SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MURAAYO NUUR CALI
Muraayo Nuur Cali oo Gaartey Minnesota, Halkaas oo lagu Daaweyn doono..
  • Rajada Nolosha Gabar Soomaaliyeed oo 11-jir ah ayaa Dib u Soo laabatay...

Soomaali tiro badan oo Sita Caleemo qoyan iyo boodhan ay ku xardhan yihiin erayo Xanbaarsan Dareen soo dhaweyn ayaa Isu Habar wacday si ay u soo dhaweeyaan Muraayo Nuur Cali.

Afar Sano kohor ayeey aheed markii Koox Waxma garata ah oo Hubeesan ay afduub teen Muraayo Nuur Cali oo Xiligaa jirtay 6sano Kadib mar kii ay ka soo baxday gurigeeda oo ku yaalay Xaafada Waabari ee magaalada Muqdisho.Iyada oo markaa Qoys keeda u doon tay in ay Sonkor uga Soo gado tukaan ku yaalay Xaafadooda.

Muraayo Nuur Cali Waxay kala kulantay Dablaydii Afduubatay Khibradii ugu Xumeeyed ee Abid soo marta 6jir Soomaaliyeed inta la ogyahay Taarhiikh da.Iyaga oo ay Nimankaa Hubeysani kula kaceen KUFSI aan loo aabo yeelin.

Muraayo waxay gacanta ugu jirtay Budhcada af duubatay muda 3sano ah, iyaga oo si naxdin leh u kufsanay maalin kasta ilaa ay uga tageen Meyd ahaan.Nasiib wanaag’se waxa la helay iyda oo nool waxaan a lagu soo ceshay gacantii Waalid keed.

Dadaal dheer iyo rajo raadin xoog le ka dib Muraayo Waxay maalintii Isiinta ee bishu aheed Feb 19,2007 5tii maqrinimo ka soo dagtay Madaarka Magaalada Rochester, Minnesota ee dalkan Makeekanka iyada oo lagu siday Diraaday khaas ah oo ka soo qaaday Magaalada Washington D.C.

Imaanshaha Muraayo waxa suurta galiyay Qoys Soomaaliyeed oo dagan magaalada Rochester, kadib marii ay xaaladeeda ka barteen aalada Internet ka oo lagu soo ban dhigay xaalada Caafimaad daro ee soo wajahaday Muraayo Nuur Cali oo dhaqaatiirta Soomaaliya iyo Africaba Xaqiijiyeen in Dhaawaceedu halis xoogle yahay isla markaana aan wax looga qaban Karin dalka Gudihiisa.



In kasta oo muraayo la soo Dagtay Dhoola cadeen balse way ka muuqatay Diifta Rafaadka la soo marsiiyay.Walow Soo dhaweeya yaashu ,Muraayo madaxa u saareen Taashka Boqortooyada hadana waxay u qalan tay uun, qaado mugeed waxa ka masixi kara qalbi jabkii loogeystay Saqiiradan aan waxba galabsan.

Mar aan aabeheed Nuur Cali oo la socday waydiiyay Dhibka ugu daran ee haatan haysta Muraayo waxa uu ii sheegay in ay yihiin Dhaawicii oo aan wali Bugsan iyo Maskaxda Gabadha oo wax gaareen naxdin tii awgeed.

Fursadan qaaliga ah in ay hirgasho waxa is ka kaashaaday Qoyska Soomaaliyeed, Qoskaas oo doorbiday in aan magacooda hada lagu soo bandhigin Saxafada, Mayo Clinic oo kafaalo qaaday Dhamaan Daryeekeeda Caafimaad, Mar aan wax ka weydiiyay inta ay qaadanayso Daryeelka caafimaad ee wax loogu qabanayo Dhibanahan ? Andrea Seymoursonnier oo ka tirsan Saraakiisha Mayo Clinic waxay ii sheegatay in ay qaadan karto ilaa 2sano inta guud ahaan lagu daween karo Muraayo xitaa marka lagu daro dhamaan Qalitaanka ay u baahan tahay.

waxa kale oo qeyb ka qaatay Xafiiska Senator Norm Coleman oo ka tirsan Aqalka Odayaasha oo isagu u hawl galay Da’da jinta iyo Fududeenta Dalku galka(visa) wadanka America iyo waliba Hayaada Women’s Hope (Rajada Dumarka) oo iya guna kafaalo qaaday dhamaan qarash ka ay ku timi ee dhinaca Duulimaadka.

Amina Costello oo ka tirsan urur Soomaaliyeed ee la yiraahdo Somali Women Civil war survives ayaa ii sheegtay in ay usu soo abaabulen sidii ay dareenka murugo iyo kan farxadeed ba ula qeybsan lahaayeen Muraayo Nuur .

Daqiiqado kahor intii aanay Soodagin muraayo waxa goobtaas hadalo guubabo iyo dhiiro galin ah ka jeediyay Cabdicazis Gacal oo muujiyay sida uu ugu faraxasan yahay Fursada 2aad ee Dhibanahan heshay. Waxaa isaguna haadalo kooban ka sheegay Maxamuud Wardheere oo ka socday xafiiska Senator Coleman oo shaaciyay hawshii loogalay xal u helida imaanshaha Muraayo. Isla goobtaas waxa hadal Dhiiro galin ah ka jeediyay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Rochester (Somali Community Resettlement Inc) oo isaguna balan qaaday in ay qeyb libaaxle ka qaadan doonaan Soo dhaweynta iyo Dib u dajinta Muraayo iyo aabeheed Nuur Cali.

Ugu danbeentii waxa halkaas Muraayo aabeheed lagu gudoon siiyay deeq lacageed oo ay ku deeqeen Haweenka Magaalada Minneapolis waxaana gacanta u gashay Ugaas Cumar Xiiray oo ka mid ahaa idheergarad kii ka soo qayb galay Soo dhaweenta.

Aqoon yahanadii iyo dadkii kale ee caanka ahaa ee ay wajiyadoo du ii muuqdeen waxa ka mid ahaa Fanaanada Sahra Siyaad, Xaawo Ayeeyo, Aqoonyahan Sheekhnuur Abuukar Qaasim, Ahmed IIkar Jesto oo ka socday Haayada Daryeelka Caruuta.

Muraayo Nuur Cali waxay ka mid tahay Malaayiin Dhibane kale oo soomaaliya oo aan wali Dhibkooda aan lasoo ban dhigin in wax loo qabto iskaba Daaye.

Muraayo qofkii raba in uu taageero waxa uu deeq lacageed ugu Dhigi karaa Bangi kasta oo Well Fargo ah meel kasta oo uu aduunka kaga yaal adiga oo ku hagajinaya

Murayo Trust Fund
Wells Fargo Bank
Account # 247-573-6001
Rounting # 091000019

Abdifatah Mohamed Abdinur
RSTV Rochester MN
abdifatah_7@hotmail.com


Feb 5, 2007

MURAAYO OO HESHAY IN LAGU DAAWEEYO DALKA MAREYKANKA.

Xarunta COGWO oo inta badan qaabilsan haweenka ayaa lagu qabtey xaflad lagu sagootinaayey Muraayo Nuur Cali oo aheyd gabar saddax sano ka hor magaalada Muqdisho kufsi loogu geystey.

Waxaana sagootintaani u sameeyey Hayadda COGWO waxaana ka qeyb galay masuuliyiinta hayadda COGWO, hayaddaha samafalka qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka. Halkaasi oo ugu horeyn warbixin ku saabsan xaalada Muraayo ka soo jeedisey Agaasimaha Hayadda COGWO Nuurto Sheekh Axmed oo sheegtey in gabadhaani la kufsadey 3/ March /2002-da 11,00 AM waxaana kufsadey nin,oo gabadhaasi u geystey dhaawac halis ah asagoo isku furey kaadida iyo saxarada.

Intii ay warbixinta ay jeedineysey Marwo Nuurto ayaa dadkii ka qeyb galay aad uga naxeen dhibaatada loo geystey gabadhaani ayna sheegtey in mudadii ay gabadhaasi ay xanuunsaneyd ay xanaaneeyteeda ay qeyb weyni ka qaadatey hayadda COGWO.

Nuurto waxay sheegtey ini ay jaaliyada Soomaali ee ku nool Minnesota ay u fidiyeeyn gargaar balaaran oo keenay in gabadhaasi loo qaado dalka Mareykanka waxaana lagu daaweynayaa Muraayo isbitaalka la yiraahdo Mayo Clinic Rochester waxayna ay sheegtey Nuurto in si gaar ah ay gacan ugu geysteen qoys Soomaliyeed oo is qaba iiyo haweeyney kale oo Mareykan ah.

Nuurto Sheekh Maxamed waxay sheegtey in jaaliyada Soomaliyeed ee Mareykanka ah ay balan qaadeen in ay bixinayaan qarash ku baxaya Muraayo iyo aabaheed Nuur Cali inta ay ka tagayaan dalka Mareykanka.

 

Nuurto waxay u mahad celisay intii gacanta u geysatey gabadhaasi waxayna si gaar ah u mahadcelisey Bahda warbaahinta gaar ahaan kuwii gaarsiiyey dhibka gabadhaasi Soomalida dalka dibadiisa iyo gudahiisa sida Yaasmiin Mayow Maxamed, Amiin Yuusuf Khasaaro, Salaad Iidoow Maxamed (Xiis) iyo Qamar Salaad.

Xasan Sheekh Maxamed oo ah masuuliyiinta CRD oo ka Hadley sagootinta Muraayo ayaa waxaa uu u mahad celiyey dhamaan intii gacanta ka geysatey helitaanka daawada Muraayo.

Waxaa uuna hayadda COGWO gudoonsiiyey lacag gaareysa 1500 oo doolar oo ay iska soo aruuriyeeyn shan hayadood.

Waxaa kaloo halkaasi ka Hadley Aabe Nuur Cali oo ah aabaha dhalay Muraayo waxaa uuna u mahadceliyey Jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool Mareykanka gaar ahaan Minnesota iyo intii kale gacanta ka geysatey gabadhaasi inay badbaadiyaan.

Gabadhaani ayaa waxa baaritaan ku sameeyey dhowr dhaqaatiir oo dhamaantood qaabilsan cudurada haweenka oo dhaamantooda sheegay in dalka gudihiisa ee aan waxba looga qaban Karin xanuunka haaya Muraayo waxaana Muraayo hore u sii raacaayo xubin ka tirsan hayadda COGWO.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2007


Agoosto 2006

Muraayo Nuur Cali oo 10 sano jir ah waxay la xanuunsaneysaa dhaawac culus oo ka soo gaaray nin kufsaday iyadoo 6 sano jir ah...


Muraayo Nuur Cali

Goor Barqo ah ayaa Muraayo Nuur Cali oo xiligaas 6 sano jir ahayd waxaa kufsi fool xun u geystay nin ku sasabtay lacag duuduuban oo uu gacanta ku heystay xili ay reerkeeda dukaan wax uga soo iibineysay, kaasi oo si qasab ah u xoogay, kadibna isu faruuray.

Ninkaas arxanka daran markii uu gabadha sabiga ah sidaas u galay wuu ka cararay, waxayna Muraayo N. Cali ka soo baxday iyadoo oyneysa oo dhaawac culus ah guri jajaban oo ku yaala Demada Waaberi, gaar ahaan Buundada koowaad hoosteeda, dhiig badanna ka socdo, kadibna waxay dadkii deriska ula carareen goob ay ku ogaayeen Haweeney Umuliso ah bal si ay cirbad dhiig joojin ugu dhufato ama ay wax uga qabato dhaawaceeda, hayeeshee Umulisadii waxay sheegtay in dhaawaca gabadha gaaray uu culus yahay, isla markaana aysan waxba ka qaban karin.

Kadib waxaa loola cararay Dr. Ibraahim Gaandi oo ka howlgala Isbitaalka Al-Furqaan ee Magaalada Muqdisho, mar kale ayay arrinta sii murugtay kadib markii uu dhaqtarka sheegay in dhaawaca uu culus yahay, isla markaana uusan waxba ka qaban karin, hayeeshee waxaa uu u qoray dawo dhaawaceeda lagula tacaalay iyo warqad uu ku cadeynayo dhaawaca gaaray iyo in aan dalka gudahiisa wax looga qaban karin.

Gabdhan sabiga ah waxaa kiiskeeda gacanta ku hayo Dalladda Haweenka COGWO oo Muqdisho ka howlgasha, waxayna ku wadaan nafaqeyn si jirkeeda u soo koro, waxayna soo hayeen muddo 4 sanadood ah oo ay daweyn la raadinayeen ilaa aakhirkii ay dhaqaatiirta ku takhasusay Cudurrada Haweenka ay u sheegaan in ay Muraayo Yarey u baahan tahay Qalliin iyo daweyn lagula soo sameeyo dalka dibaddiisa.

Aabaha dhalay Muraayo oo lagu magacaabo Nuur Cali ayaa sheegay in gabadhiisa markii uu dhibka gaarayay loo diray saliidda cuntada lagu kariyo, wuxuuna sheegay in markii ay gabdhiisa sii maqneyd muddo 30 daqiiqo ah uu maqlay dad ku qeylinaya magaciisa “Nuur…Nuur”, kadibna markii uu guriga dibadda uga soo baxay uu arkay gabadhiisa oo la sido, dhiig badanna uu ka baxayo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qoyska gabadhan waa mid danyar oo hadana aan ka mid ahayn beelaha hubeysan haddiiba ay xaqooda xoog ku raadsan lahaayeen. Sidaas darteed cid kasta oo gacan ka geysan karta in gabadhan daweyn dibadda ah loo helo, waxay la xiriiri kartaa ciddii caaweineysa Dalladda Haweenka COGWO oo lagala xiriiri karo.  

Drs. Nuurto Shiikh Maxamed  
Tel: 002521-280889  
E-mail: nurtabella@yahoo.com

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com ama

amiinkhasaaro@yahoo.com 

Aug 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH