COLKA WARAF MA LAGU
DAYAY
Abdirizak Musanaf
musanaf2@yahoo.com
Colaadda u dhaxaysa soomaalida geeska Africa iyo
hoggaanka burcadda ah ee Ethiopia, waa colaad soo
taxnayd tafaha quruumaha tagay.
Markay sanado yaree seexato, islamarkiiba unkadka
ololkeeda ayaa dib u aloosmayay.
Damaca is ballaarinta ee damiirkooda dagay ayaa
markastaba u sheegayay inay mugdiga badda madow mar
uun soo taabtaan.
Hasayeeshee halgamaaga xaq u dirirka, hoggaankiisa
suubban iyo hankiisa wayn hubkiisu ha yaraadee ayaa
hor istaagay.
Markasta ethiopianku soomalida waa ka tiro iyo
tayaba badnaayeen, sababtoo ah, Ethiopia Somali ka
badan, quwadaha shisheeyuhuna waxay u aqoonsan
yihiin haraadiga masiixiyadda ee geeska Africa.
Halganka soo jireenka ah ee waligii ka dhexjiray
Somalida iyo Ethiopianka, kullligiis lama diiwaan
galin sidii ku habboonayd, laakiinse waxaa jira
sheekooyin badan iyo dhacdooyin raad leh oo
halgankaan ka haray, waxaana ka mid ah tan soo
socota.
Waxaa la sheegay waqti hore oo aan hadda la xadayn
Karin taariikhdiisa, ayey ethiopianku ku soo duuleen
soomaalida, oo ayagu markaas daggan geeska bari ee
fog ee dalka.
Dagaaladdii ayaa soomalidu aad ugu hoobatay,
sababtoo ah cadowgu waa ka tiro badan yahay, waana
ka hub wanaagsan yahay.
Raggii taladu ka go’day ayaa isasoo hor fariistay,
markaas ayaa la yiri rag Allow xaaladda waad u
jeedaane tala keena sidee nimanka isaga celinnaa! .
Markii hadalkii cabbaar la jiiday, ayaa nin asagu
aamusnaa hadlay oo yiri, ragoow COLKA WARAF MA LAGU
DAYAY.
Figraddaan ayaa raggii soo jiidatay, markaas ayaa
waxaa la diyaariyay labo col oo min labo boqol ah,
waxaana loo dhiibay warfo xargahooda aad loo soohay,
raggaanina waa rag aad loogu taba baray rididda
warafka iyo ku aaddinka dhagaxa cidda loo wado.
Raggaan ayaa waxaa la kala saaray labo buurood oo
hareeraha ka xiga halka la filayo in cadowgu ku soo
aaddan yahay.
Markii cadowgii barxadda dhexe marayo ayaa dhagaxaas
roobka lagaga dhigay, ciddii uu asiibo dhaguxu kuma
taqaan ama qof ha noqoto amase faraskiisee, adiguba
qiyaas dhagaxaasi xawliga uu ku socdo iyo cidda uu
madaxa ka haleelo.
Halkaas ayaa cadowgii si ballaaran dhulka u daatay,
markaas ayaa waxaa weeraray colkii seefaha iyo
warmaha ku hubaynsaa oo ayaguna diyaarsanaa,
maalinkaas ayaa Ethiopiankii sidii balkii loo
xasuuqay, sababtoo ah waxaa helay taagtiig dagaal oo
aysan marnaba iska jirin.
Baqtigii cadowga ayaa, xabaalo waawayn oo dhexda
laga qoday lagu qariyay, hadaba soomaalidu
waxyaalaha ay aaminsan tahay waxaa ka mid ah, in
qabuuraha faataxada lagu akhriyo, cawus qoyanna lagu
dultuuro.
Markii dhacdadaan ugu qaraan qarni laga joogay, ayaa
dadka xog ma qabtada ah ee meesha soo marayaaa waxay
bilaabeen inay faaxada ku akhriyaan.
Markaas ayaa nin taariikhdaan la socday waxaa uu ka
taagay tabbeelle caddaynaya in dadka meeshaan ku
aasan ay gaalo yihiin, sidaa darteed aan lagu akhrin
Karin faataxada.
Markaas ayaa waxaa loo bixiyay XABAALO FAATAXO, oo
ah magaca halkaas maanta loo yaqaan.
Maahmaahdaan (colka waraf malagu dayay) hadda waxaa
loo isticmaalaa waxa xalkooda la raadinayo laakiin
aan wali lahayn “war colka waraf ma lagu dayay”.
Abdirizak Musanaf
musanaf2@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
22, 2007
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...


|