SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga oo la soo gabgabeeyay

Ciyaar aad u xiiso badnayd oo ay isaga horyimaadeen Kooxaha Kubadda Koleyga ee FERO iyo OLYMPIC FITNESS CENTER ayaa ka dhacday garoonka kubadda koleyga ee Lugino degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho.

Ciyaartaan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa daawashadeedii ka qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow), Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Koleyga Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish), Guddoomiyaha Olympic-kada Soomaliyeed ee (GOS) Mudane C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkoow), Agaasimaha Hay’adda FERO ee Muqdisho Faadumo Olol iyo xubno ka tirsan Isboortiga Soomaaliyeed.

Kooxda kubadda koleyga ee FERO oo ahayd kooxdii kaga qaybgashay gabagabdii tartankaas Hay’adda FERO oo ah hay’ad la dagaalanta kana wacyigelisa Bulshada Soomaaliyeed Fididda cudurka halista ah ee AIDS-ka iyo gudniinka ficooniga ah, waxaana garoonka ay ka muujiyeen ciyaar wanaag iyagoo soo jiitay taageerayaashii ka soo qaybgalay ciyaarta oo aad u fara badnaa.

Inkastoo Kooxda FERO looga guulaystay 1-dhibic, kaddib markii ciyaarta ay ku dhammaatay 45-dhibcood oo ay keeneen Ciyaartoyda FERO; halka ay keeneen kooxdii ay wada ciyaareen ee OLYMPIC FITNESS CENTER 46-dhibcood.

Markii ay soo gabagabowday ciyaartaan oo xiiso badan ayaa waxaa hadal ka jeedyay halkaas Agaasimaha Hay’adda FERO Muqdisho. Isla markaana ah Xiriiriyaha ka hortagga HIV/AIDS iyo FGM ee Resource Center of HIV/AIDS and FGM Faadumo Maxamuud Ugaas (Faadumo Olol), waxayna sheegtay inay ciyaartii dhacday ay ahayd mid ay ku faraxsan tahay. Isla markaana qurux badan, Hay’adda FERO-na ay ku faraxsan tahay dadka ka soo qaybgalay oo aad u fara badnaa inay kaga digto fididida cudurka halista ah ee AIDS-ka iyo FGM-ka.

"Waxaan si weyn ugu faraxsannahay haddaan nahay Hay’adda FERO in dadweynaha ka soo qaybgalay tartanka oo fara badnaa aan gaarsiinno qoraallo wacyigelin ah oo aan uga digayno shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinta da’da yar khatarta uu leeyahay cudurka HIV/AIDS-ka iyo sidoo kale dhibaatada FGM ama gudniinka ficooniga ah ee gabdhaha" ayay tiri Faadumo Olol oo saxaafadda la hadashay kaddib dhammaadkii tartankaas.

Faadumo Olol oo sidoo kale ka hadashay kooxdii Hay’adda FERO uga qaybgashay tartanka ayaa waxay sheegtay in ciyaartoydooda ay uga mahadcelinayso sidii xiisaha lahayd ee ay u muujiyaan ciyaar wanaagga iyo adkeysiga, waxayna sheegtay in ciyaartoyda ay Hay’adda FERO ku leeyihiin abaalmarino, isla markaana ay qirayso FERO ciyaar wanaaggii ay soo bandhigeen.

"Ciyaartoyda FERO waxay ku guulaysteen ciyaar wanaag, waxaan taas qiray ka soo qaybglayaashii ciyaarta iyo sidoo kale madaxdii kala duwanayd ee ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xiriirrada kala duwan ee Sportiga Soomaaliyeed" ayay tiri Faadumo Maxamuud Ugaas (Faadumo Olol) oo ah agaasimaha Hay’adda FERO (Family Empowerment Relief Organization) xafiiskeeda Muqdisho, waxaana dhanka dhaqaalaha ka taakuleeya Hay’adda FERO hay’dda Mennonite Central Committee (MMC) oo muddo ka badan 40-sano ah ka shaqeyaysay Soomaaliya.

Faadumo Olol waxay sheegtay in ciyaartoyda FERO aysan ka niyad jabin badiskii laga badiyay, balse ay fiiriyaan guusha weyn ee ay gaareen oo ah inay dadweynihii ka soo qaybgalay ay u gudbiyeen halista Cudurka HIV/AIDS-ka oo ay ku caddeyd dharkii ay ku ciyaarayeen.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:002521-5573321

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2007


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH