuna wey
kuulisaa marka ey rimayga koowaad tahay, balse laxda
weyn wey dheysisaa sida xoolaha kale. Qeybahan aan
sare ku xusnay ee xoolaha ah waxaa laysku dhahaa:
saddaxda-caana-macaan - geela, ariga iyo lo'da.
Erayga maqalna waxaa loo wada adeegsadaa ilmaha ay
saddaxdan qeybo-xoolaad dhaleen, waloow badhaadh ama
baraar idaha uu u gaar yahay asharoona lo'da.
Waxaase xusid mudan eray-cilmiyeedka goobaha xoola
lagu xafida. Moora geela ayaa lagu xereeyaa. Xerana
lo'da iyo aragaba ayaa wadaagaan. Qab waa meesha
waxaraha ariga lagu xereeya edagna waa meesha
weylaha lagu xereeya. Geela waa la ragaadiyaa marka
ey qodax mudda. Eeg gabayga Abwaan Daahir Cali Nuur.
Aragase waa la faraa, fadhaa, ama la qodxiyaa sida
gobollada qaarkood looga yaqaan.
Gammaanka.
Gammaan waxaa laysku yiraahdaa fardaha, dameeraha
iyo baqashaba.
Waxaase gammaan gaar ahaan loogu yaqaannaa fardaha
oo kaalin muhiim ah noloshii Soomaalidii hore kaga
jiray. Waxaa kaloo gammaan loo yaqaannaa faraska
labka ah markanna dhawaaqa erayga ayaa is-baddala.
Balse luuqaddeenna hooyo oo horumarin u baahan
awgeed qaab wacan oo qofka aan Soomaaliga aheyn uu
ku baadi sooca ma jira wakhti-xaadirka balse waa la
sameyn karaa haddii qaran la helo.
Geenyo waxaa loo yaqaannaa faraska midkiisa dhaddig.
Gammaaku ama gammaantu wey ama wuu dananaa oo lama
oran karaya wey ama wuu yeerayaa ama ciyayaa. Balse
dammeerku wuu ciyaa. Eeg oo akhri beydkan - "Muxuu
cay dameer igaga dhimi, wayska ciyayaaye". Waxaan
filayaa inuu tiriyey abwaan Cali Oday mase huba ee
hadduu abwaan kale tiriyey waan ka cudurdaaranayaa.
Dameerka midkiisa dhaddig waxaa la dhahaa: dameer
dhawaaqa ayaanad ka garan kartaa midka labna muun
ayaa la dhahaa.
Halkaa ha noo joogta maanta .
F.G: Waxaad sugtaa maqaale kale
eray-cilmi-afeedka dhawaan
Idam Alle.
Waxaanse ka cudurdaaranayaa
wixi gef ah ee aan ka galay luuqadda
aqoon darro darteed, waayoo waxaan
wax ku bartay dalka Kenya oo Soomaaligu
ka yahay oral language balse aan la qorin.
Rag badan ayaanse la kaashaday eray-cilmi-afeedkan.
Waxaana mahad ballaaran aan u celinayaa mudaneyaasha
kala ah: Nuur Sheekh Khaliif, Cabdirashiid Suldaan
iyo Daahir
Shaafici oo gacan iga siiyey uruurinta erayadan kana
soo jeedaan
gobolka loo yaqaan Ogaadeeniya (Soomaali Galbeed).
Qore: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).
ayaandhalad5@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
22, 2007
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...
|